SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Picture 014.jpg (151467 bytes)Habeenkii Sharfidda iyo Aqoonsiga Muwaadiniinta Wax u qabtay Bulshada Minneapolis

Maxamuud Wardheere oo kamid ahaa dadkii shahaada sharafta lasiiyey 

SomaliTalk.com | Minneapolis, Minnesota, USA

Habeenimadii xalay (Nov 15) waxay magaalada Minneapolis u ahayd habeen aad ugu weyn, gaar ahaan waxay ahayd habeen la sharfayey dadkii sannadkaan 2002 waqtigooda ugu tabarucay horumarinta magaalada, kobcinta aqoonta, daryeelka bilicda magaalada, wax u qabadka dadka kucusub gobolka (immigrant), kanadhigay magaalada meel waxbarasho oo nabad ah.

 R.T. Rybak    Mayor R.T. Rybak
Ann Frances Munt
Ann Frances Munt

Waxay ahayd habeen la sharfayey dad kamida bulsha weynta magaalaada kuwaas oo ka dhexmuuqday muwaadiniinta intooda kale waxqabad ay bulshada inteeda kale u qabteen, taas oo ay ku mutaysteen ammaan, aqoonsi, sharfid iyo sumcad bulshada dhexdeeda ah. 

Habeenkaan waxaa sannadkiiba mar lagu qabtaa Minneapolis si loogu sharfo/aqoonsado dadka waqtigooda iyo xirfadooda ugu deeqay sidii ay horumarin lahaayeen hab nololeedka wanaagsan magaalada. 

Haddaba si taas loo muujiyo ayaa xaflad ballaaran oo aad loo soo agaasimey xalay lagu qabtay xarunta weyn ee lagu magcaabo Minneapolis Convention Center oo kutaal faras magaalaha magaalada. Xafladaas waxaa kasoo qayb qalay duqa magaalada Minneapolis Mayor R.T. Rybak iyo Council President Paul Ostrow iyo martisharaf kale.

Xafladaas waxaa markey saacadda Minneapolis ahayd 7:00 fiidnimo furay duqa magaalada Mayor R.T. Rybak oo muujiyey muhiimada uu habeenkani u leeyahay magaalada iyo aqoonsiga ay heleen bulshada shacabka wax u qabtay. Kaddib waxaa halkaas laga magcaabay dadka sannadkan ku guulaystey biladaha iyo shahaadooyinka. Dadkii la xusay waxaa kamid ahaa Maxamuud Nuur Wardheere. Waxyaabaha uu shahaadada ku mutaystay Wardheere waxay ahaayeen: Kaqaybqaadashada Kobcinta waxbarashada, Horumarinta Jaaliyadda  iyo kahortagga AIDS-ka.

Qaybta hoose ee qoraalkan ayaan ku faahfaahineynaa Wardheere iyo waxqabaka jaaliyadda oo ah tan uu ku mutaystay in magaciisa halkaas xalay lagu xuso.

Dadkii xalay halkaas ka hadlay waxaa siweyn loogu riyaaqay Ann Frances Munt oo siweyn uga hadashay sida ay u taageerto dumarka Soomaaliyeed. Ann oo tilmaameysey dadka usoo guurey dhul cusub ama "immigrant" waxay tiri "Saacada aan boqol sano haray u kaxayno, markaas qiyaas inaad tagtid meel (wadan) aadan afkiisa aqoon, aadan aqoon xeerarkiisa ama qawaaniintiisa, aadan waxba ku haysan, aadan waxba u soo qaadan, aadna u baahantahay inaad halkaas noloshaadii hadda ka bilowdid ... kuwaasi waa geesiyaashayda, waxayna ka tallaabsadeed caqabad aad u weyn".

Ann Munt waxay sheekay qiso naxdin leh oo sida ay tilmaantay ku dhacday qoys Soomaaliyeed, taas iyadoo ka hadleysana waxay tiri: "Waxaan idiin sheegayaa hal qiso oo ku dhacday qof dumar ah, waxay haysatey lix carruur ah, labo ay gabadheedu dhashay, waxay kasoo carareen Soomaaliya oo hortooda lagu diley laba carruurteeda ah, waxay usoo qaxday Kenya, waxay soo gashay xero qaxooti oo ay ku noolyihiin 5000 qof, lix sano kabacdi waxay yimaadeen Minnesota, hooyadii waxaa laga helay cudurka halista ah ee Cancer-ka, Hooyadii weyneyd (ayeeyadii caruurta) waxay ku laabatay Soomaaliya, halkaas oo ay ku geeriyootey, waxaa sidaas ku bilaabmay in si sharci ah ay ugu doodo (hooyadii yarayd, waa gabadheediiye) inay carruurtii iyadu hayn karto (legal custody), sidaasna ay jaaliyada ka raadsato inay taageeraan".

Ann Munt waxa ay bulshada Minneapolis u adeegeysey muddo qarni barkiis ah, waxay Minneapolis ka soo qabatay hawlo xad-dhaaf ah oo ay ugu khidmayneyso magaalada. Waxa ay jaamacada University of Minnesota kabaxday sannadkii 1953 iyadoo kabaratay cilmiga bulshada (B.A. Sociology). Mar ay kaftameyey waxay tiri "maalin ayaan dhakhtar cilminafsiga bartay u geeyey qof jirran, markaas ayaa dhakhtarkii nalasoo fariistay kursi weyn oo dadka loo dhigo, markiiba dhakhtarkii wuxuu arkay kabahayga oo shamiito leh, markaas ayuu cabaar anigii su'aalo iweydiiyey isagoo siweyn u xiisaynaya dhankayga inuu waxbadan iga ogaado, cabbaar kabacdi ayaa la isweydiiyey ma adigaa qofka jiran ah mase qofkaan kale oo kula socda"... waxay halkaas ku muujienysey siday ugu jajabantahay u adeega bulshada.

Xaawo Aadan, oo kamid ahayd dadkii la socdey Ann Munt,  waxay SomaliTalk u sheegatay in ay tahay agaasimaha  "SWIM" [program Coordinator) ... East Side Neighborhood Service, barnaamijkaas oo Ann Munt ay madax katahay (director), waana banaamij taageera dumarka Soomaaliyeed, sida ay Xaawo Aadan sheegatay. 

mayor iyo wardheere    Mayor R.T. Rybak & Wardheere
coucil iyo wardheere
Council President Paul Ostrow & Wardheere
Picture 020.jpg (156113 bytes) Maxamuud Nuur Wardheere

Biladii Wardheere

Sida aan kor kuxusnay, dadkii halkaas xalay macooda laga xusay waxaa kamid ahaa Maxamuud Nuur Wardheere oo kamida jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minneapolis.

Waxyaabaha uu shahaadada ku mutaystay Wardheere waxay ahaayeen:

  • Waxbarashada oo siweyn uga qayb qaatay kobcinta jaaliyada Minneapolis. [waxbarashada]
  • Horumarinta Jaaliyadda [kobcinta jaaliyadda]
  • iyo ladagaalanka/kahortagga cudurka AIDS-ka [AIDS]

Sida lagayaabo in inbadan oo Soomaali ah lasocdaan qoraaladii Wardheere, waxa uu labadii sano ee ugu dambeeyey xoogga saaray sidii uu u kobcin lahaa waxbarashada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan maagaalada Minneapolis, taas oo marar badan uu kaga hadlay warbixinada iyo maqaalada uu ka diyaariyey arintaas. 

Waxa kale oo Wardheere xooga saaray sidii kor loogu qaadilahaa wacyiga waxbarasho ee ubadka yar yar ee Soomaaliyeed, taas oo inbadan oo Soomaalida Minneapolis ay u arkaan arin muhiimad weyn u leh shacabka Soomaaliyeed ee gobolka iyo guud ahaan qowmiyadaha deggan gobolka, maadaama carruurtu tahay jiilka berrito hoggaanka qabanaya ayna tahay in la dhiso garaadkooda iyo aqoontooda cilmiga.

Waxa kale oo Wardheere jaaha saaray kobcinta Jaaliyadda Soomaalida Minneapolis guud ahaan, gaar ahaan sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen jaaliyadaaha kale ee ku dhaqan magaalada iyo gobolka iyo gebi ahaanba Maraykanka.

Cudurka AIDS-ka oo kamida cudurada halista ah ayaa kamida waxyaabaha uu marar badan Wardheere uga digey Jaaliyadda. AIDS-ku wuxuu kamid yahay cudurada aan Soomaalidu aqoon, maadaama uu intabadan ku faafo siyaabo maldahan iyo kuwo siloon.

Wardheere waxa uu si guud uga qaybqaataa baraarujinta Jaaliyada Somaalida Minnesota isagoo toddobaadkasta soo qaata mowduuc kusaabsan waxyaabaha markaas u baahan in laga hadlo ee khusaynkara Jaalaidda [Qoraaladii wardheere halkan ka akhri]. 

Maxamuud Nuur Wardere  wuxuu ku dhashay tuulada B/qooqaani  oo ka tirsan gobolka J/hoose degmada Afmadow taas oo u dhow xudduda kenya iyo Soomaaliya  1967. Halkaas oo uu waxbarashadiisii dugsi quraanka iyo dugsiga dhexe ku soo dhamaystay.  Wardere wuxuu dugsiga sare ka dhigtay Jowhar,qoryooley, iyo ugu danbayntii wuxuu ka qalin jebiyay dugsiga sare ee 15 May.  wuxuu ka baxay machadka SIDAM oo lagu baran jiray  maamulka iyo maareeynta ka dibna wuxuu ka baxay  machadka culuunta duulimaadka ee rayidka oo ku yaalay magaalada Muqdisho halkaas oo uu ku bartay hagida diyaaradaha (Air traffic Control). wuxuu xamar ka qaxay January 10, 1991 dagaalkii sokeeye awgeed ka dibna wuxuu Kismayo ka raacay doon u socoto Mombasa Kenya. Wardere  wuxuu soo degey Minneapolis  Minnesota 1995 bishii August isla markiiba wuxuu galay jaamacadda Metropolitan State University  oo ku taalo Twin Citieska wuxuuna ka bartay cilmiga bulshada. Wardheere waxa uu sannadkii 2001 u tartamay duqa magaalada Minneapolis. [Taariikh kooban ee Wardheere halka ka akhri]. Wardheere waxaa lagala xiriirikaraa mwardere@oakwood.com.

Jaaliyadda Soomaalida Minneapolis waxay ka midyihiin kuwa ugu horumarsan jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan qurbaha, waxaana waayadaan dambe soo ifbaxaya sida ay miisaanka ugu leeyihiin gobolka Minnesota maadaama ay yihiin jaaliyad shaqaysta isla mar ahantaana waxbarta. Waxaa taas dheer inay xagga Ganacsiga ku horeeyaan adigoo arkaya dukaamo, makhaayado,  iyo ganacsiyo ku baahsan Minneapolis.

mpls mplsXafladii xalay waxyaabihii sida weyn dadku ugu muusoodeen waxaa kamid ahaa markii uu qoraa caan ka ah magaalada Minneapolis oo lagu magcaabo David Brauer uu kor u qaaday wiil yar oo uu dhalay, waxana uu yiri "waxaan ka mahadcelinayaa inaad ka dhigteen Minneapolis meel nabad ah si ay carruurtadu ugu korto". David waxa uu ka qaybqaataa qoraalada wargeysyada Newsweek, Chicago Tribune iyo Mpls St. Paul Magazine.

Halkaas waxaa kaaga soo baxaya sida bini aadamku u qiimeeyaan qofka bulshada wax u tara, iyo sida ay uga fekerayaan mustaqbalka carruurtooda iyo gebi ahaanba bulshada ku xeeran. Taas oo ah mid Soomaalidu ka sugeyso madaxda jiilka cusub, iyo weliba iyagoo ka quudaraynaya hoggaamiyayaasha maanta inay u gogol xaaraan nabada umadooda si ay taariikhdu ugu xusto baalka wanaagsan. Waana mid hadda laga sugayo inta u fadhida madasha ELDORET iyo gebi ahaanta inta hoggaanka u haya bulshada. Dabcan qiimayntaas waxaa bixinaya bulshada.

Halkaas ayey kusoo gabagabowdey xafladii oo ay ka hadleen dad aad u tiro badan oo dhammaantood muujinayey sida ay ugu adeegeen bulshada.

Dhammaadkii xafladda waqtigaaban oo aan kula hadlay duqa magaalada Mayor R.T. Rybak waxa uu ii muujiyey sida uu aadka ugu xiisaynayo bulshada Soomaaliyeed. 

Wq. Maxamed Cali (SomaliTalk editor-in-chief)

Minneapolis, MN, USA

webmaster@somalitalk.com 

Nov 15, 2002  

WARARKA KALE EE NOVEMBER -GUJI


OCTOBER | SEPTEMBER  AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DAHABLAHA ANGAR: Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA. Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email: gelle205@homail.com LAXIRIIR: C/Kaafi. HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR 
Kulankii Ardayda Soomaaliyeed
ee dhigta Jaamacadaha Gobolka Minnesota: Jaamacadaas oo keliya waxaa dhigta 150 arday Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in... GUJI 29/9
 Warbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal..
GUJI.. 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD