SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
MINNESOTA: Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso, Soomaaliya

Wq. Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minneapolis, Minnesota | Jan 12, 2003


Qaybta 1aad |  Qaybta 2aad

Shirweyne aad u ballaaran oo xalay (Jan 12, 2003) lagu qabtay Jaamacadda Minnesota ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad u farabadan oo buuxiyey dacallada qol-weyne kamid ah kuwa ugu waaweyn Jaamacadda oo lagu magcaabo Humphrey Institute Hall. Kulankaas ujeedadiisu waxay ahayd mid lagu taageerayo Jaamacadda Bariga Afrika (Boosaaso, Soomaaliya). Shirkaan oo si weyn maalmahan looga hadal hayey Minnesota, saxaafadana lagu sheegay, ayaa xalay lagu tilmaamay mid ay kasoo qayb galeen  Soomaalidii ugu tirada badnayd ee sanadahan hal meel isugu timaada magaalada Minneapolis. Shirkaas waxaa ka hadlay Hormuudka (kulliyadda ganacsiga) ee Jaamacadda Bariga Afrika, prof. C/Weli C/raxmaan Geyre, oo Isniintii hore kasoo dhoofay Boosaaso si uu reer Minnesota ugaga xog-waramo heerka ay mareyso Jaamacaddu, waxa ay higsaneyso, iyo sidii ay Soomaalida ku dhaqan qurbaha (gaar ahaan Soomaalida deggan Maraykanka) ay u taageeri lahaayeen tacliinta sare ee dalka. waxaana halkaas dadweynihii loogu soo bandhigay filim kusaabsan aasaaskii Jaamacadda iyo heerarka ay soo martay, cajladaas oo laduubay dhagax-dhigii Jaamacadda ilaa bishii shanaad ee 2002. Marti sharaftii kale ee halkaas xalay ka hadlay waxaa kamid ahaa Profossor Cali Khalif Galaydh oo ah bare-sare oo wax ka dhiga jaamacadda Minnesota, waxana uu dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan tacliinta Sare ee Soomaaliya ayagoo aan siyaasad ka dhigayn ama dhexgelinayn. waxaa kale oo kahadlay, Sheekh CabdiRaxmaan Sh. Cumar, Dr. CabdiRaxmaan Diiriye Maxamed, Maxamed Xuseen Fariid,  C/risaaq Cumar Bile, Xaliimo Faarax, iyo gabayaa Cismaan Ducaale Daahir. Xiriirinta iyo agaasinka shirka waxaa qaabilsanaa Maxamed Xasan iyo Cabdirisaaq Lafoole. Waxaana dadkii madasha ka hadlay dhammaantood muujiyeen baahida loo qabo in la taageero dhamaan tacliinta Sare ee Soomaaliya, oo weliba la taageero Jaamacadaha hadda jira oo ay ka mid tahay Jaamacada waftigu ka yimid ee Boosaaso, iyo jaamacadaha Booraame, Hargeysa iyo Xamar.

Haddaba SomaliTalk.com  oo xubno ka tirsani ay xalay madasha shirka joogeen ayaa halkan idiinku soo koobaya sidii uu u dhacay shirkaasi. Qodobadii looga hadlay shirku waxay ahaayeen:

  • Taageeridda Tacliinta Sare ee Soomaaliya
  • Isku Xirka Waxbarashada Dalka iyo Dibadda
  • Doorka Dadka Dibadaha Kunool & Midaynta Waxtarkooda
  • Diinta Islaamka iyo Tacliinta
  • U Gurmadka Mustaqbalka carruurteena
  • Gabay
  • Daawasho Cajlad lagasoo duubay Jaamacadda Boosaaso
  • Xog-warran Xaaladda Jaamacadda Bariga Afrika
  • Su'aalo iyo Jawaabo
  • Dib-u-dhiska Tacliinta Sare

waana kuwan ayagoo faahfaahsan:

Taageeridda Tacliinta Sare ee Soomaaliya

Ugu horayntii markii shirkii lafuray, waxaa madasha lagu soo dhoweeyey C/risaaq Cumar Bile oo ah arday Soomaaliyeed oo kasocdey ururka ardayda Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadda Minnesota (MSSU), waxana uu ka hadlay "Taageeridda Tacliinta Sare ee Soomaaliya". Warbixin kooban oo kusaabsan aasaaskii ururka MSSU ee ardayda Soomaaliyeed kaddib, waxa uu soo jeediyey afar farriimood oo kala ah: 1. Fariin kusocota ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadaha Maraykanka (gaar ahaan minnesota), taas oo ah in ay ogaadaan (ka war qabaan oo taageeraan) ardaayda wax ku baranaya Soomaaliya maadaama ay kuwa halkan (USA) joogaa haystaan fursado ka badan kuwa ay haysaan ardayda ku hartay dalkii. 2. Farriin ku socota ardayda Soomaaliya joogta, fariintaas oo ah in ay ogaadaan in tacliinta ay hadda haystaan tahay mid ay idiin fureen dad yar, kuwaas oo la ogyahay in ay dhib badan usoo mareen, hadaba waa in aad idinku ku fikirtaan carruurta yaryar ee idinka dambaysa sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho sahlan.  3. Fariin guud oo ahayd in aan ka sinaano sidii aan indhaha ugu hayn lahayn waxbarashada. 4. Fariin ku socota bulshada oo ahayd in aan ka sinaano taageeridda arday kasta oo wax baranaya. C/risaaq waxa uu xusay dhacdadii naxdinta lahayd ee ardayda lagu laayey Muqdisho dabayaaqadii bishii hore, halkaasna waxa uu tacsi ugu diray eheladii carruurtaas iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.

Isku Xirka Waxbarashada Dalka iyo Dibadda

Kaddib waxaa cod-tebiyahaya lagu soo dhoweeyey Maxamed Xuseen Fariid oo ka socdey Ururka Macallimiinta iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota (SPTA), waxana uu ka hadlay "Isku Xirka Waxbarashada Dalka iyo Dibadda". Ugu horayntiina waxa uu xusay in ururka SPTA uu ku bilaabmay kaddib markii la arkay baahida kasoo fool leh ubadka Soomaaliyeed ee aan markii hore luqada (ingiriisiga) garanayn, sidaasna loogu baahday macallimiin laba-luqadood-layaal ah oo kaba baahida ubadkaas. 

Waxaa meelkale lagui xusay in hadda macalimiintaas loo baahanyahay si ay ugu kala turjumaan waalidkii iyo carruurtooda maadaama ay carruurtii Soomaaliyeed luminayaan luqadii ahayd afsoomaaliga (afkoodii hooyo). 

Asagoo arinta caarruurta Soomaaliyeed ee qurbaha aad ugu dheeraaday waxa uu Maxamed Xuseen yiri "waxaad arkeysaa in carruurtii Soomaaliyeed uu ka lumay dhaqankoodii, hidohoodii, diintoodii, iyo xataa abtirsiinyohoodii waayo waxaadba arkeysaa in ay kuu sheegayaan oo keliya saddexdooda magac ee u horeeya kan ugu dambeeya, waxay luminayaan riximkoodii iyo xiriirkoodii" taasi waa dabar go' ayuu yiri Maxamed Xuseen Fariid. 

Asagoo weli ka hadlaya carruurta Soomaaliyeed waxa uu Maxamed Xuseen sheegay in marka aad tagtid wadamada Yurub aad ku arkeysid carruur Soomaaliyeed oo ku hadlaya Af Holand, af Jarmal, Dutch, iwm, halkaasna uu ku dabar go'ayo afSoomaaligii. Hadaba ayuu yiri haddii la helo dhul Soomaaliyeed oo wax lagu barankaro in carruurta la geeyo. Asaga oo aan arintaas hore weli kafogaan waxa uu yiri "Qofka haysta Islaamka waa nimco qof haysta, Soomaaliduna waxay ku abtirsadaan Islaamka. Carruurteeniina waxay yimaadeen dhul diimo kale haysta, waxaana halista (ah in diintoodu lunto) looga gudbi karaa in la dhiso waxbarashada Soomaaliya". "Dadka haddii la dhiso dhulkuna waa dhismayaa" ayuu ku akeeyey dadkii madasha isugu yimid, aadna waa loogu riyaaqay hadaladaas. Waxana uu intaas ku daray asaga oo yiri "Dadka hadda waxbaranaya waa in ay wax kasoo dhigaan Jaamacadaaha Soomaaliya". Waxa uu Maxamed Xuseen u mahad naqay wafdiga Jaamacada bariga Afrika, Dadka Soomaaliya hadda ku sugan ee dadka waxbarana wuxuu ku tilmaamay "Shahiidiin dadka jahliga kasaaraya",  waxaana uu ugu duceeyey in Allah xilkaas weyn u sahlo, waxana uu ku booriyey in ay sabraan asagoo kusoo gabagabeeyey "inna macal-cusri yusran".   

Doorka Dadka Dibadaha Kunool & Midaynta Waxtarkooda

Dr. CabdiRaxmaan Diiriye Maxamed ayaa lagu soo dhoweeyey madasha, waxana uu ka hadlay "Doorka Dadka Dibadaha Kunool & Midaynta Waxtarkooda". Ugu horrayn si uu u muujiyo inay sahlan tahay in la dhiso tacliinta waxa uu tusaale ugu soo qaatay booqasho uu ku tegey dalka Afqanistaan taas oo kusaabsanayd dhisida Jaamacad. Waxa uu yiri waxa ay la xiriireen 1000 qof oo daggan Maraykanka oo qofkiiba lagu qoran $100 bishiiba, sidaasna ay ku heleen 1000 x $100 = $100,000 (boqol kun oo doolar) bishiiba. Hadaba ayuu yiri, Dr. CabdiRaxmaan, immisa Soomaali ah ayaa deggan Minnesota (qof ayaa gadaal ka qayliyey oo yiri 60,000), hadaba ayuu yiri haddii aan wax ka qaban weyno arinta hadda ina hortaal waa gaf. Waxa uu Dr. CabdiRaxmaan sheegay in waxbarshadu ay leedahay qiimo sare, aniga ayey wax ii tartay ayuuna hadalkiisa ku adkeeyey, waxana uu yiri Soomaaliya waajib ayey igu leedahay. 

Dr. CabdiRaxmaan oo ah nin aad u xigmad badan ayaa ka sheekeeyey qiso dadkii goobta fadhiyey aad u gilgishey taas oo ahayd in uu yiri  "1975 ayaa Soomaaliya lagu laayey wadaado, waqtigaas waxaan dhiganayey dugsi dhexe ayuu yiri, markaas ayaa anagoo shan ah waxaan ka doodnay  arintaas, mid ayaa yiri hala dilo madaxeynaha, waan aamusay, ilaa waagaas waa la ogaa xaalada lagu jirey'e, mid ayaa yiri anigu kuma jiro oo in aan naar galo ma rabo, mid kale ayaa yiri sidoo kale, markaas ayaan iri sidoo kale anigu kuma jiro oo marabo in aan naar galo, kii hadalka soo jeediyey ayaa isaguna hadalkiisii ka laabtay oo jiri kuma jiro.... ku xisaabtay waxaan ahayn 12jirro..... Haddaba isla magaaladii ayaa sannadkii 2000 waxaa tegey nin Soomaaliyeed oo rabey in uu wax kala qabto waxbarashada, wuxuu helay laba wiil oo da'dii aan waagaas ahayn kujira, waxay markiiba ku yiraahdeen adigu afkaagu waaba af soomaalilayn, wuxuu ninkii kuyiri war baal iska daaya'e idinku xagee degan tihiin, waxay wiilashii yiraahdeen anagu guri malihin oo waalidkana waa ladiley oo hadda waa iska qaraabanaa, ninkii iyo wiilashii waa israaceen bal si uu cunto u siiyo, qayb kamida dadkii magaalada ayaa maqlay ninkaan cusub, waana u yimaadeen ninkii iyo wiilashii oo wada jooga, markaas ayey ku yiraahdeen lacagta aad wadid ee waxbarashada anaga noo dhiib anagaa wax ku qabanayna'e, hadal kabacdi markii ay ka tageen ayaa labadii wiil waxay ninkii ku yiraahdeen anagaa odayaashaan naqaan ee haddii aan $10 doolar bixisid anagaa keeneyna sidoo loo dili lahaa" taasi waa jirid bax ayuu yiri Dr. CabdiRaxmaan, asagoo halkaas ku muujinayey isbedelka ku dhacay dalkeenii Soomaaliya, taasna waxaa lagaga bixi karaa in la dhiso tacliinta ayuu yiri. Waxana uu yiri "tacliintu waxa ay dhistaa asaaska qofka, nolosha furideeduna waa cilmiga haddii aadan cilmi lahayna mugdi ayaad ku jirtaa". hadaba ayuu yiri 'waa in aan dhisnaa tacliinta dalkeenii" waxana uu madasha xusuusiyey in Nebigeena Muxamed SCW kelmedii u horeysey ee Jibriil kuyiri ahayd "IQRA" halkaasna laga qaadanayo faa'iida weyn ee cilmiga in la barto.  

Dr. CabdiRaxmaan waxa uu hadalkiisii kusoo gabagabeeyey asaga oo yiri "Shiikh Mukhtaar (waa nin soomaaliya laga yaqaane) waxa uu yiri Soomaali labo ayaa lagu aqoon jirey, labona waa kusoo darsantahay, labada lagu oqoon jirey waa DHEH iyo DHIIB, waxaase hadda kusoo biiray DHAW iyo DHIG.... kelmedda DHAW waxaa yaqaan ayuu yiri reer dhoobeyda... waxayna u macno dhowdahay garaac ama dil... Kelmeda DHIG waa wax la dhigay, tusaale asagoo u soo qaadanaya website-yada Soomaaliya waxa uu yiri waxa ay ka badanyihiin 300 dhammaantoodna waa wax la dhigay". Hadaba waa in aan dhisnaa waxbarashada ayuu yiri, ilaa tacliintaa wax dhista'e.

Diinta Islaamka iyo Tacliinta

sh.cabiraxmanSheekh CabdiRaxmaan Sh. Cumar ayaa kaddib lagu soo dhoweeyey madasha, waxaana hordhac yar kabixiyey Cabdirisaaq lafoole oo sheegay in Sheekh C/Raxmaan uu ahaan jirey sarkaal sare oo katirsaanjirey ciidankii cirka Soomaaliyeed, kaddibna uu ahaa arday ka mid ah ardaydii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kulliyadii Beeraha, oo ay qabtii ku dhacday ama la kulmay burburkii waxbarasha Soomaaliyeed. Haddana wuxuu ku mid yahay culimada Soomaaliyeed ee magaalooyinka mataanaha (Minneapolis/St.Paul).

Sh. C/Raxmaan waxa uu ka hadlay "Diinta Islaamka iyo Tacliinta", waxana uu ugu horayntii u mahad naqan Allah ina hanuuniyey ee cilmiga na baray, waxa kale uu u mahad naqay jaamacadda uu waftigu ka yimid ee Bariga Afrika. Waxana uu dadweynihii madasha xusuusiyey in la fiiriyo sida Allah u sameeyey Insaanka, taasina ay ku filantahay cibro qaadasho. Cilmiga barashadiisa asagoo xusayana wuxuu yiri "diinta Islaamka iyo cilmigu iskama hor yimaadaan", waa fardul kifaaya oo ay tahay in qof uun isu taago barashada cilmiga. 

Asagoo xusaya sida Islaamku u leeyahay xadaaradda dheer waxa uu Sh. C/Raxmaan yiri Islaamka waxaa u dhowaa Giriigii hore iyo Beershiya, waxayse u badnaayeen cilmiga falsafadda, Islaamku markii uu yimid waxa uu tarjumay culuun badan, kaddibna wuxuu soo siyaadiyey waxa hadda loo yaqaan "cilmi baarista" iyo in wax la tijaabiyo, waxayna Islaamku soo saareen xisaabta Aljebra oo asaas u ah xisaabaha uu hadda Computer-ku ku shaqeeyo, waxa kale oo Islaamku soo saaray cilmiyo badan oo ah Fiisigis iyo Kimistari. Waqtigii Islaamku xadaaradaas lahaa Yurub mugdi ayey kaga jireen ayuu yiri. waa sida ay qireen reer Oroba (yurub) ayuu ku adkeeyey hadalkiisa. Tusaale wuxuu u soo qaatay buugga lagu magcaabo Making Humanity oo uu yiri qoraagu wuxuu ku qiray in ay u qaamaysanyihiin carabta, waxaana ugu qaamaysanahay cilmi baarista, macluumaadka oo la ururiyo, iyo baaritaanka qotada dheer ayuu qoraagaasi xusay. 

Dhammaan tusaalayaashiisa Sh. C/Raxmaan ku muujinayey derejada sare ee Islaamku gaarsiiyo tacliinta iyo in ay aas-aas lagama maanmaan ah u tahay aadamiga. Kaddiba Sh. C/Raxmaan wuxuu soo jeediyey fariin uu tusaale ahaan ku muujiyey taas oo hayd in uu yiri "WAAGII HORE SOOMAALIYA: waxaa la bixin jirey deeq-waxbarsho oo lagu tegi jirey Yurub, maalintii dambe ayaa koox lasoo dhejiyey, intii liiskaas aan iska helin ayaa Bus lasaari jirey si magaalada loogu celiyo, wadihii baska ayaa yiri war kuwiina inkaartu ku dhacday soo raaca baska (waa intii aan waxbarashada dibada helin)... waxaa dhacday in intii Yurub maalintaas aadey wax laga waayey ama aan wax kasoo noqon, intii baska raacday ee laga tegey ee lagu tilmaamayey inkaar qabooyinka ayaa wax noqday oo dadkii wax u taray...... HADDA SOOMAALIYA: idinka dalka jooga ayaa u hari doona dalka, ee hore u mariya waxbarashada. 

Sh. C/Raxmaan waxa uu ugu dambayntii aad hadalka ugu adkeeyey in Jaamacadda la taageero, waxana uu yiri waxaan nahay dad wax loo gartee yeynaan burburin waxa dhisan ee aan wax ku siyaadino, yaan la burburin ilaha noo shidan ee aan taageerno ayuu yiri.

U Gurmadka Mustaqbalka Carruurteena

Kaddib waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Xaliimo Faarax oo ah hooyo, macalimad Soomaaliyeed oo ka hadashay "U gurmadka Mustaqbalka Carruurteena". Waxay markiiba xustay in ay halkan (waa qurbaha'e) ay naga waraystaan sidee dumarku Soomaaliya ugu xirxiraan jireen, sidee loo gumaysan jirey sidee ahaydeen.... waxaan u sheegayaa in aan Soomaaliya boqorro ku ahayn, in Soomaaliya ay gabdhuhu qiima sare ku lahaayeen, waxana ay xustay gabdho badan oo Soomaaliya meelo wanaagsan ka gaarey, waxana ay sheegtay in hadalada xun kuwa sheegayaa aysan wax war ah u hayn Soomaaliya. Mar ay ka hadleysey sida ay Soomaalidu dunida ugu faafeen waxa ay tiri tusaale ayadoo soo qaadanaysa "nin ayaa nacay yaman, markaas ayuu iskaga tegey oo yiri waxaan aadayaa meel aan yamani joogin, markaas ayuu tegey magaalo aad u qabow,  maalintii dambe waxaa kusoo baxay nin yamani ah oo jagaf-jagaf leh, hadda meel kasta oo aad dunida ka tagtid Soomaali ayaa kaaga soo baxaya" ayey tiri. Waxa ay Xaliimo dumarka Soomaaliyeed ku adkaysay in ay jagadooda buuxiyaan, oo ay soo ceshadaan doorkii ay ku lahaayeen qoyska dhismihiisa, taas ayadoo ka hadlaysana waxay tiri "Hooyooyinka iyo gabdhahow waa in aan u gurmanaa qosaskeena (carruurteena) oo soo ceshanaa doorkeenii sharafta lahaa". Waxbarashada ayadoo ka hadlaysana waxay tiri waa in aan taageeraa Jaamacad kasta oo ku taal Soomaaliya, waayo ayey tiri ayagaa asalkeenii ah, waa meeshii aan ku noqon lahayn. Ayadoo la hadleysey gabdhaha waxa ay tiri "gabdhaha ku faana wiil kaygu hadalkiisa ingiriisiga ahi wax kuma labna, oo afsoomaaliba ma yaqaanow ogaada in ay jiraan kuwo carruurtoodii iyo ayaga loo kala tarjumo". Waxaa dhacda ayey tiri carruurta lagu celiyo Soomaaliya in ay isku dagaalaan luqadohooda oo kala duwan ileyn wadamo kala duwan ayaa laga kala keenaye. Hadaba ayey tiri aan wadankeenii dhisano, cidina uma maqna ceelna uma qodna'e.

Gabay

gabayaaKaddib waxaa cod-laliyaha lagu soo dhoweeyey gabyaa Cismaan Ducaale Daahir, oo halkaas kasoo jeediyey laba gabay oo uu yiri mid waxaa iga codsaday dhakhtar Soomaaliyeed, gabaygaas oo kusaabsanaa cudurka AIDS-ka, wuxuuna ahaa gabay markii uu dhameeyey dadkii sawaxan isla keceen si uu mar labaad ugu celiyo, dulucda gabaygaasi waxay ahayd in AIDS-ku yahay ciqaab iyo caro Allah oo dusha kaga dhacaysa qofkii xad-gudba ama xera-dhaafa. Gabayga labaad wuxuu ahaa gabay dheer oo cinwaankiisu ahaa JAHLI, oo uu ku halqabsanayey [JAHLAA DARAN] kaas oo uu ku tilmaamay sida jahligu uu mugdi u yahay, waxana uu gabaygaas ku sheegay sida shahaadada qabiilku ay u tahay in qofku ku dhaqaaqo wixii xumaan ah oo dhan, jahligu in uu dulmi yahay, in Jahligu qofka bado in uu falo xumaan oo dhan, in uu raaco kufri, ku kaco dulmi, dadka laayo, wanaag oo dhan dafiro marka uu jahli qofku ku sugan yahay. Dulucda gabaygaasi waxay ahayd sidii dadka jahliga looga saari lahaa.

Qaybtii hore ee shirku markii ay halkaas mareysey ayaa la qaatay biririf, kadibna la isugu soo laabtay kulankii, sidii ay ku dhacday Qaybtii 2aad ka akhri HALKAN.... GUJI...

 QAYBTA LABAAD AKHRI ... GUJI...

  

I  I  D  H  E  H

January 12, 2003 

Waxaa isku soo dubaridey

Maxamed Cali (SomaliTalk.com Editor-in-chief)
webmaster@somalitalk.com

XUSUUS: Xuquuqda qoraalkaan waxaa leh SomaliTalk.com. Websitekasta iyowargeyskasta oo qoraalkaan dib u daabaca waxaa shardi u ah in uu qoraalkasi ahaanayo sida uu yahay isla markaana uu shardi ahaan wadanayo xuquuda qoraaga iyo websiteka www.SomaliTalk.com.

om

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SAWIRADAN WAXAAN KA QAADAY FILIMKII DADWEYNAHA LOOGU SOO BANDHIGAY HEERARKII JAAMACADDA BARIGA AFRIKA

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

cajlad bosaso

 


WEBSITE-YADA JAAMACADAHA SOOMAALIYA:
....Bosaso  
....Camuud
.....Hargeysa
.....Mogadishu


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD