Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo dad
xidhxidhay.
Ciidamada dulmiga ku dhisan ee gumaysiga
Itoobiya ayaa dad farabadan ku xidh xidhay goobahan soo socda.
11.04.2003 waxay Ciidamada dulmiga ku
caanbaxay ee gumasiga Itoobiya ku xidh xidheen Magaalada Qabri Dahare dad
shacab ah oo aan waxba galabsan, dadkaas oo la rumeeysan yahay in ayna wax
danbi ah lug ku leheen, ayay Ciidamada Itoobiya u xidh xidheen si ay lacag
uga helaan waxaana ka mid ah dadkaas.
- 1- Faarah Cabdulaahi Yuusuf.
- 2- Bashiir Cali Saciid.
- 3- Cali Badel Mohamed.
- 4- Hudle & Bashiir, oonaan
magacyadooda oo buuxa haynin.
Waxay kalooy Ciidamada Gumaysiga Itoobiya
xabsiyada Dagmooyin ka tirsan Gobolka Nogbeed u taxaabeen dad Shacab ah oo
aan waxba galabsan, dadkasna waxaa ka mid ah.
- 1- Faarah Bedel Yuusuf.
- 2- Mohamed weli Cabdi
- 3- Cabdi-rezaaq Muxumed xussein
- 4- Mohamed Qorane Mursal
- 5- Bishaar Cabdi Raage.
- 6- Ardo Nuuriye Aaden.
- 7- Mohamed Haybe Cabdi,
- 8- Taajir Cabdi Mursal.
Sidoo kale waxay Ciidamada Nolol diidka
Gumaysiga Itoobiya xabsiga ay ka sameeysten Magaalada Farmadaw u taxaabeen
dadkan kala ah.
- 1- Deeq Mohamed.
- 2- Qoor-gaab Muxumed Maxamed.
Ø Baarlamaanka Maraykanka oo siyaasada
Itoobiya dhalliilay.
Gudidga Xidhiidhaka Caalamiga ah ee
baalmaanka Maraykanka ayaa si wayn u canbaareeyay xukuumada Itoobiya ee
wayaanahu uu ka taliyo, wuxuuna Guddigu sheegay in dhaqaalihii loogu
talagalay in lagu caawiyo dadka abaaruhu wax-yeelleeyeen ay xukuumadu ku soo
gadato hub casri ah, taasina ay caddayn u tahay in maamulka wayaanuhu uu
yahay mid musuqmaasuq ku dhisan.
Guduiga xidhiidhka caalamiga ah ee
baarlamaanka Marykanku wuxuu shir uu dhawaan isugu yimid ku sheegay in
abaaraha ku habsaday qaarada Afrika, gaar ahaan wadanka Itoobiya, oo had iyo
jeer ay abaaruhu ku soo noqnoqonayaan, ay sabab u tahay siyaasad xumida iyo
musuqmaasuqa ka jira xukuumadaha dalalkaas, gaar ahaan xukuumada Itoobiya.
Ninka masuulka ka ah hay’adda horumarinta
maamulka caalamiga ah ee Marykanka, oo lagu magcaabo Mr. Andrews Nastyos,
ayaa sheegay in loo baahan yahay in xukuumada Itoobiya ay baddasho siyaasada
ay ku dhaqanto, wuxuu kaloo intaas raaciyay in dhibatada Itoobiya haysata
ayna xal u ahayn in had iyo jeer la quudiyo.
Ø Rabshado ka billowday gobolka
Woqyooyi Galbeed ee Soomaaliya.
Dhowr qof ayaa ku dhawacmay banaanbaxyo
iska soo horjeeda oo ka dhacay Hargaysa, ka dib markii ay soo baxday
natiijada doorashada madaxtinimada maamulka Waqooyi Galbeed.
Daahir Riyaale Kaahin, oo haatan madax u ah
maamulka Waqooyi Galbeed, ayaa la sheegay in uu ka guleeystay Axmed Maxamed
Silaanyo oo isna diiday natiijada dooarashada.
Wararka ka imaanayo magaalada Hargaysa iyo
magooloyin kale oo ka tirsan Waqooyi Galbeed ayaa sheegaya in rabshaduhu ay
fideen, ayna jiraan dad fara badan oo xidhxidhan iyo kuwa kale oo dhaawacan.
Waxaa la burburiyay makhaayad shaaha laga cabo oo ku taala Magaalada
Hargaysa, halkaasoo ay afar qof ku dhawacmeen ka dib markay isku dheceen
tageerayaasha Kaahin iyo Silaanyo.
Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa si wayn
u danaynaysa arrimaha doorashada ee maamulka Woqooyi Galbeed, waxayna labada
dhinac kula jirtaa kulano kala duwan, waxaana haatan magaalada Hargaysa ku
sugan Generaal ka tirsan ciidanka sirdoonka Itoobiya oo loo diray in uu si
gaar ah isha ugu hayo siyaasada gudaha ee maamulka Woqooyi Galbeed.
Ø Masuuliyiin EPRDF ah oo laga
mamnuucay inay dalka dibada uga baxaan.
Kadib markii uu qas iyo lab mar labaad ka
dhex billaabmay dawlada wayaanahu ka taliyo ee Itoobiya ayaa 13 qof oo ka
tirsan golaha dhexe ee EPRDF la sheegay in uu kaligii taliye Meles Zenawi ku
amray wasaarda arimaha dibada in laga mamnuuco inay wadanka dibada uga
dhoofan, waxaana magacyadooda la dhigay garoonada dayuuradaha ee wadanka oo
dhan, sidaas waxaa qoray jaraa’idka lagu magacaabo Mogad.
Isku dhac qallafsan ayaa ka dhex socda
xubnaha EPRDF, oo isku khilaafsan siyaasada cabudhinta ah ee keligii taliye
Meles Zenawi dalka ku dhaqayo, wuxuna khalaafkaasi sii xoogaystay, ka dib
markii uu soo baxay go’aankii kama denbaysta ahaa ee soohdinta u dhaxaysa
labada dal ee Itoobiya iyo Eritereya oo magaalada Bademe raaciyay dhinaca
Eritereya, kaasoo Itoobiya ay ku gacan saydhay.
Arrinta Bademe waxay sii calwisay siyaasada
xukuumada Itoobiya, oo markii horaba murugsanayd, waxayna sheegayaan warar
lagu kalsoon yahay in keligii taliye Meles Zenawi uu arrintaas darteed u
kordhiyay wardiyihiisii gaarka ahaa, isagoo ciidamo si wayn loo tababaray ku
wareejiyay labo xaruumood oo ku yaalla magaalada Addis Ababa, kuwasoo uu u
badan yahay.
Waxaa kaloo si wayn loo sii adkeeyay
daba-galka lagu hayo mucaaradka ka dhex abuurmay xukuumada wayaanaha
dhexdeeda, sida ninka lagu magacaabo Twelde iyo ururrada mucaaradka xabshida.
Ø Ragii ugu dhadhawaa kaligii taliye
Meles oo ka dhaqaaqay.
Madaxwaynaha gobolka Tigreega Tsegaye Berhe
iyo ku xigeenkiisii Abadi Zemu, oo lagu tirinayay inay daacad u yihiin
kaligii taliye Meles Zenawi, ayaa arrinta Badame awgeed cidla uga dhaqaaqay
Meles Zenawi.
Waxayna arrintaasi ka denbaysay, ka dib
markii uu Meles Zenawi Labadaas nin shir dagdag ah ugu yeedhay, si uu ugala
tashado arrinta qaska keentay ee Bademe.
Madaxwayne ku sheegga gobolka Tigreega
Tsegaye Berhe ayaa yidhi; Dadka Tigreega ah lagama dhaadhicin karo in
magaalada Bademe ay Eritereya leedahay, wuxuu kaloo intaas raaciyay, anigu
xaataa shaqsiyan arrintaas ma aaminsani.
Ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo Abadi Zemu
ayaa isagu wuxuu tilmaamay in cadaaladu ay tahay in magdhow fara badan la
siiyo dadkii ay carruuruhu kaga dhinteen dagaalladii Eritereya lala galay.
Dhiidhi Nuur
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|