SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
MUQDISHO iyo SHIRKA ELDORET 

Sidee shacabka Soomaaliyed u arkaan shirka Eldoret? ( Faallo)

C/laahi Mire { Qadaafi} | SomaliTalk, Muqdisho | Nov 10, 2002

I  I  D  H  E  H


Horyaal Technology: wadada H/wadaag , Muqdisho, Soomaaliya - GUJI...

shirka dibu heshiisiinta qaran ee ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya 15/10/2002 oo ay kaqayb galayeen siyaasiyiin kala duwan oo soomaaliyeed ayaa muuqda mid guda geli raba wejigiisa 2aad, shirkaasoo qabanqaabintiisa ay iska lahaayeen gudiga wadamada safka hore ee Igad.

Shirkani marka lafiiriyo shirarkii hore waa mid ka duwan waxaaana taas sabab u ah sida beesha caalamka iyo wadamada daneeya arimaha soomaliya ay isugu howlayaan najixinta shirkan.

Ka qeyb galayaasha madasha Eldoret ayaa u muuqda kuwo ku kala duwan qaabka loo soo agaasimay shirkaas waxayna qaar kamid ahi ku andacoonayaan in shirka Eldoret ay xagal daacinayso Dowalada itoobiya, waxaana kamid ah hogaamiyaasha durbadiiba dhaliilay doorka itoobiya ee shirka Eldoret Max’ed Qanyare Afrax, Cusmaan Xasan Cali (Caato), Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), Cumar Max’uud Max’ed (Cumar Finish) waxayna hogaamiyayaashaasi sheegeen inay jirto caqabad ay shirka ku horgudbinayso dowlada Itoobiya oo siyaasiyiinta qaar, gaar ahaan ragii Hawaase ku shiray ee ku dhawaaqay magaca SRRC, ay u muuqato mid taageersan.

Shirka Eldoret ayay wararku sheegayaan in lugtiisa labaad uu guda geli doono maalinimada isniinta ee todobaadkan wuxuuna wajigani u muuqdaa mid kayara culus kii kahoreeyay ee la ansixiyay iyadoo wejigaan labaad ay ka qeyb galayaan ergooyin ka kooban 93 xubnood oo u kala qeybsan lix guddi, waxaana guud ahaan lagu soo koobay 362 xubnood tirada ku sugnaan doonta madasha Eldoret iyadoo inta kale ee soo hartay ay ugu baaqday kenya inay kabixin doonto qarashka tigidhka ee ay ugu noqonayaan Soomaliya. Halka kuwa kalana lasiinayo dal kujoog wixi qarashana ay jeebkooda ka isticmaalayaan. Hadaba dadka Soomaliyeed ayaa iyagu ugu muuqda shirkani mid wajiyo kala duwan u bixinaya, qaar kamid ah shacabka waxaa ay qabaan in shirku guulaysan doona halka kuwa kalena ay aaminsan yihiin fikir ka duwan midkaasi islamarkasna uu ugu muuqdo shirkani midaan waxba dhaamin kuwii kahoreeyay.

Ayadoo lays-ladhax marayo magaaladda muqdisho iyo goboladda ku xeeran in haddii ay san shirkani ka soo qeyb galin SomaliLand uu noqon doono mid aan waxba dhaamin kuwii hore isla markaana ay wax natiijo ah aysan ka soo bixi doonin shirka Eldoret, waxaa fikirka nuucaan ah uu ka taagan yahay dhamaan Goboladda Soomaaliya marka laga reebo kuwa Somaliland iyo qaar ka mid ah Hogaamiye kooxeedyada ku sugan Eldoret iyadoo dhawaantaanba ay ka kala hadleyn qaar kamid ah madaxda dalka oo ay ka mid ahaayeen C/qaasim Salaad Xassan iyo SRRC Nakuuro oo labaduba Cadeeyey muuqifkooda Ku aadan ka soo qeybgal la’aanta Soomaliland iyo habsami Socodka shirka Eldoret oo ay ku tilmaameen in uu fashil mayo shirka waa Haddii aysan ka soo qeyb Galin Somaliland.

Ugu dambeyntii marka dib loo raaco sanadihii adkaa ee dowlad la’aanta ee soo wajahay Soomaaliya iyo sida loogu hamuun qabo maamul loo dhan yahay oo dalka kahana qaada ayaa waxaa xusid mudan in dowlad la’aantii hore loo soo maray ay u muuqatay mid laga dhaxlay dhibaatooyin kala duwan oo aan dib loogu noqon Karin in laga siraad koro mooyee, waxaana looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay dib u xasuustaan dhaxalkii foosha xumaa oo ay soo mareen kuna bedeshana mid wanaagsan oo anfaca horumarka dalkooda, waana in loo howlgalaa sidii looga faa'iidaysan lahaa fursada maanta ina hortaala oo ah qaranka Soomaaliyeed oo abaabulka dhismahiisu ka socanayo Eldoret kaasoo ay ku kulansanyihiin siyaasiyiin si aad ah isaga soo kala horjeeday siyaasada Soomaaliya sanooyinkii lasoo dhaafay.

W.D. C/laahi Mire { Qadaafi}

 

Ganacsade Bashiir Raage Shiraar “waxaan ugu baaqayaa ragii xisbiyiinta ka ahaa kacaankii 21ka sano inay fursada siiyaan soomaalida cusub”

Muqdisho:

Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo kamid ah ganacsatada waaweyn ee Muqdisho ayaa sheegay in shirka hadda loo fadhiyo Magaalada Eldoret ee dalka Kenya uu yahay Mid fiican oo uu soo dhaweynayo isla markaana qeybihii ugu muhiinsana ee shirka ay weli dhiman yihiin waxaana uu xusay in jaaliyada mudulood ee ku dhaqan dalka Kenya ay talaabo wanaagsan qaadeen isla markaana dibu heshiisiinta dhexdood ay kadhex helayaan dantooda markii ay ka shaqeeyaan danta guud.

Waxaa uu sheegay in nabadu ay cid kasta dan u tahay isagoo yiri "calool waxay ku jirato laguma daweeyo, hal booli ahna nirig xalaala madhasho” isagoo sii raaciyay hadalkiisa “waxaan ugu baaqayaa ragii xisbiyiinta ka ahaa kacaankii 21ka sano inay fursada siiyaan soomaalida cusub oo u dagaalantay inay iska tuuraan heeryadii xisbigii Hantiwadaagga kuwa cusubina ugu bedelaan xisbiyiinta inay iska cafiyaan si ay u timaado dowalad cusub iyo Soomaali cusub” sidoo kale waxaa uu sheegay Bashiir Raage inuu dhamaaday xiligii beenta, guulwada nimada, gurbaanka iyo dadkii hurday ayna bilaabatay xiligii runta, shaqada, wax qabsiga iyo dadka oo soo jeeda wuxuuna ku baaqay in qofkasta uu ku tashto aqoontiisa, dadnimadiisa iyo waxtarkiisa.

waa c/laahi mire (qadaafi)  
qadaafi114q@hotmail.com 
 Muqdisho

Nov 10, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD