SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Dec 6, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

I  I  D  H  E  H

   Warka Madaxdiisii.

  • ·Masuuliyiinta Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya oo hanbalyo ku aadan Ciida u diray guud ahan Shucuubta Islaamka
  • ·Wakiilka Itoobiya ee shirka Eldoret ooo masuuliyiinta sooomaaliyeed ka cadhaysiiyay.
  • ·Diyaaradaha Itoobiya oo nabedgelyadooda laga shakisan yahay.
  • ·Baadhistii Qarixii loo gaystay Hotelka Paradise ee magaalada Mambasa oo wali socda.

Warkii oo faah faahsan.

Masuuliyiinta Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya oo hanbalyo ku aadan Ciida u diray guud ahan Shucuubta Islaamka.

Madaxwaynaha Jabhada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya Adm. Mohamed Omar Osman iyo Xoghayaha ee guud Jabhada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya M.Isma,il Omar ayaa waxay salaan ku aadan Ciida Rabadlaan u dirayaan Dhamaan Shacbiga reer Ogaadenyan, Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Muslimiinta. Waxayna Ilaah uga baryayaan in uu ka aqbalo Soonkay soo soomeen.

Waxay kaloo salaan gaara u dirayaan guud ahaan Xubnaha JWXO, Ciidamada JWXO iyo taageerayaasha Halganka Ogaadenya. Waxayna Shacbiga Ogaadeenya u rajeeyeen in Ciidan Ciideeda ay ku Ciidaan Ogaadeenya oo Xor ah iyagoo Shacbiga Soomaaliyeedna u rajeeyay Nabad galyo iyo Dawlad Sharafta Shacabka soo celisa.

Wakiilka Itoobiya ee shirka Eldoret ooo masuuliyiinta sooomaaliyeed ka cadhaysiiyay.

Wakiilka dowladda Itoobiya u jooga shirka dib u heshiisiinta soomaalida uga socda magaalada Eldoret ee dalka Kenya ayaa si wayn looga cawday, ka dib markii madasha shirka uu ka dhex sameeyay tallaabooyin aad uga xanaajiyay ergooyinka sooomaaliyeed ee shirka ka qayb qaadanaya, waxaana la sheegay in wakiilka Itoobiya uu badhtamihii toddobaadkan ku dhex wareegay xubnaha guddiyada lixda ah ee wajiga Labaad ee shirka ka qayb galaya, isaga oo doonaya inuu kala ogaado qoysaska ay ka soo jeedaan.

Wakiilkan oo lagu magacaabo danjire Cabdicasiis, oo ah ninka dawlada Itoobiya uga wakiilka ah shirka dib u-heshiisiinta soomaalida wuxuu gacanta ku watay, sida la sheegay magacyada xubnaha ay guddiyadu ka kooban yihiin, wuxuuna qof walba u sheegay in looga baahan yahay in uu  qabiilikiisa sheego, arrintaasina waxay ka xanaajisay qaar dadkaas ka mid ah oo diiday inay qabiilladooda sheegeen, iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin xurma darrada iyo qaddarin la'aanta uu wakiilku  ula yimid.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qaar ka mid ah guddiyada lixda ah iyo xubno ka tirsan hooggaamiye kooxeedyada sooomaaaliyeed ee shirka Eldoret ku sugan ay dooonayaan inay wakiilka Itoobiya dacwad ka gudbiyaan.

Arrintani ma aha mid ku cusub dhagaha dadka sida dhabta ah ula socda falalka mardabada ah ee Itoobiya ay ka dhex waddo hooggmiyayaasha sooomaaliyeed, kuwaasoo dhammaantood laga dhex akhrisan karo inay ku doonayso sidii ay u kala fogayn lahayd masuuliyiinta soomaaliyeed, hase yeeshee waxaa la rumaysan yahay in Itoobiya ay hadda siyaasadeedii ku fashilantay, ayna soo if-baxayaan ifafaalo muujinaya in hooggaamiyayaasha soomaaliyeeed ay ku baraarugeen dabinnada ay Itoobiya u qoolayso, waxaana dareenkaas laga akhrisan karaa heshiisyada dhawrka ah ee hooggaamiye kooxeedyada Muqdisho iyo dawlada ku meelgaadhka ahi ay isla gaadheen, kuwaasoo dhammaantooda ayna Itoobiya raalli ka ahayn.

Diyaaradaha Itoobiya oo nabedgelyadooda laga shakisan yahay.

Diyaaraha Itoobiya ayaa nabedgelyadooda si wayn looga shakisan  yahay, iyadoo dalal badan ay billaabeen inay calaamatul-su'aal saaraan diyaaradaha uga imanaya dalka Itoobiya.

Horraantii toddbaadkan waxaa garoon ay ciidammadu leeyihiin oo ku yaalla galbeedka waddanka Israa'iil lagu dejiyay diyaarad xamuul ah oo ka timid magaalada Addis Ababa, laguna waday inay garoonka Ben Gurion ee magaalada Talaabiib ka dagto, waxayna saraakiisha nabedeglyada ee gegida dayuuradaha ee dalka Israa'iil sheegeen inay baadhis dhinaca ammaanka ah diyaaradaas ku sameeyeen.

Maalmihii ugu denbeeyay waxaan warar xunxun ka helnay ammaanka magaalada Addis Ababa, sidaasna waxaa yidhi Amos Amir oo madax ka ah hay'adda gacanta ku haysa garoonnada Israa'iil. Diyaaraddan Itoobiya, oo ay saarraayeen 70 qof oo rakaab ah, waxaa markii denbe loo oggolaaday inay ku degto garoonka Ben Gurion.

Amir ayaa lagu waday inuu daba-yaaqada toddobaadkan la kulmo dhiggiisa Itoobiya, si uu ugala hadlo nabedegelyo xumada garoonka diyaaaradaha ee magaalada Addis Abab, sidaasna waxaa sheegtay wasaaarada gaadiidka ee dalka Israa'iil.

Baadhistii Qarixii loo gaystay Hotelka Paradise ee magaalada Mambasa oo wali socda.

Wasiirka xafiiska Madaxwaynaha dalka Kenya Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa waxa uu sheegay in 4 Afarta  qof ee Soomaalida ah ee loo haystay tuhunka weerarkii lagu qaaday Hutel Paradise lasii dayn doono hadii lagu waayo eedaynta loo haysto. War ay soo saareen Booliska Mambasana waxay ku sheegeen in  ayna ka helin wax xidhiidh ah oo ay la leeyihiin Al-Qaida.

Waxayna Boolisku sheegeen in Baabuurka loo adeegsaday qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano (Pajero) markii hore uu lahaa qof ajnabi ah oo daganaa dalka, hase yeeshee Baabuurkaas oo wadanka soo galay 1991  ayaa waxaa gadatay oo la wareegtay haweenay Kenyan ah 1998 ,marka waxay boolisku raadinayaan sida uu Baabuurkaasi ku galay gacanta Argagixisada.

Dhinaca kale Hogaamiyayaasha Soomaaliya ee shirka Eldoret ka qayb qaadanaya ayaa waxay cambaareeyeen weerarkii ka dhacay Mombasa, waxayna ugu baaqeen beesha caalamka in la dadajiyo dawlad ka dhalata dalka Soomaaliya.

 .

Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD