SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA
Madaxweyne Moi oo seefta sharfidda ee taliyanimada ciidanka qalabka sida siinaya madaxweynaha cusub ee la doortay  Mwai Kibaki, waxayna ahayd waqigii munaasabadii dhaarinta madfaxweynaha Kibaki.
Sawirka: Standadrd; Yahya Mohamed

Munaasabadii xil wareejinta kenya siday u dhacday?

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Uhuru Park
Nairobi,Kenya.

30/12/2002
Isniin

madaxwaynaha cusub ee dalka kenya Mwai kibaki oo da'diisu ay tahay 71 sano jir ayaa maanta waxaa munaasabad wayn oo kadhacday fagaaraha Uhuru Park ee magaalada nairobi loogu dhaariyay xilkiisa madaxwaynanimada ee uu kaga guulaysatay musharixii latartamayay Uhuru Kenyatta ,waxaana lagudoon siiyay waraaqaha aqoonsiga oo uu gacanta ka saaray gudoomiayaha gudiga doorashooyinka Samuel Kivitu.

munaasabadan waxaa kasoo qayb galay in kabadan 250'000 oo dadwayna ah kuwaasi oo dhibaatooyin fara badan lagala kulamay ayna usabab tahay xadiga tirada dadwaynaha kasoo qayb galay munaasabada isla markaana ku dhawaaqayay Rainbow.

Hoos Akhri

 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive


Dhanka kale waxaa munaasabadan ka soo qaybgalay madaxwaynayaal ay kamid yihiin dalka Ugandha iyo tanzania,waxaa kaloo kaso qayb galashay xaaska madaxwaynaha dalka koonfur afrika oo matalaysay dalkeeda iyo doblamaasiyiin fara badan oo ka socday caalamka.

dhamaantood waxay uga mahad celiyeen dalka kenya sida nabadda ah ee ay ku dhamaadeen doorashooyinka iyo sida dimoqraadiga ah ee xilka ay ugu kala wareegeen MOI iyo KIBAKI.
Mwai Kibaki


Madaxwayanaha 3aad ee dalka Mwai Kibaki waxaa uu sheegay in uu aad ujeclyahay dadwaynaha kenyanka ,rabitaankoodana uu ku noqday madaxwananimada ,waxaana uu sheegay in uu hor marinayo tacliinta,dhaqaalaha iyo abuuritaanka xirfadaha shaqadda ee loo baahanyahay,waxaana uu sheegay in uu samaynayo gudi la dagaalama musuq maasuqa.

madaxwaynaha dalka kenya ayaa isna halkaas lagaga qaaday xilkiisa uu soo hayay mudo 24sano ah oo sheekaagay in dadwaynaha kenyaanka ah ay ilaashadaan dalkooda iyo dawladooda isla markaana waxaa uu uhanbaliyeeyay madaxwanaha badalay Mwai Kibaki.

Waa markii ugu horaysay oo taladda laga qaado xisbiga Kanu oo dalka soo xukumayay tan iyo 1963 oo ah markii kenya ay xornomada qaadatay ayna la wareegaan isbahaysatada National Rainbow Coalition (NARC.

Musharaxa kaliya ee soomaaliyeed gobolka woqooyi bari ee kusoo baxay kursiga Xisbiga Narc galbeedka wajir Axmed Khalif Maxamed oo haatan ah ninka ugu horeeya oo golaha wasiirnimada kusoo baxaya gobolkaas mar aan kula kulmay fagaaraha Uhuru Park waxaa uu iisheegay in xizbiga NARC ay dadaal badan ku bixiyeen sidii qaar kamid ah mudanayaasha ay ugu soo biiri lahaayeen NARC hase yeeshee laga diiday.

ilyaas bare shiil oo isna NARC lagaga adkaaday kurisigiisa deegaanka faafi ayaa iisheegay in fursado kale uu rajaynayo isla markaana uu ku qanacsanyahay guusha lagaga adkaaday.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Uhuru Park
Nairobi,Kenya.

ridwanhaji14@hotmail.com
 

 Guushii Kibaki Halkan ka akhri: 
Mwai Kibaki oo Ku Guuleystay 64% Doorashadii Madaxtinimada Kenya: 
warbixintii: Mohamud Yusuf Garre   

<><><>

 

I  I  D  H  E  H

WARARKII DOORASHADA KENYA 
Dad aad u tiro badan ayaa saakay isugu soo baxay barxada Uhuru Park, Nairobi, halkaas oo lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub ee Kenya, Emilio Mwai Kibaki. GUJI 30/12 

HALKAN KA BAAR WARARKII  IQRA


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD