Afar iyo labaatan saac kadib is badal noo cee ah baa ku dhacay afartii
hogaamiye ee muqdisho ee qaadacay shirka eldored.
Warbixin.
Hogaamiye kooxeedyada kala ah maxamaed qanyare afrax, cismaan xasan cali
(caato), mowliid macaani maxamuud iyo cumar filish ayaa maanta waxa ay ka
hadleen mowqifkooda la xiriira shirka eldored iyagoo sheegay in shirka
qaabkii uu usocday markii hore wax xooga ah laga badelay waloow hadana si
aad ah aysan ugu qanacsaneen.
Cusmaan xasan cali (caato ) ayaa saxaafadda usheegay in maalinta barri ah u
amba bixi doonaan shirka eldored waxa uuna intaa siiraaciyay in shirka
qodobbadii ay ku dhaliileen wax laga bedalay wixii harsanna ay cabasho ka
muujin doonaan haddii wax macquul ay yihiina xeer jajab sameyndoonaan
cismaan waxa uu sheegay afar iyo labaatan saac ka hor inuusan shirkaasi ka
qaybgali doonin hadii jadwalka uu ku socdo aan wax laga bedlin caato waxa uu
warkaasi ka sheegay mar uu uwarramayay BBCda qaybteeda NETWORK AFRIKA isagoo
sheegay in shirkaasi waxa laga damacsanyahay soomaalidu badan koodu aanu
ogayn.
Caato oo aan weydiiyay su,aal ahayd waxa ku dhaliyay inuu mar labaad taagero
shirkaasi waxa uu sheegay in ergooyinkii shirkaasi uga qaybgakilahaa oo
awalba ay san ku qanacsaneen haatan loo kordhiyay.
Sidoo kale maxamed qanyare afrax oo isagana isbahaysi la leh cismaan ayaa
sheegay inuu berri u kicitami doona shirka eldored.
Lamayaqaano sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in hogaamiye kooxedyadan ay
ogolaadaan madasha shirka eldored hasa yeeshee xeeldheerayaasha siyaasada
waxa ay rumesanyihiin in ay laxiriirto oo kaliya tiradii awal lasiiyay oo ku
yareyd isla markaana haatan loo kordhiyay.
cabdulaahi mire
qadaafi114q@hotmail.com
Muqdisho
Oct 16, 2002
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|