SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Wararka Ogaadeenya

KAAH

 

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 15 Julay,2003

Warka Madaxdiisii

-Jabkii CCGI,oo Sii kordhaya
-Abdirashiid Duulane oo Xilkii Laga Xayuubiyey
-Wakiilka Itoobiya ufadhiyay Boosaaso oo La Weeraray
-Culays viso oo lagu soo rogay Madaxda Itoobiya iyo shaqaalaha Safaarada USA ee Adis Ababa
-Malise Zenawi oo kabaxay shirka AU da ee Maputo.
-Kenya oo Sheegtay in ay Dhex Dhexaadin Itoobiya iyo Soomaliya


Warkii oo Faah Faahsan

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama CWXO,ayaa noo soo gudbiyay Warbixin ay Jwxo,14 July,2003,ka soo saartay Xarunta Dhexe JWXO,Waxayna ku bilaabatay sidan.

Sida aan la wada socono Ogaadeenya waxaa ka socda Halgan adag oo uu Shacbigu ku doonayo Madax Banaani uu ka helo Itoobiyada Gumeysata. Halgankaas oo Majaraha Siyaasadeed iyo Midka Milatariba ay u hayso Jwxo,wuxuu galay Xili aan la qara! n karin oo uu hiigsanayo Himilooyinkiisii.CWXO,oo Dagaal Joogto ah kula jira CCGI,wuxuu Dagaaladaas 6dii bilood ee la soo dhaafay ka soo hoyiyey Guulo wax ku ool ah.

Ogaadeenya waxaa Mudadaas ka dhacay 38 Dagaal oo dhex Maray CWXO iyo CCGI. Dagaaladaas Waxaa CGI, lagaga dilay 225 Askari,waxaana lagu dhaawacay 496 Askari,Waxaa lagu Gubay 13 Gaadhi oo isugu Jira Kuwa Gaashaaman iyo Noocyada Kale ee Gaadiidka. Dagaaladaas Waxaa Ciidanka Doolka ah ee Gumeysiga Itoobiya lagaga furtay Hub iyo Saanad kala duwan.Waxayna CWXO niyad jab ku rideen Ciidamada qobtolka ah ee awalba caga jiidka ahaa.

Ibraahin Jeefad
Radio Xoriyo
Xarunta Jwxo,Ogaadeenya

-
-----------------------------------------

Madaxii Maamul Ku Sheega Ogaadeenya Abdirashiid Duulane oo Xilkii Laga Xayuubiyey

War uu noo soo diray Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga Soo Warama Magaalada Adis-Ababa Qamaan! Xirsi ayaa Sheegaya in khilaafkii u dhaxeeyey Maamulka maqaar saarka ah ee Jigjiga dhexdiisa iyo CCGI, uu heer adag Gaadhay kadib markii ay Gudiga Fulinta ee Maamulkaasi Shir aan Caadi ahayn isugu yimaadeen 10 Julay,2003,lagana Xayuubiyey Xilkii Abdirashiid Duulane, oo ahaa Madax waynaha Maamul kusheega jigjiga.

Sida Warar Radio Xoriyo ka soo Gaadhaya illa Xog ogaal ah ay Sheegayaan laga bilaabo 10 Bishan Julay,2003 waxay Gudiga Fulinta, wakiilka Males Zinawi ugu Qaabilsan Maamulkaas iyo CCGI,ba ku mashquulsan yihiin sidii ay Xubnaha Maamulkaas uga soo Xulan lahaayeen cidii ay ku badali lahaayeen Abdirshiid Duulane,isagoo ah ninkii ugu danbeeyey ee si aan Sharci ahayn looga Xayuubiyo xilka Madax tinimada Waxa ay ugu Yeedhaan Kililka 5 nad.

Tan iyo Sanadkii 1991-kii oo ahayd Xiligii ay EPRDF-tu Kala Wareegtay xukunka Mingiste Xayle maryan, ayaa Maamul Walba oo loo Sameeyo Ogaadeenya uu ahaa, mid ay Itoobiya hab fool xun oon sharciga waafaq sanayn lagaga qado Xilka Madaxiisa, iyada oo aad moodaysay in ayna kuwa Maamulkaas qabanaya wax ku qaadanin dharbaaxadii ku dhacday saaxiibkii isaga ka horeeyey.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Adis-Ababa

---------------------------------------------

Wakiilkii Itoobiya ee Puntland oo Boosaaso Lagu Weeraray

Warar isku dhafan oo uu noo soo diray Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo Warama Soomaliya Axmed Yare Calasoow, ayaa sheegaya in wakiil kii Itobiya ufadhiya Puntland lagu weerary gurigiisa oo kuyaala Magaalada Boosaaso, oo Xarun u ah Ismaamul Gobaleedka Puntland. Warku wuxuu intaa ku darayaa in dadka Weerarkaas gaystay aan la garanaynin meesha ay ka yimaadeen,Cida ay yihiin iyo Cida ka danbaysay in ay Weerarkaas Fulayaan. Hasa yeeshee Ciidamada Booliiska ee Ismaamul Gobaleedka ayaa sida ay Sheegeen Baadhitaan ku haya sidii ay u ogaan lahaayeen cidii Hawl Galkaas ka danbaysay,iyadoo ay arintani tahay mid! ii nooceeda ah ee Magaaladaas ka dhacda ee ugu horaysay. Itoobiya ayaa Fara Galin Siyaasadeed iyo Mid Milatariba ku haysay Arimaha gudaha ee Soomaalia.

Safaarada Maraykanka ee Adis-Ababa oo Ka Fiirsanaya Fiisooyinka ay Siint Jirtay Shaqaalaha Itoobiyaanka ah ee u Shaqeeya

Safaarada mareykanka ee Adisababa ayaa go'aansatay in aysan shaqalaheeda itoobiyaanka ah ku caawin doonin mar dambe in ay helaan VISA ay ku tagaan mareykanka. Go'aankan ayaa soo baxay ka dib markii ay baxsadeen dhowr ka mid ah shaqaalaha safaarada mareykanka ee addis ababa oo ah itoobiyaan. warar la xidhiidha go,aankaas ayaa sheegaya in mareykanku uu ka wal walsanyahay baxsadka badan ee ay madax Itoobiyaan ah oo VISOOYIN la siiyay ay iska dhiibayaan dalka dibadiisa.Tusaale ahaan waxaa dhowaan baxsaday guddomiyaha guddiga arrimaha dibbeda ee barlamaanka federaaliga Itoobiya oo la yiraahdo Zekaria Lingeso oo iska dhiibay dalka Ireland. Waxaa kale oo baxsaday gudoomiyaha guddiga dhaqaalada ! ee barlamaanka federaaliga Itoobiya oo la yiraahdo Eshetu.

Dhinaca kale warar dhowaan soo baxay ayaa sheegaya in uu baxsaday madaxa wargeyska Addis Tribune oo ah wargeys ay dibloomasiyiinta ku sugan Itoobiya aad u akhriyaan. Ninkaas oo la yiraahdo Engidu Welde ayaa iska dhiibay caasimada dalka mareykanka ee Washington ka dib markii uu handaday xubin ka tirsan TPLF oo uu kula kulmay shir ka socda dalka Austria. Sida wararku sheegayaan safaarada kale oo shisheeye ah ayaa ku fakaraya in ay taxadir ka muujiyaan raga ay VISOOYINKA siiyaan ee ka tirsan maamulka Melez Zenaawi, iyada oo ay haatan muuqato in inta badan ay fursadahaasi oogu fa'ideeystaan in ay baxsadaan.

Males Zinawi oo Ka Baxay Shirkii Wadamada Afrika,Qadaafi oo Qudbadiisii Socoto

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maputo ee caasimada Dalka Mozambique ayaa sheegaya in uu Melez Zenaawi ka baxay hoolka shirka Midowga Africa, iyada oo uu khudbad akhrinayay hogaamiyaha dalka liibiya mucamar al qadaafi. Ma cada sababta u Zenaawi ooga baxay goobta shirka iyada oo uu khudbad akhrinayo hogaamiye ka mid ah midowga afrika. Dadka siyaasada indha indheeya ayaa u arka in arintani ay tahay mid aysan hogaamiyaha iyo dowladda liibiya iloobi doonin iyada oo ay dadka qarkii u arkeen in ay mujisay khilaaf siyaasi ah oo ka dhaxeeya dowladda Zenaawi iyo dowlada dalka Liibiya.

Kenya oo Sheegtay in ay Dhex Dhexaadin Doonto Soomaaliya iyo Itoobiya

Sida ay qortay jariidada Sunday Standard oo kasoo baxda Magaalada Nairobi 13 Julay 2003.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya Kalonzo Musyoka, ayaa sheegay in Dawladiisu isku deyi doonto in ay dhex dhe-xaadiso Itoobiya iyo Soomaaliya.Waxay arintani ka dambaysay kaddib markii ay Soomaaliya ku eedaysay xukuumada Itoobiya in ay si joogto ah u farageliso Arimaha gudaha ee Soomaaliya,

Wararysi uu bixiyey Wasiirku isagoo jooga, Caasimada dalka Mozambique ee Maputo, ayuu sheegay in bilowgii Shirka Midowga Afrika (AU! ) ee halkaas ka socda ay labada dal ee Somaaliya iyo Itoobiya is weydaarsadeen hadalo kulkulul, kuwaas oo ka dambeeyey kaddib markii uu madaxweynaah DKMG, Dr. Cabdiqaasim SalaadXasan shirka ka akhriyey, khudbad uu si kulul ugu eedaynayey in ay Itoobiya dhinaca xumaanta ka taagan tahay Geedi Socodka Nabada Soomaaliya. Kalonzo Musyoka waxa uu yidhi Kenya waxay isku deyeysaa in ay isu soo dhoweyso labada dal ee Somaliya iyo Itoobiya

Ahmed Yare Calasoow
Radio Xoriyo,Muqdisho
Soomaaliya

--------------------------------------------------


Dhagaysta yaal warkii oo aad kadhagay sanayseen Redio xoriyo codkii shacabka Ogadenia Caawa waa naga intaa

Dhoodi Danwaa
Radio Xoriyo,15 Julay,2003


raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari




Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD