MURIIDI GOLF IYO MUSHARAXNIMADIISA
Wq. Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk Nairobi
July 16, 2003
Madasha uu shirweynaha qaran ee Soomaalidu ka
socdo ee Mbagathi waxaa si xoog leh uga socda ololaha ay musharixiinta
madaxweynanimadu ku doonayaan inay ku kasbadaan taageerada ergooyinka iyo
dadweeynaha Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool. Musharixiinta ilaa iyo hadda isu
taagey inay u tartamaan jagada Madaxweynanimada waxaa ka mid ah C/qaadir Suufi
oo Muruudi Golf ku magac dheer. Muriidi waa nin dheer oo bidaar leh oo si degan u
hadla. Wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Wuxuu ka mid yahay dhalinyaradii wax ku soo baratay Jaamacaddii ummadda
Soomaaliyeed ee Gahayr, qaybteeda sharciyada. Wuxuuna ka soo jeedaa dadka
Banadiriga loo yaqaan oo xadaarad iyo wadaninimo loo og yahay.
Barnaamijkiisa wax qabad oo aan soo akhriyey
ayuu Muriidi ku qeexay sida ay uga go'an tahay inuu danta gaar ahaaneed ka hor
mariyo danta guud haddii uu doorashada ku guulaysto. wuxuu kaloo barnaamijkiisa
ku sheegay inuu wax ka qaban doono arrimahan soo socda:
Xuquuqda dhawrista sharafta iyo karaamada
bani'aadamka, horumarinta caafimaadka, soo celinta nabad gelyada iyo xasiloonida
dalka, xanaanaynta agoonta, curyaaminta iyo dadka duqoobey, horumarinta
xiriirada caalamiga ah iwm.
C/qaadir Sufi mar aan la sheekaystay oo aan
waydiiyey rejada uu ka qabo hanashada guusha doorashada wuxuu ii sheegay inuusan
isagu uba baahnayn inuu olole iyo abaabul badan galo. Taasna wuxuu sabab uga
dhigay inay dadka Soomaaliyeed ku soo urureen markii uu musharxnimadiisa
shaaciyey. isagoo arrintaa ka hadlayana wauxuu yidhi: "anigu olole iyo abaabul
badan la iigama baahna waayo markaan is sharaxyba dadkii oo dhan baa i taageeray
oo madaxweyna-nimadayda u heellan, maadama aan ka soo jeedo qoys wadaniyiin ah oo
xoriyaddii u soo dagaalamay". Muriidi Golf waxa uu la dhashay Cadde Suufi oo an
nin Soomaaliyeed oo sanadkii hore u tartamay xubin baarlamaanka dalka Holand
ah. kaas oo kaalintii uu u tartamayey booska 2aad ka galay.
Mr. Suufi wuxuu ku
rejo weyn yahay inuu isagu ku guulaysanayo tartanka dhowaan ka dhici doona dalka
Kenya ee la doonayo in lagu soo afjaro dhibaatihii wadanka Soomaaliya 13ka sano
ka oognaa. wuxuu qabaa xitaa haddii uusan ku guulaysan inuu ugu yaraan sigi
doono ninka isagu guulaha Mbagathi urursada.
..... doorta qofka ay siyaasaddiisu dhex-dhexaadka tahay, oo haddana ah siyaasi
dhalinyaro ah....
Hal-hayska doorashada Muriidi Golf |
Xaashiyaha barnaamijka wax qabadkiisa waxaa hal-hays
u ah: doorta qofka ay siyaasaddiisu dhex-dhexaadka tahay, oo haddana ah siyaasi
dhalinyaro ah. C/qaadir Suufi oo ah nin dhalinyaro ah oo ka mid ah musharixiinta
40'ka kor u dhaaftay ee tartanka madaxwenanimo isu soo taagtay waa nin lagu
yaqaan asluub wanaag iyo deganaan aad u saraysa.
Barnaamijkiisa waxa kor iyo hoos ku aslan
sawiro qurux badan oo ay ka mid yihiin khariidada Soomaaliya oo ay shimbir
caleen afka ku sidda kor heehaabayso, sawir Muqdisho oo nabad ah lala helay,
calaamadda jamhuuriyadda iwm. la arki doonee doorka uu Muriidi Golf ka ciyaaro
tartanka kulaylka badan assii uu isagu sahlay ee laga filayo siyaasiyiinta
Soomaalida ee haddaba gorodda iskula jira.
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com
..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ
... ELDORET:
Taxanahii Wararka com
|