SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo ee 6.9.2002 |
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Oct 4, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

  

  Warka madaxdiisii

·Ciidamada Cadawga Itoobiya oo dad aad u badan ku xidh xidhay Ogadenya.
·Ciidamada JWXO oo weeraro isdaba joog ah ku qaaday Ciidan Caga jiidka ah ee Gumaysiga Itoobiya.
·6 Jeneraal oo katirsan Ciidanka Itoobiya oo Jagadii laga qaaday
·Safiirka Ingriiska ufadhiya Itoobiya oo Cambaareeyay Qaab dhaqameedka Itobiya
·Wasiirka Gaashan dhiga ee DKMG ee Somalia oo dalka Sacuudiga Booqasho ku tagay

Warkii oo Faahfaahsan

Ciidamada Cadawga Itoobiya oo dad aad u badan ku xidh xidhay Ogaden.

Wariyaha Arimaha Bulshada Maryamo-Ruun Liibaan ayaa noo soo tabisay, dad aad u badan oo ay ciidamada Cadawga Itoobiya ku xidhxidheen meelo kala gadisan oo Ogaadeenya ka tirsan

Ciidamada cadawga ayaa mar walba shacabka dulman ee Soomaalida Ogaadeenya ku haya cadaadis naxariis la,aan ah, oo isugu jira dil, Dhac,xadhig, hanti boob iyo Jidhdil.

20.09.2002 waxay ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku xareeyeen tuulada Gago-gabo, dad aad u badan oo Shacabkii dagaanaa ka mid ah, dadkaas ayaa si joogta ah loogu jidh dilaa goobtaaas iyadoo aan lagaraneeyn sababta ay dhibkaaas ku muteeysteen, dadka halkaas lagu hayo ee sida naxariis la,aanta ah loolo dhaqmay waxaa kamid ah Laba nin oo 100/jir ka weyn, oo kala ah:

1- Xaji Caaqib, oo indho la'.
2- Mahad Mu/mad Jinni;oo isguna da,ah

Waxaa kaloo ka mid ah dadka halkaas ku xidhan.

3- Xaliimo Xussein Afjar.
4- Indha-toosh Muxumed Carablow.
5- Carab Cabdulaahi Sh. Muxumed.
6- Xassan Dakharre.

waxay sidoo kale ciidamada Nacabku magaalada Dhagaxbuur ku xidh-xidheen dad shacab ah oo tiradiisu gaadhayso 450/ oo isu jira, Duqay, Haween, wax garad iyo Caruurtii Dugsiyada.

Dadka xabsiyada Ciidamada lagu xareeyay ayaa waxaa ka mid ah 47 Caruurtii Iskoolaadka iyo dugsiyada dhiganayay da’dooduna u dhexayso 7 – 10/sano.

Ciidamada Cadawga ayaa waxay xanibeen dhamaan ganacsigii magaalada Dhagax-Buur ayagoo xidhay dhamaan Dukaamadii iyo Goobihii Ganacsiga ee magaalada, kuna dhajiyay Sharootooyin ay macnaheedu tahay lama furi karo.

Xanibaadan ganacsiga ayaan ilaa iyo hada lagaranayn sababta ka danbeysa waxaysa u muuqataa dagaal dhaqaale oo shacabka loo gaysanayo.

Ciidamada cadawgu waxay Bilaabeen in Qof kasta oo la xidho lagu ganaaxo lacag Dhan 1000/bir oo Lacagta Itoobiya ah, iyadoo Meesha laga qabtana lagu ganaaxayo 5000- 10,000 oo Bir.

Qarshahan ayaa ah mid ay Ciidamada Cadawgu mushahaarkooda ay kaga doonanayaan dadka Dulman ee ee aan waxba haysan, kadib markay Xukuumada dhexe Mushahaaar u wayday.

Ciidamada Jabhada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya oo Ciidamada Caga-jiidka Cadawga Itoobiya weeraro isdaba joog ah ku qaaday.

Ciidamad wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ayaa weeraro ku qaaday fadhiyada Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya ee Ogadeenya, waxayna Ciidamada Cadawga ugu gaysteen Jabculus oo Dhimasho, Dhaawac iyo Curyaamin Gaadiid isugu jira.

Kadib markay u adkaysan waayeen weeraradas isdaba jooga ah ee Ciidamada Geesiyiinta Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya, ayeey Gooba badan oo ay daganayeen ka guureen, iyagoo isku uruursaday Saldhigyada ay ku leeyihiin Magaalooyinka waaweeyn, dhinaca kale Jabkan Culus ee Ciidamada Cadawga loo gaystay waxuu keenay iska Horimaad iyo kala amar qaadsho la,aan ciidamada Cadawga ku dhacay, kaas oo sababay in ay dhexdooda is laayaan.

Ciidamada Cadawga Itoobiya waxay ka Guureen 6/09/02, Fal-fal, oo ka tirsan Degmada Awaare.

7/09/02, Waxaa is laayay ciidamada cadowga ee Qabridahare fadhiya, kadib markay laba saraakiil ah oo halkaas madax ka ahaa kala amar qaadan waayeen,

dagaalkaas waxay Ciidamada cadowgu iskaga dileen 60/askari in ka badan, 90/na way iskaga Dhaawaceen.

10/09/02,Meesha lagu magacaabo Wargaadsan, Dagaal ay iskaga Horyimaaden Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogadeenya iyo Ciidamada Cabudhiska Gumasiga Itoobiya waxaa Ciidamada codowga laga dilay 9/askar,waxaana lagaga dhaawacay tiro badan oon wali la xaqiijin.

20/9/02, Gabagabo iyo Far-madow dhexdooda, waxay Ciidamada Geesiyiinta Xoreenta Ogaadeenya ku Gubeen Baabuur ay saaraayeen ilaa 35/askari oo saraakiil u badnaa, Baabuurkaas iyo waxii saaraa waxba kama bixin, dadka baabuurkaa saaraa ee halkaas lagu dilay waxaa ka mid ahaa FANOOG, oo ahaa nin Soomaali ah lana shaqaynayay Ciidamada Cagajiidka Gumaysiga Itoobiya.

22/09/02, Karin Bilcille , waxaa Ciidamada Nacabka Itoobiya lagaga gubay Baabuur milateri oo Nooca Uraalka loo yaqaano ah, Baabuurkaas ayaa waxaa saarnaa Ciidan tiradiisu ka badan tahay 40/askari oyna waxba ka bixin.

6 JENERAAL OO KA TIRSAN CIIDANKA ITOOBIYA OO JAGADA LAGA QAADAY

Warar xog-ogaal ah oo naga soo gaaray xafiiska Ra'sul wasaaraha Itoobiya, Melez Zenaawi ayaa sheegaya in lix ka mid ah Jeneraalada ciidamada Itoobiya laga qaaday jagooyinkii ay Ciidamada ka dhex hayeen,

Ragas ayaa lagaga shakiyay in ay wadaan olole ay ku Afganbiyayaan Maamulka kaligii taliye melez Zenaawi.

Saraakiishaas ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Qaybta 104aad iyo taliyaha Qaybta 106aad ee Ciidamada Itoobiya.

Sarakiishan caydhintooda waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay wasiirka Gaashaandhiga Itoobiya Abadula Gemeva.

Wararku waxay intaas ku darayaan in janaraaladaas si gooni ah loola socon doono si ayna isugu dayin abaabul Ciidamada dhexdooda ah, xaaladan ayaa muujinaysa Burbur mar kale ka soo cusboonaday Ciidamada dhexdooda.

Dhinaca kale waxaa is casilay laba xubin oo ka tirsan golaha dhexe ururka TPLF todobaadkii hore.

Sida wararku sheegayaan, labadaasi xubin waxay kala yihiin Mulugeta Chaltu iyo Mulu Gebreyesus.

Labada xubin waxay is casileen iyada oo loo fadhiyo shir ay leeyihiin ururka TPLF oo magaalada Mekkele ka dhacay 28kii Septembar.

Shirkaas waxaa fadhiyay Rai'sul wasaaraha Itoobiya Melez Zenaawi.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in la filayo in ay dhowaan is casili donaan xubno kale oo ka tirsan ururka TPLF, waxayna u muuqataa in uu mar kale Burbur ku dhici doono ururka TPLF.

SAFIIRKA DALKA INGRIISKA U FADHIYA ITOOBIYA OO CAMBAREEYAY QAABKA AY DOWLADDA ITOOBIYA KULA DHAQANTAY DADKA SABOOLKA AH ADDIS ABABA AGAGAARKEEDA DEGAN

Safiirka dalka Ingriiska u fadhiya Itoobiya Danjire Myles Wickstead ayaa todobaadkii hore si kulul u Cambareeyay qaabka ay dowladda itoobiya ...gaar ahaan dowlad hoose ee Addis Ababa, oola dhaqantay dadka saboolka ah oo agagaarka Addis Ababa dhex degen aqalada Carshaanta ah.

Dadkaasi ayaa todobaadyo ka hor, lagu amray in ay Aqaladooda ka baxaan, iyada oo ay dowladda itoobiya dumisay aqaladaasi, si ay shirkado ay leeyihiin ganacsato u dhashay qowmiyadda Tigreega dhulkaasi ooga dhistaan guryo iyo warshado ay iyagu leeyihiin.

Safiirku waxuu ku tilmaamay tilaabadaasi ay dowladda Itoobiya qaaday mid xadgudub ku ah xuquuqda dadkaasi saboolka ah, isaga oo sheegay in la rabay in ugu yaraan dadkaasi lala tashto oo lagu caawiyo in ay meel kale u wareegaan.

WASIIRKA GASHANDHIGA EE DOWLADDA KU MEEL GAARKA SOOMALIYA OO KU SUGAN DALKA SACUUDIGA

Wasiirka Gashandhiga Dowladda Ku Meel Gaarka ah ee Soomaliya Jeneraal Abdul-Wahaab Maxamed Xussein iyo wafdi u hogaaminayo ayaa Booqasho ku tagay wadanka sacuudi Carabiya.

Wasiirka iyo waftiguu hogaaminayay ayaa 1da Bishan Oktoobar Qasriga la yiraahdo Al Yamaamah kula kulmay Amiir Cabdalla Bin Abdul Aziz oo ah ninka la wareegi doona boqornimada dalka Sacuudiga ka dib Boqor Fahad, haatana howl malmeedka dowladda sacuudiga gacanta ku haya.

Jeneraal Abdul-Wahaab ayaa arrimo la xiriira ciidamada Soomaliya iyo Guud ahaan macaawino loo fidiyo Wadanka Soomaaliya kala hadlay Amiirka

Wadahadlkaa ayaa ahaa mid ay waxyaabihii ay isku soo qaadeen masuuliyiintu isku Afgarteen kuna dhamaaday guul.

Wasiirku waxuu kaloo u gudbiyay Amiirka fariin uu uga siday Madaxwaynaha Soomaliya Dr Abdiqasin iyo Ra,isal wasaare Hassan Abshir.

Dhoodi Danwaa.
Radio Xoriyo  
radioxoriyo@aolcom
 
radioxoriyo@ogaden.com

Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15580 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD