SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

ONLF - JWXO
Faaladii Radio Xoriyo ee 6.9.2002 |
 
 KAYDKA WARARKA 
RADIO XORIYO  

NEWS ARCHIVE
 
 

TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: September 14, 2002 

Date                :           10 September 2002  

Ref.No.           :           ONLF-HQ/HW/2002-0015  

Ujeedo            :           Dhacdooyin Bileedka Ogaadeenya(Julay,August)

 Walaalayaal Salaan Walaalitinimo oo qaali ah kadib.Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Jwxo, waxay halkan idiinku soo gudbinaysaa Warbixin Xambaarsan Dhacdooyinkii Ogaadeenya ee Bilaha Julay iyo August,2002.Dhacdooyinka Ogaadeenya waxaan kaga hadli doonaa Xaalado badan oo ka jira Ogaadeenya Xaqiiqadooda kuwaas oo iska soo hor jeeda kalana ah Guulaha uu Shacbigu ka gaadhay halganka uu ugu jiro in uu kaga hoos baxo Gumeysiga Itoobiya iyo Dhibaatooyinka ay Sida Joogtada ah ugu gaystaan Shacbigan Dulman ee Soomaalida Ogaadeenya Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya.Waxaana ku bilaabaynaa Xaalada Taliska Adis-Ababa uu haatan ku sugan yahay.  

1-Dhinaca Siyaasadda  

Itoobiya oo Gumeysata Qoomiyado kala duwan oo dhamaan ku nool Geeska Afrika waxay dhamaan Shucuubtii ay Xooga ku haysatay kala hor yimaadeen Halgano Hubaysan ooy kuligood ku wada doonayaan in ay Dulmiga lagu hayo kaga hoos baxaan.Hadaba Shacbiga Ogaadeenya oo Shucuubtaas oogu horeeya aana haba yaraatee wax Soo Jireen ah la wadaagin Gumeysigaas wuxuu waligiisba kala hor jeeday Halgano ay Ujeedooyinkoodu Cadaayeen kuwaas oo xiliyo kala duwan ka socday Ogaadeenya.Degaaladaas iyo Kacdoonadii kale ee uu Shacbigu soo maray waxay waligoodba Jabin Jireen Xukumadihii kala duwanaa ee Itoobiya Maamulkeeda soo kala dhaxlay.

 Hadaba Halgankan Hubaysan ee Shacbigu ku jiro eey Jwxo, Majaraha Siyaasada iyo Midka Milatarigaba u hayso wuxuu ugu danbayntii Sababay in uu Marinayo Gumeysigii Itoobiya  iyo Xididadiisiiba Xiligoodii ugu danbeeyey ee Xukumada uu Males Zinawi Madaxda ka yahay ee EPRDF/TPLF, wuxuuna kalifay Jaah Wareer, Iska Hor Imaad, Baxsi , Jab iyo Mooraal Xumo weyn oo ku timaada Tiirka ugu weyn Tiirarka uu Gumeysiga Itoobiya ku dhisan yahay oo ah Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ee ka hawl gala Ogaadeenya, oo ah Ubucda Tayada Ciidanka Itoobiya.  

Sidoo kale markii Xukumada Itoobiya ay noqotay mid ku caan baxday Been,Khayaano,Musuq Maasuq, Cadaalad Daro, Cabudhin iyo Xaqiraad ay si siman ugu hayso dhamaan Qoomiyadaha kale eey Itoobiya Gumeysato ayey iyaguna Sida Shacbiga Ogaadeenya ku dhiiradeen in ay Itoobiya kala hor yimaadaan Halgno la mida midka uu Shacbigani kula jiro Itoobiya inagoo wada og in maanta ayna jirin Qoomiyad aan lahayn Urur Hubaysan oo ka soo hor jeeda Dawlada Itoobiya,xaataa Qoomiyadii Tigreega ee uu Zenawi ka dhashay ee EPLF-ta ayaa haatan leh labo Urur oo halgan Hubaysan kala soo hor jeeda Xukumada Itoobiya ee Males Zinawi.Isku soo wada duuboo marka laysu geeyo Dhamaan Ifa faalooyinka dhabta ah ee ku Gadaaman Taliska Itoobiya waxay dhamaantood soo tabinayaan in haatan lagu jiro Xiliyadii ugu danbeeyey ee Xukumada Itoobiya taas ooy Qoomid walba diyaar u yihiin sidii ay uga dhalin lahaayeen Hashooda soo Foolanaysay.                 

2-Dhinaca Milatariga  

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo hubka u qaaday in uu Shacbigiisa ka saaro Duliga ku habsaday waxay yihiin kuwo ay maalin walba isku haleelaan Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ee ka hawl gala Saldhigyada ay Ogaadeenya ku leeyihiin.Sida ku cad Shaxdan hoos ku faah faahsan waxaa labadii Bilood ee ugu danbaysay Degaaladii dhex maray CWXO iyo Midka Gumeysiga Itoobiya lagu jabiyey gebi ahaanba Ciidankii Gumeysiga Itoobiya,iyadoo khasaare lexaad leh oo Mood iyo Noolba leh loogu geystay Degaaladaas.Ogaadeenya oo ah meel inta badan GoŽdoon ka ah Saxaafada Caalamka waxaa ka dhaca wax yaalo badan ooyna Dunidan Horumartay maanta Rumaysanba karin.Waxaadna ka aragtaan Shaxdan in Jab weyn lagu gaadhsiiyey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya degaaladii u danbeeyey ee ka dhacay Gobalada Qoraxey,Dh/buur,Doolo, Nogob,Shabeele,Afdheer iyo Jig-Jiga.  

Gobalka           Tirada              Tirada CCGI                Tiradda CCGI              Tirada Hub       Qalab

                        Degaalada        Lagu Dilay                    Lagu Dhaawa.              Lagu Furtay      Gubay

Qoraxey           13                    112 Askari                   109 Aksari                   39 Qori

Dh/buur            12                    116 Askari                     89 Askari                   43 Qori            1 Gadhi

Doolo               10                      94 Askari                     60 Askari                   26 Qori

Nogob             11                      62 Askari                     58 Askari                   19 Qori

Shabeele            4                      18 Askari                     13 Askari                     3 Qori            1 Gadhi

Afdheer              3                      17 Askari                     12 Askari                     0 Qori

Jig-Jiga   2                      15 Askari                     14 Askari                     0 Qori

Isu Geyn       54 Degaal         434 Askari La Dilay   355 La Dhaawacay     130 Qori         2 Gadh

CWXO sida aad sare ku aragtid wuxuu la Galay CCGI  54 Degaal, wuxuuna ku dilay 434 Askari oo kuwii Gumeysiga ah, waxaa kale oo uu ku dhaawacay 355 askari oo kale.Wuxuu Degaaladaas ku furtay 130 Qori oo noocyo kala duwan ah iyo Saanad kale.Waxaa kale oo lagu gubay 2 Gaadhi oo nooca Ciidamada ah iyo Wixii Saaraaba.Taas oo ku abuurtay Ciidankii Gumeysiga Jaahwareer, Baxsi, Amar diido iyo Fawdo kale.

 3-Dhanka Xad Gudubka Xuquuqul Insaanka  

Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee ka hawl Gala Ogaadeenya waxay yihiin kuwo ay dawladoodu siisay amar ah in nin walba waxa uu doono ee Dulayn ku ah Shacbiga ay Dhex degen yihiin ee Ogaadeenya ku sameeyo.Waxaa Ogaadeenya loo soo Badalaa Askarta Itoobiya ee laga helo Cudurka Dilaaga ah ee Aids ka si uu u Kufsado Dumarka Ogaadeenya dabadeedna Bulshada loogu beero Cuduradan ayna aqoonin ee Dabar Goyn kara.Waxaa kale oo intaas dheer in Ciidankaasi uu si joogto ah ugu hayo Shacbigan Dulman Xidhay,Ciqaabid,Ganaax,Xoolo Ood, Kufsi iyo Madax Furasho ah in wixii aan la dilinin ay aakhirka isku furtaan hanti ayna haysaninba.Sida aad ka aragto Shaxdan hoos ku faah faahsan waxaa Shacbiga la gaadhsiiyey Dhibaato weyn oon Maskaxda Baniaadamka Caadiga ahi ayna qiyaasi karin intay la eg tahay.Waana sidan iyadoo Gobal Gobal aan u soo koobnay.

 

Gobalk a          Dadka  Dadka La         Xoolo   Ganaax Ganaax Kufsi                Dadka 

                        Xidhay Ciqaabay          Ooday  Lacageed         Xoolo                                       Dilay  

Qoraxey           89 Qof 250 Qof          390 N  46,000 Birr      201 Neef          6 Dumar           4 Qof

Dh/buur        116 Qof   269 Qof          416 N  53,000 Birr      289 Neef          7 Dumar           5 Qof

Doolo               76 Qof 400 Qof          320 N  39,000 Birr      114 Neef          4 Dumar           3 Qof

Nogob             96 Qof 311 Qof          219 N  26,000 Birr      109 Neef          4 Dumar           5 Qof

Shabeele          50 Qof 113 Qof          120 N  14,000 Birr        29 Neef          0 Dumar           O Qof

Afdheer            30 Qof 69 Qof            106 N   5,000 Birr      19 Neef           0 Dumar           0 Qof

Jig-Jiga         120 Qof   84 Qof              76 N  19,000 Birr      20 Neef           0 Dumar           0 Qof

Isu Geyn      577 Qof 1,496 Ciqaab  1,647 N,202,000 Birr  781 Neef       21 Dumar        17 Qof

Sida ku xusan Shaxdan Sare waxaa Ogaadeenya lagu xidhay Bilahii Julay iyo August 2002 577 Qof,waxaana Ciqaabo kala duwan loo geystay 1496 oo qof, waxaana la Ooday 1647 oo Neef, waxaana sidoo kale Shacbiga Madax Furasho looga qaatay 202, oo Birr, waxaa kale oo iyana  lala wareegay 781 oo Neef oo nooc walba leh, waxaa iyana Kufsi loo geystay 21 Dumar ah iyo 17 Qof oo iyaga la dilay.Dhibaatooyinkaas oo idil waxaa Shacbiga u Geystay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya.  

Jwxo, waxay Shacbiga Ogaadeenya ku dhiiri galinaysaa in ay ku mintidaan sidii ay Xaqooda maqan uga soo dhacsan lahaayeen Gumeysiga Itoobiya taas oon dhayal lagu helaynin.Waxayna u balan qaadaysaa in halganka ay wadi ilaa laga gaadho Guusha kama danbaysta ah.  

Waxay Jwxo, ugu Baaqaysaa Beesha Caalamka ee Dulmiga iyo Xad Gudubka loo geysto Shucuubta aan Waxba galabsanin neceb in ay indhaha u furaan Dhibaatada Ogaadeenya ka jirta taas oo xaqiiqdii meel kale ooy dunida maanta ka dhacdaa ayna Jirin.

 Halganka Shacbiga Ogaadeenya wuu socon, Gumeysiga Itoobiyana wuxuu ku jiraa Gal Galashadiisii ugu danbaysay, Guushana waxaa iska leh Mulkiilaha.MIGAAA.

 

Hogaanka Warfaafinta Jwxo.

ONLF Inf.Center | infobureau@onlf.org 

 

SOURCE:      XORIYO                                              
radioxoriyo@aol.com      
 radioxoriyo@ogaden.com  
        

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD