Dagaalo ay Ciidamada wadaniga Xoreenta
Ogaadeenya ku qaadeen Ciidamada cadawga Itoobiya.
Wariyaha Radio Xoriyo Darwiish Dalmar oo ku
sugan Jeeda hore ee Ciidanka Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ayaa noo soo
tabiyay Dagaalo dhex maray Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya. Ciidanka Xoreenta Ogaadeenya oo u
dagaalama Madax banaanida Dhulka Ogaadeenya ayaa Daagaalo ay ku
naafeeynayaan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku qaaday xarumaha ay ku
leeyihiin qaar ka mid ah Gobolada iyo Dagmooyinka Ogaadeenya. Dagaaladii ugu
danbeeyay ayaa waxay ka dhaceen goobahan soo socda.
15.02.2003 Dagaal ay ku qaadeen Ciidamada
Xoreenta Ogaadeenya Saldhig ay ku lahaayeen Ciidamada Xaqdarada iyo
Cadaadiska Shacabka lagu yaqaano ee Gumaysiga Itoobiya Deegaanka Milmil,
waxay kaga dileen 13 Askari waxayna kaga dhaawaceen 17 Askari oo kale.
15.02.2003 Dagaal Gaadmo ah oo ay Ciidamada
Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ku qaadeen Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo
maraya Meesha lagu magacaabo Bulxan oo ka tirsan Gobolka Dhagaxbuur waxaa
Ciidamada Doolka iyo Gardarada ku jooga Ogaadeenya ay kaga dileen 7 Askari
waxayna kaga dhaawaceen 12 Askari oo kale.
16.02.2003 waxay Ciidamada geesiyiinta
Xoreenta Ogaadeenya weerar ku qaadeen Ciidamada Naflacaariga Gumaysiga
Itoobiya oo marayay meesha lagu magacaabo Dhidinka oo ka tirsan Gobolka
Wardhee. Weerarkaas ayeey waxay Ciidamada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya kaga
dileen Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya 7 Askari oo uu ka mid ahaa
Askari uu Asalkiisii ahaa Soomaali waxayna kaga dhaaweceen 14 Askari oo
kale.
16.02.2003 Iska hor imaad Dagaal oo ku dhex
maray Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Magaalada Caado ayay iskaga dileen 21
Askari waxayna iskaga dhaaweceen 35 Askari oo kale.
Iska hor imaadkan keenay Gacan ka hadalka
Dhimashada iyo Dhaawaca badanba dhaliyay, ayaa waxuu ka danbeeyay Gadood ay
sameeyeen Qaar ka mid ah Ciidamadaas oo ka soo jeeday Qoomiyada Oromada.
Ciidamadan gadooday ayaa waxay ka cabanayeen maamul xumo iyo gacan bidixen
ay ku sameeyeen Saraakiisha aagaas oo ka soo jeeda Qoomiyada Talada wadanka
Itoobiya haysa ee Tigreega. Ma aha markii ugu horaysay ee dagaal noocaas ah
uu ka dhex dilaaco Ciidamada gumaysiga Itoobiya, waxayna hada ka hor isku
laayeen magaalooyinka Qabridahare, Wardheer, Dhagaxbuur Goday iyo meelo kale
oo bada.
16.02.2003 waxaa Ciidamada Cadawga Itoobiya
ee Saldhigoodu yahay Magaalada Goday ka baxsaday 40 Askari. Ciidamadaas
ayaan la ogeeyn meel ay Cidhib iyo jaan dhigeen balse waxaa la sheegayaa in
ay aadeen dhinaca Galbeedka Itoobiya oo ay ka yimaadeen mar koodii hore.
Ciidamadan oo sita Hubkoodii ayaa waxaa la filayaa in ay reerahoodii u
kicitimeen kadib markay u adkaysan waayeen Cadaalad darada ka dhex jirta
Ciidamada Itoobiya dhexdooda iyo Dagaalada Joogtada ah ee ay ku hayaan
Xoogaga Gobonimo doonka ah. Ma aha markii ugu horaysay ee ay baxsadaan qaar
ka mid ah Ciidamada Dacdareeysan ee gumyasiga Itoobiya.
20.02.2003 Dagaal ay Ciidamada Xoreenta
Ogadeenya ku qaadeen Ciidamo Maliishiyo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Deegaanka
Abaaqorow ayay kaga dileen 3 Askari waxayna kaga dhaawaceen 4 Askari oo
kale. Dagaalkaas ayay Ciidamada Xoreentu waxay kaga furteen meleeshiyadii ay
dagaalka iskaga horyimaadeen 1 Qori.
Ø Ciidamada
Itoobiya oo Dad Shacab ah ku laayay Xuduuda Ogaadeenya iyo Waqooyiga
Soomaaliya.
Wararka naga soo gaadhaya deegaanka wajaale
ayaa sheegaya 3 Ruux oo ay ku dileen Ciidamada Cadawga Itoobiya ee lagu
yaqaano gardarada iyo Cadaadiska Shucuubta ee Deegaanka Togwajaale. Dilkan
ayaa waxuu ka danbeeyay kadib markay Ciidamada Itoobiya rasaas ku fureen
Baabuur uu saaraa dad shacab ah oo marayay deegaankaas. Dadka ku geeriyooday
toogashadaas ayaa waxay ahaayeen Hal nin iyo Laba Dumar ah. Dadkaas oo
qaarkood ka soo jeeday waqooyiga Soomaaliya ayaan lagaraneeyn waxay
Ciidamada Itoobiya u dileen. Mar maamulka gabilay uu wax ka waydiiyay
Masuuliyiinta Ciidamada Itoobiya ee Togwajaale waxa keenay dilkan ayaan wax
jawaab ah oo cad laga siin, Balse waxay Ciidamada Itoobiya soo dhoobeen
Xuduuda Ciidamo aad u fara badan oo aan u jeedada ka danbeeysa lagaran.
Dhinaca kale waxay Ciidamada Itoobiya
Xuduuda Gobolada Bay iyo Bakool ka wadaan Abaabul ay kula shirayaan
saraakiil Soomaali ah oo ay rabaan in ay Gobolada Bay, Bakool iyo guud
ahanba Soomaaliya Dagaal ka oogaan. Kulamadan oo ay si qarsoodi ah u
yeelanayaan Saraakiil Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah ayaa lafilayaa in
ay Itoobiya ku abaabulayso Dagaal culus oo mar Labaad ka sii oogma
Soomaaliya.
Ø Shirkii
dib u heshiisiinta Soomaalida oo ay kooxo badan ka biya diidsan yihiin.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Nairobi
ayaa sheegaya Caqabado ku soo food yeeshay Shirka dib u heshiisiinta
Soomaalida uga socda Duleedka Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Shirka
kooxaha Soomaalida uga socda wadanka Kenya ayaad moodaa in uu mar walba la
kulmayo Caqabado qarka u saaraya in uu burburo. Inta badan kooxaha
Soomaalida ayaa isku khilaafa tirada ka qaybgalayaasha shirka oo ay koox
walba dooni sadbursiinyo iyo tuhun ay kala dhex dhigayaan qaar ka mid ah
Dawladaha lagu tilmaamo Safka hore ee IGAD. Shirkan oo furmay horaantii
Todobaadkan ayaa waxaan ka soo qaybgalin qaar ka mid ah kooxaha siyaasada
Soomaaliya isku haya iyo waliba Dawlada ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya.
Isbahaysiga lamagac baxay G8 iyo Dawlada ku meelgaadhka ah ayaa diiday in ay
ka qaybgalaan Shirka ka furmay Magaalada Nairobi, halka ay soo xaadireen
kooxaha SRRC ee gacan saar la leh Xukuumada Itoobiya. Kooxahan diiday Shirka
in ay ka qaybgalaan ayaa waxay sheegayaan in shirkan ay wadato Dawlada
Itoobiya oo aan doonayn Dawlad Soomaaliyeed oo soo noqota, sidaas daraadeed
waxay dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaan in ay iska ilaaliyaan dibindaabyada
Xukuumada Itoobiya iyo in ay Dalkooda si wada jir ah nabad ugu soo dabaalaan
oo laysu tanaasulo.
Hibaaq Samater
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|