Wq. Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk Nairobi
June 30, 2003
Goobta uu shirka dib u heshiisiinta
Soomaalidu ka socdo ee Magathi oo ku taalla duleedka magaalada Nairobi waxaan
waraysi kula yeelanay Eng. Xuseen Maxamed Caydiid oo ah gudoomiyaha SRRC.
Su’aashii ugu horaysey ee aannu Xuseen Caydiid weeydiiney oo ahayd bal inuu
marxaladda shirku marayo ka warramo, wuxu uga jawaabey sidan:
Xusseen Caydiid & Shaati Guduud
|
“Anigoo ku hadlaya magaca golaha SRRC, waxaan
salaam u soo jeedinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Shirku wuxuu marayaa
qaybtii ugu dambaysey oo xasaasiga ah, muddo 8 bilood ahna qaybtii 1aad iyo
qaybtii 2aad waan ku guulaysanay, waxaanuna rajaynayaa meelaha ka hadhay
qaybta 2aad ee la isku haystana in dhowaan si deg deg ah u dhamayno, waana wax
aan sidaas u sii cuslayn oo ay Soomaalidu isaga dhowdahay, marka ay noqoto
mabaadii’da dastuurka ku meel gaadhka ah ayaan hadda u fadhinaa sidii la isugu
raaci lahaa oo uu shirweynaha uga gudbi lahaa.. mabaadii’ loo wada dhan
yahayna oo uu noqdo mid ay Soomaalidu ku meel mari karto gudo iyo dibedba
mudada ku meel gaadhka ah”.
SomaliTalk:
Mudane waxaad sharaxaad naga siisaa qodobada
hadda xasaasiga ah ee inuu shirku cakirmo keentay.
Xuseen Caydiid:
Qodobada xasaasiga ah waxaa ka mid ah: Tirada
baarlamaanka, yaa xulaya baarlamaanka, cidda lagu salaynayo sida ergada 361ka
ah, mise baarlamaan cusub ayaa la soo xulayaa, iyadoo siyaasiyiintii iyo
hogaamiyayaalka dhaqanka lala tashanayo. Intaas ayeey ku wareegsan tahay
waxyaabaha u baahan in maalmaha soo socdo laga gudbo. Haweenka imisa ayaa
baarlamaanka la siin karaa, 25%, 12%, 15%, iwm, waa 3da lambar ee meelahan
yaalla. Waxaa kaloo muhiim ah federaalka ma waxaa la aqoonsanayaa gobolada
hadda jiro, mise fedreraalka gudiyo ayaa loo xil saarayaa oo dawlad dhexe ayaa
la dhisayaa oo gobolada hadda jira waa loo kaadinayaa, iyadoo la tixgelinayo
maamul hoosaadka ay dhisteen. Waxaa laga sugayaa daraasadda ay soo suubiyaan
90 maalmood gudahooda, marka la magacaabo gudiga aqoonyahanada ee uu dastuurka
ku meel gaadhku qori doono.
SomaliTalk:
Marka SRRC halkee bay ka taagan tahay qodobadaas
aad sheegtay in laysku mari la’a yahay?.
Xuseen Caydiid:
SRRC si guud ayeey qodobadaas meel u saartay,
waxay qortay qoraal, iyadoo tix gelinaysa, rabitaanka TNG’da, rabitaanka G8,
rabitaanka bulshada rayidka ah, waxaan isku daynay wixii mar walba dan u ah
dadka, dalka iyo diintaba in aan qabano. Waxaan isku daynay balaarinta
baarlamaanka 450ka oo ay TNG iyo G8 bishii December 2002 soo bandhigeen inaan
uga tanaasulo oo aan ogolaanay. Waxaana ugu dambeeyey aniga iyo Muuse Suudi,
waana saxiixday 450kii. Wixii aan saxiixnayna inaan ogolaano waaye, sidaas
ayeeyna SRRC ku shaqaysay, laftigiisuna waa soo jeedin oo dhinacaygu aad uguma
dhegana, isaga waan ogolahay, haddii uu adduun weynu diidaan oo markaa
Soomaalida lagu soo celiyo waxaan diyaar u nahay lambarkii kale ee ay Soomaali ku heshiin karto. Marnaba anagu lambar kuma dhegenin, hase yeeshee hadda
waxaan ugu dheganahay oo keliya raggii aad shalay isla ogolaateen yeey ka
bixin iyadoo wakhtigan la joogo oo yaan dood kale dib loogu noqon. Waxaan ka
baqaynaa in haddii aan lambarkaa ka tango ay ragii G8 iyo TNG ay yidhaahdaan
balantii waad nooga baxdeen oo ay carqalad kale oo bilo qaadataa timaaddo.
Taas macneheedu maaha SRRC 450 bay ku dhegan tahay, waxaan diiddanahay lamabar
ay shalay TNG iyo G8 naga codsadeen markii aan ogolaanay inay haddana nooga
baxaan, oo 250 hadda qaarkood baa raba, haddaan 250 ogolaanana waxay dhihi
doonaan balantii 450ka ayaad nooga baxdeen oo aad saxiixdeen, marka murankaas
wareegga ah ayaan diiddan nahay inuusan dhicin.
SomaliTalk:
Ujeeddada murankan wareegaysanaya maxaad ku
qiyaasi kartaa?.
"...ragga qaar ka mid ahi
inay rabaan oo doonayaan inay wakhtiga lumiyaan".... "waxaana cad inay ragaaasi diiddan yihiin inay dawlad Soomaaliyeed dhalato.
"
Xuseen Caydiid |
Xuseen Caydiid:
Waxaan ku qiyaasi karaa ragga qaar ka mid ahi
inay rabaan oo doonayaan inay wakhtiga lumiyaan. Soomaaliyana sidaad u ogsoon
tihiin maraykanka, Raashka, Shiinaha, gudiga 9ka ah, gabadha Fartuun oo
dawladdii hore masuulka uga ahayd UN’ka, waxay qortay qoraal shirkii Djibuti,
qoraalkaas qof ka hor yimid ma jirin sidaas ayuu aqoonsigii UN’ku ku yimid,
aqoonsigaas oo UN’ka yaal maanta Soomaaliya wanaag buu u yahay waana wax ka mid
ah waxyaabihii Carta ka soo baxay, wuxuu dhacayaa 27da bisha Ogost, hadduu
dhaco waxaan u gudbaynaa wixii aan ahayn markii TNG’da la suubiyey. Taasi
waxay fududaynaysaa inaan iyada lagu mashquulin intii wax kale la qaban lahaa,
oo aqoonsi waan haysanaa haddii aan 27da ka hor ku guulaysano najaxaadda shirka.
Rag baa diiddan marka oo mar kasta carqalad la imanaya, waxaana cad inay ragaaasi diiddan yihiin inay dawlad Soomaaliyeed dhalato.
SomaliTalk:
Waa caadada siyaasiyiinta Soomaalida inay
kooxiba koox kale ku eedayso inay diidan tahay dawlad Soomaaliya ka dhalata,
marka aragtidaadan kooxaha qaar ku eedaynaysa inay dawladnimada diidan tahay
soow sidaas oo kale maaha?.
Xuseen Caydiid:
Maya, haddeer waxaan ka imid baarlamaanka
Talyaaniga, wasiirka arimaha dibedda iyo bulshada caalamka si gooniya ayeey
noogu aqoonsatay markii la isku deyey in shir kale oo dhan ka ah shirka
Mbgathi laga garab furo, aad ayaa naloogu hambalyeey 8dii bilood ee aan
shirkan fadhinay ururka SNA/SRRC oo aan marna ka tegin, marna xabad joojintii
la isla gaadhay jebin. Mar kasta waan ka hor imanayney qolo kasta oo isku
dayday inay shirka bur-buriso. Xitaa G8 isku xidhkooda bud-dhig inaanu u ahayn
ayuu adduun weynuhu noo aqoonsaday, gaar ahaana waa naloogu mahad celiyey,
wasiirka arimaha talyaniga, golaha baarlamaanku way noogu mahadnaqeen,
qoraalkeediina way na soo siiyeen. Mar walba waxaan ku dadaalaynaa inay
Soomaaliya nabad iyo dawladnimo hesho, taasna wax kastaan u maraynaa,
tanaasul kastaan u samaynaynaa. Xitaa waxaan diyaar u nahay inaan talaabo
gadaal u qaadno si ay Soomaaliya dawladi ugu dhalato.
SomaliTalk:
Talyaaniga oo ka mid ah dawladaha siyaasadda
Soomaaliya lugta ku leh ayaad dhowaan safar ku tagatay, sidee buu yahay
mawqifkooda Soomaaliya ku aaddan?.
Xuseen Caydiid:
Talyaaniga intaan ogahay, wixii ka dambeeyey
shirkii IGAD waxay aad siyaasaddooda isu bedeshey markii uu xisbiga cusubi
dawladdda qabsaday, sidaad la socoto 13 sano ee aan dagaalka sokeeye ku jirey
Talyaniguna wuxuu ku jirey dagaal gudaha ah, mana u suurta gelin inay
siyaadiisu degto. Markii ugu horeysey oo dawlad Talyaani ah 5 sano la doorto
haddana xisbi Soomaaliya yaqaanna oo xisbigii Soomaliya soo guumaystey ay
aqlabiyadda ku guulaystaan weeye. Taasi waxay keentay marka in siyaasad cusub
oo Talyaani ahi ay dhalato, waxaana ka sii dhalatay in markii ugu horeysey
nalagu marti qaado aniga iyo Alle ha u naxariistee Gen. Gabyow inaan tango,
inaan kala hadalo wixii 13ka sano dhacay, SRRC inay ka qayb qaadanayso nabadda,
kana shaqaynayo isu soo dhowaanshaha TNG, bulshada rayidka ah iyo ururada
kaleba. Arintaasna inuu Talyaanigu tixgeliyo haddii ay Soomaali heshiiso oo
uu qorsho siyaasadeed iyo qorshodhaqaale iyo qorsho nabadgelyaba ay
horumariyaan oo haddii taas la helo uu Talyaanigu ka baxayo cabashadii aan
13ka sano ka cabanayney inuu qayb ka ahaa dhibaatada ama uusan nabadda
soomaaliya waxba uga qaban sida ay dawladaha Ingiriiska iyo Faransiisku ugu
gurmadeen wadamadii ay guumaysan jireen. Marka Talyaanigu hadda diyaar ayaan u
ahay buu yidhi, baarlamaakuna bidix iyo midigba inay istaageen bay nagu
yidhahdeen waxaan idiinku hambalyaynaynaa nabadda aad ka shaqaynaysaan haddaad
tihiin hogaamiyayaasha SRRC iyo weftigaad wadidba. Waxaa kaloo ila socday
wefti TNG oo uu hogaaminayey Cali Axmed Caraale, sidoo kale Puntland waxaa ka
socday Seef oo ah nin aqoonyahan oo dhalinyaro ah, arrimaha dibeddana Puntland
u xilsaaran. Waxaa kaloo ila socday wefti RRA’da ka socda oo Bay iyo Bakool ka
yimid. Sidoo kale waxaa weftiga ka mid ah wafuud Kismaanyo ka socota.
Intayadaas oo wakiil waxaan u sheegnay inaan ku soo wada heshiinay Mbagathi ,
waxaanuna u sheegnay Talyaanigu marka dawlada Soomaaliyeed aan dhisano inay u
soo gurmadaan.
SomaliTalk:
Waxaad ka tirsan tahay ragga isu taagay tartanka
jagada madaxweynanimada Soomaaliya, marka maxaad is leedahay waad kaga duwan
tahay musharixiinta kale?.
Xuseen Caydiid:
Musharixiinta kale ee Soomaliyeed waxaan kaga
duwanahay anigoo kuwooda ugu da’ada yar ka mid ah, 41 sano ayaan jiraan, waxaan
kaloo kaga duwanahay waxaan dhashay wakhti ay Soomaaliya xor ahayd 1962dii,
waxaan kaloo kaga duwanahay waxaan ahay nin dibedda wax ku soo bartay oo la
soo shaqeeyey wadamada "supper powerka" sida Maraykanka, California oo awood u
yeeshay inaan 17sano wax ku soo barto, maamulkoodana ilaa 10 sano ka soo
shaqeeyey, kan ciidamada iyo kan injineerinkaba. Waxaan kaloo kaga
duwanahay 7 sano waxaan ka soo shaqeeyey maamulkii Sal-ballaar iyo nabaddii
kala duwanayd ee gobolada Koonfureed, khadka cagaaran ragii nabadiisa ka soo
shaqeeyey ayaan ka mid ahaa.
Ninkii ugu horeeyey ee tanaasulo isagoo ay 3
sano u harsan tahay ayaan ahay, kana tanaasulay madaxweynanimo ayaan ahaa,
anigoo u danaynayey soomaali nabadeeda. Waxa kale ee aan kaga duwanahay waxa
weeye anigu waxa aan ahay nin mar walba danaynaya awooda dadweynaha
dimuqraadiyadda, muhiimadda ay leedahay nin ku soo koray ayaan ahay. Waxaan
ahayn nin danaynaya inay soomaaliya ka baxdo xiligii 40ka sano oo ama ciidan
maamulayey ama ay aad u liidatay, in la helo dhaqaalaha xorta ah oo aysan
Soomaaliya weligeed yeellan. Waxaan kaga duwanahay nin rumaysan baan ahay
inaan nahay dad afrikaan ah oo
taariikh leh, oo 2000 oo sano ka hor Giriigga la shaqaysan jirey inaan nahay
oo dhaqan leh, oo haddana aaminsan inay Soomaalidu tahay dad magac dheer leh.
Waxaan kaloo aaminsanahay inay Soomaalidu tahay dad horumar samayn kara, dad
wax qabsan kara. Dagaalkan sokeeye ee ina haystaa kama duwana kii Yurub iyo
Amerika ka dhacay. Keenu waaba 13 sano oo aad buu u yar yahay, Illaahay ha
inaga saaro si aynu ugu gudubno wakhti horumar leh.
SomaliTalk:
Waxaa la is weeydiinayaa haddii uu Xuseen
hankiisa ku guulaysto, xagee buu wax-qabadkiisa u badin doonaa.
Xuseen Caydiid:
Meelaha ugu muhiimsan oo aan is leeyahay wax
baad ka qaban doontaa waa horumarinta dhaqaalaha, horumarinta nabadda marka ay
noqoto in la gaadhsiiyo gobolada iyo degmooyinka, qaybta kaloo aad iila
muhiimsan oo aan jeclahay inaan adduun weynaha ka dhaadhiciyo waa hub ka
dhigista maleeshiyooyinka hubaysan iyo habaynta iyo dhisidda ciidamada
booliska iyo ciidamada xoogga dalka, horumarinta aqoonsiga adduun weynaha,
xiriirka siyaasadda cusub ee caalamka ka socota nin aad ula socda ayaan ahay
oo ku soo koray, kuna soo shaqeeyey, waxaas oo dhan wax badan baan ka qaban
karaa. Soomaalida dibedda ku noolna nin dhibka ay qabaan ka war qaba ahay, wax
badan ayaan isku xirka shacabka dibedda aaday iyo inay dhulkooda usoo laabtaan, marka aan hor fadhiisto caalamka nin gudbin kara waxa ay maanta Soomaaliyi ku sugan tahay ayaan ahay.
Waxaa waraysay Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com
WARARKII UGU DAMBEEYEY EE SHIRKA NAIROBI
Habsami u socodkii shirka dib u
heshiisiinta Soomaalida ayaa hakad galay kaddib markii ay hogaamiyaasha
soomaalida isku mari waayeen qodobo ka mid ah axdiga ku meel gaadhka.... akhri
warbixintii
Ibraahim.Maxameddeeq June 28
MILICSI
KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30
baal waxaa soo akhriyey Ibraahim
Maxameddeeq ... GUJI
..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ
... ELDORET:
Taxanahii Wararka com