Somalitalk: Waxaa
jira hogaamiye kooxeedyo u badan dhinaca Xamar oo shirka ka baxay
kuwaasi haddaysan shirka ku soo noqon soow culayskooda ma laha?
Casharo: Waa
jiraan madax dib u noqotay laakiin mid waliba wakiil ayuu meesha kaga tegey,
ha kaga tageene wakiiladii waxay u kala qaybsameen kuwo shirka la socda iyo
qaar aan la socon. Hase ahaatee waxaan filaynaa inay qaarkood soo noqdaan
waayo C/qaasin Salaad Xasan oo TNG madax u ahi hadal uu dhowaan ku hadlay in
kastuu hadal siyaasiya ahaa haddana waxay muujinaysaa dadka meesha isugu tegay
inay doonayaan inay Banaadir nabdeeyaan, taasi way fiicnaan lahayd oo meesha
Soomaaliya ka socon weeydey maanta waa gobolka Banaadir inay nabad ka
dhaliyaana aad bay u wanaagsanaan lahayd. Waxaanuna aad ugu rejo weeynahay
inuu shirkani midha dhalay, Soomaalina taas maanta way u baahan tahay, dad
weeynuhuna nimanka siyaasiga ah oo doonaya inaan soomaaliya nabad laga gaadhin
oo ama Air port ku shaqaysta, ama lacag ay tujaar la qaybsadaan wax ka soo
gelaya dad aan cashuurta iin laga qaado, kuwaa dadweeynuhu khaati bay ka
joogaan waxayna rabaan nabad gelyo iyo inay dalkooda si wanaagsan ugu
noolaadaan. Sidaa darted waxaan ku rejo weynahay inay dad weeynaha
soomaaliyeed ee ay odayaashaasi ka socdaan ruuxadoodu inay cadaadin doonaan
inay shirka ku soo noqon doonaan.
Somalitalk: Haddii
aynu u baydhno dhina dagaaladii gobolka ka dhacay ee dadka reer Puntland u
dhexeeyey waan-waantii xagee ayeey maraysaa iminka?
Casharo: Puntland
aad ayaa loola dagaalamay, ama TNG baa gacan ka geeysatay, ama dawlado
ajanebi ha noqoto. Dad ehel ah oo qraabo ah oo is ah ayaa la soo buufiyey oo
la iska hor keenay. Haddase Alxamdu Lillaah waxay maraysaa in waan-waan la
wado, waan-waantiina hadda waxay maraysaa in shir la isugu yimaaddo, wixii
meesha yiilleyna laga heshiiyo, taasna annagu rejo weyn baan ka qabnaa inay
dhakhso u dhamaato. Qoladaas horoo dagaalka ku jirteyna qaar badan baa soo
noqday, maxaa jira ilaa markii ugu dambayusey ee Madaxweynuhu tegey waxaa
ballan lagu qaaday in nin kasta oo askari ahaa oo dawladda u shaqaynayey inuu
shaqadiisii ku soo noqdo, lacagtiisiina intii uu ka maqnaa la siinayo. In
kastoo ay jiraan dad sadex jeer dagaal soo galay oo saddexdiiba la qabtay lana
sii daayey, waxay muujinaysaa inay dadku dad isu baahan oo is ah inay yihiin,
nabadna la rabo. Marka Puntland hadda waxay ku jirtaa arin labaad bay rabtaa
inay hadda ku talaabsato, hadda waxay rabtaa inay dhisto dawladihii hoose,
sharcigii dawladaha hoose ayaa hadda la geeyey baaarlamaanka, bisha Ogost
wixii ka dambeeyana waxaa loo hawl geayaa sidii dawladaha hoose loo dhisi
lahaa.
Dhinaca kale Puntland waxay
maamulkeeda ku sugtay Gobolka SOOL oo dhan iyo SANAAG BARI iyo SANAAG GALBEED
xuduudka ay Puntland leedahay ayeey maamul ka dhistay, cashuurtii baa la
qaadaa, waxayna Puntland xurmaynaysaa aanu aad mahad ugu soo jeedinyaa dadka
aanu wada dego ee xidhiidhka wada leenahay gaar ahaan Habar jeclo iyo Habar
yoonis, sida ay nabad gelyada u ilaaliyaan, sida ay walaalnimada iyo dhaqanka
fiican u tix geliyaan, dad is ah baanu nahay oo dhaqan iyo dhaqaaleba is ah,
waxaanuna jecelahay haddaanu Puntland nahay inaanu taas xoojino.
Somalitalk: Wax
maamul ah oo aad leedihiin kama shaqayn tan iyo intii Puntland la dhisay,
maxay tahay haddaba sababta hadda keentay inaad maamul ka samaysaan
gobolaadaas?
Casharo: Maamul
waa ka jirey laakiin haddaad leedahay kharaj uun baad ku bixin jirteene iyagu
waxba sooma saari jirin waa runtaa laakiin hadda wixii ka dambeeya way soo
saarayaan, qaar ka mid ahina way soo saari jireen kharaj, B/hoodle Bank baa ku
yaal, Laascaanood Bank baa ka samaysan, Badhan Bank baa laga sameeyey, haddase
waxaa keenay dadweynihii oo gartay inay dantoodu ku jirto dhismaha Puntland
iyo inay dalkooda dhistaan oo fahmay haddii aysan iyagu cashuur soo bixin
inaan waxba loo qaban Karin, taas ayaa keentay inay dawladdu awoodeeda saarto
sidii ay u hubin lahayd inuu maamulkeedu meel kasta oo dalka ah ka hir galo.
Somalitalk: Doorashada
iminka Somaliland ka socota, la arkee inay is bedel siyaaso la timaaddo ma
laga yaabaa ina isbedel ku yimaaddaa hogaanka Somalinad uu saamayn ku yeesho
nabad gelyada Puntland?
Casharo: Annagu
waxaan filaynaa haddii ay helaan dadka ay dadkan is dhaqan yaqaaniin khaasatan
Axmed Maxamed Siilaanyo inay nabad badani na dhex mari doonto, wixii naga
dhexeeyana nabad ku dhamaysan doono. Riyaale mowqifkuu qaatay waan ognahay,
Riyaale nin colaadeed buu noqday oo dad qaraabo oo dhaqan iyo dhaqaale wadaag
ah dhib ka dhex rido,. Waxay ila tahay shacabka Soomaaliyeed way garan
karaaniin, waxaanna rejeynaynaa inay guusha Siilaanyo nabad u horseedi doonto
labada gobolba. Waa nin siyaasi ah oo garan kara danta dadkiisu meesha ay ku
jirto, danta ummadda soomaaliyeed meesha ay ku jirto, waxaan u rejeynaynaa
mustaqbal fiican, waaxaanuna aad ugu boorinaynaa dadka goboladaas dega ee
nuxurka nabadda gartay inay nabadda sii xoojiyaan. Anaguna waxaan ballan
qaadaynaa walaaltooyo iyo deris wanaagsan inaan kula dhaqano.
Somalitalk: Khilaafka
idinka iyo Somaliland idinka dhexeeyaa waa mid ku qotoma gobolada Sool iyo
Sanaag, ma waxaad filaysaa inuu maamul cusub oo Somaliland ka dhashaa idiinka
hadhi doono goboladaas?
Casharo: Waxaan
ka rejeynaynaa inay xaqiiqada fahmi doonaan waayo dad is ah cidina ma kala
xaadin karto. Xuduud isticmaar dhigayna wax maanta soconaysa ma aha, maanta
waxaa soconaysa sidii dadnimada Soomaaliyeed loo badbaadin lahaa, wax looga
qaban lahaa, wixii is raaci karaana inay is raacaaniin, dhaqan, dhaqaale, ama
dadnimo kay doonmaan ha isku raaceene. Khilaaf kasta oo na dhex yiiley intii
Uu Allaaha u naxariistee Cigaal joogey dhibaato ma dhicin waayo aqoon baa
jirtey, aqoon baa dadka lagu wadey. Waxaan filayaa inuu Siilaanyo tii oo kale
leeyahay.
Somalitalk: Waxaan
maqlayey COL. C/llaahi Yuusuf Puntland buu aadayaa socdaalkiisu muxuu ku
jihaysan yahay?
Casharo: Socdaalkiisu
wuxuu ku saabsdan yahay inuu dib u heshiisiinta laga wado Puntland dhexdeeda
oo ay gacan ka geeysteen Suldaan Saciid Cabdi Salaan iyo Suldanka Habar-jeclo
oo hawshaas Ceeri gaabo ka soo bilaabay oo dabadeedna ay dad ka socda
qabiilooyinka Dhulbahante iyo Majeerteen ay soo galeen, waan waantaas oo hadda
meel fiican maraysa ayuu dhamaystirkeeda u socdaa.
Somalitalk: Ugu
danbayntii maxaad Puntland iyo Soomaaliba maanta odhan lahayd?
Casharo: Puntland
waxaan u soo jeedinayaa inay dib u heshiisiinta socota xoojiyaan ayna ka
shaqeeyaan nabadda iyo dhismaha dalkooda oo ilaaliyaan nabad gelyada dhexdooda
iyo jiiraankooda. Marka labaad waxaan u soo jeedinayaa inay badda ka
shaqaystaan, kana waantoobaaniin dhirta jaristeeda iyo dhoofinta xoolaha
dhedig oo ay dadka qaarkii dawladda oo aan ogayn qarsoodi ku dhoofiyaan. Iyo
inaysan ka faa’iidaysan dadka soo cararay oo masaakiinta ah ee tahriibka
naftooda khatarta ku ah lagu dhoofiyo. Waxaas oo dhana aanu meel uga soo wada
jeesano sidii loo xallin lahaa. Dawladduna waxay ku dadaalaysaa wacyi gelinta
dadka.
Ummadda Soomaaliyeedna waxaan leeyahay
dantiina garta, oo sharafta darada inagu dhacday, bur-burka inagu dhacay aan
ka damqano oo yaynaan cadow isu loogin, dad badan baa dhibaataynta Soomaalida
ku shaqaysta, shisheeye iyo sokeeyaba, dad badan baa ka faa’iidaysta,
ummadda Soomaaliyeed waa muslimiine waxaa looga baahan yahay inay Islamka u
noqdaan oo Illaahay u toobad keenaan. Wixii laga xarrimayna ka dheeraadaan,
naf xaq darro lagu dilaa waxay ka mid tahay dembiyada waaweyn, marka
Soomaalidu waa inay is ixtiraamaan oo u guntadaan sidii ay mashaakilkan ugu
gudbi lahaayeen. Waxaan intaas ku darayaa dadka inay dibedda aadaan u hanqal
taagayaa inay ka joogsadaan oo dalkooda ka shaqaystaan waayo dhib badan baa
dibedaha ka taagan, ubad baaba’, dad isa seega, wax badan iyo dhaqan badan
oo aynaan lahayn oo ina soo dhex gala, waa in dalka loo soo jeestaa oo dhulka
la nabadeeyaa…waadna mahadsan tahay.
Waxaa waraystay Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com
April 22, 2003
MILICSI
KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30
baal waxaa soo akhriyey Ibraahim
Maxameddeeq ... GUJI
... ELDORET:
Taxanahii Wararka c