SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Dec 31, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Waa warka madax diisii.

  • Ciidamada Cadawga Itoobiya oo ka guuray Goobo ka mid ah Ogaadeenya.
  • Banaanbax ay sameeyeen Macaliinmta Jaamacada Adis ababa
  • Kulan ay yeesheen wasiirada Gaashan dhiga ee Shiinaha iyo Ertrea oo kadhacay Bejeing
  • Madaxa bangiga ay sida gaarka ah uleeyihiin TPLF oo jagadii laga qaaday.
  • Kenya oo Madaxweyne cusub loo doortay.

Intaasi waa warka madax diisii Haatana isagii oo Faah faahsan

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ciidamada Cadawga Itoobiya oo ka guuray Goobo ka mid ah Ogaadeenya.

Wararka Naga soo gaadhaya Gobolada Nogbeed ayaa sheegaya in Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ay ka guureen meelo kamid ah Ogadenya oo ay saldhigyo horay ugu lahaayeen, saldhigyada ay ka guureen waxaa kamid ah, Garasley; Iimay Bari; Fiiq; Xamaro iyo meelo kale. Guuridan ayaa loo tirinayaa in ay ka danbeeysay dagaalo badan oo ay ku qaadeen CWXO fadhiisimada Ciidamada Cadawga Itoobiya ee aagaas iyo Baxsasho ay baxsadeen Ciidamadii Goobahas.

Banaanbax ay sameeyeen Macaliinmta Jaamacada Adis ababa.

Waxaa 26 December magaalada Addis Ababa isugu soo baxay in ka badan 1500 oo macalimiin ah, ku waas oo wax ka dhiga Jaamacadaha Magalada adis baba iyo qaar kamid ah Ardayda Jaamacada Kotebe Teachers' College. Macalimiintaas ayaa xukuumada Melez Zenaawi ku eedeyay  mamul-xumo iyo Leexsasho mucaawinada caalamiga ee loogu tala galay dadka tabaaleeysan ee ku sugan Itoobiya. Mucaawinadan ayay Macalimiintu waxay ku sheegeen in ay xukuumadadu u leexiso dhinaca Cidamada iyadoo ay maalin walba u dhintaan kumanaan ruux Gaajo iyo darxumo. Waa markii ugu horaysay ee Shacabka Itoobiya ku mudaharadaan Addis Ababa iyagaoo dowlada uu hogaamiyo Zenaawi ku eedeynaya in uu raashinka beesha caalamku ugu deeqday shacabka u leexiyo dhinaca Ciidamada u adeega Xukuumada Adis Ababa. Waraku waxay intaas ku darayaan in Macalimiinta loo diiday in ay Banaanbaxaan oo ay muujiyaan Dareenkooda iyo waxa ay tabayaan, hase yeeshee ay iska dhaga tireen diidmada xukuumada kaligii taliye Zanaawi, macalimiintan ayaa watay Boodhadh ay ku qoranyihiin Raashinka Shacabka ayaa iska leh, Zanaawi laguma aamini karo Deeqda Caalamiga ah ee ay bixiso beesha Caalamku iyo sawiro ay ku sawiranyihiin Melez Zenaawi, Sebhat Nega iyo Seyoum Mesfin oodhexda kala baxaya raashin beesha caalamka ka yimid oo ku socda caruurgaajeeysan. warar xog ogaal ah ayaa iyana sheegayo in qaar ka mid ah macalimiintaas ay lakulmeen safaaradaha dalalka deeqda bixiya iyaga oo qoraalo ay ku soo koobeen aragtidooda u gudbiyay. Waxa kalooy wararku sheegayaan in dhowr iyo toban macalimiin ah oo maadooyinkala duwan dhiga ay hal maalin is wada casileen iyaga oo diidan madaxa cusub ee Xukuumada TPLF u magacowday in uu jamacada Addis Ababa hogaamiyomiyo, waxaa macalimiintaas kamid ahaa Prof. Mogessie Ashenafi oo isaga qudhiisa mar jamacada ka ahaan jiray madax iyo Professor Yemane oo magac weyn ku leh jamacada Addis Ababa.Jamacadda Addis Ababa ayaa beryahan dambe noqday meel si balaaran loogucambareeyo dowladda Itoobiya. Dhinaca kale waxaa Todobaadkii hore is Casiley madaxa Jamacada Addis Ababa Eshetu Woncheko, iyo ku xigeenadiisa Dr. Tetemke Mehari, iyaga oo sabab ka dhigtay faragelinta balaadhan ee ay xukluumada Zanaawi ku hayso qaabka ardayda waxloo baro iyo handadaad lagu hayo macalimiin loo arko in ay siyaasada TPLF ka soohor jeedaan.

Kulan ay yeesheen wasiirada Gaashan dhiga ee Shiinaha iyo Ertrea oo kadhacay Bejeing.

Wasiirka gashandhiga Eritrea Sefxat Efremet iyo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Shiinaha Chi Howshian ayaa Todobaadkii hore kula kulmay magaalada Bejeing eedalka shiinaha.Dowladda Shiinaha ayaa martiqaad u fidisay wasiirka gashandhiga Eritrea isaga oo la filayo in uu mudo ka badan todobaad ku sugnaan doono dalka shiinaha.Socdaalka u wasiirka gashandhiga Eritrea ku tagay dalkaasi shiinaha ayaa ah midlagu hirgalinayo qorshooyin kala duwan oo ay ka mid tahay in ciidanka shiinuh tabar iyo qalab ugu deeqaan dowladda Eritrea oo ay ku tilmaameen dowlad muujisay saxiibtinimo fiican.

Madaxa bangiga ay sida gaarka ah uleeyihiin TPLF oo jagadii laga qaaday.

Haweeyneyda la yidhaahdo Brutawit Dawit Abdi oo ahayd madaxweynaha Wegagen Bankoo ah bangi ay TPLFdu leedahay ayaa jagadii laga qaaday ka dib markii uu khilaaf soo dhex galay iyada iyo qaar ka mid ah madaxda TPLF. Brutawit Dawit waxay madax ka ahayd bangiga Wegagen mudo 5 sano ah. warar xog ogaal ah ayaa sheegayo in khilaafka dhex maray Brutawit iyo madax katirsan TPLF ay ku saabsan tahay lacago loo qoondeeyay in maal gelin lagu sameeyo gobolka tigray oo ay qaar madaxda TPLF ta kamid ah ay rabeen in ay jaabka kushubtaan. Lacagtaas ayaa markeedii hore ka timid dibbeda iyada oo loogu tala galay in gobolada abaartu kajirto gargaar loo siiyo lakiin TPLF ta ayaa ku leexisay bangiga si loo maalgaliyo gobolka tigray oo kaliya. Hadana waxaa muuqata in xitaa gobolka tigray aan la gaadh siin doonin oo si shaqsi ah loo lunsandoono.

Kenya oo Madaxweyne cusub loo doortay.

Musharaxa Madaxweyne nimada ee Xisbiga isbaheeysiga NARC Mwai Kibaki ayaa si weyn ugu guulaystay doorashoadii taarikhiga ahayd ee 27 bisha December kadhacay dalkaas Kenya. Xisbiga mucaaridka NARC ayaa ku guulaystay Jagada madaxweyne nimada iyo inta badan Kuraasta Barlamaanka, xisbiga NARC ay talada kala wareegi doona xisbiga KANU oo dalka katalinaya mudo dhan 40 sano, Guddiga doorashooyinka ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in musharaxa xisbiga mucaardaka ah ee NARC Mr Mwai Kibaki uu yahay madaxweynaha cusub ee dalka Kenya,si rasmi ahna ula wareegi doono jagada 5ta bisha January ee sanadka fooda ianagu soo haya. Mwai kibaki wuxuu 63% kaga guulaysatay ninka latar tamayay Uhuru Kenyta oo uu dhalay Maxadweyniihii hore ee Kenya Mizee Jomo kenyata, wuxuuna helay 30 %, doorashadan oo lagu sheegay in ay ahayd mid sio xor ah oo xaqa ah udhancay ayuu Uhuru kenyata qirtay in si sharci ah looga badiyay, wuxuuna u tahniyadeeyay madaxweynaha cusub.

I  I  D  H  E  H

Dhoodi Danwaa.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD