SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: June 3, 2003 

mahuraan
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...
 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Buuq ka taagan Maamulka Jijiga
  • Ø Ciidamada Itoobiya oo dad badan Xabsiyada u taxaabay.
  • Ø Khilaaf soo kala dhax galay Masuuliyiinta Ururka ANDM.
  • Ø Duqa magaalada Adisababa oo uhan jabay Shaqaalaha Dawlada Hoose.
  • Ø Gudiga Xaqiiqa raadinta uu dib ugu laabanaya Magaalada Nairobi.
  • Ø Barnamijkii Halgan iyo halgame oo aanu kaga hadlayno Taariikh Halgameedka Ogaadeeya iyo Suugaan halgameed.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis Buuq ka taagan Maamulka Jijiga.

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jijiga ayaa sheegaya Buuq aad u ba,an oo ka taagan maamulka ay Itoobiya ka dhisatay Magaalada Jijiga. Buuqan ayaa wuxuu ka danbeeyay kadib markay Xukuumada wakhtigeedii dhamaday ee Itoobiya soo saartay sharci ay ku sheegayso in uusan wax xil ah ka qaban karin maamulka ay ka dhisatay Ogaadeenya cid ka soo shaqaysay wadanka Soomaaliya. Talaabadan oo xadgudub ku ah Xuquuqda Muwaadinka Ogaadeenya u dhashay, ayaa waxaa xilalkoodii ku waayay 42 Xildhibaan oo ka tirsanaa Barlamaanka Jijiga iyo koox kale oo hayay masuuliyado kala duwan oo maamulka ka mid ahaa.

Talaabadan jahawareerka ah ee uu qaaday ninka horjoogaha ka ah Xukuumada Itoobiya ee Melis Zenawi, ayaa waxaa maamulka lagaga sifaynayaa dadka aqoonyahanka ah ee ka dhex muuqda maamulka dhoodhoobka ah ee Itoobiya ka dhisatay Ogaadeenya. Waxay kalooy talaabadan hordhac u tahay Qorshaha Itoobiya ee ah in ay Ogaadeenya ku soo rogto Xukun dagdag ah oo ay ciidamadu maamulaan. Warar laysla dhexmarayo oo ka soo baxay Xukuumada Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in ay Xukuumada Itoobiya qorshaynayso in Sargaal ciidamada ka tirsan loo magacaabo maamulka Ogaadeenya oo ay hada si toos ah iyo si dadbanba u maamulaan.

Ciidamada Itoobiya oo dad badan Xabsiyada u taxaabay.

Wariyaha Radio xoriyo ee Magaalada dhagaxbuur ayaa noo soo tabiyay dad badan oo lagu xidhxidhay Dagmooyin ka mid ah Ogaadeenya. Ciidamada Itoobiya ee ku caanbaxay cadaadiska iyo wax yeeleenta Shacabka Ogaadeenya ayaa waxay wali sii wadan weerarkoodii bahal nimo ee ay ku hayeen Shacabka dulman ee Ogaadeenya. 20/5/03 Degmada Birqod waxy Askarta wayaanuhu ku kufsadeen gabadh Uur 7/bilood ah leh, oo magaceeda la yidhahdo: Xaliimo Xaashi. Gabadhaas ayay ciidamadu kufsadeen ayadoo ku sugan meel magaalada u muuqata, xaalada Caafimaad ee gabadhaas ayaa aad looga dayrinayaa waxaan laga cabsi qabaa in Ilmuhu wakhtigiisii ka soo hormaro.

dhinaca kale Waxay Askarta gumaysiga Itoobiya xabsiga kala baxeen, oo ay jidhdil iyo kufsi u gaysteen Laba Gabdhood oo mudo dheer Xabsiga Magaalada Qabri-Dahare ku jiray, waxayna kala yihin.: 1- Aamino-zahra iyo 2- Nimco Cali, talaabadan waxashnimo ayaa waxay ciidamada Gumaysiga u noqotay mid ay caadeeysteen.

Dabayaaqadii Bishii hore waxay ciidamada dulmiga lagu yaqaano ee Itoobiya Xabsiga ku yaala Gosolaley oo ka tirsan Dagmada Dhagax-Buur ee Gobolka jarareed u taxaabeen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan. Dadkaas ayaa lasheegayaa in ay ciidamada Itoobiya u xidh xidheen Hab ay dhaqaale uga helaan, iyaga oo ku eedaynaya in ay taageersan yihiin Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya. Waxaana ka mid ah dadkas.

  1. Cabdi Halac Cabdi Weli
  2. Afdayl xassan Baddel
  3. Muuse Xaasan Badel
  4. Fatxi Macalin Cali
  5. Muuse Ibraahin.
  6. Mohamed Nuur
  7. Haybe Ibraahin
  8. Kayd Ahmed Nuur.
  9. Cabdi Xussein
  10. Carab Xassan Gurux
  11. Cabdi Kaafi iyo
  12. Xaashi Ismaaciil (gadhjeex)

26.05.2003 waxaa Magaalada Dhagax-Buur lagu xidh xidhay dad aad u badan oo ay kamid

  1. Cabdi-fattaax Xassan Carab.
  2. Ahmed Khaliif Cismaan.
  3. Xassan Dhicis.
  4. Sheekh Mohamed Koosaar iyo
  5. Xayyi Xassan Ibraahin.

28.05.2003 waxay Ciidamada Itoobiya ee Saldhigoodu yahay Magaalada Q/daharre Xabsiga u taxaabeen, Odayadii iyo culimadii gobolka Qoraxay ugu caansanaa, ooy tiradoodu gaadhayso 40 Aaqil.

Odayadaas ayaa waxay ku hawlanaayeen siday Nabad galyo u dhex dhigi lahaayeen Beelihii dhawaan ku dagaalamay Dagmada Salaxaad. Talaabadan ay Ciidamada Itoobiya ka qaadeen Odoyaasha ayay ku doonayaan in ay ku curyaamiyaan dadaalka loogu jiro in khilaafka beelahaas la soo afjaro, waxyna doonayaan in uu waligii sii jiro khilaafka ka dhaxeeya dadka walaalaha ah ee ay Gumaysato, si ay cimri dheerar ugu sii hesho gumaysiga ay ku hayso Shacbiga Soomalida Ogaadeenya, Odoyada Xabsiga loo taxabay waxaa ka mid ah.

  1. Sheekh Daahir.
  2. Xusein Cabdi Guraase.
  3. Cabdi Ahmed Xaashi iyo
  4. Shekh Mohamed Xikam.

16/5/03, Garbo waxaa lagu xidhay, dad ay ka mid yihiin:

  1. Muxumed Saafi Cabdi.
  2. Kamaal Sarhaye Aguule.
  3. Tamaan Ahmed Sahal.
  4. C/qaadir Cabdulaahi Xaaji.
  5. C/garaad Xassan Xaaji.
  6. Deex Ibraahin Xaaji.
  7. Mohamed Cabdi-wahaab.
  8. Cabdi-xaashi Odawaa (gaaruun).
  9. Mohamed-bisle Mohamed Yuusuf iyo
  10. Sheekh Cabdulaahi Dheere.

Dulmiga ciidamada Gumaysiga ayaa maalinba maalinta ka danbeeysa sii badanaya. Waxayna talaabadan uga jeedaan in ay dadka ku nugleeyaan oo ay cabsi galiyaan, balse waxaa hubaal ah in uusan nina xaqiisa uga leexaneeynin cadaadis iyo cabsi galin.

Khilaaf soo kala dhax galay Masuuliyiinta Ururka ANDM.

Warar xogogaal ah oo aanu ka helay Magaalada Adis Ababa ayaa waxay sheegayaan khilaaf soo kala dhex galay Masuuliyiinta Ururka ANDM oo ka tirsan isbahaysiga EPRDF. Khilaafkan ayaa wuxuu ka danbeeyay balan qaad jagooyin oo uu u balan qaaday kaligii taliye Zenaawi qaar ka mid ah masuuliyiinta ururkaas. Balanqaadkaas ayaa wuxuu shuruud uga dhigay in ay Xisbiga ka saaraan Dawit Yohanis oo ah Afhayeenka Barlamaanka Gumaysiga Itoobiya iyo Wasiirka Tacliinta Genet Zewde. Labadan masuul oo ahaa raga ay xaga siyaasada isugu dhawaayeen Melis Zenaawi ayaa waxuu ku tuhmay inay gacansaar la leeyihiin raga xukunkiisa kasoo horjeeda. Dhawaan ayay Booliska Magaalada Adis Ababa su, aalo ku saabsan musuqmaasuq waydiiyeen Afhayeenka Baarlamaanka Dawit. Waxaa la tuhunsanyahay haduu talaabadan ku guulaysto Zenaawi in uu nimankaas xilka ka xayuubin doono kadibna xabsiga u taxaabi doon.

Duqa magaalada Adisababa oo uhan jabay Shaqaalaha Dawlada Hoose.

Duqa magaalada Adis Ababa Arkebe Uqbay oo u dhashay qabiilka Tigreega ahna nin ay aad isugu dhawyihiin kaligii taliye Malise Zanaawi, ayaa go’aansaday in uu ka eryo xidhana qaar kamid ah shaqaalaha dawlada hoose ee magaalada Adis Ababa, Kadib markii uu ogaaday in ay qabanqaabinayaan mudaharaad ka soo hor jeeda maamulkiisa iyo siyaasada dawlada Meles, isaga oo ku hajnabay in uu shaqada ka eryayo oo uu xidhxidhayo qof kasta oo lagu tuhmayo in uu ka soo hor jeedo siyaasda Zanawi. Ma,aha markii ugu horeesay ee uu Arkebe kaladiro shaqaalaha dowlada hoose ee Adis Ababa, Waxaana la ogsoonyahay in uu shaqada ka eryay 1500 oo ka mid ahaa shaqaalaha dawlada hoose Bishii Marso ee sanadkan aan kujiro, wakhtigaas oo ku beegneed xiligii uu la wareegay xilka duqa Magaalada Adis Ababa.

Gudiga Xaqiiqa raadinta uu dib ugu laabanaya Magaalada Nairobi.

Warar aanuu ka soo xiganay Qoraxay Online ayaa sheegaya in Xubnaha Gudiga xaqiiqo raadinta ee ku sugan wadanka Soomaaliya ay dib ugu laabanayaan Caasimada wadanka Kenya ee Nairobi.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Gudigan oo ku kala baahsanaa Gobolada Dalka Soomaliya ay ku soo laabten Magaalada Muqdisho 02.06.2003 halkas oo ay uga sii anbabaxayeen Magalada Nairoobi.

Gudigan oo horey u booqdey gobalada Banaadir, Bay, Jubada Hoose ,Hiiraan, Mudug,Bari iyo Nugaal ayaa waxa u dhimanaa Gobolo iyo dagmooyin ayna wali gaadhin oo laga sugayay.

Socdaalkan dagdaga ah ee soo galay gudigan ayaa waxuu ka danbeeyay, Gudiga IGAD oo sheegay in la soo dadajinayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka socda wadanka Kenya, sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in ay wada tashi u yimaadaan, lana dhagaysto warbixinadii ay ka soo diyaariyeen Goboladay tageen si wax loogu qayybsado.

Radio Xoriyo

03.06.003

Dhoodi Danwaa

radioxorio@yahoo.com
  
radioxorio@yahoo.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD