Ciidamada Cadawga Itoobiya oo dagaalo lagu jabiyay.
Ciidanaka Wadaniga Xoreenta ogaadenya ayaa dagaaalo Gaadmo ah oo ay ku qaaden
Ciidanka Nacabka Gumaysiga Itoobiya ugu gaystay Jab laxad leh. Dagaalada ay ku
hayaaan Ciidanka geesiyiinta Xoreenta Ogaadeenya Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo
joogta ah, ayaa waxay sababeen is khilaaf iyo burbur Ciidanka cadawga dhexdiisa
ah, kaas oo sababay Gacan ka hadal keentay dhimasho iyo dhaawac intaba.
06.12.2002 Ciidamada Cadawga Itoobiya ee saldhigoodu yahay magaalada Nusdariiqa
ayaa waxaa dagaal gaadmo ah ku qaaaday Ciidanka Xoreenta Ogaaadenya ee agaas
waxayna halkaas kaga dileen 7 Askari waxayna kaga dhaawaceen 4 kale.
07.12.2002 Dagaal ay iskaga hor yimaadeen Ciidamada Geesiyiinta JWXO iyo
Ciidamada Doolka Itoobiya magaalada garbo waxaa Ciidamada Cadawga Itoobiya
lagaga dilay 4 Askari waxaana laga Dhaawacay 2 kale.
09 12. 2002 weerar ay ku qaaaden Ciidanka wadaniga Xoreenta Ogaaadenya Ciidanka
nacabka Gumaysiga Itoobiya ee ku sugnaaa magaalada Qoriile waxay Ciidamada
Cadawga kaga dilen 5 Askari iyaga oo kaga Dhaawacay 6 kale. Askartaas Cadawga ee
halkaaas lagu dilay waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo C/wahaab Sh. Mahdi oo
ahaa Gadhwadeenka Ciidamada Cadawga Itoobiya.
11.12.2002 Magaalada Barmiilka waxaa lagu dilay nin lagau magacaaabo Shugri
Afjar oo ahaa Basaas u shaqeeya Ciidamada cadawga Itoobiya.
Dhanka kale Ciidamo maleeshiyo ah oo lagu uruuriyay Magaalada Goday ayaa waxay
sameeyen Rabshado ay ku doonayaan Mushahaaroyinkoodii. Ciidamadan oo laga soo
uruuriyay Gobolo iyo dagmooyin kala duwan ayaan helin wax Mushaar ah mudo ka
badan 6 Bilood, waxay kaloo ka cabanayeen maamul xumo kaga timid masuuliyiinta
ciidamada, si kastaba ha ahaatee xukuumada Itoobiya waxay xal u wayday sii
haynta Ciidamadaas kadib markay wax ka qaban wayday Cabashadooda, waxayna
kaliftay in la sii kala daayo.
Khilaafkii Maamul ku sheega Jigjiga oo wali socda.
Warar lagu kalsoonyahay oo Radio Xoriyo ka soo Gaadhay Magaalada Jigjiga ayaa
sheegaya wali in uu sii socdo dagaalkii ka dhex socday Maamul ku sheega
magaalada Jigjiga. Khilaafkan ayaa wuxuu ka biloowday loolan ay qaar ka mid ah
maamulkusheega gumaysiga Itoobiya ee Jigjiga ku loolamayaan Awooda Gobalka iyo u
dhawaanshaha Gumaysiga Itoobiya, si kastaba ha noqotee waxaa laga xoog roonaaday
kooxdii ay hogaaminayeen Afhayeenka mamulka Jigjiga ina Bade iyo Afhayeenka
Barlamaaanka Xukuumada Itoobiya Mohamed sarhaye. Kooxda ku guulaysatay u
dhawaanshaha Gumaysiga Itoobiya oo uu hor kacayo C/rashid Duulane ayaa la
shegayaa in ay ku dhawaaqi doonaan maamul Cusub, hase yeeshee waxay wararku
sheegayaan in uu xanuun ku dhacay C/rashiid Duulane oo loola cararay Magaalada
Adis Ababa, xanuunkaas oo ahaa Dhiikar ka biloowday rabshado iyo Buuq ay ku
furen dad isugu soo baxay Salaadii Ciida oo uu rabay in uu la hadlo.
13 Qof oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Magaalada Adis Ababa.
13 qof ayaa ku dhaawacmay 17 Bishan december goob shidaal laga shubto oo ku
taala Xaafada Ehel Berenda ee magaalada Addis Ababa. Bansiinlahaas oo watay
magaca shirkada SHELL ayuu Dab qabsaday kadib markii nin wato bambo gacmeed uu
goobta shidaalka ku tuuray. Ninkaasi oon la garanaynin sababta uu falkan u
sameeyay ayaa isla markii la qabtay. Dadkii ku dhaawacmay Qaraxaas ayaa lagu
dawaynayaa Isbitaalka Ras Desta ee Magaaalada Adis Ababa.
warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo in Baasiinlahaas uu lahaa nin sarkaal ah oo
ka tirsan Ciidanka Itoobiya oo u dhashay qowmiyadda Tigreega, waxase Maamuli
jiray Kaalinta shidaalka walaalkii si ayna ugu muuqanin in uu isaga leeyahay.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo Soomaaliya Soo galay.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gawaaridda gaashaaman ee dagaalka ayaa gudaha u
soo galay deegaano ka tirsan Gobaladda Hiiraan, Bakool, iyo Gedo ee dalka
Somalia.
Deegaanadda Dooloow Somalia, Qurac Joome, iyo Farlibaax ayeey Ciidamo Itoobiyaan
ah gudaha u soo galeen masaafo dhan 20 KM.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay haatan ka baxeen goobahaas Ciidamada
Itoobiya. Ma cadda illaa iyo hadda sababta keentay in Ciidamadda Itoobiya ay
soo galaan Soomaaliya mase aha marki ugu horaysay ee ay Gudaha Soomaaliya soo
galaan , Totobaadkii hore ayeey Ciidamada Itoobiya soo galeen Magaalada Buula
Xaawo iyo goobo kale oo ka tirsan Soomaaliya.
Dadka siyaasada Itoobiya u dhuun duleela ayaa sheegaya in ay Itoobiya wado is
balaadhin iyo Daaandaansi ay ku doonayso inay ku qabsato goobo ka mid ah
Soomaaliya.
Isbadal Gurracan ooy TPLF tu ka bilaabayso Gobalka Gambela.
Warar xog-ogaal ah oo naga soo gaadhaya xafiiska wasiirka federaalika Itoobiya
Abay Tsehaye ayaa sheegaya in kilil ku sheega gambela dhowaan lagu sameeyn doono
dib u habeeyn guracan oo lagaga nadiifinayo dad laga shakisan yahay in ay
xidhiidh hoosaad la leeyihiin Jabhadda Xoreynta Shacabka Gambela. Sida wararku
sheegayaan waxaa xog uruurin la xidhiidha howshan loo xil saaray Dr. Gebre-ab
Barnabas oo ah wasiir ka tirsan kilil ku sheega iyo Ket Tuach oo ah madaxweyne
ku xigeenka kililka, iyada oo la dhinac maray Madaxweynaha kilil ku sheega.
waxaa la filaya in qaabka loo sifeeyn doono gobolka Gambela ay tahay nidaamkii
ay TPLFdu u adeegsadeen Maamul ku sheega sidaamaha iyaga oo xidh xidhi doona
madax sare oo ka tirsan is maamulkaas, waxaana laga yaabaa in laga bilaabo
Madaweynaha Gobalkaas. Wararku waxay intaas ku darayaan in 3 xisbi oo halkaasi
ka jiray la ba'bin doono iyada oo ay TPLFdu xisbi cusub u sameeyn doonto dadka
iyada u adeega, taas oo ah mid ay ka maqnaan doonaan dadka laga shakisanyahay in
ay xidhiidh hoosaad la leeyihiin Jabhadda Xoreynta Shacabka Gambella.
Taliyaha Ciidamada Jabouti oo Eriteria booqasho ku tagay Eritrea.
Taliyaha ciidanka Jabuuti Jeneraal Fatxi Axmed Xussein iyo wafti uu hogaaminiyo
ayaa 16 Bishan December booqasho ku tagay dalka Eritrea. Waftiga Jeneraalka
waxaa garoonka diyuuradaha ku soo dhoweeyay taliyaha ciidanka Eritrea Jeneraal
Cumar Tewil, taliyaha Ciidanka Bada Eritrea Jeneraal Humed Karikare iyo Jeneraal
Axmed Cumar KaiKai. Socdaalka taliyaha Ciidanka Jabuuti ayaa ah mid kor loogu
qaadayo xidhiidhka military ee ka dhaxeeya Eritrea iyo Jabuuti
Wasiirka Gaashaan dhiga Jarmalka oo Booqasho kutagay Jabouti.
Wasiirka Gashandhiga Jermalka mudane Peter Struck ayaa 14 Bishan Decembar ka
dagay garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Jabuuti, isaga oo horkacayay wafdi
balaaadhan oo ka tirsan wasaaradiisa Gaashaan dhiga. Wasiirka iyo waftigiisa
waxaa garoonka Dayuuradaha ku soo dhoweeyay wasiirka arrimaha dibbeda Jabuuti
mudane Cali cabdi faarax iyo taliyaha Ciidanka Jabuuti Fatxi Axmed Xussein.
Wasiirka ayaa la sheegayaa in uu, u yimid sare uqaadida xidhiidhka Labada dal
iyo iskaashiga ka dhaxeeya ciidamada Labada wadan.
Dhoodi Danwaa.
Dhoodi Danwaa.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|