Inkasta oo Ilaah baa mahad lehee dhulka
Ogaadeenya uu si fiican uga da,ay Roobkii Guga, dadka iyo duunyaduna ay ka
baxeen Abaarihii kululaa ee khatarta ku hayay Naftooda, hadana waxaa
halkeedii ka sii socota dhibaatadii gumaysiga oo aan wali soo afjarmin.
Wariyayaasha RadioXoriyo ee ku sugan Gobolada Ogaadeenya ayaa sheegaya dad
badan oo ay ciidamada ka amar qaata taliska dhiigyacabka ah ee Itoobiya ku
xidh xidheen dagmooyin ka mid ah Ogadeenya, waxaana goobaha dadkaas lagu
xidh xidhay ka mid ah ku wan hoose.
5/04/03, magalada Farmadow waxay ciidamada
cadawgu xabsiga u taxaabeen nin shacab ah oo lagu magacaabo Mohamed
Cabdulahi Cabdi.
Sidoo kale waxay ciidamada cadawga Itoobiya
ee ku sugan Magaalada Shaygoosh Xabsigi u taxaabeen dadkan Shacabka ah ee
aan waxba galabsan waxayna kala yihiin.
- 1- Mohamed Sh. Khaliif.
- 2- Daahir Xaashi.
- 3- Daahir Weyrah.
- 4- Daahir Ahmed Qorah.
- 5- Xassan Daahir Xareed.
- 6- Aaqil Cartan.
- 7- Ciil mooge, oonaan magaca aabihii
weli helin.
- 8- Xassan Ahmed Caafi
- 9- Cibaado Cabdulaahi Hajir.
- 10- Dhuux Qorane,
- 11- Mohamed Muxumed Qorane.
- 12- Musdaffe Cabdi Astur
- 13- Khaliif Ahmed Shakaal.
- 14- Ahmed Kaabe Ahmed.
- 15- Ahmed Shafeec.
- 16- Ahmed-noor Faarah Cabaas.
- 17- Habe Burale Cabdi-aamin.
- 18- Safiya Cumar Yuusuf.
- 19- Shukri Ahmed Yare.
15/4/03, Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee ku
sugan Magaalada Gunagado ayaa waxay xabsiga u taxaabeen 27 Ruux oo shacab
ah, dadkaas ayaa waxaa loo haystaa hab dhaqaale iyo cabsi galin ay ku
sameeynayan Ciidamada boobka iyo argagaxa lagu yaqaano ee taliska Adis
Ababa, waxaana ka mid ah dadlkaas.
- 1- Hinda Sheekh Muxumed.
- 2- Nasri Xaaji Xassan Guuleed.
- 3- Hibo Maxamed.
Sidoo kale waxay ciidamada Argagaxa ku
dhisan ee ka amar qaata Taliska EPRDF jidh dil culus u gaysteen gabadha lagu
magacaabo Koos Cismaan Xasan oo laheed Uur 5 Bilood ah, gabadhaas ayaa waxay
Ciidamada Itoobiya ka soo rideen Ilmihii ay ku siday Caloosha.
23/4/03, Ciidamada Nololdiidka Itoobiya ee
ku sugan Degmada Gudhis ee Gobolka Nogob, ayaa waxay dadwaynihii halkas
daganaa kala wareegeen Guryahoodii iyo wixii hanti ay haysteen, talaabadan
ayaa waxay ka danbeeysay tuhun ay ciidamada Itoobiya ka qabaan in dadwanaha
deegaankas uu tageersan yahay Jabahada wadaniga Xoreeynta Ogaadenya, balse
dadku waxay sheegayan madaama ay da,ayan Roobab Culus in ayna Ciidamadu
Gumaysigu haysan Hoy ku filan oo ay ka galaan Roobabka ka da,aya goobahaas,
kadibna ay si xooga ugala wareegeen Guryihii ay dadkasi daganaayeen. Wararku
waxay intaasi ku darayaan in dadkaas xaaladoodu ay ku sugantahay khatar aad
u wayn. Waxaana ka mid ah dadka Guryahoodfii laga fara maroojiyay ee bananka
ladhiga.
- 1- Mahamed Sayid Cabdille.
- 2- Weli Ahmed Siyaad.
- 3- Shaafi Sh. Maxamuud.
- 4- C/Raxmaan Cabdulaahi Hudle.
- 5- Cabdi Macallin Aaden.
- 6- Macallin Xassan Macallin Aaden.
- 7- Xaaji Noor Barkhadle.
- 8- Haybe Cabdi Raxmaan.
- 9- Xussein Xassan Weeb.
- 10- Jire Aaden Sheekh.
- 11- Cabdi-dhuub Sh. Mohamed .
- 12- Noor Mohamed Geedo.
- 13- C/Qaadir Sh. Faarah.
Waxay kale oy Ciidamada Gumaysigu dab
qabadsiiyeen Guri uu lahaa Yuusuf Xaashi, oy ku eedeeyeen in uu Jabhada
Wadaniga Xoreenta Ogadeenya taageere u yahay.
Sida oo kale waxay ciidamada gumeysigu la
wareegeen School ku yaalay magaalada Gudhis oo ay dhiganayeen 300 oo Araday.
Schoolkaas ayaa la sheegayaa in ay Ciidamada Itoobiya ka dhigteen Hoy kadib
markay ka dareeriyeen Ardadii halkas wax ka baranaysay iyo Macalimiintiiba.
Ciidamada Itoobiya waxay weerer ku qaadeen
Xaruntii Xertii sheekh Nuure waxayna xabsiga u taxaabeen 8 Ruux oo ka mid
ahaa xertii halkaas wax ku baranaysay. Maxaabiistaas ayay ciidamada Itoobiya
u sii qadeen saldhiga ay ciidamada cadawgu ku leeyihiim Magalada Garbo,
waxaana ka mid aha dadkaas.
- 1- Xaaji Cabdi Sh. Bashiir Sayid-noor.
- 2- Shife Sayid Cali Siyaad.
- 3- Faarah Cabdulaahi Koora-tol.
- 24/04/03, Ciidamada macangaga Itoobiya
waxay Magaalada Dig ku xidh xidheen dadkan kala ah.
- 1- Asad Ibraahin Baabuur.
- 2- Khadar Ismaaciil Faarah.
- 3- Farah Xussein Guuleed (farah-waal).
- 4- Xaliimo Daahir Xassan.
Zenaawi oo nabadgalyadiisa ka walwalsan.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis
Ababa ayaa sheegaya in ra'sul wasaaraha Itoobiya Melez Zenaawi u qaaday
tilabooyin dhowr ah si u nabadgeylyadiisa khaaska ah u ilaaliyo, ka dib
markay cadaatay in ay Eritrea leedahay Badme. Talabooyinka uu kaligii taliye
Zenaawi ku ilaalinayo nabad galtadiisa waxaa ka mid ah.
Ø In dalka Ukrain looga dalbo gadhi khaas
ah oo ayana raasaastu ka soo gudbi karin.
Ø In laga bilaabo wixi hada ka danbeeya
cid kasta oo la kulmaysa ay qabsato balan, taas oo saameeynaysa xataa ragii
ku dhadhawaa ee uu ka midka ahaa Sebxaan Neega.
Ø In dhaman Sarakiisha sida khaaska u
ilaaliyo la beddelo.
Ø In ayna Ilaaladiisa iyo Darawlkiisu
ogaanin meesha loo wado ilaa uu ka soo galo Baabuurka oo la dhaqaaqo.
Ø Iyo in balamadiisa si lama filaan ah loo
badalo oo ayna cidina ogaan.
Talaabooyinkan lagu ilaalinayo Ra,ilsal
wasaaraha Itoobiyaq ayaa waxay ka danbeeysay, kadib markii la ogaaday in
xubno sar sare oo ka tirsan TPLF ay shirar qarsoodi ah galeeyn , kuwaas oo
uusan waxba kal socon kaligii taliye Zenaawi.
Dhinaca kale Ururka cadaalad &
demoqradiyada ee Tigreega caalamiga ah (TISJD) shir dagdag ah oo ay ku
yeesheen magaalada Washington ayaa waxay Shacabka Ethiopia oogu baaqeen in
ay la dagaalamaan calooshii u shaqayste Meles Zenawi waa siday hadalka u
dhigeenee, waxay kalooy dadka Tigrega ah si gaara ugu baaqeen inay taliska
dhiigyacabka Zenaawi si wada jir ah ula dagaalamaan. Masuuliyiinta Ururkaas
aya waxay Ciidamada Qalabka sida ugu baaqeen in ay Afganbiyaan ninka ku amr
ku taagleeynaya Shacabka Itoobiya, waxayna uga digeen in aan loo adeegsan
waxyeeleenta dadwaynaha. Ururkaasi waxuu kaloo ugu baaqay Xukuumada Adis
Ababa in ay sii dayso maxaabiista TPLF ee ka buuxda xabsiyada gaar ahaan
wasiirkii hore ee Gaashandhiga Siye Abraha iyo qoskiisa.
Wasiir ka tirsan dawlada Zenaawi oo jagadii
laga qaaday.
Worede Woldu oo sanadkii hore ahaan jiray
wasiirka cadaalada Itoobiya, haatana ahaa wasiiru dowle ayaa jagadii laga
qaaday todobaadkii hore. Sida wararku sheegayaan Wolde ayaa looga shaki
qabaa inuu ka qeyb galay dhaq dhaqaaqyo siyaasi ah oo ka soo hor jeedo Melez
Zenaawi. Wararku waxaay intaasi ku darayaan in Worede lagu hayo dabagal
lagula soconayo dhaqdhaqaaqiisa, kaas oo ay isha ku hayaan ciidamada
sirdoonka Itoobiya ee daacada u ah Malis Zeanaawi.
Ø Wasiirka
Warfaafinta iyo Madaxwaynihii hore ee Itoobiya oo hadala kulul is
waydaarsaday.
Wasiirka warfaafinta Itoobiya Bereket
Simion iyo madaxweynihii hore Itoobiya Negasso Gidada ayaa isku hadal
dhaafsaday shir ay qaban qaabisay jimciyada qarumaha ka dhaxeeys gaar ahaan
qeybta la yiraahdo United Nations Economic Commission for Africa (UNECA)
16kii Bisha April. Shirkaas ayaa lagaga hadlayay sharciga cusub oy dowladda
Itoobiya rabto in ay u soo dajiso saxaafada. Sida wararku sheegayaan Bereket
Simion ayaa ku adkeystay in sharcigaasi u yahay mid munaasib ah halka u
Negasso Gidada si kulul u dhaliilay sharcigaasi ay dowladdu rabto in ay hir
geliso isaga oo ku tilmaamay mid cabudhinayo saxaafada xorta ah. Labada
masuul ayaan marnaba isku soo dhawan inkasta oo ay khuboro badan oo madasha
shirka joogay isku dayeen in lasku soo dhawado.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Xadraawi)
oo Shacabka oo shacabka iyo masuuliyiinta waqooyi galbeed ugu baaqay inay la
midoobaan walaalahooda Koonfurta Soomaaliya.
Hadraawi oo ah Abwaan caan ah si wayna looga yaqaano Soomaalida dhexdeeda
ayaa ugu
baaqay shacbiga iyo madax cusub ee loo doortey Somaliland inay la midoobaan
walaalahooda koonfurta Somaliya, sidaasna waxaa lagu sheegey war lagu
fidiyey bogga internet-ka Somaliweyn 26-bishan Abriil.
Baaqa abwaan Hadraawi wuxuu ku soo haggaagay 12 oo aqoonsi la,aan ay ku
jirtey Woqooyiga dalka Somaliya. "Koonfurta Somaliya ma ayna xasuuqin
eedna
kama galin woqooyiga Somaliya, ee Taliskii milatariga ahaa oo koonfurtu ay
riday ayaa ku xadgubay shacbiga Woqooyiga somaliya ayuu yidhi Abwaanku".
waxaa kale oo abwaanku Ilaahay ka rajeeyey in uu tuso inta cimrigiisa ka
hadhay Somali oo midowday oo dawlad qarana dhisatay. wuxuuna ugu baaqay
fanaaninta iyo Aftahanka Soomaaliyeed in ay dalka dib ugu soo laabtaan oo ay
kaalintooda ka qaataan dhisida garaadka bulshada Soomaaliyeed.Wuxuu abwaan
Hadraawi ku soo bandhigay aragtiyahan xogwareysi lagula yeeshey rugta uu ku
suganyahay hadda oo ah Magaal madaxda Gobolka Tog-dheer ee Burco isaga oo
iskaga yimid Qurbihii uu ku maqnaa.
29.04.2003
Hibaaq Samater
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|