Ø Dagaalo
dhex maray Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga
Itoobiya.
Waraka uu noo soo tabinayo wariyaha Radio
Xoriyo ee Jiida hore ee ciidanka Xoreenta Ogaadeenya ayaa sheegaya Dagaalo
ay iskaga hor yimaadeen Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Nacabka
Gumaysiga Itoobiya. Dagaaladan oo jooto uga dhaca dhulka Ogaadeenya ee
Itoobiyo Gumaysto ayaa ka dhacay Goobahan.
25.01.2003 Weerar ay ku qaadeen Ciidamada
Xoreenta Ogaadeenya, Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Duleedka Magaalada
Awaare ayay kaga dileen 9 Askari waxayna kaga dhaawaceen 6 Askari.
27.01.2003 Iska hor imaadd Dagaal oo ay
iskaga horyimaadeen Duleedka Magaalada Caado Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya
iyo Ciidamada Xaqdarada iyo Cadaadiska ku caanbaxay ee Gumaysiga Itoobiya,
ayaa Ciidamada Cadawga Itoobiya lagaga Dilay 7 Askari waxaana lagaga
dhaawacay 3 Askari oo kale.
28.01.2003 Dagaal gaadmo ah oo ay Ciidamada
Xoreenta Ogaadeenya ku qaadeen Ciidamada Itoobiya ee loo keenay Ogaadenya
Xasuuqa Shacbiga oo marayay Gabro-Booya oo ku taala Duleedka Magalada
Qabridahare ayaa Ciidamada Xasuuqa ku caanbaxay ee Gumaysiga Itoobiya lagaga
Dilay 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 7 Askari oo kale.
30.01.2003 Dagaal ay ku qaadeen Ciidanka
Xoreenta Ogaadeenya Ciidamada Cadawga Itoobiya oo maray Dhiddin oo ka tirsan
Gobolka Doolo ayaa Ciidamada Cabudhiska Gumaysiga Itoobiya lagag dilay 6
Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 Askari oo kale.
Isla dhamaadkii Bishii hore Dagaal
ay ay ku qaadeen Ciidamada wadaniga Xorenta Ogaadeenya Ciidamada Xaqdarada
iyo Cadadiska ku caanbaxay ee Gumaysiga Itoobiya oo ku sugnaa meesha
layiraahdo Buur-Caano oo ka tirsan Gobalka Goday, waxaa Ciidamada
Naflacaariga Gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 Askari iyadoo lagaga
dhaawacay 7 Askari oo kale.
Ø Shir
ay ku yeesheen Haweenka Ogaadeenya ee wadanka Australia Magaalada Melbourne
oo guul ku dhamaaday.
Waxaa 2dii Bishan aan ku jiro ee February
shir isugu yimid magaalada Melbourne ee dalka Australiya haweenka Ogaadeenya
ee ku nool gobolka Victoria ee magaaladaasi caasimadda u tahay. Shirkaas oo
si weyn looga soo qayb galay wuxuu ka mid ahaa kuwo kale oo ay haweenka ku
nool Gobolkaasi Bishiba mar isugu iman jireen sidii looga qayb geli lahaa
halganka xaqa ah ee ka socda dalka hooyo.
Waxaa shirka khudbado qiimo iyo qiiro badan
ka jeediyey gabadho badan ooy ka mid yihiin: 1. Maryan Soofe, 2. Tamaad
Sheikh, 3. Koos Dahir, 4. Fadumo Shafici, 5. Fadumo Axmed Nur iyo 6. Nimco
Maxamed Muxumed.
Waxaa shirka gabay aad ka qayb galayaasha
dhiigooda u dhaqaajiyey ka tirisay Xaliimo Kaynaan. Wuxuu shirku dhegaystay
warbixin ku saabsanay sida cadowgu u jidh dilo maxaabiista shacabka ay
gumeysato ee Ogaadeenya, gaar ahaan gabdhaha, waxaana tusaale loo soo qaatay
jidh dilkii bini aadamnimada ka baxsanaa ee lagu sameeyey Hinda Maxamed.
Sidoo kale waxaa shirka lagaga wada hadlay dhibaatada Gabdhaha Ogaadeenya ku
haysta meelo ka mid ah Geeska Afrika iyo sidii looga bixi lahaa, taas oo ay
ka qaybgalayaashu u arkaan in ay tahay dalka hooyo oo la xoreeyo.
Shirkaas oo guul ku dhamaaday, waxay
haweenka shirka isugu yimid go'aansadeen inay halgankooda sii laban laabaan,
dhaqdhaqaaqana gaadhsiiyaan dhamaan haweenka Ogaadeenya ee ku nool dalka
Australiya iyo weliba jaaliyadda Soomaaliyeed een walaalaha nahay.
Ø Hogaamiyaha
Liibiya oo Booqasho ku tagay Wadanka jabuuti.
Hogaamiyaha dalka Liibiya Mucamar Al-Qadaafi
ayaa maalinta arbacada madaxtooyada Dalka jabuuti kula kulmay madaxweynaha
jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geele. Sida wararka sheegayaan labadada
hogaamiye waxay ka hadleen arrima la xiriira Ganacsiga ka dhaxeeya Liibiya
iyo Jabuuti iyo sidii loo sii balaadhin lahaa. Hogaamiya Qadaafi iyo
Madaxweyne Geele waxay kale oo ka wada hadleen xaalada soomaliya iyo halka u
marayo shirka dib u heshisiinta soomalida oo haatan ka socda Magaalada
Eldoret ee dalka Kenya. Hogaamiya Qadaafi ayaa toos u tagay jabuuti ka dib
marka la soo afjaray shirka midowga afrika oo ka socda addis ababa galabtii
talaadada.
Ø Miinooyin
Cusub oo laga helay xadka u dhaxeeya Itoobiya Iyo Eritrea
Wararka naga soo gaadhaya Soohdinta u
dhaxaysa Eritrea iyo Itoobiya ayaa sheegaya in ay Ciidamada Jumciyada
Quruumaha ka dhaxaysa ee halkas ku sugan ay ka heleen Miinooyin dhawaan la
aasay.
Ciidamada Qaramada midoobay ee ilaalada
halkaas u jooga ayaa Miinooyinkaas ku tilmaamay kuwo wax u dhimaya
Heshiiskii Xabad joojinta ee labada dal. Ilaa hada ma cada cidii
Miinooyinkaas aastay waxaase la tuhunsan yahay dhinaca Itoobiya oo hada ka
hor Qaramada midoobay cadaysay in ay Ciidamadoodu soo talaabeen Xadka ku
meelgadhka ah ee ay ku sugan yihiin Ciidamada ilaalada ee Qaramada midoobay.
Dhinaca kale Jeneraal Abrahaley Kifle oo ah
jeneraalka dhinaca eritrea u qaabishan arrimaha la xiriira heshiiska xabad
joojinta ay kala saxiixeen Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku eedeeyay Itoobiya in
ay jabisay heshiiskaasi. Jeneraal Kifle waxuu edeeyntaasi soo jeediyay isaga
oo Todobaadkii hore magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmaayay sarakiil
ka socda jimciyada qarumaha ka dhexeeysa oo u yimid in ay Eritrea iyo
Itoobiya kala hadlaan howsha xariqinta kama dambeeyska ah ee xadka labada
dal oo la filayo in uu bilowdo Bisha May ee sanadkan.
Jeneraal Kifle ayaa sheegay in ay Itoobiya
ka dambeeysay miinooyinka cusub ee ay ka heleen Ciidamada Nabad ilaaninta ee
Qaramada Midoobay soodinta u dhaxeeysa labada Dal.
Jeneraalka ayaa intaasi ku daray in
Ciidamada Itoobiya ay si joogta ah u soo galan goobta mamnuuca ah Ciidamada
Labada Dal ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Nabad ilaalinta qaramada Midoobay.
Ø Shirkii
Koowaad ee Midawga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Adis Ababa.
Waxaa 4 2.03 Ku soo Afjarmay Magaalada Adis
Ababa Shirkii koowad ee Midoowga Afrika. Magaca Ururka Midowga Afrika oo
Sanadkii hore lagu aas aasay wadanka Koonfur Afrikan ayaa Shirkiisii koowaad
waxaa ka soo qayb galay in badan oo ka mid ah hogaamiyayaasha Wadamada
Afrika.
Warar aanu ka helay ilo xogogaal ah ayaa
sheegaya in Dawlada Itoobiya ay markii hore diidaneed in uu ka soo qaybgalo
shirkaas Madaxwaynaha Dawlada ku Meelgaadha ee Soomaaliya Dr Qabdi Qasin
Salad Xasan, arintan oo ah xaqiraad ay Itoobiya xaqirayso Maamulka
Soomaaliya ayaa waxaa gaashanka ku dhuftay Madaxwaynayaasha Afrika qaar ka
mid ah oo u sheegay Itoobiya in Madaxwaynaha dalka Soomaaliya loo soo
dhaweeyo sida madax waynayaasha Afrikada kale.
Shirka Midawga Afrika waxaa ka maqnaa
Madaxwaynaha Eritrea Isayas Afwerki oo u soo dirsaday shirka, Wafti uu
hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada ee wadanka Eritrea. Maqnaanshaha
Madaxwayne Afwerki ayaa ah mid aan aad loola yaabin madaama ay Dalka shirka
marti galinaya ee Itoobiya Colaadi ka dhex oogantahay in kasta oo heshiis
Xabad joojin ay kala sixiixdeen Labada Dal.
Inkasta oo ayna cadeen waxa kalifay, Waxaa
kale oo Shirka ka maqnaa Madaxwaynaha Masar Xusni Mubaarag. Dadka siyaasada
indha indheeya ayaa siyaabo kala duwan u fasirtay Maqnaanshaha Mudane
Mubarag. Waxaase la ogyahay in ayna Dawlada Masar raali ka aheeyn Qorshaha
Dawlada Itoobiya ee Biyo Xidheenka qaybta Wabiga Nile ee Itoobiya.
Madaxweynaha cusub ee Dalka Kenya Mwai
Kibaaki ayaan isaguna ka soo qeyb galin shirkaasi madaama u dhowaan ka so
baxay Isbitaal, iyada oo laga qalay Lugta oo uu dhaawac ka soo gaadhay kadib
markuu galay Shil Baabuur Bishii December ee Sanadkii hore.
Waxyaabaha ugu waaweeyn ee ay
Hogaamiyayaasha Afrika isku afgarteen waxaa ka mid ahaa sidii horay loogu
dhaqaajin lahaa samaynta Golaha Amaanka ee Midawga Afrika, kaas oo u shaqayn
doona sida Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay.
Golahan ayaa waxaa xubno ka noqon doona
Dalalka ugu Awooda badan Qaarada Afrika. Dadka Siyaasada Qaaradada Afrika u
kuur gala ayaa u arka in dadalka Koonfurta Afrika ay ka soo bixi doonto
wadanka South Afrika, Galbeedka Afrika Nigeria, Waqooyiga Afrika Masar.
Afrikada dhexe ma cada Dalka ka soo bixi doona maadaama ay wadamada Afrikada
Dhexe isku awood dhawyihiin isla markaasina ay jiraan xaalado siyaasadeed oo
Dalwalba ka xanibi kara in uu noqdo Xubin Gudiga Golaha Amaanka ee Midawga
Afrika, si kastaba ha noqotee waxaa ka soo bixi doona Dal ka mid ah
Dalalkaas.
Bariga Afrika ayaa loo arkaa meesha ugu
dhibka badan oo ay adagtahay in Hal Dal lasku Afgarto Xalada siyaasadeed oo
murugsan awgeed. Waxay dad badani u arkaan in uu tartan ka dhaxeeyo Kenya
iyo Itoobiya oo labaduba raba in ay Xubin ka noqdaan Gudiga Golaha Amaanka
ee Afrika. Itoobiya oo dareensan in tartankaas lagaga horeeyo ayaa ku
dhawaaqday in ay Ciidan ku biirin doonto, Ciidanka isku jir ah ee ka socda
Qaarada Afrika oo loo diri doono dhawaan dalka Burindi si loo ilaaliyo
Amaanka iyo kala danbeenta wadankaas. Soo jeedinta Itoobiya ayaa loo arkaa
mid ay ku doonayso in ay kaga qayb qaadato hadii gudiga Amaanka Afrika
Soomaaliya Ciidamo u soo diraan si ay danaheedii siyaasadeed uga fushato.
Sikastaba ha noqotee marka la fiiriyo
Doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Wadanka Kenya ee sida nabad galyada ah ku
dhamaaday iyo kalsoonida ay wadamada Geeska Afrika ku qabaan, waxay u
muuqataa in ay Kenya noqon doonto Xubinta Gudiga Amaanka ee Bariga Afrika.
Hibaaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|