Wq. Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk Nairobi
April 7, 2004
|
Waxaa mar kale Nairobi ku banjarsan shirkii wakhtiga badan
dhunsaday ee dib u heshiisiinta iyo soo celinta dawladnimadii Soomaaliya ku
saabsanaa, ka dib markii go’aan loo wada dhan yahay laga gaadhi waayey qodob
ka mid ah axdiga ku meel gaadhka ah oo in la isku raaco weli loo caal la’yahay.
Waxaana tiraba ku laba goor fashilmay go’aamo aan Soomaalida lagala tashan oo
ay hawl wadeenada shirku u gudubka wejiga saddexaad ka soo sareen. Caqabado
waaweyn oo sii xoogaysanaya ayaana ku gadaaman gaadhista marxalada awood
qaaybsiga oo ah qaybta shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ugu dambaysa.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida oo horeba khilaaf iyo is-qab-qabsi
isugu filayd ayuu ka midha-dhalinta shirkoodu iminka la il-daran yahay muranka
iyo kala taganaanta maamulayaasha (IGAD) shirka u dhexeeya oo ay qaar hor leh
oo car-cartoodii qabaa hadda ku soo biireen. Taasina waa mid qayb weyn ka ah
cunsuraha shirkii inuu midho dhalo qarka u saarraa gaagixisey ee dhaabbo
goodir ay sida looga soo geyoodaa adag tahay ku jahaysey. Kordhinta tirada
hogaamiyayaasha oo ay siyaasiyiin badani qabaan inay ku timid galaan-gal ay
qaar waddamada maamulka shirka gacanta ku hayaa isla sameeyeen ayaa loo aanayn
karaa inay is-mari-waaga hadda taagan sababtay, haddii aan xal loo helina waa
mid soo dedejin karta bur-bur iyo guul darro uu shirka ku dambeeyo
Natiijaadii aan weli meel marin ee kulaankii wada tashiga
Safari Park ka soo baxday waxay ahayd mid diirka ka qaadday tuhun horayba
shirka wada tashiga looga qabey oo nuxurkiisu ahaa in aqoonsi iyo awood
dheeraad ah loogu raadinayey rag aan horay shirka uga dhex muuqan oo aan
saamayn siyaasadeed oo buuran ku lahayn. Xeel dheerayaal arrimaha shirka u
dhuun daloola oo ka mid ah dadyoowga siyaasadda Soomaalida odorosa ayaa
rumaysan inay jireen masuuliyiin ka tirsan hawl wadeenada shirka oo xiligii uu
shirka wada tashigu socdey hoosta ku watey ajandayaal qarsoon oo ay dhinac ku
badhi taarayeen, dhinacna ku sabaaxadaynayeen.
Xaggee bay sartu ka quruntay?
Mushkiladdan hadda shirka ku qaraxday ee horumar lagu
tilaabsado ku hor gudbani waa mid ka dhalatay arrimo isa soo tarayey ilaa iyo
markii ay afarta hogaamiye ee Liibiya iyo Jabuuti sida diirran looga soo
dhoweeyey shirka ka bexeen, kuwaas oo kalsoonidii iyo taageeradii ay dalalkaas
ka soo heleen siyaasadooda waa cuusub u furtay, isla markaana ku dhiiri
gelisey sidii ay awooddooda shirka u balaadhin lahaayeen. Afartii hogaamiye ee
shirka ka baxday Maacnawi, ahaan ujeedada ugu weyn ee ay golaha Samata bixinta
u abuureen waa mid noqon karta inay ku doonayeen sidii ay wax ugu yeelan
lahaayeen awoodda miisaanka culus ee talo goynta shirka.
Sidaas daraadeed, in kastoo uusan heshiiskii madaxtooyada
lagaga dhawaaqay si quman u wada hir-gelin oo ay ururo badani wax is daba
marin iyo eex aan lagu heshiin ku dhaleeceeyeen, haddana waxaad mooddaa inay
dhacdadaasi xiddigga siyaasadda golaha samata bixinta buun-buunisay, halka ay
labaatankii hogaamiye ee horay shirka u joogey oo markii hore isku dhinac
kubadda u laadayey kala qaybsanaan iyo mugdi soo kala dhex gala heshiiskaas
uga faa’iideen.
Siyaasiyiinta ilaa iyo hadda ku doodaysa in wiixii ay ku
heshiiyeen wax laga beddeley mabda’ ahaan iyo is-bahaysi ahaan ma ahayn kuwo
hal dhinac ka soo wada jeeda, waayo isla ayaamihii uu saxiixa aan laga
fiirsani dhacay waxaa raggii dhaliilay ka mid ahaa raysal wasaaraha cuusub ee
TNG oo qoraalkii la saxiixay ku tilmaamay mid xambaarsan wax aan waafaqsanayn
wiixii ay hogaamiyaashu ku heshiiyeen. Hadalka raysal wasaaruhu wuxuu toosh ku
ifiyey mad-madowgii iyo wax is-daba marintii heshiiska lagu eedeeyey oo ay
badiba SRRC horay uga qayliyeen. Waxaa kaloo inay heshiiskaas wax ka
khaldanaayeen laga fahmi karaa caddayntii uu wasiirka arrimaha dibedda ee
Kenya markii la isku qabsaday heshiiska ka soo saaray oo uu qodobo heshiiska
ka mid ah ku tilmaamay kuwo laga bad-badiyey.
Fal-celisyadaas heshiiska ka soo cawaal baxay waxay noqdeen
kuwo wiiqay kalsoonidii iyo aaminkii dhex-dhexaadiyaasha shirka lagu qabey.
Saababtoo ah marka aad dhugato qaylada kooxaha qaar ka yeedhaysa iyo dabaal
degga ay kuwa kale ku jiraan waxaa ugu yaraan suurtagal noqon karta inay
laabada waddan ee IGAD hadda shirka ka joogaa dhinacyada qaar hoosta wax kala
wadeen oo qodobada qaar si ay dhinac dani ugu jirto hab qoraalkiisa u soo ban
dhigeen. Taasina waa cunsurta heshiiskii markii hore lagu diirsaday ee dunida
oo dhan laga soo dhoweeyey hadda ka dhigtay caqabad sun iyo dhunkaal ku ah
habsami u socodka shirka oo iminka khatartii ugu weynayd caasha ku haya.
Wejigii labaad ee shirka oo dhamaad ku dhow ogolaanshaha iyo
aqoonsiga is baahaysi cusub oo shirka ku soo biira iyo kordhinta
hogaamiyayaasha ayaa lagu tilmaami karaa khaladkii ugu weeynaa ee farsamo
ahaan shirka laga galay, maxaa wacay aasaaska uu shirku ku taagnaa iyo sida uu
u qorshaysnaa waxaa tiir dhexaad u ahaa hogaamiyayashii Soomaaliya xoogga ku
lahaa oo intoodii nabadaynta Soomaaliya looga maarmi waayey shirka la isugu
keenay. Waxay ahaayeen kuwa ay IGAD u xil-saarto arrin kasta oo uu shirku isku
maan dhaafo, khilaafaad kasta oo yimaadana mar uun baa xal loo heli jirey oo
laga gudbi jirey, laakiin wareerka ayaamahan shirka la soo dersey waa tiradii
hogaamiyayaasha oo aan hadda ka hor la isku qabsan oo la isku haysto.
Taasi waa tan dhawr hogaamiye oo hanaanka shirka loo wado ka
cadhooday ku kaliftey inay Jawhar kaga dhawaaqaan is bahaysi hor leh oo daw u
yeelanaya inay IGAD ula dhaqanto sidii ay Samata bixinta oo dhowaan Balcad
lagu dhisay u soo dhoweeyeen. Waxaa kaloo la filayaa inay kooxo kale awood
kororsi u baxaan maadaama ciddii tagtaba hogaamiyayaal cusub loo aqoonsaanayo
oo ay siyaasadooda shirku sidaas ku naaxayso. Haddii aynu is weeydiino baahida
keentay kordhinta hogaamiyaasha, aynu ku af gobaadsano inay ku timid baadi
goob ay IGAD iyo beesha caalamku ugu jirteen in afartii nin ee shirka ka
maqnayd lagu soo jiito, kuwaas oo shuruudahoodii loo oofiyey si uu shirku u
nooqdo mid loo wada dhan yahay. Sidaas hadday xogtu tahay waxaa mar kale la is
weeydiin karaa inay wax loo dhan yahay soo bixi karaan iyo in kale. Jawaabtu
ma dheera, mana dhib badna, waana mid la hubo inaan hor joogayaasha siyaasadda
iyo guud ahaan Soomaalida maanta looga baran inay nabad-geliyaan hanaan iyo
nidaam ay talo goyntiisa iyo halgankiisa shaqo ka soo qayb qaateen, balse waa
kuwo natiijo kasta oo ay wax ka soo yagleelaan ganafka ku dhufta haddii ay
tooda ka waayaan.
Tusaale ahaan natiijadii Carta dadkii ka hor yimid ee
curyaaminteeda iyo curdan dhadhinteeda u ban baxay waxaa ugu badnaa dadkii
gogosha Carta fadhiyey ee halgamadii inay wax dhashaan loogu xusul duubayey ka
soo qayb qaatay, sidaa awgeed kuwii ka qayb galka Carta qaadacay waxaa wixii
soo baxay uga cadowsanaa kuwii ogolaaday. Masalan Qanyare marna ma ogolaan
inuu Carta tago, natiijadii ka soo baxdayna kuma duulin, lamana diririn ee
wuuba la heshiiyey, laakiin Maxamed Dheere oo natiijadii soo baxday wax ka soo
saaray, wuxuu markii daambe la beegsaday dagaal aan kala joogsi lahayn.
Waayo-aragnimadaasi waxay ina baraysaa inaysan kuwo badan oo hadda shirka
daacad u ahi hadhoow wiixii soo baxa wada nabad-gelin doonin, marka, xagee
joogaa qab-qable aan shirkaba ka qayb gelin ama diidey oo ka baxay?. Sida ay
xaqiiqdu u dhowdahay way adag tahay si loo helo natiijo ay hogaamiyayaasha
hadda jira oo dhami ogol yihiin. Haddaba, haddii in shirka loo dhamaado tirada
hogaamiyayaasha loo balaadhiyey, dhibka durba ka yimid wuxuu aragtida
kordhinta hogaamiyayaasha ka dhigayaa talaabo sirgacan oo sawaaban, isla
markaana aan si qoto dheer waxa ka iman kara looga looga fiirsan. Waana
halkaas meesha ay sartu ka quruntay ee ugu weyn cunsuraha shirka ku qabiran.
Doorka IGAD ee caqabadaha shirka
Bilowgii shirka dawladaha urur goboleedka
IGAD waxay maamulka iyo hogaaminta shirka u wakiisheen wadamada safka hore ee
Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya oo xubno joogta ah ka ahaa gudiga farsamada IGAD
oo ahaa awoodda ugu saraysa ee maamulka shirka. Arrin kasta oo taagan oo
shirka caqabad ku noqota iyo tilaabo kasta oo horay loo qaadayo gudiga
farsamada ayaa marka hore ka wada xaajoon jirey, waxayna diyaarin jireen
qoraal aan rasmi ahayn oo loogu talo galay inay hogaamiyayaasha iyo ergada
Soomaalidu ka doodaan, wixii markaa ay Soomaalidu ka hor timaaddo ama ku kala
boodaan gudiga farsamdu waxay awood u lahaayeen inay go’aamo dhex-dhexaad ah
ka soo saaraan, sidaas ayeeyna shirka ku maamuli jireen. Xiligaas wadamada
safka hore wax kastaa ha u hooseeyeene khilaaf muuqda oo shirka caqabad ku
ahaa uma dhexayn, awoodda ay shirka ku lahaayeen iyo wada shaqaynta ay ku wada
hawl gelayeena waxay ahaayeen kuwo dambaska ka dhiga cunsur kasta oo shirka ka
hor timaadda. Taasina waa midda xudunta u ahayd inuu shirku wejigii 1’aad iyo
kii 2’aadba guulo waaweyn oo wax ku ool ah ku naaloodo.
Haddaba, isagoo shirku isku duubnida iyo
awoodda gudiga farsamada ku badhaadhay ayuu saddexdii dawladood ee shirka
daadihinayey khilaaf soo kala dhex galay kaddib markii fadhi ay saddexdooduba
xaadir ku yihiin axdiga ku meel gaadhka ah 15kii Sept, 2003 lagu ansixiyey.
Dawladda jabuuti waxay isla ayaamahaas ku dhawaaqday inay shirka ka baxday.
Ugu dambayna waxay arrintu fadhiisatay inuu shirku yuurursado oo dhanna u
dhaqaaqqi waayo, gudiga farsamada IGAD markaas ka dib waxay kala qaateen laba
fikradood oo aad u kala fog. Kuwo waxay ku doodeen in halka uu shirku marayo
iyo ansixinta axdiga dib looga noqdo oo raggii maqnaa la doono, lana gar-garaaco
irido badan oo awel dirqi lagaga soo gudbey. Qaarna waxay soo jeediyeen inaan
raad arooryo dib loo raacin oo shirka oo halkiisa maraya ciddii wax tabanaysa
lala hadlo oo cabashadooda wax laga qabto. Jabuuti iyo Kenya oo talada hore
qabey waxay bilaabeen inay taladooda hir geliyaan. Itoobiya oo aragtida dambe
qabtayna markay aragtay in talo aysan ogolaan la hir gelinayo ayeey si lama
filaan ah shirka uga baxday, waxayna gebi ahaanba ka gaabsadeen hadal haynta
arrimaha shirka oo ay awel si weyn u daanayn jireen.
Aamusnaanta Itoobiya waxaa ka dhashay inay
Kenya iyo Jabuuti Kampala ka soo ansixiyaan in magaca gudiga farsamada lagu
bedelo gudiga fududaaynta IGAD oo hawlihiisa lagu soo koobay inay u
fududeeyaan wixii ay Soomaalidu uga baahato, iyo inay dhamaan wadamada ku jira
ururka IGAD, gudiga fududaynta xubno ka wada noqdaan, go’aan qaadashada
lahaansha shirkana ay Soomaalidu yeelato. Abuuritaanka gudiga fududaynta IGAD
waxaa ka dhashay laba dhibaato, waa mide ma dhicin shir keliya oo ay
xubnihiisu ka soo wada qayb galeen, taas oo ku timid wadamada IGAD oo aysan
qaarkood arrimaha Soomaaliya si muuqata u danayn, sida Suudaan, Uganda iyo
Ereteriya . Waa tan labaade waxaa meesha ka baxay awooddii ay IGAD shirka ku
lahayd maadaama go’aan qaadashada iyo wada xaajoodyada arrin kasta oo taagan
ay sharci ahaan tahay inay Soomaalidu xal u hesho, isla markaana aan amar iyo
go’aan kor lagaga keeni karin.
Dhinaca kale, ka maqnaanshaha afar waddan oo
aan marnaba madasha shirka cag soo dhigin wuxuu gudiga fududaynta ka dhigayaa
wax ay Kenya iyo Jabuuti oo keliyihi maagcooda si maqaar saar ah ugu
shaqaynayaan, arrimahaasina waa cunsuro ka mid ah waxyaabaha caqabadaha hadda
taagan sii xoogaynaya. Waxaa kaloo caqabadaha shirka qabiray ee IGAD ka mid
ah: Kenya iyo Jabuuti oo aan u shaqaynayn sidii fududeeyayaal, marka aad eegto
sida ay wax u maamulayaana waxaadba moodda inay ka awood badan yihiin gudigii
farsamada ee loo bedeley si awoodda shirka ee IGAD loo dhimo. Taasina waa
midda keentay in shirkii wada tashiga laga waayo Soomaali fool ka fool isu soo
hor fadhiisata oo arrimahooda ka wada hadasha, ilaa iyo haddana ma jiraan
fududeeyayaal dhiifoon oo isku ujeeddo beegsanaya iyo talo Soomaaliyaysan oo
wax lagu dabakhayo. Waana midda ay ka shaqayn la’dahay taladii ay Jabuuti iyo
Kenya soo hindiseen ee ahayd in lahaanshaha shirka Soomaalida faraha looga
qaado, iyadoo in badan lagu waayo-arkay inaysan madaxda Soomaalidu xitaa shir
guddoon ku heshiin karin.
Mararka qaarkood habka ay dawladaha IGAD
shirka ka joogaa u shaqaynayaan waxaa ka muuqda habacsanaan iyo khaladaad
waaweyn oo shirka lugooyo iyo wareer cusub u keenaya, waxaa wax lala yaabo
noqday liis ay dhowaan soo saareen oo ka hadlayey hogaamiyayaasha dhaqanka ee
wejiga 3aad ka qayb qaadanaya, waxay ragga liiskaas ku jira ku magacaabeen
hogaamiyaasha dhaqanka ee dhabta ah, Waxaan liiska ku jirin Isimo dhab ah oo
ay horay u casuumeen oo ay arrintani gef iyo gardarro ku tahay, iyadoo aysan
talada magacowgaas Soomaalidu wax lug ah ku lahayn. Waxaa kaloo wax lagu qoslo
ah inay liiska ku jiraan isimo beri hore geeriyoodey. In kastoo ay hadda
shaaciyeen inay arrintaas saxayaan haddana, dad badan oo ficilada cusub ee
gudiga fududaynta u fiirsada ayaa talaabooyinkan is burinaya u arka waxyaabo
ka gun gaadhidda shirka lid ku ah oo ku imanaya maamul xumada IGAD had iyo
goor lagu dhaleeceeyo.
Isku soo wada duuboo, talaabooyinkaas is daba
jooga ah ee ay IGAD qaadday laakiin aysan waxba ka suura gelini waa kuwo ka
mid ah cunsuraha shirka sii calwinaya ee ay Soomaaliduna ku sii kala
fogaanayso. Haddii ay sidaas ku sii socdaana shaki kuma jiro inay natiijada
shirka ka soo baxdaa ka liidan doonto middii Carta ee uu madaxweynaha Jabuuti
ka midha dhalinteeda geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay ee ay Soomaalida iyo
Jabuuti’ba ku khasaareen. Waxyaabahaas aynu soo dul maray oo ka shidaal
qaadanaya khilaafka waddamada safka hore u dhexeeya ayaa ka mid noqon kara
doorka ay IGAD ku leedahay caqabadaha hadda shirka curyaaminaya ee in wax laga
qabto mudan.
Maxaa xal nooqon kara?
Is-bahaysiyada siyaasadeed ee shirka Nairobi
ka qayb qaadanayaa waxay ku kala xidhan yihiin oo ay kala raacsan yihiin
dawladaha arrimaha murugsan ee Soomaaliya ku lugta leh, gaar ahaan wadamada
xadka la leh Soomaaliya. Koox kastaana dalka ay taageerada siyaasadeed ka
hesho waxay u ilaalisaa hadafkiisa siyaaso iyo danaha uu Soomaaliya ka
leeyahay, taasina waa mid khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan ka
dhigaysa mid aysan Soomaalida keligeed maarayn karin oo loo baahan yahay in la
helo heshiis ay ddhinacyada Soomaaliya isku haya oo Soomaali iyo shisheeyaba
lihi ka wada shaqeeyaan, kana wada midha dhaliyaan. Si kastaba ha ahaatee,
wakhtigan xaadirka ah ma muuqato hawl ay si wada jir ah dhinacyadaas oo dhami
uga wada shaqaynayaan, waxaana cad in waddamada arrimaha Soomaaliya sida la
taaban karo faraha ugula jira uu mugdi iyo dareen hogaaminta shirka ku
saabsani soo kala dhex galay.
Xitaa, mabda’ ahaan inuu shirkii wada tashigu
dhaco wadamada IGAD iskuma raacsanayn, qaarkoodna kama soo qayb gelin, ilaa
iyo haddana waxaa madasha shirka ka jooga Kenya iyo Jabuuti oo ay dadka qaar
ku xantaan inay bara bixinta kooxaha qaar isu gaashaan buuraysteen, sidaa
darteed urur goboleedka IGAD oo ay laba dawladood shirka ka joogaan waa mid
muujinaysa inaysan wadamada IGAD shirka raali ka wada ahayn. Taasina waa mid
khatar weyn shirka u keeni karta, waayo marka dawlad kuwa safka hore ka mid
ahi shirka ka baxdaba waxaa shirka ka tegaya dhinacyo Soomaali ah oo ay
siyaabo kala duwan isu kaashadaan.
Haddaba, si aan loogu fashilmin dadaalkii
18ka bilood la soo wadey ee maaliyadda, wakhtiga iyo maskaxda badan la geliyey,
waxaa lagama maarmaan isu muujinaysa in loo baahan yahay inay wadamada IGAD,
gaar ahaan kuwa safka hore, ugu horayn xurgufaha iyo khilaafka u dhexeeya ee
shirka hor taagan iska arkaan, iskuna dayaan sidii ay aragti mid ah ugu wajihi
lahaayeen mashaakilka cuusub ee rejadii Soomaalida tabaalaysan u soo muuqatey
ragaadiyey. Weliba haddii ay is af garan waayaan ceeb maaha inay cid kale oo
dhex-dhhexaadiisa u qoor dhiibtaan. Barta ugu habboon ee caqabadaha shirka
haysta laga abaari karo ayaa noqon kara inay hor iyo horraan waddamada IGAD
iyo deeq biixiyayaashu wada jir isula meel dhigaan tirada hogaamiyaasha shirka
laga aqoonsanayo oo sida runtu tahay ah caqabadda ugu culus ee shirka hor
taagan. Tiro hogaamiyayaal cayiman oo ay dawladaha IGAD isla ogolaadaan, waxay
fududayn kartaa gaadhista jid, is-mari waaga taagan lagaga gudbo.
Haddiise, sidii hore loo eeday wax lagu wado oo arrin mugdi ku jiro la isku
dayo in la meel mariyo, waxaa laga yaabaa inaysan waxba socon oo uu dhaawacmo
dadaalka lagu higsanayo yoolka uu shirku beegsanayo. Talaabooyinka qaarkoodna
waxaa ka abuurmi kara kala fogaansho iyo is nacayb ay Soomaalidu ku sii kala
irdhoowdo oo natiijadii soo dhowaatey samada ku sii laala.
Si kastaba caqabadahan cusub ha looga
takhalusee, khilaaf la’aanta tirada hogaamiyaashu waxay ahayd taamarta ugu
weyn ee dhaq-dhaqaaqa shirka lagu fuliyo, waxay kaloo ahayd udub dhexaadka
jiritaanka shirka isu haya, sidaa darteed fara gelinta arrintan oo xasaasi
ahayd lagu sameeyey xal u helideedu waa mid u baahan feejignaan iyo ka baaraan-deg
cilmi ku dhisan si uusan nuurka nabadeed ee Soomaali u bidhaamayaa u suulin.
Qodobka 30’aad ee la isku hayaa waa mid si dadban u xambaarsan tirada
hogaamiyaasha, sidaa awgeed, Gunta iyo gob’da ay faalladani isugu biyo
shubanaysaa waa: “marka tirada hogaamiyaasha xal loo helo ayaa qodobka
30’aadna daawo loo heli karaa”.
W.Q. Ibrahim Mohameddeeq
Somali Talk, Mbagathi/Nairobi
E-mail:
imdeeq@hotmail.com
WARAYSIYAAL HORE EE UU QAADAY
IBRAAHIM:
..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ
... ELDORET:
Taxanahii Wararka c