SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Jan 31, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka radio Xiriyo ee Caawa waxayaabaha aan isiinku hayno waxaa ka mid ah.

  • Ø Dhanbaal Murugo leh oo ay noo soo dirtay Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya.
  • Ø Sugaan kala gadisan.
  • Ø Iyo Warkii oo ka kooban Qodobadan hoos ku qoran
  • Ø Kulan ay Xubnaha Golaha dhexe iyo Masuuliyiinta Ciidamadu lahayeen oo guul ku dhamaday.
  • Ø Dagaalo lagu nafeeyay Ciidamada Cadawga Itoobiya.
  • Ø Xariiqinta Xadaka Itoobiya iyo Eritrea oo la bilaabi doono Bisha May ee Sanadkan 2003.
  • Ø Xukuumada Itoobiya oo soo dajisay Shuruuc cusub oo lagu xayirayo Saxaafada Xorta ah.
  • Ø Deeqdii Beesha Caalamka oo loo leexiyay Gobolka Tigree oo kaliya.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Kulan ay Xubnaha Golaha dhexe iyo Masuuliyiinta Ciidamadu lahayeen oo guul ku dhamaday.

Kulan ay ku lahayeen Xarunta dhexe ee Jabhada wadaniga Xoreenta Ogadeenya, Xubnaha G/dhexe iyo Taliyayaasha Ciidamada Xoreenta Ogadeenya ayaa Totobaadkii hore soo gaba gaboobay.

Kulankan oo ay masuuliyiintu kaga wada hadlayeen falgaladii Ciidanka wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ee Sanadii 2002, Tageerada Dadwaynaha iyo Qorshaha Shaqo ee Sanadkan 2003 ayaa ku dhamaaday jawi aad u wanagsan.

Kulankan waxaa kaloo lagu qiimeeyay xaalada guud ee Ogaadenya, Dhaqdhaqaaqa ay wadaan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya iyo guud ahaan xaalada Geeska Afrika.

Masuuliyiinta kulankaas ka soo qaybgalay waxay Amaan iyo Bogaadin u soo jeediyeen geesiyiinta Ciidamada Xoreenta Ogadeenya oo ka soo hoyiyay guulo waaweeyn halganka xoreenta Ogadeenya iyo Shacbiga Ogaadeenya oo hiil iyo hooba la garab istaagay.

Dagaalo lagu nafeeyay Ciidamada Cadawga Itoobiya.

Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee Ciidanka Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ayaa sheegaya Dagaalo ay ku qaadeen goobo ka mid ah fadhisimada ay ku leeyihiin Ogaadeenya Ciidamada Cadawga Itoobiya.

Dagaaladas ayaa la sheegayaa in aad loogu wax yeeleeyay Ciidamada ka amar qaata Taliska dhigyacabka ah ee Adis Ababa.

Dagaladan oo joogto ay ugu qaadaan Ciidamada Geesiyiinta Xoreenta Ogaadenya Ciidamada Doolka ku jooga Ogadeenya ee Gumaysiga Itoobiya ayaa ka dhacay goobahan.

12.01.2003 Weerar ay ku qadeen Ciidamada Xoreenta Ogaadenya Ciidamada Cabudhiska Gumaysiga Itoobiya oo marayay Jaleelo oo ka tirsan Gobolka Doolo ayay kaga dileen 4 Askari waxayna kaga dhaawaceen 9 Askari oo kale.

20.01.2003 Dagaal ay ay ku qaadeen Ciidamada wadaniga Xorenta Ogaadeenya Ciidamada Xaqdarada iyo Cadadiska ku caanbaxay ee Gumaysiga Itoobiya oo ku sugnaa meesha layiraahdo Bohol Caano oo ka tirsan Gobalka Doolo waxa Ciidamada Naflacaariga Gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 Askari iyadoo lagaga dhaawacay 7 Askari oo kale.

21.01.2003 Dagaal ay ku qaadeen Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya qayb ka tirsan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo marayay meesha lagu magacaabo Qarsoodi oo ka tirsan Gobolka Doolo waxay ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya kaga dileen 5 Askari waxayna kaga dhaawacenj 10 Askari oo kale.

22.01.2003 Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya waxay Gudhis oo ka tirsan Gobolka Nogbeed ku dileen 5 Askari oo ah Jaajuusiinta Ciidamada Cadawga Itoobiya, waxayna kaga Dhaaweceen 10 ka mid ah u adeegayasha Ciidamada Gumaysiga Itoobiya. Jaajuusiintan lalaayay ayaa la sheegayaa in ay Gadhwadeen u ahaayeen Ciidamada Cadaadiska iyo Cabudhinta ku caanbaxay ee Gumaysiga Itoobiya.

Dagaaladan isdaba jooga ah ee ay ku hayso Jabhada wadaniga Xorenta Ogaadeenya, Ciidamada dacdareeysan ee ka amar qaata Taliska EPRDF, ayaa sababay Burbur iyo Baxsi ku yimaada Ciidamada xaqdarada iyo cadaadiska Shacbiga ku caaan baxay ee ka hawlgala Gobolada Ogaadenya.

19-21 01 2003 waxaa Magaalda Jigjiga ka baxsaday 15 Askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya, tiro kale oo badana xabsiga Ciidamada ee magaalada jigjiga ayaa loo taxaabay kadib markii la Ogaaday in ay Baxsanayaan.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay Galeen wadamada dariska ah si ay naftooda amaan ugu helaan.

24.01.2003 waxay maamulka magaalada hargaysa qabteen 3 Sargaal oo ka soo baxsaday Xukuumada Itoobiya. Saraakiishaas ayaa lasheegayaa in ay la socdeen 6 Sargaal oo ay ka mid ahayeen Laba Korneel oo aan iyaga la qaban. Saraakiishan Laqabtay ayaa diiday in ay shegaan kooxdii kale ee Sarakiisha aheyd halkay mareen. Saraakiishan laqabtay ayaa waxay cadeeyeen in ay u adkaysan waayeen cadaadiska lagu hayo dadka ku hoosnool Xukuumada Dhiigyacabka ee Itoobiya.

Xariiqinta Xadaka Itoobiya iyo Eritrea oo la bilaabi doono Bisha May ee Sanadkan 2003.

Hayada jimciyada qarumaha ka dhaxeeysa ee qaabishan xariiqinta xadka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku dhawaaqday in Calaamadeenta rasmiga ee Xadka labada wadan uu bilaaban doono Bisha May ee Sanadkan 2003.

Hayadaas oo lagu magacabo UNMEE ayaa sheegtay in Xariijintani ay noqon doonto mid kama danbeeys ah oo cadayn doonta Dagmo iyo Tuulo walba Cida iska leh.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa si wayn u sugaya Calamadeenta Xadka Labada wadan.

Dadka siyaasada indha dhindheeya ayaa aaminsan in ay Eritrea ku guulaysan doonto lahaanshaha,

dhulkii ay Labada Dawladood Dagalada lagu hoobtay uu ku dhexmaray.

Dawlada Eritrea ayaa Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa u gudbisay Cadaymo ku filan oo muujinaya lahaansha Dhuka ay Itoobiya isku haystaan.

Inkasta oo go,aan rami ah laga gaadhay xadka Labada dal Sanadkii Hore Badhtamihiisii hadana ma dhicin Calaamadeen Rasmi ah oo Gudiga Jaciyada Quruuhumuhu ay ku Cadeeynayaan Tuulo walba Cida iska leh. Go,aankaas ayaa muujinayay in ay Eritrea dhulkaas iska leedahay, in kasta oo uusan ku qancin taliska Adis Ababa oo ku caanbaxay Dhulbaraadhsiga.

Xukuumada Itoobiya oo soo dajisay Shuruuc cusub oo lagu xayirayo Saxaafada Xorta ah.

Wasaarada warfaafinta Itoobiya ayaa shir ay kula yeelatay Hoteelka Giyoon ee Magaalada Adis Ababa Saxaafada Itoobiya ugu soo gudbisay Sharci Cusub oo ay kula dhaqmi doonan Saxaafada Xorta ah ee Itoobiya.

Sharcigaas Cusub ee ay Itoobiya u dajisay Saxafada Dalka Itoobiya ayaa muujinaya mid Cabudhinaya Saxaafada Xorata ah. Sharcigan Cusub ayaa Suxufiyiinta ku Amraya in ayna soo qaadi karin wax dhaliil ah oo ay leedahay Dawlada Itoobiya ee ay hogaaamiso TPLF.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Bereket Simon ayaa Sharcigan Cusub ku tilmaamay mid ilaalinaya Nabad galyada wadanka Itoobiya, halka ay Suxufiyiintuna dareemayaan Cadaadiskii iyo Cabudhintii lagu hayay oo lasii si yaadiyay.

Ururka caalamiga ee uu dooda xuquuqda saxuufiyiinta ee la yiraado CPJ oo saldhigiisa yahay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ku tilmaamay sharuucdan cusub kuwa lid ku ah howsha saxaafada xorta ah. Dowladda Itoobiya ayaa sanooyinkan dambe qaaday talabooyin ay ku cadaadinayaan saxaafada xorta ah, si aan loo oganin xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Wadanka Itoobiya.

Deeqdii Beesha Caalamka oo loo leexiyay Gobolka Tigree oo kaliya.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Tigree ayaa sheegayo in ay dowladda Itoobiya u qoday 76 Ceel si ay u raali galiso shacabka tigree oo beryahan dambe ku kacsanaa dowladda Zenaawi. Wararku waxay sheegayaan in ceelashaasi laga qoday inta badan Degmooyinka gobolka Tigree iyada oo ay shaqaalaha dowladda u sheegayeen shacabka in ay ceelashaasi yihiin Hadiyad ka timid Melez Zenaawi.

Ceelashaasi laga qoday Tigree ayaa waxaa ku deeqay Qalabka iyo kharashka lagu qodayba Beesha Caalamka si Wadanka Itoobiya oo dhan looga qodo Ceelal ay dadka iyo Duunyaduba ka cabaan. Xukuumada Itoobiya ayaa sida muuqata u leexisay Deeqdaas Gobolka Tigree oo kaliya.

Halka 76 Ceel looga qoday Gobolada Tegree waxay xukuumada Itoobiya Todobaadkii hore aastay Ceel Gacmeed ay ka cabi jireen 2500 oo Neef Maalitii iyo Tiro badan oo dadkii degaankaas daganaa ah. Ceelkaas oo lagu maga caabi jiray Horo Shagax ayaa ku yaalay Deganka Godeey ee Ogaadeenya.

Xuskii Habeenkii Ciqaabta ee Xabsiga Itoobiya.


waxaa lay xidhay 27-jan-01. waxaana Xidhnaa ilaa iyo 27-05-01.markaas oo aan ka baxsaday Gacanta Ciidamada Itoobiya.


Cadawga waxaa caado u ah inay markay ruuxa xidhaan ku khasbaan wax uusan
qabin, oo uu ruux aan waxba qabin u u sheego taasoo ah hafaryo, waayo markay Ruux Xidhaan waxay jecel yihiin in ay Ruux kalan ku guuleystaan. kii ay ogyihiin inuu yahay ONLF waxayba ka door bidaan midka ah Shacabka iyaga oo ay markaas la tahay in ay qabteen nin Madax ah.


malin aniga oo jooga gurigii aan daganaa oo ku yaalay Magaalada Jigjiga mudo 5 - sano ahna aan meela u dhaafin, ayay guriga iigu yimadeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad moodo inay qabteen sarkaal qaali ah oo inbadan gumaaday.


Markay xerada i geeyeen ayaa waxay igu bilaabeen waraysi marakay wax war ah iga waayeen oo aan leeyahay waxba ma’ogi ayay garaac igu bilaabeen, anigana waxan go,aan-saday geeri oo marna nolol ma filayn, markay daaleen ayey waxay igu rideen god hoos ah oo dhulka in badan ay hoos u qodeen oo sibidh marsan yahay jaran jaroyin badanna leh. Waxaa godka dhexyaala taayar
gaadhi oo qayb laga jeexay oo aad moodo markaad aragto aabeeso jiifta iyo xadhko. Waxay igu xidh xidheen xadhkihii markasay garaac igu bilaabeen oo uu marba mid ka nasinayay kii kale.

Waxaa la i xidhay markay taariikhdu ahayd 27 januari 2001
Habeenkii 28-01-01 waxaan maray ciqaabtii iigu xumeeyd iyo xannunkii iigu badnaa Adddunka.

Markii la idilaba intaan miyir beelo ayaan muddo kadib soo ka cayay, markaan soo miyirsadaba waxay igu qasbayeen Biyo kulul oo lagu daray milix, Bisbaas iyo qayb Timahayga ka mid ah oo ay ku kariyeen. kuleelka Biyaha waxaa iiga daraa kuleelka Basbaaska oo intaanan u soo dhawaaninba Indhahayga Ilmo ka keenayay. Ciqaabta laygu hayo awgeed, Waxan ku qasbanaa inaan cabo Biyahaas
yaabkale oo Markaan kabadaba ay Bishimuhi iga Bislanyeen.


Nabarada ilaa iyo hadda iga muuqda oo aad u badan ayaa waxaa iigu daran xidid ka go’an dhafoorkayga oo sababay markaan waxoogaa joogoba in il ka mid ah indhayga uu aragu ka tago.

Intaasoo dhana waxaa wali iiga sii daran sida bini’aadanimada ka baxsan ee la ii garaacay, bararka saaran lugahayga midkiiba waxay la’egtahay lug Geel.

Aniga oo sidaas u dhibaateeysan ayaa waxaa la i horkeenay Laba nin aanan waligay arag oo la yidhi maxaad ka ogtihiin gabadhan xaaladeeda. Sidaan wax kale uga sugayay ayuu mid ka mid ah yidhi Alla maxaan warqad ay nooga soo qortay magaalada oo sir ah ku dagaaal galnay.

Kii kalena wuxuu yidhi: aniga ayaa idiin huba gabadhan waa sarkaal weyn waxayna ka mid tahay golaha dhexe ee JWXO.


Hadaba cadaabka xabsiga Ciidamad Itoobiya ee Magaalada Jigjiga waxuu ahaa mid aad iyo aad u xanuun kulul oo xusuustiisu murugo iyo naxdinba leh.

Xabsigaas oo ku yaala Xerada Ciidamada Jigjiga ee lagu magacaabo Garab-Case ayaa waxaa ku jiray dad ka soo jeeda jinsayado kala duwan, sida dad u dhashay Ogadeniya, Oramiya iyo qolooyin kale oo aan hadda xusuusan jinsayadaheey ahaayeen.

Xabsigan aan mudada ku jiray ayaan markii danbe aad ugu xanuunsaday kadibna waxaa la i geeyay Isbitaal ay lahaayeen Ciidamadu oo ku yaalay Magaalada Jigjiga, nasiib wanag Halkaas ayaan ka soo baxsaday 27 May 2001.

Sikastaba ha ahaatee maalintii isniinta habeenimadii talaadada soo galaysay oo ay Bishan jan. 27ka aheed sannadkan 2003 ma’aanan seexanin oo mar waan ooyayay, mar intaan salaatu layl tukato ayan u ducaynaynayay maxaabiista xidhan, marna waa fikirayay sidaas ayuu waagii iigu baryay.
Taariikhda xabsiga iyo xidhigayga oo aad u dheer ayaan intaas kaga baxayaa, kaligeyna ma ahi ee waxaa laga helayaa dad fara badan oo sidayda oo kale iyo kadaranba loola dhaqmay oo ku jira Xabsiyada Itoobiya.

Hinda Maxamed

Hibaaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com 
radioxorio@yahoo.com
 

I  I  D  H  E  H

 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD