DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Wararka Ogaadeenya
|
Wararka Ogaadeenya
Warkii Radio Xoriyo : 22 Julay,2003
Warka Madaxdiisii
-Shir ay isugu yimaadeen Xubnaha Jaaliyada Norway
-Maxakamad ay Dawlada wayaanuhu saartay madax sar sare oo wax dambi ah lagu
waayay
-Sadex Safiir oo Ethiopia ka Baxsaday
-Seyoum Mesfin oo loodiiday Lacag uu Bangiga Switzerland Dhigtay.
Warkii oo Faah faahsan
Shir si aada loo so Abaabulay oo ay ka soo qayb galeen Xubnaha Jaaliyada reer
Ogadenia ee Norway ayaa ka dhacay
Magaalada Oslo Taariikhdu markay ahayd, 19 Julay,2003. Shirkaas oo wax yaabo
badan lagaga wada hadlay ayaa waxaa kamid ahaa.
1-Dardargalinta hawlaha Jaaliyada
2-Wadciga siyasadeed iyo midka nolaleed ee kajira Ogadenya,
3-Hor umarinta Halganka
4-Iyo Sii Xoojinta Xidhiidhka ka dhaxeeya Jaaliyada reer Ogadenya ee Norway iyo
Jaaliyadaha kale.
Waxaa kale oo shirkan lagaga wada hadlay, sida bini aadminimada kabaxsan ee uu
ula dhaqmo Gumaysiga Itoobiya shacabka reer Ogadenya, Gaar ahaan gabdhaha,
Waxaana tusaale ahaan loosooqaatay Asli oo kamid ah Gabdha reer Ogadenya ee
loogaystay xadgudka, oo ay kufsadeen CCGI ee kusugan gudaha Ogadenya hadana ku
ildaran meel kamid ah Somalia, dhibka Asli kudhacay waxa uu kamidyahay
dhibaatooyinka heesta dhamaan shacabka reer Ogadeniya. Waxaa shirka afkaartooda
kadhiibtay ururka haweenka reer Ogadeniya ee Norway oo muujiyay hadafkoofda
siyaasadeed iyo sida ay uga Go,antahay Xoriyad Gaadh siinta Shacabka reer
Ogadenia. shirkaas oo ay ka soo baxeen Go,aamo wax ku ool ah kuwaas oo ahaa
sidan
1-Kahortaga iskudirka gumaysigu ka dhaxwado shacabka reer Ogadenya.
2-Sii xoojinta Halganka Muqadaska ah ee ay majaraha u hayso JWXO iyo
3-In shacabka reer Ogadenya ee kunool Norway ay sii laba jibaaraan dadaalkooda
ku aadan Halganka.
Waxaa sidoo kale Shirka lagu Canbaareeyay Gumaysata Itoobiya iyo falalka wax
shinimada ah ee ay CCGI kula dhaqmaan shacabka Reer Ogadenia. ugu dambayntii
shirku wuxuu ugu baaqay dhamaan shacabka reer Ogadenia in ay meel ooga soo wada
jeedsadaan Gumaysiga Itobiya.
---------------------------------
Wariyaha Radio Xoriyo uga soo Warama Adis-Ababa
Qamaan Xirsi ayaa inoo soo sheegay Dad Jagooyin Sare ka hayn Jiray Itoobiya
oo Maxkamad la saaray
Maxkamad siyaasi ah oo loo diyaariyay Dr. Cabdi Aadan oo horay u ahaa wasiir
kuxigeenka wasaarada Caafimaadka, wasiirkii hore ee gaashandhiga Siye Abraha
iyo walaashii Timinit oo mudo gaaban wasaarada Caafimaadka ka shaqayn jirtay,
ayaa xukuntay in aynan dadkaasi wax danbi ah lahayn, hasayeeshee dad xog ogaal
ah ayaa sheegaya in arintani ku lugleedahay arimo siyaasadeed, waxana la
siidaayay Timinet Siye, Dr Cabdi Adana wax dambi ah waa lagu wayay, hasayeeshee
waxayna maxakamadu diiday in la siidayo Siye Abraha oo ay maxkamadu sheegatay,
in loo haysto danbiyo kale oo aan lacadaynin.
Warar aanu kahelay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay baxasashada
Diplomasiyiinta Ethiopianka ah ay aad usii kordhayaan baryahan danbe. Dad ku
dhadhaw wasaarada arimaha dibada ayaa waxay sheegayaan in 3 safiir oo u kala
fadhiyay wadamada Keniya, Koonfur Afrika iyo New York ay amar diido sameeyeen
kadib markii lagu amray in ay wadanka soo galaan ilaa iyo hadana aan wax war ah
laga helin, taas oo u muuqata in ay baxsadeen. Dhawaan mar uu wasiirka arimaha
dibada ee Ethiopia Sayum masfin uu lahadlayay Barlamaanka ka, waxa u u sheegay
in ay diplamaasiyiinta wadamada loo diray lagu soo xulay aqoon, hasayeeshee ay
aad u yar yihiin inta ka soo baxda hawshii loo xil saaray , waxa kale oo uu
intaa raaciyay in ay iloobeen wadninimadii oo ay ku mashquulsanyihiin dana
shaqsiyadeed
Iyada ooy baryahanba Madaxda dawlada wayaanuhu u kala baratamayeen sidii ay
hantida dadwaynaha u dhici lahaayeen, ayaa Warar aanu kahelay ilo lagu
kalsoonyahay waxay sheegayaan in uu Seyoum Mesfin dhigtay bagiga Switzerland
lacag gaadhaysa 1 Milyan oo Dollar. Hasayeeshee kadib markii la,ogaaday ayuu
raisul wasaare ku sheega Ethiopia amray in baadhis lagu smeeyo lacagtaas. Dadka
arintan u dhuun duleela ayaa waxay sheegayaan in ay lacagtani taalay bangiga
mudo kabadan 4 sano, waxaana lagu wareejiyay masuuliyada lacagtaas laba nin oo
uu kalgii taliye Males soo magacaabay oo lakala yidhaahdo Gebre iyo Muligeta
Alamsaged. Wararku waxay intaa kudarayaan in sadex kale oo saraakiil sar sare
ah oo TPLFta katirsan ayagana koontadoodii laxidhay, sidoo lacagayow kale oo
TPLFta utaalay Bangi laga leeyahay Sacuudiga ayaa hanti dhowr loo diray.
Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Adis-Ababa
-----------------------------------
Dhagaysta yaal warkii oo aad kadhagay sanayseen
Radio Xoriyo Codkii Shacabka Ogadenia Caawa waa naga intaas
Dhoodi Danwaa
Radio Xoriyo, 22 Julay,2003
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|