SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Feb 25, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Caawa waxyaabaha aan idiinku hayno Radiyo Xoriyo waxaa ka mid ah qodobadan.

  • Ø Banaanbax Balaadhan oo lagaga soo hojeedo Ra,isal Wasaaraha Itoobiya oo ka dhacay Magaalada London.
  • Ø Ciidamada Cadawga Itoobiya oo dad badan ku xidh xidha Degmooyin ka tirsan Ogaadeenya.
  • Ø 7 Sargaal oo ka tirsan Ciidanka Cirka Itoobiya oo Magangalyo waydiistay wadanka Maraykanka oo tababr loo geeyay.
  • Ø Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa oo sheegtay in Miinooyin Cusub laga helay Xadka Itoobiya iyo Eritrea.
  • Ø Taliska Itoobiya oo Abuuraya koox Sadexaad oo ka qaybqaadata Dagaalada Sokeeye ee ka Socda Gobolada Bay iyo Bakool.
  • Ø Waraysi kooban oo aanu layeelanay Wariyaha Radio Xoriyo oo ku sugnaa Goobta Banaanbaxa lagu sameenayay Miles Zenaawi iyo wx yaabo kale oo mihiim ah.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ø Banaanbax Balaadhan oo lagaga soo hojeedo Ra,isal Wasaaraha Itoobiya oo ka dhacay Magaalada London.

Banaanbax balaadhan oo lagaga soo horjeedo ninka madaxda ka ah Xukuumada Itoobiya ee Malis Zenaawi ayaa ka dhacay magaalada London ee wadanka Ingiriiska maalintii Shalay. Banaanbaxaas oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadaha Ogaadeenya iyo Oromiya ayaa waxaa ka soo qaybgalay Dad aad u badan oo kumanyaal kor u dhafay. Dadkaas oo ay wajiyadooda ka muuqato Cadho aad u kulul ayaa ku dhawaaqayay Zenaawi ha dhoco, Ogaadeenya ha xoroowdo, kaligii taliye looma baahno iyo erayo kale oo aad u kulul. Dadkan ayaa sitay Boodhadh ay ka muuqdaan Sawiro Dad ay Ciidamada Itoobiya si Bi,aadanimada ka baxasan u jidh dilayaan. Banaanbaxan oo ahaa mid lagaga soo horjeedey imaanshaha Zenaawi wadanka Ingiriiska ayaa waxaa ka soo qaybgalay qoomiyado badan oo ay ka mid yihiin Ogaadenya, Oromiya, Xabashida , Canfarta, Qoomiyadaha Koonfureed ee Itoobiya iyo dad badan oo Soomaali ah oo muujinayay taageerada ay u hayaan walaalahooda ay Itoobiya gumaysato iyo waliba faragalinta qaawan ee ay ku hayso Itoobiya wadanka soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee waxaa ninka ku caanbaxay Xasuuqa sahucuubta ee Zenaawi loo gaystay fadeexadii ugu wayneed ee nin masuula ah soo marta.

Ø Ciidamada Cadawga Itoobiya oo dad badan ku xidh xidha Degmooyin ka tirsan Ogaadeenya.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolo iyo dagmooyin ka tirsan Ogadeenya ayaa sheegaya dad badan oo ay Ciidamada Cadawga Itoobiya xabsiyada u taxaabeen. Ciidamada Caadeestay Daadinta dhiiga iyo boobka hantida dadwaynaha ayaa mar walba dadka shacabka ah ee reer ogaadeenya u gaysta Dil, Dhac, Xadhig iyo Cagajuleen ay ku khalkhal galinayaan si ay u nugleeyaan. Xadhiga iyo boobka ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan dadka masaakiinta ah ee ku hoosnool Xukuumada Xaqdarada iyo Cadaadiska Shucuubta ku caan baxday ee Itoobiya oo joogto ah ayay ku wii ugu danbeeyay ka dheceen goobahan.

14.02.2003 waxay Ciidamada Cabudhiska Gumaysiga Itoobiya ee loo tababaray Argagax galinta Shucuubta lagumaysto ay ku xidh xidheen Magaalada Dhagax madaw Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan. Dadkan oo badankiis ahaa xoolo dhaqato ayaan lagaraneeyn sababta ay Ciidamada Cadaadiska iyo Xaqdarada lagu yaqaanu ee Gumaysiga Itoobiya xabsiyada ugu taxaabeen, balse waxay dad ku dhaw dhaw Saraakiisha Ciidamada cadawgu noo sheegeen in dadkaas loo haysto hab ay Ciidamada Itoobiya Lacag uga helaan. Waxaana ka mid ah dadkaas kuwan.

1- Ahmed Ahmed Abdulaahi

2- Mukhtaar Cabdi C/laahi

3- Aqbal Muxumed Cismaan

4- Cabdi Muxumed Cisman

5- Carab Axmed Guuleed oo lagu xukumay in uu qori soo gado

6- Saxardiid Muxumed Cismaan

7- Ayaan Aftaag

Dadkaas dhamaan waxaa lagu wada Ganaaxay lacag madax furasho ah oo dhan Ruuxiiba 1000 Bir oo Lacagta Itoobiya ah.

14.02.2003 waxay Ciidamada Itoobiya ee u hamuun qaba Ciqaabista iyo Boobka Hantida dadwaynaha magaalada Iimay ku xidh xidheen dadkan Shacabka ah ee aan waxba galabsan oo kala ah.

1- Cali Dakhare

2- Cabdi Carab

3- Masuuri Nuuriye

4- Macalin Rashiid

16.02.2003 Magaalada Dhagax-Buur waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku xidh xidheen dadkan Shacabka ah ee aan waxba galabsan oo kala ah.

1- hmed Nur Ali Hayaan.

2- Xaashi Ahmed Muxumed

Waxayna Ciidamada Cadawga Itoobiya ee lagu yaqaano waxyeeleenta Shacabka Ogaadeenya Dab qabad siiyeen 10 Aqal oo ku yaalay Duleedka Magaalada Dhagax-Buur. Ilaa hada wax sabab ah oo ay Ciidamada Cadawga Itoobiya ka bixiyeen Gubista Aqaladaas ma jiraan, balse waxay dadka qaarkii noo sheegeen in ayna wax sabab ah u haynin falkaas waxashnimo ee ay ku kaceen Ciidamada Cadawga Itoobiya oo aan aheen Cadaadiska xaqdarada ah ee ay ku hayaan Shacabka Ogaadeenya. Wararku waxay intaas ku darayaan in dadkii aqaladaas lahaa ay hooy la,aan la dhibaataysan yihiin wax gargaar ahna uusan cidina u gaysan. Ma aha markii ugu horeeysay ee ay Ciidamada Itoobiya falkaas oo kale ku kacaan balse waxay u noqotay fal ay mar walba oo ay doonaan ku kacaan.

15.02.2003 Gunagado Waxay Ciidamada cadawga itoobiya ku xidh xidheen dakan shacabka ah ee waxaan waxba galabsan oo kala ah.

1- Maxamed Ahmed Akhtar

2- Ahmed Xasan Nuur

3- Daahir Carab Xasan

4- Mawliid Cali

Sidoo kale Magaalada Jigjiga waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku xidh xidheen dad aad u badan oo shacab ah, waxaana ilaa iyo hada Magacyadoodii nasoo gaadheen.

1- Maxamed Cabdi Guray iyo

2- Siigaale

Ciidamada Cadawga Itoobiya ee Caadeeystay Boobka Hantida Dadwaynaha waxay si qasab ah kaga u ruuriyeen Magaalada galadiid Dad ay ku xidh xidheen Lacaga Dhan 248.000 oo Bir. Lacagtaas ayaa waxay Ciidamada Cadawgu geeyeen Magaalada Qabridahare si ay Ciidamadooda ugu qaybiyaan.

Ø 7 Sargaal oo ka tirsan Ciidanka Cirka Itoobiya oo Magangalyo waydiistay wadanka Maraykanka oo tababr loo geeyay.

7 Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka cirka Itoobiya kuna sugna dalka mareykanka ayaa magangelyo siyaasadeed codsaday. Sida wararka sheegayaan.7 si sarkaal ayaa saldhigoodu ahaa xerada Ciidanka cirka ee Debre Zeit oo 45 km uu jirto magaalada Addis Ababa. 7aasi sarkaal ayaa loo diray dalka mareykanka si ay ooga qeyb galaan barnaamij ay Mareykanku tababar oogu fidiyaan duuliyayeel ka kala socda dalal kala duwan.

Baxsashada 7aasi sarkaal ayaa ahaa mid ka yaabiyay dhamaan sarakiishi ka qaybqaadanaysay Barnaamijka tababarka. Dadka siyaasada indha indheeya ayaa ku tilmaamay Baxsashada Saraakiisha Ciidamada Cirka Itoobiya mid muujinaysa Dhicitaanka Xukuumada Itoobiya.

Ilaa hada waxaa Radio Xoriyo soo gaaray magacyada 4 ka mid ah 7aasi sarkaal waxaayna kala yihiin.

Korneel Fanta Olona oo wadi jiray diyuurada ah nooca loo yaqaan MIG 23

Korneel Mitiku oo madax uu ahaa qeybta qaabishan biraha iyo matoorada diyuuradaha MIG ee xirada Debre Zeit

Maajor Derege Aychiluhm oo ahaa duuliye diyuurada MIG

Iyo Maajor Melaku oo wadi jiray diyuuradaha nooca quumaatiga uu kaco oo loo yaqaan Helekoptaro nooca M-8 iyo M-35

Ma aha markii ugu horeeysay ee Saraakiil Itoobiyaan ah ka baxsadan Xukuumada Itoobiya ee sii liiceeysa. Todobaad ka hor waxaa baxsaday iyagoo wata Diyaaradahoodii Laba sargaal oo ka tirsanaa Ciidamada Cirka Itoobiya oo Saldhigoodu ahaa Magaalada Mekele ku waas oo magan galyo siyaasadeed waydiistay Wadanka Eritrea, sidoo kale Mudo hada laga Joogo Sadex Todobaad waxaa Baxsaday oo galay dhinaca Soomaaliya 6 Sargaal oo ka tirsan Ciidamada Lugta ee Itoobiya, ku waas oo aan la ogeeyn meel ay ku danbeeyeen. Baxsiga Saraakiisha iyo Ciidamada ayaa waxay ka danbeeysay dagaalo is daba joog ah oo ay ku qaadeen xoogaga Gobonimo doonka ee ka soo horjeeda Taliska Adis Ababa iyo maamul xumo ka dhex jirta Ciidamad Itoobiya ee ay ku markutaaleeyaan TPLF tu.

Ø Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa oo sheegtay in Miinooyin Cusub laga helay Xadka Itoobiya iyo Eritrea.

Hayada Jimciyada Qarumaha ka dhaxeeysa ee qaabishan ilaalinta Soodinta u dhaxeeysa Eritrea iyo Itoobiya ayaa dhamaadkii Todobaadkii hore sheegtay in ay xaqiijisay meesha ay ka yimaadeen Miinooyin cusub oo lagu aasay goobaha labada dal ay ka mamnuucan yihiin ee soodinta u dhaxeeyso Eritrea iyo Itoobiya. Sida ay sheegtay hayadaasi la yiraahdo UNMEE waxaa minooyinkaasi aasay kooxo ujeedadooda tahay in ay dhib gaarsiyaan dowladda iyo shacabka Eritrea, oo ay soo dirtay Xukuumada Itoobiya. Kooxahaas Ciidamada Itoobiya ka mid ka ah ee minooyinkaas aasaya ayay Ciidamada Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa fiira gooniya u yeelan doontaa si caalamka loo tuso.

Ø Taliska Itoobiya oo Abuuraya koox Sadexaad oo ka qaybqaadata Dagaalada Sokeeye ee ka Socda Gobolada Bay iyo Bakool.

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya Qorshe Cusub oo ay Xukuumada Itoobiya ku abuurayso Garab Sadexaad oo ay ka Abuurto Ururka RRA dhexdiisa.

Qorshahan ayaa la sheegayaa in uu ka danbeeyay, kadib markay Xukuumada Itoobiya ka shakiday xidhiidhkii ay la laheed Garabyada isku haya Gobolada Bay iyo Bakool. Taliska Itoobiya oo xidhiidh dhaw la lahaa Raga isku haysta Awooda Magaalada Baydhaba, ayaad moodaa in ay ka yar fogaadeen xidhiidhkii ay la lahaayeen Itoobiya, kadib markay xaqiiqsadeen Labada dhinacba in ay Hubka isugu dhiibayso Itoobiya. Garabkan Cusub ayaa la sheegayaa in ay Itoobiya u Abaabulayso Ciidamo Xoogan oo ay rabto in ay mar kale Dagaal kaga oogto Gobolada Bay iyo Bakool.

Hibaaq Samater
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD