SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Feb 4, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Wax yaabaha aan Caawa idiinku hayno Radio Xoriyo waxaa ka mid ah.

  • Ø Waraysi aanu la yeelanay Afhayeenka Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya Mudane Hanad Maalin-Guur.
  • Ø Qodobo kale oo mihiim ah.
  • Ø iyo warkii oo ka kooban qodobada hoose.
  • Ø Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Dadad badan dil iyo xadhig ugu gaystay Ogadeenya.
  • Ø Boqolaal Shacab Oroma ah oo ay Xukuumada Itoobiya Xidhay.
  • Ø Dawlada Maraykanka oo la ku lantay Ururo Mucaarad ku ah Xukuumada Itoobiya.
  • Ø Shirkii koowaad ee Midawga Afrika oo ka furmay Magaalada Adis Ababa.
  • Ø Taliyaha Ciidanka Jabuuti oo la kulmay Sargaal sare oo ka socda Gaashaan-Buurta Nato.
  • Ø Eritrea oo laga helay Dahab

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ø Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Dadad badan dil iyo xadhig ugu gaystay Ogadeenya.

Wararka ay noo soo tabinayaan wariyayaasha Radio Xoriyo ee Gobolada iyo Dagmooyinka Ogaadeenya ayaa sheegaya falal Argagax galin ah oo ay Ciidamada Xaqdarada iyo Xasuuqa ku caanbaxay ee Itoobiya u gaysteen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

27.01.2003 waxay Ciidamada Itoobiya ee Caadeeystay daadinta Dhiiga Shacabka Masaakiinta ah ee Ogaadeenya, ku dileen Magaalada Caado nin Shacab ah oo lagu magacaabi jiray Xaashi Axmed Gode. Ninkan ayay Shacabku Xaqiijinayaan in uusan wax danbi ah leheeyn, Siyaasadna lug ku laheen, balse ay Ciidamada Itoobiya u dileen ula kac iyo in ay Shacbiga ku Argagax galiyaan.

Isla 27.01.03 waxay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Caado Xabsiga u taxaabeen dad badan oo shacab ah, dadkan oo la rumeeysan yahay in ayna wax danbi ah lug ku laheen ayay Ciidamada Itoobiya u Xidh Xidheen hab ay lacag madax furasho ah uga helaan, waxaana ka mid ah dadkaas


1- Ismacil Maxamed Qalalan.
2- Qambi Yuusuf Aaden.
3- Saafi Saalah Ahmed.
4- Ahmed Cali Miicaad.
5- Bashiir Mohamed Siraad.
6- C/Razaaq Ibraahin Mire (oo si xun loo jidh-dilay).
7- Farah Dahir Mire (oo sidii loo jidh dilaayay Lug & Gacan laga jabiyay).


30.01.03 waxay Ciidamada Itoobiya ee Naf lacaarigu waxay Magaalada Shaygoosh ku Jidh Dileen Duwane Maxamed Cali iyo Damac Maxamed Daahir oo ay ka qasheen 19 Neef oo Adhi ah. Dadakan ayaa la sheegayaa in ay Ciidamada Itoobiya ka Jajabiyeen Gacmaha iyo qaybo kale oo ka mid ah Lafaha jidhkooda. Ciidamadan Caadaystay boobka Hantidad dadawaynaha ayaa waxay kaloo Shacbiga dagan Magaalada Shaygoosh ku xukumeen Lacag madax furasho ah oo dhan Ruuxiiba 500 oo Bir. Dadka Dagmada Shaygoosh oo ku jira xili kulul oo ay Abaaro sameeyeen dadka iyo Duunyadaba ayay Ciidamada Itoobiya ku sii cadaadinayaan in ay Bixiyaan Lacagtaas Madax furashada ah oo Ciidamada Itoobiya ee Deegaankaas Mushahaar looga dhigayo, hadii kalana ay la kulmi doonaan Ciqaab ayna ka soo waaqsan.

Dhinaca kale waxay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Barmiilka Xabsiga u taxaabeen dad lagu qiyaasay in ay ka badan yihiin 35 Ruux oo aanaan hada magacyadooda haynin. Dadkan oo la rumeeysan yahay in ay Ciidamada itoobiya Hab dhaqaale ay u haystaan ayaan dib ka soo sheegi doonaa Magacyadooda.

Ø Boqolaal Shacab Oroma ah oo ay Xukuumada Itoobiya Xidhay.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Wellega ayaa sheegaya in ay Ciidamada Xaqdarada iyo Cadaadiska Shucuubta ay gumaystaan ku caan baxay ee Itoobiya, Xabsiyada u taxaabeen Boqolal Ruux oo Shacabka Oromada ah.

Dadkan oo laga qabqabtay magaalooyinka Mindi iyo Kiltukarra oo ku yaala dhinaca Galbeed ee Wellega ayaa loo qaaday Xabsi ku yaala Gimbi oo u jira deegaanada laga qabqabtay 150KM.

Dadkaasi la xiray oo la xaqiiqsan yahay in ayna wax danbi ah lug ku laheen ayay Ciidamada Itoobiya ku eedeeyeen in ay tageersanyihiin Jabhadda Xoreynta Oromiya. Ciidamada Itoobiya ayaa Dadkaasi ku Xukumay ruuxiiba lacag madax furasho ah oo dhan 2000 oo Bir.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidanka sirdoonka Itoobiya ay ka wadaan Deegaanadaas qorsho ay bambooyin ku qarxinayaan goobaha ay shacabka rayidka ah isugu yimadaan si ay ugu eedeeyaan Jabhadda Xoreynta Oromiya.

Ø Dawlada Maraykanka oo la ku lantay Ururo Mucaarad ku ah Xukuumada Itoobiya.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Washington ee Caasimada dalka mareykanka ayaa sheegaya in 24 Bisha January uu shir dhex maray Masuuliyiinta Barlamanka Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika iyo ururo mucaarid ku ah dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Melis Zenaawi.

Masuuliyiinta Ururada Mucaaradka ah ayaa Dawlada Maraykanka u sheegay in habayareetee aysan wax Dimiqoraadiyad ah ka jirin Wadanka Itoobiya, Malis Zenawina uu yahay kaligii taliye caadeeystay xasuuqa iyo cabudhinta Dadwaynaha ku hoos nool Xukuumadiisa.

Ururada Mucaaradka ayaa Masuuliyinta Maraykanka u muujiyay in ay ka xunyihiin booqashadii Bishii hore Malis Zenawi ku yimid Wadanka Maraykanka oo ah ka hogaamiya Dimiquraadiyada iyo sinaanta Aduunka. Shacbiga Itoobiya ayaa dareen kaas la mid ah ka muujiyay imaanshaha Wadanka Maraykanka ninka ku caanbaxay Xasuuqa, Daadinta Dhiiga iyo Argagax galinta Shacbiga Itoobiya.

Kulankan oo jawi wanaagsan ku dhamaaday, ayay Dadka siyaasada indha indheeya u Arkaan mid ay Dawlada Maraykanku ugu kuur galayso xaalada siyaasadeed ee Itoobiya. Xukuumada Itoobiya ee uu horjoogaha ka yahay Zenawi ayaa Beesha Caalamka u sheegta in ay ka jirto Dimiquraatiyad Wadanka Itoobiya, taas oo uu Caalamku xaqiiqsaday in ayna waxba ka jirin, kadib markay Xabsiyada ka buuxiyeen Ciidamada Itoobiya Dad Shibil ah oo aan waxba galabsan Qaar badana ay laayeen.

Si kastaba ha ahaatee kulankaani waa mid wal wal galiyay dowlada Itoobiya ee uu hogaamiyo kaligii taliye Malis Zenawi.

Ø Shirkii koowaad ee Midawga Afrika oo ka furmay Magaalada Adis Ababa.

Waxaa Shalay ka furmay Magaalada Adis Ababa Shirka Kowaad tan iyo markii uu Ururka OAU isu beddalay Midowga Afrika. Shirkan ayaa la filayaa in ay inta badan madaxweyneyeesha Afrika isugu yimadaan si ay ooga doodaan qorshaha Midowga Afrika. Madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ee Soomaliya Dr Abdiqaasim Salaad Xassan iyo Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geele ayaa ka mid ah madaxweyneyeesha ka qeyb gali doono shirkaasi.

Shirkan oo mihiim ah ayaa lafilayaa in lagaga wada hadlo Arimo mihiim ak oo ku saabsan Xal u helida Dagaalada Sokeeye ee aafeeyay Qaarada Afrika, Abaarha ku habsaday Qaarad, Cudurka ADSka iyo meesha ay Noqonayso xarunta Ururka Midawgay Afrika oo la filayo in laga raro Wadanka Itoobiya.

Ø Taliyaha Ciidanka Jabuuti oo la kulmay Sargaal sare oo ka socda Gaashaan-Buurta N.A.T.o.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Jabuuti Jeneraal Fatxi Xussein ayaa todobaadkii hore la kulmay taliyaha Ciidanka bada ee Gashaan-Buurta N.A.T.O oo la yiraahdo Admiraal Kuwinto Garaameliini una Dhashay Wadanka Talyaaniga.

Admiraal Garaameliini waxuu kale oo la kulmay ra'isul wasaaraha dalka Jabuuti mudane Dileita Mohamed Dileita. Xiligan uu Janeraalku kulamada la sameeynayay Masuuliyiinta Jabuuti ayaa waxa Xeebta Jabuuti marayay Markab ay leedahay Dawlada Talyaaniga oo ka qaybqaadanaya Ciidamada Ilaalada Xeebaha Geeska Afrika. Markabkaasi oo lagu magaxaabo Minbelli ayaa la filayaa in Geeska Afrika loo keenay arrima la xiriira la dagaalanka Argagixisada Caalamiga.

Ma'aha marka ugu horaysay ay sarakiil ka socda dalalka ka tirsan gashanbuurta N.A.T.O ay la kulmaan dowladda iyo ciidamada jabuuti, taas oo muujinayso kalsoonida ay beesha caalamku ku qabto dowladda Jabuuti. Dadka siyaasada indha indheeya ayaa u arka in ay dowladda Itoobiya oo filaysay in ay iyadu doorkaas qaatato, ay ka xuntahay doorka weyn ay Jabuuti qaadatay.

Ø Eritrea oo laga helay Dahab.

Shirkad laga leeyahay dalka Kanada ayaa dahab ka heshay dalka Eritrea.Shirkadaasi oo la yiraahdo Nevsun ayaa dahab ka heshay agagaarka degmooyinka Dubarwa iyo Adi Nefas oo labadaba uu dhow caasimada dalkaasi ee Asmara.

Shirkadan ayaa dahabkaasi ku tilmaamtay mid la dhoofin karo oo shirkada iyo dowladda Eritreaba ka fa'ideeysan karaan.

Ilaa iyo markii ay Eritrea xornima qaadatay wadanka Itoobiya, waxaay waday dadaal ay kaga fa'ideeysanayso kheyraatka dhulkeeda ku jira..taas oo ah mid ay u madaxbananaantay markay gobonimadeeda qaadatay oo ka xoroowday Gumeeysiga Itoobiya.

Hibaaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD