TAARIIKHDA MAANTA: | DAABACAAD FAALADA: September 6, 2002
Faaladii warka Radio Xoriyo.
Axdi ma laha xabashidu lagu aaminaa.
Waxaa jira hadal-murtiyeed soomaaliyeed oo odhanaya "Axdi ma laha xabashidu lagu
aaminaa". Sida ka dhadhamaysa hadal-murtiyeedkan waxay xabashidu caan ku tahay
ballanfurka iyo axdi ka-bixidda.
Waxaa jira hadal-murtiyeed kale oo isaguna odhanaya "Magac bilaash kuma
baxo",
oo macnihiisu yahay in qofka aan lagu sheegin wax aanuu ahayn, balse mar kasta
ama inta badan lagu baadi-sooco tilmaamaha uu leeyahay, taas oo macneheedu yahay
in axdi la'aanta xabashida lagu sheegay ay tahay mid xaqiiqo jirta salka
ku haysa ee aanay ahayn mala-awaal uu samaystay qof murtida curiya.
In hadal-murtiyeedkani uu xaqiiqo jirta ka turjumayana waxaa daaha ka rogaya
dhaqanka mardabada ku dhisan ee xabashidu ay kula dhaqanto cid kastoo ay wax
dhex-maraan.
Markaad si fiican ugu dhabba-gasho siyaasada ay Itoobiya kula dhaqanto dadkeeda
iyo dadyowga kalee ay gumaysato ama deriskaba la ah waxaa kuu muuqanaysa heerka
ay dhaqan xumada iyo aamin darrada ka joogto.
Waxaa taariikhda lagu hayaa in qof kasta oo amxaaro la shaqaysta ama gacan-saar
la yeesha uu marka ugu denbaysa gacanteeda ku baxo.
Sidaan ka warhaynno dhawaan waxaa xabsiga loo taxaabay xubno aad u fara badan oo
ka mid ah masuuliyiintii maamul ku-sheegga ay Itoobiya u dhisatay inay daneheeda
kaga fushato Ogadenya iyo qaar ka mid ah ganacsatadii lagu tirinayay inay
siyaasadeeda ugu dhaw yihiin.
Yaab iyo amakaag ayay ku noqotay qof kasta markii uu maqlay warka ka soo yeedhay
magaalada Jigjiga ee lagu sheegay in, in ka badan 10 qof oo ka mid dadkii ugu
dhadhawaa gumaysiga Itoobiya xabsiga la dhigay, iyadoo aan wali daboolka laga
qaadin sababaha dhabta ah ee loo haysto.
Nimankan la xidhxidhay, sida ay wararku sheegayaan, waxaa ka mid ah
madaxwaynihii hore ee kililka Mr. Ciid, duqii magaalada Jigjiga Bashiir Cali
Mahdi, Xasan C/raxmaan oo guddiga fulinta ee kililka ka tirsanaa, isla markaana
ahaa madaxa hooggaanka dhaqaalaha ee kililka, C/qaadir C/llaahi oo ahaa madaxa
xafiiska ganacsiga, Cabdi Madoobe oo laanta biyaha qaabilsanaa, Shariif C/lladiif oo xafiiska hay'adda SERP madax ka ahaa iyo Xaashi Salaad oo
Sanduuqa horumarinta haystay.
Waxaa kaloo intaas dheer rag badan oo ka mid ah raggii qandaraaslayaasha ahaa,
kuwaasoo sidaan ka warhayno fiirsan jiray danohooda oo kaliya, isla markaana
cadowga gacan-saar la lahaa, iyagoo ganacsiga iyo shiln jacaylku uu madax-madax
ugu tuuray debinkii gumaysiga ee ahaa in qof aan u dhaga-nuglaanin aanuu wax
ganacsi iyo dhaqdhaqaaq ah ka samaynin dalka oo dhan.
Markaad eegto nimankan la xidhxidhay, isla markaana aad dib u-raad-qaaddo
soo-yaalkooda iyo kaalinta ay bulshada Ogadenya kaga jiraan, waxaa kugu
adkaanaysa inaad saadaaliso siyaasada uu cadowga Itoobiya uga dan-leeyahay.
Dadka aan la soconin heerka uu maraya maamulka Melse Zenawi waxaa laga yaabaa
inay ku sirmaan sheekada suuqyada lagaga sheekaysto ee ah in nimankan lagu
xidhxidhay siyaasad dheer oo ka soo fushay dawlada dhexe ee Itoobiya, taasoo
daba-socota been-abuurkii uu ra'yul-caam adduumka ku indha tirayay ee ahaa
inuu musuqmaasuqa ka tirtirayo Itoobiya, si uu u dhaqan geliyo hannaanka
dimuqraadiyada iyo nidaamka suuqa furan ee xorta ah, arrintaasoo ay hadda ka
horba dunidu ku fahantay.
Hase yeeshee wuxuu xidhaygani kuwii hore ee laga fuliyay gobollada oromada,
sidaamaha iyo kuwa kale kaga duwan yahay isagoo lala tiigsaday kuwii isaga ugu
dhadhawaa ee uu adeegsan jiray, ee uu u isticmaali jiray cadaadinta dadwaynaha
reer ogadenya.
Waxaan ka warhaynaa in qaar ka mid ah ragga la xidhxidhay ay leyihiin ciidamo
cadowga daba-dhilif u ah oo shacbiga Ogadenya ee dan-yarta ah ee aan waxba
galabsanin laga horgeeyo.
Nin walba oo ka mid ah raggan la xidhxidhay wuxuu kaalin mucayin ah ka qaadan
jiray cadaadiska iyo cabidhiska lagu hayo ummaad reer Ogadenya.
Markaa xidhayga nimankani waxaa lagu tilmaami karaa hal arrin oo kaliya, taasoo
ah in maamulka Melse Zenawi uu yahay maamul kala daatay, isla markaana ay jiraan
dhinacyo badan oo dalka Itoobiya laga xukumo, iyadoo dhinac waliba uu kan kale
lid ku yahay, isla markaana qaadayo tallaabo uu dhinaca kale ku xumaynayo ama
kaga aarsanayo.
Waxaan ka warhaynaa in khalalkan iyo kala amar-qaadasho waagu uu ku horreeyay
dhinaca ciidamada qalabka sida, iyadoo aan la wada-socono iska hor-imaadyada mar
kasta ka dhaca ciidamada dhexdooda, kuwaasoo salka ku haya kala jabkii ku yimid
masuuliyiinta EPRDF. Waxaan ka warhaynaa in saraakiil badan iska horimaadyadaas
iyo dagaalksaa qarsoon lagu dilay, kuwo la ogyahay iyo kuwa aan la ogayn oo fara
badan intaba.
Haddaba nidaamka dawliga ahi waa wax isku xidhan, haddii uu xubin ka mid ah
khalad galana waxaa hubaal ah inuu kuwa kalana saamaynayo, waxay arrintani
daliil u tahay in Melese Zenawi maanta aanuu keligii Itoobiya xukumin ee ay
jiraan taliyayaal iyo hormuudyayaal fara badan, oo si toos iyo si dedbanba
siyaasaddooda ay Zenawi kaga soo horjeedaan u fulinaya.
Xukun ku dirirka ba'an ee ka socda xaruunta gumaysiga ee Addis Ababa waxaa
hubaal ah inuu galaafanayo qaar badan oo isku tirinaya inay maamulka gumaysiga
san-dareero ka helayaan.
Waxaana xaqiiqo ah in qof kasta oo isku daya inuu duudsiyo xaqa dad la dulmayo,
gaar ahaan isagoo isla dadkaas la dulmayo ku abtirsada, inuu haadaanta uga
horraynayo dadkii uu ku waday, sababtoo ah siyaasada cadowga Itoobiya ma aha mid
u danaysa saaxiib ama cid dan-wadaag la noqota, waa mid ku qotonta dhaqan xun oo
mardabo iyo xiqdi ku dhisan.
Siyaasada ay Itoobiya dalkeena kula dhaqanto waa mid ma-guurto ah, waxaanan
ognahay sida ay aabayaasheen iyo awoowyadeen inoo soo sheegeen in ciidanka
amxaaradu markuu tirinayo inta qofee uu ka dilay soomaalida ka soo horjeedda uu
ku tiriyo xataa kuwii isaga la socday ee ka dhinac dagaallamayay, arrintaasina
waxay si fudud kuu tusaysaa in colaadda inga iyo Itoobiya inaga dhaxaysa ay
tahay mid saf-mar ah oon cafiyin qofka kaba-qaadka u noqda.
Arrintani waxay digniin u tahay intay maangaabnimadu hayso ee wali u sii
adeegaya cadowga Itoobiya, ee moodaya inay darajo ku gaadhayaan miigashada
dhiigga dadkooda iyo duudsiga xuquuqdooda.
Waxay kaloo arrintani digniin u tahay qof kasta oo rajo ay kaga jirtay inuu wax
la qabsado cadowga Itoobiya, sababtoo ah xidhaygani wuxuu ka dhigan yahay
maahmaadii soomaaliyeed ee ahayd "Waysha gowrac, dibigu ha ku quus-qaatee".
U malayn maayo in bayuurta Ciid iyo inta la hal-maasha haysata uu fahmi waayayo
qof masax uu ku fekaro Ilaahay u yeelay.
Duruusta halganku ma dhammaato, maalinba bog hor-leh ayaa furmaya, marbana
tusaale cusub ayaa soo baxa, ta maanta taagan waxay gacan siinaysaa inta ka
gilgilataya dulmiga cadowga Itoobiya oo ay ugu horrayso Jabhada Wafaniga
Xoreenta Ogaadeenya (JWXO), kuwa kale ee xaqa ka sagsaagayna waxay u tahay
digniin culus oo ugu baaqaysa inay dib isu waansadaan, garwaaqasadaana in
daba-dhilifnimadu ay dekno gelinayso, duunyana ayna u kordhinaynin.
Ahmed Gaal,eri Radio Xoriyo.
kala xiriir:
radioxoriyo@aol.com
radioxoriyo@ogaden.com
WARARKII
MAANTA EE RADIO XORIYO - GUJI
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|