SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Apr 19, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnaamijka Radio Xoriyo wuxuu caawa ka kooban yahay qodobadan soo socda

  • Ø Dagaalo dhex maray Ciidamada Xoraynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga
  • Ø Qarmada Midoobey oo qoxooti ka rartay xuduuda Itoobiya iyo Erietereya
  • Ø Koox xuquuqul insaanka danaysa oo Itoobiya canbaaraysay
  • Ø Afwarqi oo maamulka Itoobiya cabaareeyay
  • Ø Masar oo ka hadashay hubka Soomaaliya ku soo qulqulaya
  • Ø Madaxwayne Geelle oo la kulmay wasiirka warfaafinta Eritereya
  • Ø Riwaayad waddani ah oo ay soo diyaarisay abwaanada wayn ee Roda Afjanno iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

 

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Dagaalo kulul oo dhex maray Ciidamada Xoraynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga

xayaysiisWariyaha Radio Xoriya uga soo warama Jiidda hore ee dagaalka ayaa noo soo tabiyay dagoolo ba’an oo dhex maray Ciidamada geesiiyiinta Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Maxaysatada Gumaysiga Itoobiya.

05.04.2003 iska hor imaad dagaal oo ku dhex maray Ciidamada Xoraynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Dharkaynlay oo ka tirsan Gobolka Dhagax-Buur ayaa waxaa Ciidamada Doolka ku jooga Ogaadeenya ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 14 Askari waxaana lagaga dhaawacay 23 Askari. Dagaalkan oo ku riday Ciidamada cadawga argagax iyo hanfariir ayaa waxaa lagaga furtay Hub iyo saanad kale.

Sidoo kale weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen Ciidamada Dagaalyahamiinta Xoreenta Ogaadeenya qayb ka mid ah Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo marayay Meesha lagu magacaabo Tantomi oo ka tirsan deegaanka Dhagax-Buur ayaa waxaa Ciidamada Cadawga lagaga dilay 8 Askari, waxaana lagaga dhaawacay 13 Askari oo kale.

08.04.2003 Dagaal kadis ah oo ay ku qaadeen Ciidamada Xaq u dirirka Ogaadeenya Ciidamada Xaqdarada ku dhisan ee ka amar qaata taliska Adis Ababa oo ku sugnaa Bullaale oo ka tirsan deegaanka farmadaw ayaa waxaa Ciidamada Cadawga lagaga dilay 7 Askari, waxaana lagaga dhaawacay 11 Askari oo kale.

Guud ahaan dagaalladaas waxaa Ciidamada Dulmiga ku caanbaxay ee Gumaysiga Itoobiya lagaga Dilay 29 Askari waxaana lagaga dhawacay 47 Askari oo kale, waxaa kaloo dagaalladan lagaga naafeeyay qalab badan oo ay adeegsanayeen Ciidamada Taliska EPRDF ee wayaanuhu hogaamiyo.

Qarmada Midoobey oo qoxooti ka rartay xuduuda Itoobiya iyo Erietereya

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa dhawaan go´aan ku gaadhay inay ka soo rarto xeryihii ay ku noolaayeen qoxooti reer eritereya ah oo gaadhaya 5000 oo qof, kuwaasoo degganaa meelo ku dhaw soohdinta u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritereya.

Go’aankani wuxuu ka denbeeyay, ka dib markii uu guddiga u xilsaaran soohdinta labada dal soo saaray go’aankiisii ugu denbeeyay ee ku saabsanaa soohdinta labada dal u dhxaysa, hase yeeshee ay Itoobiya ku gacan saydhay go’aanakaas isaga ah, isla markaana ay sheegtay inaanay ka hadhaynin gaar ahaan magaalada Bademe oo la raaciyay dhinaca Eritereya.

Qoxootigani waxay ku noolaayeen meel xuduudda 20 km oo kaliya u jirta, waxaana deegaannadaas looga soo rarayaa arrimo nabadgelyo awgood, iyadoo laga cabsi qabo in Itoobiya ay dib u biilowdo dagaalkii dhinaca soohdinta ahaa labada dal horay u dhex maray.

Dhinaca kale keligii taliye Males Zenawi ayaa isugu yeedhay baarlamaanka xukuumaddiisa, sida la ogyahay aan beryihii denbe oo dhan wax shaqo ah qabnin, wuxuuna baarlamaanka isugu yeedhay, ka dib markii uu khilaaf lixaad leh soo kala dhex galay xubnaha TPLF oo isku khilaafsan go’aankii uu soo saaray guddiga xallinta khilaafka xuduudeed ee Itoobiya iyo Eritereya u dhexeeya.

Dhinaca kale xoghayaha guud ee xisbiga PFDJ, oo ah xisbiga gacanta ku haya talada dalka Erietereya, Al-amiin Maxamed Saciid ayaa shacbiga reer eritereya ugu baaqay inay diyaargarow adag u galaan wararka ka soo yeedhaya dhinaca Itoobiya oo tilmaamaya inay isu diyaarinayso dagaal ma rkale ay ku soo qaaddo dalka Eritereya, iyadoo ka biya-diiddan go’aankii Qaramamada Midoobey ay ka soo saartay xadka labada dal u dhxeeya.

Al-amiin Maxamed, oo la hadlayay jaaliyada Elitria ee ku dhaqan dalka Holland, wuxuu dadwaynaha eriteriyaanka ah ee halkaas ku dhaqan ku guubaabiyay inay wax walba u toog-hayaan, maadaama taliska Itoobiya aanuu ahay talis miyir-qaba oo la aamini karo, ayna suuragal tahay inuu dagaal ka fiirsasho la’aan ah ku soo qaado dalka Erieterya.

Jaaliyada Eritereya ee ku dhaqan dalka Holland ayaa iyaduna ballanqaaday inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin dawladooda, ayna diyaar u yihiin inay kaalintooda ka qaataan hawl kasta oo difaac dalka hooyo kaga soo aadda.

Koox xuquuqul insaanka danaysa oo Itoobiya canbaaraysay

Golaha Xuquuqul-insaanka ee Itoobiya ayaa warbixin uu talaadadii soo saaray ku sheegay inaan wax war ah laga haynin meesha ay ku denbeeyeen 39 qof oo ciidamada ammaanka ee xukuumada Itoobiya ay muddo 5 sano laga joogo xabsiga u taxaabeen.

Warbintan cusub ee Golaha Xuquuqul-insaanka Itoobiya uu soo saaray wuxuu ku sheegay in dadkaas ayna eheladoodu wax war ka ah helin sidii loo qabtay, in la dilay iyo inay nool yihiina ayna war ka haynin, wuxuuna Goluhu xukuumada Itoobiya ka codsaday inay dadkaas xabsiga ka sii dayso, isla markaana ay magdhaw ka siiso xabsigii sharci darrada ahaa ee ay muddada dheer ku haysay.

Masuul u hadlay xukuumada Itoobiya ayaa eedayntaas ku gacan saydhay, diidmada ka soo yeedhay Xukuumada Itoobiya ataan wax lala yaabo ku noqonin golaha Xuquuqul insaanka Itoobiya, sababtoo ah waa caado ay leedahay xukuumada Itoobiza inay diidmo kaga jawaabto eed kasta oo looga soo jeedizo dhinaca xuquuqul insaamka.

Afwarqi oo maamulka Itoobiya cabaareeyay

Madaxwaynaha Eritereya Isyas Afwarqi ayaa shaaca ka qaaday in dalka Eritereya uu iska laabay boggii dagaalka Itoobiya, wuxuuna dagaalkii dalkiisa iyo Itoobiya labo sano ka hor dhex maray ku tilmaamay mid aan loo baahnayn oon ku imaanin rabitaanka Eritereya, sidaasna wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacada Caalamiga ah ee Faransiiska.

Afwarki wuxuu intaas ku daray in Eritereya ay isku dayday inay wanaag kula noolaato dalka Itoobiya, balse ay xukuumada Itoobiya dagaal ku soo qaadday waddanka Eritereya, isla markaana uu Itoobiya ku jiro damac dhul-ballaadhsi ah.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in dhaqanka madaxda xukuumada Itoobiya uu yahay midka keenaya dhibaatada labada dal ka dhex oogan, balse wuxuu ku nuux-nuuxsaday in Eritereya ay hadda laabtay bogga dagaalkii labada dhinac dhex maray sanadihii 1998 ilaa 2000.

Dhinaca kale dalka Swedan ayaa sheegay inuu joojinayo kaalmada uu siinayay dalka Itoobiya haddii uu dagaalka xuduudda ee Itoobiya iyo Eritereya mar kale dib u qarxo.

Swedan waxay labanlaabtay kaalmada ay Itoobiya siiso, waxayna u ballanqaaday kaalmo gaadhaysa 176 milyan oo dollar, hase yeeshee waxay ku hanjabtay inay kaalmadaas joojinayso haddii uu dagaalki dib u soo cusboonaado.

Digniintani waxay ka denbaysay, ka dib markii uu dib u soo noolaaday murankii dhinaca xuduudda ahaa ee labada dal ka dhex oognaa, waxaana murankan soo nooleeyay go’aankii ka soo baxay guddiga caalamiga ah ee soohdinta Itoobiya iyo Eritereya, oo magaalada Bademe oo dagaalku uu markii horaba ka bilowday raaciyay dhinaca Eritereya. Waxaana go’aanka guddiga ku gacan saydhay xukuumada Itoobiya.

Masar oo ka hadashay hubka Soomaaliya ku soo qulqulaya

Safiirka dalka Masar u fadhiya Jimciyada Qarumaha ka dhaxeeysa Danjire Axmed Abul-Gayth ayaa daba-yaaqadii toddobaadkan warqad u gubiyay Golaha Amaanka ee Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa, taasoo uu kaga hadlayo hubka ku soo qulqulayo dalka Soomaliya.

Sida u sheegay danjire Abul-Gayth waxaa dalalka caalamka iyo siiba kuwa ka tirsan Golaha Amaanka waajib ka saaran yahay inay tallabo ka qaadaan hubka ku soo qulqulaya dalka Somaaliya.

Danjiruhu waxuu intaas ku daray in xidhiidhka Masar iyo Soomaliya uu yahay mid walaaltinimo ah oo ay Masar mar walba arrimaha Soomaliya daneeynayso, wuxuu kaloo sheegay inay Masar deeq u fidisay Soomaliya iyada oo marisay dawladda ku meelgaadhka ah ee Soomaliya.

Masar ayaa la filayaa inay door weyn ka qaadato howlaha ay hadda ku jiraan xubnaha Golaha Amaanka oo doonaya inay joojiyaan hubka ku soo qulqulayo Soomaliya, iyada oo la wada ogyahay in hubkaasi uu ka yimaado dalka Itoobiya.

Hadalka safiirku wuxuu ka denbeeyay warbixin uu dhawaan soo saaray guddida Qramada Midoobey ee u xilsaaran fulinta qaraarkii hubka lagaga xayiray dalka Soomaaliya, taasoo tilmaantay in Itoobiya ay si joogto ah ugu xadgudubto qaraarka, iyadoo hubab kala duwan u soo dirta kooxaha Soomaaliyeed ee ay gacan-saarka la leedahay.

Madaxwayne Geelle oo la kulmay wasiirka warfaafinta Eritereya

Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay wasiirka warfaafinta Eritrea mudane Cli Cbdu Axmed oo booqasho 4 cisho ah ku yimid waddanka Jabuuti. Waxaa kulankaasi ka qeyb galay safiirka Eritreya u fadhiya dalka Jabuuti Danjire Maxamuud Cali Gibraa iyo wasiirka is-gaarsiinta Jabuuti mudane Rifqi Cabdulqaadir Bamakhrama.

Booqashadan uu wasiirka warfaafinta Eritereya ku yimid Jabuuti ayaa ah mid loogu talagalay in lagu hormariyo xidhiidhka walaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal, oo sheegay inay iska kaashan doonaan arrimo la xidhiidha dhinaca is-gaadhsiinta iyo warfidinta.

Booqashadan oo lagu tilmaamay inay ahayd mid laga gaadhay ujeeddooyinkii laga lahaa, isla markaana sii xoojisay dhidhiidhkii labada dal ka dhexeeyay ayaa dhabar-jab wayn ku noqotay xukkumada Itoobiya oo muddo dheer ku dadaalaysay inay calwiso oo mugdi geliso xidhiidka labada dal ee Jabuuti iyo Eritereya.

18. April 2003

Axmed Gaal-eri
Radio Xoriyo


Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD