SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Dec 17, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

I  I  D  H  E  H

   Warka Madaxdiisii.  

  • ·Ciidamada Cadawga itoobiya oo Dadbadan xabsiyda u taxaabay. 
  • ·Shir ay Jaaliyada Ogaadeenya ee Jarmalku magaalada Ludwigsburg ku qabatay.
  • ·Markab sida Ciidamo ugaar ah ladagaalanka Argagixisad oo gaadhay Xeebta Jabuuti. 
  • ·Ciidamo Itobiyaan ah oo soo galay Baladxawo
  • ·Jaamacada Carabta oo Mareynkanka iyo Ingiriiska u direysa ergo kala soo hadasha arrimaha Somalia.

Warkii oo Faah faahsan.

Ciidamada Cadawga itoobiya oo Dadbadan xabsiyda u taxaabay.

Wararka ay noo soo tabinayaan wariyayaasha Radio Xoriyo ee Gobolada iyo Dagmooyinka Ogaadeenya, ayaa sheegaya in ay Ciidamada Cadawga Itoobiya Xabsiyada u taxaabeen dad aad u tira badan oo shacab ah oo aan wax siyaasad ah ku lug lahayn.

Ciidamadaas oo dadwaynaha reer Ogaadenya ula dhaqmaan si naxariis la,aan ah oo ka baxsan xaqdhawrka Xaquuqda Aadamaha, ayaa waxay xabsiyada Dadka ku jira u gaystaan Jidh dil iyo Argagax galin si loogu qasbo in ay fuliyaan rabitaanka Ciidamada Itoobiya ama qirasho danbi ayna qabin. waxaana dadka sidaas loola dahqmay ee Xabsiyada Ciidamada Itoobiya ku jira ka mid ah ku wan.

Goday waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku xidh xidheen dadkan kala ah.

1- Maxamed wali Ahmed
2- Maxamed C/hi Canshuur
3- Muuse Mahad
4- Cabdi mahad salaad
5- Cali Dafe
6- Maxamed bashiir
7- Miyir Gadoon
8- Sheekh Ibraahim Ahmed Awcumar
9- Siraad Sabane
10- Ismaaciil Maxamed sabane
11- Ismaciil Maxamed Khaliif
12- Shaafici oo aanaa haynin magaciisa oo buuxa
13- Xabsa Jahaad
14- Qoraxay waxaa lagu Xidhxidhay 12.12.2002
15- Isdahil maxamuud Dayl.


Birqod waxaa 06.12.2002 lagu xidhxidhay.


1- Cali faarax Cabdi.
2- Cabdulaahi Budul.
3- Maxamed Cabdi Aar
4- Nuur Ahmed Sheekh C/hi
5- Ahmed Sh Yuusuf
6- Cabdi Awal
7- Maxamed maxamuud
8- Axmed guuleed Carte
1- Faarax Cabdulaahi Walac.
2- Cabdi Rabiile
3- Maxamuud Xasan


Gurdumi waxaa 07.12.2002 lagu xidhxidhay. 

1- Ibraahin Cabdulaahi Aadan
2- Khadar Sheekh Cabdulaahi
3- Axmed Cabdi Naasir

Baarta oo ka tirsan dagmada Awaare waxaa 8.12.2002 lagu Xidhxidhay. 
1- Axmed Aadan 
2- Maxamed Aadan
3- Calayhaa Deeq C/Nuur

Waxaa sidoo kale Degmada Dhanaan lagu xidh xidhay dad kor u dhaafaya 70 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, dadkaas waxay ku xidh xidhan yihiin meel dhulka hoostiisa ah, waxaana halkaas mas kuqaniinay Cali Dhuux Guhad oo 90 jir ilaa hadana isaga oo dhaawac ah ayuu Xabsiga kujiraa.

Guud ahaan dadkaas. ayaa lagu xukumay Ruux walba 2000 Bir oo ah Lacagta Itoobiya ah.

Ganaaxan ayaa waxuu noqday mid ay dadka dhaqaale kaga uruursadaan Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Gobolada iyo Dagmooyinka Ogaadenya.

Shir ay Jaaliyada Ogaadeenya ee Jarmalku magaalada Ludwigsburg ku qabatay.

Xaflad Sanadeed lagu ma,muusayay Ciidul fidriga ooy soo qaban qaabisay Jaaliyada Ogaadeenya ee wadanka Jarmalka, ayaa ka dhacday 14.12.2002 Magaalada Ludwigsburg. Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo lagu marti qaaday Dadwaynaha Soomaaliyeed ee Gobalka BadenWürttemberg iyo Jaaliyada Harariyiinta ee Gobolkaas. waxaa xaflada furay Gudoomiye ku Xigeenka Jaaliyada Jarmalka Mudane Maxamed Rabbi, oo uga mahad celiyay ka soo qaybgalayaashii Xaflada sida diiran ee ay uga soo qayb galeen.

Sidoo kale waxaa halkaas kasoo jeediyay Warbixin gaaban oo kusabsan Halganka Ogaadeenya iyo guud ahaan siyaasada Geeska Afrika, Gudoomiyaha Hogaanka Dhaqaalaha JWXO Mudane Saaluxudin A/rahman ma,ow, Muadane Saalax ayaa dadkii uga warbixiyay dhibatada ay Xukuumada Itoobiya ku hayso Shacbiga Ogaadenya iyo Shucuubta kale ee ay Gumaysato, wuxuuna u soo jeediyay Shacbiga Ogaadenya in ay ka dhiidhiyaan dhibaatada la factirsatay ee uu Gumaysigu sababay.

Markab sida Ciidamo ugaar ah ladagaalanka Argagixisad oo gaadhay Xeebta Jabuuti.

Markab ay leeyihiin Ciidamada maraykanka oo u gaar ah la dagaalanka argagixisada laguna magacaabo USS whitney ayaa 13 Bishan december yimid meel u dhow xeebta Jabuuti.

Sida wararku sheegayaan Markabkaas ayaa sida 400 oo ah Ciidamada sida gaarka ah utababaranee Wadanka maraykanka.

Ciidamadan ayaa diyaar u ah in ay si deg deg ah u howl galaan haday helaan amar. Ciidanka Markabkaasi saaraan ayaa marka lagu daro 1,200 oo horay ugu sugnaa xirada la yiraahdo Camp Lemonier kadhigaysa 1,600 oo Askari tirada Ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee ku sugan dalka Jabuuti. Mar uu taliyaha Ciidanka mareykanka ee geeska afrika Jeneraal John Sattler uwaramayay saxaafada, waxuu sheegay in u haataan Ciidankiisu dhameystranyahay oo diyaar u yahihiin howlgal marka ay amar helaan.

Ciidamo Itobiyaan ah oo soo galay Baladxawo.

15.12.2002 ayaa waxaa soo galay Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ciidamo ay lee dahay dowladda Itoobiya oo ku sugnaa xuduuda ay wadaagaan Labada dal. Ciidamadan oo tiradooda lagu qiyaasay 200 oo askari watayna shan gari oo ah nooca militariga ayaa waxay fariisimo ka sameysteen goobo ka tirsan Magaalada Baladxaawo, waxayna Ciidamo badan soo dhoobeen xuduuda labada dal. Lama garanayo sababta ay dowladda Itoobiya usoo gelisay ciidamadeeda Baladxaawo ayadoo sheeganaysa in ay ka shaqeynayso nabadda Shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Ciidamo Itoobiyan ah ayaa xadka Soomaliya u tilaabsaday todobaadkii hore iyaga oo istaajiyay isla markaasna la wareegay gawari ay lahayeen ganacsato Somaliyeed oo marayay xadka Ogaadeenya iyo Soomaliya. Baabuurtaas ayaa waxay ka kala yimadeen magalooyinka muqdishu, beled weyne iyo burco waxayna sideen badeeco farabadan. ciidankaasi itoobiyaanka ayaa badeecadii ka dagsaday gawaridii iyaga oo xerooyinkooda ku xaraystay, Baabuurtiina waxaa la sheegaya in ay ilaa haatan ku dhagan yihiin oo diidanyihiin in ay si dayaan iyaga oo ku xujeeyay dadkii lahaa in ay lacag Laaluush ah bixiyaan.

Dhanka kale waxay Xukuumada Itoobiya soo cusboonaysiisay Dacaayadii ay ku haysay Soomaaliya, kadib markii uu ra,iisul wasaaraha Itoobiya Melez Zinawi sheegay in meelo ka tirsan Soomaaliya gaar ahaan xeebaa gobolada Jubbooyinka ay kasoo ambabaxeen shaqsiyaadki ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel-ka Paradise ee magaalada Mombassa ee dalka Kenya.

DKMG ah ee Soomaaliya ayaa in badan Caalamka u jeedisay cabashooyin ku aaddan faragelinta ay Xukuumada Itoobiya ku hayso Soomaaliya.

Jaamacada Carabta oo Mareynkanka iyo Ingiriiska u direysa ergo kala soo hadasha arrimaha Somalia.

Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay dhinaca diblumaasiyadda ayaa tibaaxaya in ay Jaamacada Carabtu qorshaynayso Wafti ay u dirto Wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska. Waftigaas ayaa waxay wadamada ay tagayaan kala soo hadlayaan, arimo ku saabsan Mushkilada ka taagan Soomaaliya iyo waliba faragalinta ay ku hayaan qaar ka mid ah wadamada darika la ah. Wararku waxay intaas ku darayaan in qorshaha waftigan lagu dirayo uu ka danbeeyay Wafti balaadhan oo ka socda DKMG Soomaaliya oo dhawaan gaadhay Magaalada Qaahira ee wadanka Masar si ay madaxa Jaamacada Carabta ugala soo xaajoodaan sidii xal loogu heli lahaa dirirta sokeeye ee ka taagan Soomaaliya.

Dhoodi Danwaa.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD