SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Wufuud kala gedisan oo maanta ku sii jeeda magaalada Eldored ee dalka kenya si ay uga qaybgalaan shirka dib u heshiissinta soomaalida.

I  I  D  H  E  H


Horyaal Technology: wadada H/wadaag , Muqdisho, Soomaaliya - GUJI...

Hogaamiye kooxeedyo (siyaasi, duubab dhaqameed, aqoonyahan) iyo dhamaan madaxda ururrrada bulshada waxay dhamaantood ugu jiraan abaabul si ay uga qaybgalaan madasha-kulan heshiisiinta 14-aad ee kooxaha siyaasada oo lagu madalsanyahay inuu bishan 15keeda ka furmo magaalada Eldored ee ku taalla dalka kenya.

Hadaba maanta ayaa siyaasiyiin soomaalyeed oo farabadan waxa ay u baqooli rabaan magaalada lagu wado inuu shirku ka furmo, wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka cabdalla deeroow isaaq oo gaaraya ilaa 65 xubnood ayaa maanta lagu wadaa inay dalka uga baqoolaan iyagoo kusii jeeda magaalada Eldored.

Mar wax laga weydiiyay xubno ka tirsan xuukuumadda kmg ah inay ku qanacsantahay shirkaasi waxa ay sheegeen in shirkaasi dowladdu ku qanacsantahay waloow hadana beey yiraahdeen qaybtii kusoo aadey ayan ahayn mid caqliga iyo garaadka aqbalikaro, hadana dowladdu waa dowlad dib uheshiisiineed oo hadiiba shirkaasi ay uga qaybgaleyso iyadoo dowlad ah wax walba ay uga weyntahay qarannimada soomaalyeed iyo in wixii carta lagu soo dhisay aan afka ciidda loo darin.

Dhinaca kale maamullada dalka ka jira ayaa qaar soo dhoweeyeen shirkasi iyadoo dhinaca kalena ay jiraan kuwo qaadacay amaba dhaliilay qaabka saami qaysiga shirkan, haddii aynu tusaale usoo qaadannao maamulka shabeellaha dhexe ee uu hogaamiyo maxamed dheere oo shirkaasi laga siiyay 14 xubnood ayaa isagu si aad ugu qanacsan waxa uuna saxaafadda usheegay in shirkan uu fursadii ugudambaysay ee soomaalida uu yahay sidoo kale maamulka C/laahi yusuf ayaa isagana Codkiisa ku biiriyay taageeridda shirka Eldored ka dib markii sida la sheegay la siiyay xubno ay ku qanceen, waxaa iyana shirkan dhaliilay maamulka dooxada jubba ee uu hogaamiyo Col.barre hiiraalle ka dib markii la siiyay xubno uu ku qanci waayay oo gaaraya ilaa 13 xubnood waxa uuna caddeeyay sida uusan ugu qanacsanayn shirkaasi, dhinaca RRA da oo ay hagaamiyaan sheekh aadan madoobe iyo xaafsade waxa iyaguna muujiyeen dabac sanaan ay kala hor yimaadeen shirka taasoo lala xiriirinayo tirada laga siiyay shirkaasi oo ayan ku qanac saneen.

Golaha SRRC. oo qaybsaday ergooyinka uga qaybgali lahaa shirka eldored. 

Golaha SRRC ayaa ergooyinjii uga qaybgalilahaa shirka dib uheshiisiinta ee Eldored ku qeybsaday magaalada adis ababa ee dalkaasi itoobiya oo ay ku suganyihiin qaar kamid ah masuuliyiinta sarsare ee golahaasi.

 Sida ay kuwarrameen ilo muhiim ah oo ku dhow dhow golaha SRRC qeybsigan oo aan weli si rasmi ah loo shaacin is la markaana wali si toos ah uwada gaarin qaybaha kala gedisan ee golahaasi ka koobanyahay ayay kooxuhu xubnahaas u qeybsdeen urrurada kala ah: 

  • USC _SNA garabka xuseen caydiid oo helay 14 xubnood, 
  • ururka USC-SSA garabka muuse suudi iyo inj.cadow oo helay ayaa waxaa soo gaaray 20 xubnood 
  • halka aadan gabyoow gen.moorgan labadooda oo wada jira la siiyay 13 xubnood
  • iyadoo ururka SSNM-BIYAMAAL ee uu hogaamiyo cabdullaahi sheekh ismaaciil iyagu la siiyay 10 xubnood .

Qaybo badan oo ka tirsan kooxaha siyaasada soomaaliya ayaa horay u qeybsaday xubnaha soo gaaray waxaana lagu wadaa in xubnaha golaha SRRC uga qeybgalaya shirku ay gaaraan kenya labada maalmood ee soo socda .

 

 

cabdulaahi mire 
qadaafi114q@hotmail.com 
SomaliTalk.com | Muqdisho

Oct 13, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD