SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Nov 12, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

I  I  D  H  E  H

Warka madaxdiisii.

·Ciidamada Itoobiya oo xadgudubyadoodii wali sii wada
·Khilaaf Culus oo u dhexeeya maamul ku sheegga Jigjiga
·Dawladda Marayka oo kulan gaar ah la yeelatey kooxa qaarkood
·Gudiga xuduuda Itoobiya iyo Erertrea oo  eedeeyay dawladda Itoobiya
·Wariye caan ka ah wadanka Itoobiya oo isu dhiibay wadanka Canada.    

 Warkii oo faahfaahsan 

Ciidamada Itoobiya oo xadgudubyadoodii wali sii wada.

Waxaa maalin walba sii kordhaya xadgudubyada ay ciidamada nacabka ah ee Itoobiya kula kacayaan shacabka dulman ee Ogaadenya.

Ciidamada doolka ah ee Itoobiya, oo ay caado u tahay inay shacabka Ogadenya u gaystaan fal-denbiyeedyo ay ka mid yihiin dil, dhac, xadhig iyo handadaad joogto ah, ayaa xadgudubyadoodii ugu denbeeyay ee shacabka ay u gaysteen waxaa ka mid ah:

27/10/02 waxay tuulada Dig  ku xidh-xidheen dadkan shacabka ah ee  hoos ku qoran oon waxba galabsan.

1-    Deeq Xussein Emar
2-    Muxumed Omar Gaani.
3-    Cabdi Maxamuud Xassan.
4-    Cabdullaahi Sulub Yuusuf.
5-    Cabdi-madoobe Ahmed Xassan.

Isla taariikhda kor ku xusan waxay tuulada War-gaadsan ku xidh xidheen  dadka kala ah:

1-    Mohamed Ismaaciil Caruuf.
2-    Cabdullaahi Cabdi Qalinle.
3-    Cabdi-dhuuh Xussein Muuse.

Waxay kaloo ciidamada gumaysiga magaalada Guna-gado ku xidh xidheen dadka Shacabka ah ee kala ah:

1-    Faarax Aabi Carte.
2-    Mawliid Aw Ahmed.
3-    Takhal Faarah Yuusuf.
4-    Mohamed Gama'diid Farah.
5-    Mohamed Maxamuud Cali.

Sidoo kale Tuulada Farmadow waxaa lagu xidh-xidhay dadkan hoos ku qoran ee kala ah:

1-    Wacdi Cabdi Raxmaan.
2-    Siyaad Iman Mohamed.
3-    Cabdi-rizaaq Aardoon.
4-    Cabdi Cali Cadde.
5-    Cabbaas Cabdullaahi Ibraahin.
6-    Xassan Salaan Faarah.
7-    Cabdullaahi Yaasiin Cismaan.
8-    Mohamed Ahmed Kirin, oo isaga si gaar ah loo jidh-dilay dhaawacyo halis ahna la gaadhsiiyay.

Ciidamada Itoobiya, oo aan ka xishoonin boobka hantida dawaynaha waxay qof kasta oo maxaabiistaa ka mid ah ku ganaaxeen 1000 Birr oo lacagta Itobiya ah, Dagmo kasta oo ay dad ka xidh xidheena waxay ku ganaaxaan 5000 Birr. Ilaa iyo hada waxaan lagaranayn sababta Ganaaxaas keentay, dad Xogogaal ah ayaa sheegaya in lacagtaaas   lagu biilo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Deegaanadaas.

Khilaaf Culus oo u dhexeeya maamul ku sheegga Jigjiga.

Waxa sii kordhaysa xiisaddii dhex-taallay nimankan u sarreeya maamulka ay Itoobiya dhoodhoobtay ee kililka loogu yeedho, ka dib markii uu ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Bade, oo ah afahayeenka baarlamaanka mamul ku sheega Jigjiga uu ku war galiyay in  Baarlamaanku uu kulan degdeg ah isugu yimaaddo.

Cabdiraxamaan Bade iyo Mohamed Sarhaye Xiddig waxaa toddobaadkii hore laga saaray xisbiga maqaar-saarka ah ee ay maamulka jigjiga  u taliya ku adegto.

Kulankan Baarlamaaanka  oo  lagu waday inuu dhaco Maalintii Sabtida ahayd waxay u jeeddadiisu ahayd in Baarlamaanku uu kalsoonida kala noqdo xukuumad ku sheegta uu Itoobiya Masuulka uga yahay Cabdi-rashiid Duullane.

Dhanka kale Cabdirashiid Duullane iyo koox uu hogaaminayo ayaa iyaguna markiiba u ambabaxay magaalada Jigjiga, si ay kulanka baarlamaanka u baajiyaan, isla markaana u qabanqaabiyaan kulan uu xisbigu isugu yimaaddo, waxayna arrintaasi keentay in maamulka Jigjiga uu ka dhex billowdo tartan wayn oo awood ku dirir ah, kaasoo guud ahaanba magaalada Jigjiga laga dareemay.

Dad ku sugan magaalada Jigjiga oo u warramay Radyow Xorriyo ayaa sheegay inay habeennadii ugu denbeeyay magaalada ka dareemayeen degganaansho la'aan, iyadoo meel walba ciidammo la soo dhoobay, waxayna dadkaasi sheegayaan in laga cabsi qabo bannaanbaxyo ay sameeyaan dadyowga labada kooxood kala taageersan, kaasoo laga yaabo in uu Amaanka magalad khatar galiyo.

Tartanka awood ku dirirka hadda uguma horrayso Maamul ku shega Jigjiga, waxaa laga war-hayaa inay marar badan isu maleegeen shir-qoollo ay iskaga soo horjeedaan, hase yeeshee mar kasta oo arrinkoodu uu meel xun gaadhaba waxaa soo dhexgala xubno ka socda taliska Itoobiya, sababtoo ah labada kooxoodba xubno maamulka sare ee  Itoobiya ka mid ah ayeey Garab ka haystaan , mana jirto qolo loo tirinayo awood gaar ah oo kuwa kale ay ku muquunin karto, sidaas darteed waxay dad badani awood ku dirirka Jigjiga ku tilmaamaan i-jiid- aan ku jiidee. 

Dawladda Marayka oo kulan gaar ah la yeelatey kooxa qaarkood.

Dawladda Mareykanka ayaa la sheegay inay kulan gaar ah la yeelatay kooxaha ka biya-diidsan gudiga farsamada ee IGAD.

Warku wuxuu sheegayaa in Dawladda Maraykanku ka codsatey hooggaamiyo kooxeedyadan inay u hooggaansamaan go'aannada gudiga IGAD, iyadoo ballan qaadey in midhaha ka soo baxa shirkan ay si hufan u taageeri doonto.

Dhinaca kale hooggaamiye kooxeedyada ayaa dawladda Mareykanka hor-dhigay shuruudo ay ku codsanayaan in dib loogu laabto qaabka loo dhisay gudiyada.

Waxayna gudiga IGAD ku tilmaameen meel ay Itoobiya iska maamulato, iyagoo xusay in Itoobiya aysan dhex-dhexaad ka ahayn arimaha Soomaaliya, wxayna dalbadeen in gudiga farsamada ee IGAD laga saaro dawladda Itoobiya. 

Gudiga xuduuda Itoobiya iyo Erertrea oo  eedeeyay dawladda Itoobiya

Xubnaha Gudiga xuduuda Eritrea iyo Itoobiya ayaa eedayn dusha kaga tuuray dawladda Itoobiya iyagoo  ku eedaynaya jabinta heshiisyo ay labada dhinac wada gaadheen.

Gudigan oo shir ku qabtey magaalada London ee cariga Ingiriiska bishan Nov 7, 2002 ayaa tilmaamey in heshiish la gaadhay bishii July 17, 2002, kaasoo Itoobiya ayna fulinin, wuxuuna heshiisku amrayey inay Itoobiya kala baxdo shacabkeeda dhul ay Eritrea leedahay oo ay soo dejisay shacab Itoobiyaan ah ka dib go'aankii maxkamadda aduunka ee lagu go'aamiyey xuduuda labada wadan.

Si kastaba ha ahatee, ma aha markii ugu horeysay ee Itoobiya lagu eedeeyo jabinta heshiisyo la gaadhay, waxaana ugu dambeeyey qalalaasihii dhexmaray Maleeshiyada Itoobiyaanka ah iyo Ciidamada Jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa ee ka socda wadanka India, halkaas oo ay Maleeshiyada Itoobiyaanku rasaa ku fureen Ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan soohdinta labada wadan ee Eritreaa iyo Itoobiya.

Wariye caan ka ah wadanka Itoobiya oo isu dhiibay wadanka Canada.

Wariye lagu magacaabo Sisay Haile-Selassie oo u shaqqeyn jirey Radiyaha qaranka ee dawladda Itoobiya ayaa magangelyo siyaasadeed weydiistey wadanka Canada.

Wariyahan oo ahaa mid caan ka ah Itoobiya waxa uu wadanka Canada u yimid inuu warbixin ka diyaariyo shirkii 8deeda wadan ee dhaqaalaha adduunka ugu horreeya ee ka dhacay bishii June 2002, magaalada Kananaskis ee Gobolka Alberta.

Wariye Sisay waxa uu ku cawday in nabad gelyadiisu khatar gelayso haddii uu ku noqdo Itoobiya, taas oo keeni karta in la dilo amaba la waayo meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Wuxuu kaloo intaas ku daray in saxaafadda Itoobiya aysan madax banaanayn, wax dhalliil ahna aan loo soo jeedin karin maamulka Tigreega ah ee Itoobiya ka taliya.

Radio Xoriyo
Maxamed Cabaas
Minneapolis, Minnesota United States

Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD