SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
Maxaa ka dhalan kara shirka Nairobi?

imdeeq@hotmail.com


 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Nairobi

April 28, 2003 

Shirkii ay dawladaha ka tirsan urur goboleedka IGAD u qoondeeyeen inay ururada siyaasadda Soomaaliya ku dagaalsan ku heshiisiiyaan ee uu madaxweynihii hore ee Kenya, badhtamihii bishii Oktoobar ee sanadkii hore sida rasmiga ah magaalada Eldoret uga furay ayaa weli la is weydiinayaa halka uu ku dambayn doono. Waxayna Soomaalida kuwooda dhibka dalkooda ka oogan ka damqadaa is warsanayaan inuu 14kii shir ee horay loo qabtay natiijo dhaami karo iyo inuu sidii kuwaas guul darro iyo is mari waa gegi cidla ah la yuurursan doono. Waxay kaloo maankooda ku soo noq noqonaysa haddiiba ay wax ka soo baxaan waxaasi ma noqon doonaan wax gudaha Soomaaliya ka socda mise sidii natiijadii Carta ayeey fadhiid aan biidna tarin noqon doontaa. Dadyoow kale oo ka tirsan maskax maalada arrimaha Soomaalida indhaha ku goda ayaa iyana is toyanaya kaalinta ay bulshada caalamku ku yeelan doonto natiijo shirka Nairobi ka soo if baxda.

Haddaba marka arrimahaas ad-adag ka gun gaadhidooda aynu si gun dheer u jeedaalino waxaa inaga hor imanaysa astaan xambaarsan murugsanaanta siyaasadda is bed-bedelka badan ee ay ku dhaqmaan siyaasiyiinta ay daacaddu ku yar tahay asii shisheeyaha ka cabsan og ee uu wada-hadalku halkan uga socdo. Taasina waxay inoo sii bidhaaminaysaa inay jawaab celinteenu ku soo ururto mututuul iyo mala awaal aan saadaalintooda hubanti dhab ah loo hayn. "Dig-dig iyo mutuhis iyo dul ka xaadis mooyee, bal si daawo loo helo, dersa eelka lama odhan." (Abwaan Gaarriye).

KAAH
Walow ay markii hore cabsi badan qabeen hadana ilaa Eldoret madasha shirku waxay ahayd garoon ay laacibiinta siyaasadda Soomaaliya ku shaqaystaa laba kooxood oo waaweyn u qaybsabeen, kuwaas oo ku kala tiirsanaa labada dawladood ee qudhoodu siyaasadda Soomaaliya haba is dhaameene had iyo goor ku bardoodama.SRRC & PUNTLAND oo dhinac ah iyo G8 & TNG oo gees ah oo boqnaha isku jaraya afkaar ay shishgeeye u soo xambaariyeen ayaa hadh iyo habaynba laf dhuun gashay habsami u socodka shirka ku ahaa. " Dab baan huri is leeyahay, daadna waan ku furayaa, markaan dami idhaahdana, gaas baan ku darayaa".(Gaarriye). Labadan kooxood ee uu xadhig jiidadka dabada dheeraaday ka dhexeeyo ee shisheeyaha is haya ku kala lamaani ma aha kuwo isu naxa, waxaana hogaanka u haya qab qablayaal magac iyo manfacba siyaalo kala gedisan Soomaaliya ugu haysta. Waan-waan kasta iyo isku day kasta oo Soomaaliyada tabaalaysan xal loogu raadinayana haddii aysan danohooda gaar ahaaneed ka dhex arkin xididada u siiba."Shalay daalinkaan ridey, dal baabuu xukumayee, kuwo daaqi xoolaha, dekediyo madaarkii, iyo dawladnimadii, sariftaa ka daba yimid".(Gaarriye)

In kastoo ay is yare dhaamaan, waxay badiba haystaan hanti qaran iyo mansabyo aysan sii haysan karin haddii wadanka nidaam dawliya lagu soo dabaalo. Waxay ku naaloodaan oo awooddooda kobciya bulshada caalamka oo ku soo dhoweysa hab maamuus uu masuul wadan xor ah metelaa yeelan karo. Kuma fekeraan wax dan guud ah shirkana arrimo iyaga u kala gaar ah oo ay isku haystaan ayeey ku dhex falkiyaan. Xarunta shirka had jeer waxaa ka soo baxa qoraalo sheegaya inay reer hebel shirka ka baxayaan haddii aan sida ay doonayaan la yeelin oo la macno ah waxa uu qab-qablahayagu doonayo ayaan rabnaa. "Deegaanba awr baa ku kor doobinaayoo, waxay daawadaan hebel, lagu yidhi dantiin baa, duubka loogu xidhayoo, la yidhaahdo kama dege, hadday cidi danqaabtana, dirir bay ka xigayaan, marka uu daryaamaa, laga daba qufacayaa." (Gaarriye)

SRRC & Puntland wakiiladooda shirku intii uu shirku socdey waxay ku taagnaayeen hal waddo oo inuusan shirku fashilmin ku qotontey. Mar kasta oo shirka laga xog waraystana marnaba kama daalaan inay rejo wanaagsan shirka ka muujiyaan. dad badan oo arrimaha Soomaalida u kuur gala ayaa is weeydiinaya wanaaga SRRC & Puntland shirka uga hilaacay ee aan dadka kale u muuqan. Qamaamuur kale oo si fog arrimahan oo kale u gorfeeya ayaa rejada wanaagsan ee ay SRRC & Puntland shirka ka muujiyaan ku fasira inuu isbahaysigaasi xog waafiya ka hayo halka uu shirku ku dambayn doono, welibana ay natiijada ka soo baxda iyagu hormuud u noqon doonaan. "Degta qaran badh lagu sido, badhna reerka soo degey, yahay reerka daba yaal, hadduu kaaga jiro damac, mid horaa ku dumey shalay."

Siyaasadda xasarada iyo is xambaaraynta ku iba beesha ee muddada 6da bilood iyo badhka ah xalinteeda dalka Kenya loo rundudey qolada kale ee qaybta libaax ka ciyaartaa waa G8 & TNG, kuwani talaabo kasta oo uu shirku horay u qaaday ugu yaraan way saluugeen haddii aysanba si cad uga hor imaan. Waxaana had iyo goor tiraabta doodahooda udub dhexaad u ah inay Itoobiya shirka hogaanka u hayso oo ay ururada la jaalka ah u xagliso. Intii hore marnaba kama faaruqi jirin dhaliisha shirka oo ay ku cilleeyaan mid ay Itoobiya awood talo oo dheeraad ah ku leedahay, badnaydee inta goor ee ay soo jeedinta gudiga farsamada IGAD ganafka ku dhufteen. Haddase way kale jabeen oo TNG shirka ayeey ka qayb qaadanaysaa halka ay G 8 shirkaba iskaga baxday. Waxaase jirta inay ayaamahan dadku isla dhex marayaan inay dib ugu soo noqonayaan madasha shirka kaddib markuu culays caalami ahi dibedda kaga yimid. "Belo daaman qabasho leh, daba qabo nin yidhi baa, dadna ugu aqoon daran". (Gaarriye).

Dadka dhaliilaha G 8 til-tilmaama ayaa ku eedeeya inay ka kooban yihiin qab qablayaal aan in la Khasbo mooyee diyaar u ahayn nidaam iyo kala dambayn qaranimo oo geyiga soomaaliyeed ka hirgasha. Waxaa kaloo jira aragtiyo kale oo tibaaxaya inay nimanku shirka ka dhex arkeen qab-qable dhigooda ah oo darkii loo wada hamuun qabey loo qoondeeyey inuu keligii guyaasha soo socda ku dhebi listo. " Rati geel ku qooqanina wuu rababa’ leeyaaye, ruga dhugadka goortuu mid kale reedda uga jeedo, rigtan iyo dagaal wuu dhacaa la isku riiqmaaye, waana labada kii raaya uun reerka haw hadha’e, waxse raadki ba’ay geeli ay roorsadaan boqol." (Abwaan Xirsi-Duux M. Weheliye).

SUNTA KU AASAN SOOMAALIYA
GOOBAHA LOO MALAYNAYO IN SUNTU AY KAGA DUUGANTAHAY SOOMAALIYA, HALISTA SUNTAASI U LEEDAHAY JIILASHA HADDA IYO KUWA DAMBE, IYO BAAXADDA SUNTAAS KA  AKHRI QORAALKII Shakiib

Nimankan siyaasadda isku haya ee Nairobi ku shirsan gari ma gasho, kamana baxdo, waxay leeyihiin dabeecado is tixgelin iyo isu tanaasul aan lagu ogayn oo nacayb iyo is xasad ay xaga hore iyo hareerahaba kaga gaadhan tahay. Wixii ay caawa ku heshiiyaan berri waxaba kama fulaan. Waa niman inay heshiis saxiixaan ay u fududahay laakiin markiiba is rogi og oo ay had iyo jeer fulinta wixii ay saxiixeen ku adkaato. "Dhego ma leh wax kama dego, indho ma leh wax lagu dayo, nabadana dan kama laha". (Gaarriye).

Danjire Kipligat oo ah ninka Soomaalida halkan ku dhex dhexaadinaya ayaa isagoo bishii Maarso madaxda Soomaalida la hadlaya yidhi: "baaqii xabad joojinta ee 27 Oktoobar aad idinkoo u dhan saxiixdeen oo ay madaxweyne Moi iyo bulshada caalamku sida weyn ugu farxeen, maxaad ka fuliseen?, iima furna wax aan ka ahayn inaan dukumentigaas jeex-jeexo oo aan mar kale isugu kiin yeedho oo idinku idhaahdo ma wada hadli karaa?". Isla ayaamihii baaqaas qalinka lagu duugey waxay dagaalo ka dheceen meelaha ay ka mid yihiin Luuq, Dhuudo, Baydhaba, iyo Muqdisho. "Nin boqrani wixii bi’inayuu bayr ka leeyahaye, hadduu hadalka buurane ka dhaca baajo ama dhaafo, isagoo bidhaan cola arkaan beeshu aaminin". (Cali-Dhuux Aadan).

Midba midka kale ayuu jalaafayn iyo khiyamo digo hoostu nooshahay korkana degel la moodo u dalaalimaynayaa, dulmi iyo gar darro aan waxba la isu qirayn oo is-jikaar iyo is-xaqirid la isku hujuumayo ayeey ragga maanta Soomaali Nairobi ugu maqani ku wada xaajoonayaan. "hadday dunida ceeb tahay, Dus-duskiyo khiyaamadu, noo dabeecad weeyaan, hadday dunida ceeb tahay, dulmi loo badheedhaa, dadkayagu ma libiqsado." (Gaarriye).

Sidaas oo ay yihiin haddana waa niman caddaadis bulshada caalamka kaga yimaadda u jilicsan, shirkanina kuwii hore wuu ka duwan yahay waayo waxaad arkaysaa wadamadii siyaasiyiinta Soomaalida isku soofayn jirey oo hadda si siman shirka ugu shaqaynaya. Bulshada caalamkuna dhawr goor oo ay ergo ka timid xarunta shirka ka hadleen waxay carrabaabeen inay shirka si weyn u taageersan yihiin oo wixii ka soo baxana ay garab is taagi doonaan, gaar ahaan waxay shaaca ka qaadeen inay qarash badan ku bixin doonaan sidii kuwa hubaysan hubka looga dhigi lahaa. Waxaa kaloo cid kasta u muuqata baahida ay dad weynaha Soomaaliyeed maanta xal nabadeed iyo dawladnimo u qabaan iyo weliba awood darrada xiliyadan dambe qab qablayaasha dagaalka ku habsatay kaddib markay dad badani ka gaabsadeen inay dhiigooda dan qab-qable ku difaacaan. "Waxaa maanta ii daran, horta nabaddi doocaan, nabad loo diyaar yahay, nabad dira diraaliyo, nin dan lihi ku quustaa." (Gaarriye).

axdi
MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH

Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq

Gudoomiyaha gudiga farsamada IGAD, Mudane Kipligat wuxuu dhawr goor carrabka ku dhuftay inaysan marnaba dadaalkooda hagran doonin oo ay ka go’an tahay inay Nairobi dawlad ay dhamaan dadka Soomaaliyeed ogol yihiin u dhisayaan xitaa haddii ay laba ergey xarunta shirka ku soo hadho. Wuxuu kaloo ku cel-celiyey inay si weyn uga fiirsanayaan asbaabihii shirarkii hore fashilin jirey. Ereyada ruug caddaaga Kiplagat waxay ina tusayaan sida uu daacad uga yahay nabad Soomaaliya ka islaaxda iyo hamiga ku jira ee ah inuu shirku guul ku dhamaan doono. "Diiri waa matoorkii, dabka laga filaayee, doorkan waxan hubsanayaa, inuu leeyey daynabo". (Gaarriye).

Wejigii 2aad ee shirku waa gebo gebo, dhowaanna wejigii 3aad oo ah kan ugu muhiimsan, ugu khatarsan, uguna dhibka badan ayaa la guda gelayaa isla markaana nimanka uu xukunku madax maray wixii ay isku haysteen oo ah sida loo kala helayo awoodda siyaasadda dalka ayuu wejiga 3aad oo ah kan shirku ku soo xidhmayo ku saabsan yahay. Kursigii kululaa ee loo wada jeel qabey ee ay daraadiis qaranimadii Soomaaliya afka ciidda u dartay ayuu rag isku arkayaa, is garbin xoog leh ayaa halkan laga filayaa, durba waxaa iyadoon la gaadhinba inay is sharxayaan oogta ka caddeeyey ragga kala ah: Col. C/Yuusuf, Faarax Sendiko, C/raxmaan J. Barre, Caddow, iyo kuwa kale oo aanan hadda maanka ku hayn, marka wejiga 3aad la gaadhana lama beensan karo haddii la maqlo ergooyinkii shirka badhkood ayaa jagada madaxweynanimada isu sharaxay."Dermo harag sagaara ah, isu deysta mooyee, is dul buuxsha laga wacan". (Gaarriye).

Dhinaca bulshada caalamka waxaad mooddaa inay ayaamahan dambe si ka xoog badan sidii hore shirka u danaynayaan, dhaqaale xoog lehna shirka way ku bixiyaan, wadanka Maraykanka iyo wadamo ka tirsan Yurub ayaa sheegay inay shirka Nairobi wakiilo gaar ah u soo dirsanayaan. Dhaqdhaqaaqan cusub ee bulshada caalamka ka imanyaa wuxuu qab qablayaasha shirka fashilintiisa u darban ku abuuray wel-wel iyo walaac ay baqdin lixaad lihi ku gadaafan tahay, waxaana iska soo daba dhacaysa in kuwa shirka diiddani meel kasta ha joogeene dhabaha soo hayaan. Tanina waa rejo inoo iftiiminaysa dariiq si waadix ah inoo geyn doona tabeelle si cad u qeexaya shirkii Nairobi oo guul ku dhamaaday.

Weli waxaa dihin haddii ay shirka wax ka soo baxaan waxaasi gudaha dalka ma ka hirgeli doonaan mise sidii natiijadii Carta ayeey cidla ciirsi la’ ku banjari doontaa?. Marka aynu siyaasiyiinta Soomaaliya damacooda iyo sida aysan waxba isugu quudhin dib u jaleecno way adag tahay in wax ay u dhan yihiin ay shirka ka soo baxdo. Sida loogu dhamaado ayeeyna ku xidhnaan kartaa sida ay Soomaaliya natiijada shirka Nairobi uga hir gasho. Laakiin marka la eego sida ay bulshada caalamku shirka u danaynayso iyo qarashka ku baxaya, shaki kuma jiro inay socodsiinta wixii soo baxana ay bulshada caalmaku ku lug yeelan doonto. Sida haddaba laga filayo haddii uu caalamku isu kaashado hir gelinta wixii soo baxa kuwa diiddani wax guula ma gaadhi doonaan; waxayna noqon doonaan wax nasakhma oo aan natiijada shirka waxba yeeli karin, deegaamada ay ka taliyaana natiijadu sidaasay ku gaadhaysaa. Waayo cadaadis caalamka ka yimaadda waa la hubaa inuu ka adag yahay qab-qablayaasha. "Dharaar baa iman doonta, engeg laysugu xiiroo, heeco diiddey ilmaa, khasab loo aqbalsiiyo". (Gaarriye).

Kuwa isku garbinaya helitaanka kursiga la wada jantay ee durba durbaanka u halganka kursiga dhiilaysan tumanaya iyo kuwa kale ee aan weli is shaacin waxaa laga dhex heli karaa kuwa hawsha loo igman doono ka bixi kara oo waxna ka garanaya una qalma iyo kuwo wax awoodooda wax qabad ka baxsan u hanqal taagaya, waxaa ka mid ah ama ka mid noqon doona kuwa daluuntii ay doonista kursigaasi qaranimadii Soomaaliya ka tuurtay haaddaan ka sii dheer haddii ay haleelaan ka sii ridi doona, waxaa ku jiri doona kuwo ay sanqadhu u baxday oo aan kursigan iyo waajibyada ka dambeeya iyo si loo damco midna cilmi buuran u lahayn. Nin waliba garaadkii, anse waxaan ku soo jaray, yaan Kadawe kula tegin iyo kii ka weeynaa, lagaa keeni maayee.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com

_______________________________
Murtida aan cuskaday waxaa hal abuuray abwaanada kala ah:
Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Cali-dhuux Aadan Gorayo
Xirsi-dhuux Maxamed Weheliye


 

I  I  D  H  E  H

WARARYSIYADII IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ Waraysiyadii fahad Yaasiis

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  c

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bjanaayo
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

xayaysiis



HTML CD