Dagaalo xoogan oo dhex maray Ciidamada
Xoreeynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.
Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee Ciidanka
Xoreeynta Ogaadeenya ayaa sheegaya dagaalo kulul oo dhex maray, Ciidamada
Xaq u dirirka Xoreenta ogaadeenya iyo Ciidamada dulmiga ku dhisan ee
gumaysiga Itoobiya.
09.04.2003 dagaal ay iskaga horyimaadeen Ciidamada
Xoreeynta Ogaadenya iyo Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya oo marayay
meesha lagu magacabo Qodka oo ka tirsan Dagmada Dhagax-Madaw, ayaa waxaa
Ciidamada dacdareeysan ee Gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 7 Askari, waxaana
lagaga dhawacay 13 Askari oo kale.
Sidoo kale Dagaal ay ku qaadeen Ciidamada
geesiyiinta Xoreenta Ogadeenya, Qayb ka mid ah Ciidamada Gumasiga Itoobiya
oo marayay meesha lagu magacabo Xero Safar, oo ku taala duleedka Magaalada
dhagax-Madaw, ayaa waxaa Ciidamada Doolka ku jooga Ogaadeenya ee gumaysiga
Itoobiya lagaga dilay 8 Askari waxaana lagaga dhaawacay 15 Askari oo kale.
14.04.2003 dagaal gaadomo ah oo ay ku
qaadeen dagaalyahamiinta Ciidanka Xoreenta Ogaadeenya, qaar ka tirsan
Ciidamada isu keenka Gumaysiga Itoobiya, oo marayay duleedka Magaalada
Dhagax-Buur, ayaa waxay kaga dileen 7 Askari waxayna kaga dhaawaceen 12
Askari oo kale.
Isla wakhtigaas weerar ay Ciidamada
Xoreenta Ogaadeenya ku qaadeen, Ciidamada Dulmiga ku Caanbaxay ee ka amar
qaata Taliska Nololdiidka ee EPRDF, oo marayay Garaska oo ka tirsan Gobolka
dhagax-Buur ayaa waxaa Ciidamada taageera Taliska Adis Ababa lagaga dilay 12
Askari waxaana lagaga dhaawacay 19 Askari oo kale.
Duuliye Sare oo ka mid ah Cidamada Cirka ee
Itooboya oo iska dhiibey wadanka Maraykanka.
Duuliye sare oo u dhashey qoomiyada Tigrea
oo lagu magacaabo Kabtan Haile Kidanemariam laguna naaneeyso (Dabo) ayaa
magangalyo siyaasadeed waydiistay dawladda Maraykanka.Ninkan oo ahaa mid ka
caan ah Itooboya ayaa waxuu hastay Bilad-geesida ugu saraysa ee wadanka
Itoobiya, waxuuna ka mid ahaa raga ugu caansan Ururka TPLF. Ninkan oo
duulinjiray diyaaradaha SU-27 iyo mig 21 ayaa waxuu wadanka Maraykanka u
tagay tababar dhawr Bilood ah oo ay u dirtay xukuumada Adis Ababa. Wararku
waxay intaasi ku darayaan in Mr Haile u adkaysan waayay siyaasada guracan ee
uu kula dhaqmayo Zenaawi Shucuubta ku hoos nool Xukuumada Itoobiya iyo
burburka uu ku sameeyay dhaqaalaha wadanka. Si kastaba ha ahaatee waxaa
beryahan danbe batey baxsiga saraakiisha iyo Ciidamada Cirka ee Itoobiya,
baxsigan ugu danbeeyey waxa uu tirada goosatey mudo ka yar ka dhigayaa 16
Duuliye.
Ø Taliyaha
Ciidamada Itoobiya oo wada isku shaandheen.
Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya
Jeneraal Samora Yunus ayaa wada isku shaandheen uu ku kala badalayo,
Saraakiisha qaybaha Ciidamada Itoobiya. Isku shaandheentan ayaa waxay ka
danbeeysay shaki laga qabo in ay Saraakiishu sameeyaan inqilaab ay ku
Afgabinayaan kaligii taliye Malis Zenaawi.
Dhawr Jeneraal oo ka mid ah Ciidamada ayaa
waxaa looga shaki qabaa in ay ka horyimaadaan Xukuumada Zenawi, waxuuna hada
Samora ku mashquulsanyahay sidii uu u kala badali lahaa saraakiishaas
gadoodsan, ee uu mid walba u gayn lahaa qayb cusub oo uusan aqoon u laheen
Askarata iyo saraakiisha hoosaba.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in
jeneraalada Tigreega ah laga foogeeyay caasimada intooda badan, si ayna
saameeyn ugu yeelan siyaasada uu ku dhaqmayo kaligii taliye Zenawi. Sidoo
kale Korneela badan ayaa la sheegayaa in qeybahooda laga wareejiyay oo qeybo
kale lagu qoray.
Guud ahaan sarakiisha sar sare gaar ahaan
kuwa u dhashay qowmiyada Tigreega, ayaa waayahan dambe kacsan, iyaga oo u
arka go'aanka lagu cadeeyay in ay Badme Eritrea leedahay mid xaqiijinaya in
ay Eritrea dagaalkii dhex maray Labada dal ku guuleeysatay, isla markaasina
uu Zenaawi sabab u yahay jabka ku dhacay Itoobiya guud ahaan iyo khilaafka
kala jabiyay xisbiga TPLF gaar ahaan.
Ø Waraysi lala yeeshay madaxwaynaha
Eritrea Isaye Afwarki.
Idaacadda Eritereya, qaybta ku hadasha Afka tigreega
ayaa dhawaan waraysi la yeelatay madaxwaynaha Eritereya Isyas Afwarki,
waxaana ka mid ahaa su,aalihii la waydiiyay in madaxda EPRDF ay isku aragti
ka yihiin go,aanka ka soo baxay guddiga cabbirka soohdinta u dhaxaysa
dalalka Eritereya iyo Itoobiya.
Isyas Afwarki wuxuu sheegay in madaxda EPRDF ay
aragtiyo kala duwan qabaan, arrintaasoo ka turjumaysa dhibaatada siyaasadeed
iyo niyad-jabka ba,an ee Itoobiya ka jira. Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah
madaxda wayaanaha ah ee EPRDF ay qabaan in dagaalku uu yahay xalka kaliya ee
lagaga gudbi karo dhibaatada xuduuda, sababtoo ah waxay wayaanuhu qabaan in
haddii la aqbalo go,aanka guddiga soohdinta ee Qaramada Midoobey ay ka
dhigan tahay is-biimayn.
Wuxuu kaloo Afwarki carrabka ku dhiftay in madaxda
wayaanuhu ay qabaan in Asmara xoog lagu qabsado oo la dhiso dawlad ay
Itoobiya xakamaha u hayso, arrintaasoo suuragal ka dhigaysa in maab cusub
dib loo jeexo, taasoo ah sida kaliya ee lagaga bixin karo dhibaatada
Itoobiya ka jirta.
Waxayna arrintan u cuskanayaan buu yidhi dagaalka uu
Maraykanku ku qaaday waddanka Ciraaq, waxayna qabaan in dagaalkaasi uu
abuuray jawi suuragelinaya in Itoobiya ay arrimo nabadgelyo awgood u weerari
karto dalka Eritereya.
Afwaerki wuxuu kaloo waraysigan ku sheegay in
maamulka wayaanaha ee Itoobiya ka taliya uu Sanad walba bixin jiray kharash
gaadhaya 6 milyan oo doollar intii uu kiiska xuduudu socday, wuxuuna
lacagtaas ku bixin jiray qorshayaal uu ku doonayay inuu ku beddalo mawqifka
qareenada iyo garyaaqanada kiiska gacanta ku hayay, hase yeeshee way ku guul
darraystay in go,aanka xuduuda doonistiisa lagu saleeyo.
Ø Dawlada ku meelgadhka ee Soomaaliya iyo
kooxaha ku midiibay G8 oo kuloma leh.
DKMG ee Soomaaliya iyo kooxaha ku midoobay
G8 ayaa yeelanaya kulamo ay rabaan in ay ku soo af jaraan dhibaatada nabad
galyo la, aan ee ka taagan Magaalada Muqdisho. Tan iyo Labadii bilood ee la
soo dhaafay ayaa waxaa socday dadaal ay masuuliyiinta Labada dhinac ku
wadaan sidii laysugu soo dhawaan lahaa, si loo helo xal nabad galyo oo si
rasmi ah uga dhasha Magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba Soomaliya.
Madaxwaynaha Dawladda ku meel gaadhka ee Soomaliya Dr. C/qaasin Salad Xasan
ayaa Dayniile oo ah Xarunta Qanyare Afrax dhawaan kula kulmay masuuliyiin ka
tirsan Gaup 8 oo ay ka mid yihiin Caato iyo Qanyare, masuuliyiinta ayaa
waxay ka wada hadleen sidii loo furi lahaa ilaha dhaqaalaha ee Magaalada
Muqdisho oo ay ka mid yihiin Garoonka iyo Dekadda. Isku soo dhawaanshaka
Dawlada ku meelgadhka iyo kooxaha muqdisho ayay dadbadani u arkaan mid lagu
gaadhayo xal nadagalyo oo ka dhasha Magaalada Muqdisho.
25. April 2003
Dhiidhi Nuur
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|