SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Kulankii Soomaalida Minnesota iyo Labada Murashax ee Aqalka Odayaasha Maraykanka (USA Senate)

Warbixin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2002
Agaasinkii shirka | Qaabka codbixinta | Ololaha cod bixinta | warbixin

Galabnimadii shalay ayey ahayd markii loo ballaansanaa kulan aad loo soo agaasimey, kaas oo lagula ballansanaa labada musharax ee u tartamaya doorashada aqalka odayaasha dalka Maraykanka, kuwaas oo kala ah: (D) Paul Wellstone – oo ah US Senator iyo (R) Norm Coleman – duqii hore ee magaalada St. Paul.

barxad Barxadda ka horeysa goobtii shirka

Kulankani wuxuu qayb kayahay dadaal weyn oo ay Soomaalida ku nool Minnesota ku doonayaan inay codkooda ku gorgortamaan si ay naftooda, tan carruurtooda iyo dadkoodaba wax u taraan.

Goobtii shirka lagu qabanayey markii aan kusoo dhowaadey waxaa ii muuqday tabeelayaal lagu sharaxay aqalka hortiisa kuwaas oo muujinayey magacyada labada musharax, cadceeda oo caad kujirtey iyo cimilada oo degganayd ayaa ka dhigtay barxadda kulanka hortiisa ah meel aad u bilicsan taas oo weliba dhirta ay caleema dhacsaneysey xilliga kala guurka cimilada awgeed (xagaa iyo jiilaal).

Gudaha guriga qolka shirka markaad soo gashid waxaa markiiba ku qaabilaya dhallinyaro kugu hagaya in aad saxiixdid buug loogu talagalay kasoo qaybgalayaasha, waxaana gacanta laguu gelinayaa gal cagaaran oo dusha kaga qorantahay "SOMALI VOTERS" kaas oo ay ku dhexjiraan macluumaad ay ka midyihiin qaabka shirku u dhicidoono iyo qaabka codbixinta. Waxaase markiiba indhahayga soo jiitey waraaq galkaas ku dhexjirta oo cinwaankeedu ahaa: Ololaha Ka Soo Qaybgalka Codaynta

somaliawarqadaas cinwaankeeda ugu horeeya waxa uu ahaa: Waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed, Waxa qoraalkaas ku cad in warbixinta ugu dambeysey ee ay hayso hay'adda gobolka Minnesota u qaabilsan carruurta, qoysaska iyo waxbarashada ay sheegtay in tirada ardayda ay luqadooda koowaad tahay Soomaaliga ay tahay 5,445 [shan-kun iyo afar-boql iyo afartan iyo shan] kuwaas oo wax ka dhigta dugsiyada dawladda. 43% oo ardaydaas ah waxay wax kabartaan dugsiyada dawladda ee Minneapolis, halka tiro kale oo badan ay wax kadhigtaan dugsiyada Rochester, Owatona, St.Paul, Eden Praire iyo Mankato oo dhammaan ka tirsan gobolka Minnesota. [ee qoraalkii www.somalitalk.com/caruurta] sidoo kale eeg "150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota" waxaa halkaas kaaga soo baxaya in gorgortan weyn halkaas kujiro.

Halkaas waxaa kaaga soo baxaya sida ay muhiimad weyn u leedahay midaynta codka Soomaalida Minnesota, si ay u doortaan musharixii ka talinaya danaha Soomaalida. Taasi waxay ahayd tii galabtaas ka muuqatey goobta shirka oo marka aad qolka sii dhexgashid aad arkeysid sida ay Soomaalidu halkaas ugu midaysnaayeen in ay codkooda ku biiriyaan musharaxii goobka kusoo bandhiga ama kasoo  jeediya hadal qancinaya Soomaalida Minnesota isla markaana ballan qaadaya in uu fulinayo ballantaas. Waxaa kale oo halkaas ka muuqatey in Soomaalidu ay si xeel-dheer uga fiirsanayaan taariikhda musharaxyada iyo wixii ay bulshada danyarta ah iyo dadka soo degey Ameerika waayadan dambe ay horay ugu qabteen.
 somalida Norm Coleman oo la hadlaya Soomaalida

Goobta shirka oo ahaa qol aad u weyn oo leh qayb sare oo sida masraxa oo kale ah waxaa daafaheeda ka muuqdey hadba musharaxa markaas hadlayey tabeelayaal uu magaciisu ku qoranyahay oo dhallinyaro Soomaaliyeed ay lulayaan, taas oo sida siyaasiyiin Soomaaliyeed ay muujiyeen noqotay arin kaga fajicisin in badan oo reer Minnesota ah markay arkeen qaabkan sida weyn ay Soomaalidu u soo habeeyeen.

Goobtii kulanka waxaa ka hadlay Soomaali badan oo dulucda hadalkoodu ahaa sidii ay musharaxiinta ugu muujinlahaayeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay codkooda ku biiriyaan musharaxii muujiya kalsooni uu ku qabanayo ballanqaadka uu kulankaan ku qaado.

Soomaalidii halkaas ka hadashay waxaa kamid ahaa Shiikh C/Raxmaan oo sheegay in ay tahay in Soomaalida Minnesota ay codkooda mideeyaan waayo ayuu yiri waxaan ku dhexnool nahay dhulkaan, go'aankana waa naloo gaara maadaama anaan cid kulahayn dadka go'aanka gaaraya, sidaas dareed ayuu yiri waa in aan codkeena hal mid ka dhignaa, oo dooranaa.

Labada Musharax midba mar ayuu kulanka yimid, marka musharaxa koowaad uu warkiisa dhamaystay wuu ka baxay goobta si markaas uu musharaxa kale guriga usoo galo. Marka musharaxu soo galo wuu fariisanayaa markaas ayaa qof Soomaali ahi akhriyayaa taariikhda musharaxa oo kooban oo afsoomaali ah, taas oo markaas musharaxa loo tarjumayo afsoomaaliga. Halkaas waxaa kaaga soo baxaya in marka bini Aadamka afkooda wax loogu sheego ay si xeel dheer uga fahmi ogyihiin hadii loogu sheegilahaa luqad ay barteen.

coleman Norm Coleman oo salaamaya Soomaalida
Kaddib musharaxa ayaa lagu soo dhoweynayaa masraxa, waxaana la weydiinayaa  shan su'aalood oo ay tahay in uu kaga jawaabo haa (YES) ama maya (NO). [Halkan Eeg Su'aalihii laweydiiyey labada musharax]. Kaddibna waxaa musharaxa lasiinayaa waqti uu hadal goobta uga soo jeediyo kasoo qaybgalayaasha.

Su'aalahaas dulucdoodu waxay ahaayeen haddii lagu doorto ma u qabanaysaa Soomaalida Minnesota wixii dan u ah.

Waxaa goobta kulanka hor yimid musharax (R) Norm Coleman, oo kasocda xisbiga Republican ee hadda maraykanka xakuma, waxaa laweydiiyey shantii su'aalood ee diyaarsanaa ee ah kuwa aan kor ku xusay, waxaana uu kaga jawaabey YES, marka laga reebo hal su'aal oo kusaabsanayd laanta socdaalka ee ahayd: Haddii lagu doorto ma la shaqeeyneeysaa beesha Soomaalida isla markaana ma amreeysaa in hay'adda socdaalka (INS) ay joojiso dhoofinta dadka Soomaalida inta Soomaaliya ay ka yeelaneeyso dawlad damaanad qaadi karta amaankooda?. Waxa uu kaga jawaabey in uusan ballaantaas hadda qaadi karin waayo ayuu yiri waa in aan fahmaa sharciyan arimahan, waxase uu ku adkeeyey hadalkiisa in uu dhawrayo xuquuqda aadamiga, waana dhawrayaa ayuu yiri danihiina. Waxana uu Soomaalida u muujiyey in uu ka dhashay qoys ballaaran oo sidaas darteedna uu qiimaynayo arimaha qoyska. Waxana uu hadalkiisii kusoo xirey kelmed Soomaali ah oo ah "Mahadsanidin" taas oo ay Soomaalidii aad ugu sacbiyeen uguna riyaaqeen kuhadalka kelmedaas.

Waxaa cad in ay ahaayeen su'aalo siweyn loogasoo fiirsaday kuwaas oo si toos ah loo weydiinayey isagoo taagan goobta masraxa dhammaan warbaahinta magaaladu ay indhaha kusoo eegayaan, wixii uu halkaas ku ballaan qaadona ay tahay in uu fuliyo. Hadalkaas iyo ballan qaadkaas ka bacdi Norm Coleman wuxuu sidii la qorsheeyey uu horay uga sii baxay goobtii shirka

Cabbaar kabacdi waxaa goobtii kulanka soo galay musharaxii ka socdey xisbiga dimoqraadiga (D) Paul Wellstone. Durbadiiba kursigiisii ayuu fariistay si looga warbixiyo taariikhdiisa, kadibna waxaa lagu soo dhoweeyey madashii hadalka.
Paul Wellstone Paul Wellstone oo kujawaabaya HAA...

Waxaa Soomaalidii kaga yaabiyey kaddib markii su'aashi u horeysey la weydiiyey ayuu durbadiiba lasoo boodey HAA. Dadkii goobta joogey oo dhan ayaa halmar sacab iyo sawaxan u riyaaqid ah isku daray, waxayna kasii dareen kaddib markii uu su'aal kasta oo la weydiiyey uu kaaga jawaabey HAA... waa halkii laga sugayey YES, maadaama su'aalaha lagu weydiinayey afkiisa Ingiriiska, laakiin uu weecday in uu kaga jawaabo afka Soomaalida maadaam ay Soomaalidu yihiin kuwa leh codka lagayaabo inuu wax weyn ka bedelo siyaasadda gobolka iyo xataa Ameerika, maadaama uu musharaxii halkaas kasoo baxaa uu fadhigiisu noqon doono Aqalka Odayaasha ee Maraykanka.

Halkaas weeye meesha warbaahinta Minnesota ka dheheen labadii musharax waxay ku dagaalameen afSoomaali, maadaama mid isticmaalay kelmedda "Mahadsanidin" kan kalena kelmedda "HAA" oo labaduba afsoomaali ah.

Su'aalihii laweydiiyey iyo jawaabihii uu Paul Wellstone bixiyey kaddib waxa uu halkaas kasoo jeediyey hadal uu Soomaalida ugu muujinayo sida uu diyaarka u yahay in uu kala shaqeeyn dono danohooda. Taas in inbadan oo Soomaali ah oo goobjoog ahaa ay u riyaaqeen qaabka uu u ratibay hadaladii uu usoo jeediyey Soomaalida madasha kasoo qaybgashay. Waxaana muuqatay in uu khibrad weyn u lahaa Soomaalida maadaama uu 12-sano soo ahaa xildhibaan ka tirsan aqalka odayaasha isagoo metelayey gobolka Minnesota.

Paul Wellstone Paul Wellstone oo kasii baxaya madasha.

Paul Wellstone waxa uu sheegay in uu qaddarin u hayo dadka Soomaalida ah.

Waxaa galabtaas goobta ka muuqdey in Soomaalidu ay ka midaysan yihiin in ay codkooda siiyaan musharaxii ay u arkaan in uu yahay mid ka jibakeenaya ballantiisa, taasina waxay caddaan doonta November 5, 2002 oo ah maalinta doorashada la qabandoono. 

Waxaa cad in Soomaalida deggan gobolka Minnesota ay kamid yiiin jaaliyadaha Soomaalida qurbaha kuwa tiro ahaan ugu badan, waxaana soo shaac baxaya ifafaalo muujinaya in ay noqonayaa kuwa tayo ahaana ugu fiicaan doona haddii ay maskaxdooda mideeyaan iyagoo eegaya waxa maslaxad u ah jaaliyada aadka u fideysa. xagga aqoonta, waxbarashada, shaqada, isku xirnaanta iyo ilaalinta nidaamka qaranka, isku dubnaanta iyo kala dambaynta ayaa noqon doono kuwa lagu cabiri doono Soomaalida gobolkan ku dhaqan, taas oo ay markaas hormuud ugu noqonkaraan Soomaalida gebi ahaanba ku nool qurbaha:- waa hadii sidaas ay galabta u garteen qiimaha midnimada ay halkaas kasii xoojiyaan.

Markii uu  Paul Wellstone madasha soo galay ayaa waxaa dhallinyaro Soomaaliyeed bilaabeen in ay qaybiyaan warqad laba bog ka kooban oo Afsoomaali iyo af ingiriis ku qoran, bogga afka Soomaaliga waxaa cinwaan u ahaa "Senator Wellstone: U dedaalayaa Una aadeegayaa immigrant-ka Afrikaanka ah",  koobi warqadaas ah ka eeg halkan.

Labada musharba waxay qireen in Soomaaliyo ay yihiin dad aad muhiim u leh.

Soomaalidii kulanka ka hadlay waxaa kamid ahaa Siciid Saalax, isagoo soomaalida ku boorinaya in ay codkooda mideeyana wuxuu soo jeediyey hadal aad u xigmad badnaa oo uu u dhigay sidan:

  • War la helyaa Talo la hel
  • Talo la helyaana Tiro la hel
  • Tiro la helyaana Cod la hel
  • Cod la helyaana Aqoonsi la hel
  • Aqoonsi la helyaana taladaada iyo dantaada la hel

Kaddibna waxa uu Siciid Saalax wuxuu hab suugaaneed kusoo bandhigay qaabka ay tahay in qofku isu diiwaan gelinayo si codbixnta uga qayb qaato, taas oo haddii waqtigii diiwaan gelinta uu dhaafay ay furantahay in maalinta cod bixinta la is diiwaan geliyo.

 

Picture 025.jpg (154739 bytes) Xasan Jaamici


Waxaa kale oo goobtaas ka hadlay Xasan Jaamici oo ah qareen Soomaaliyeed oo sheegay in dhibaatooyin badan ay soo gaaraan dadka Soomaalida ee ku dhaqan maraykanka kaddib September 11. Isagoo dhibaatooyinkaas qaar kamida xusaya waxa uu yiri waxaa iigu naxdin badnaa markii aan FAX ka helay Soomaaliya kaas oo sheegayey in wiil kamida kuwii laga tarxiilay Maraykanka ee lagu celiyey Soomaaliya inta la qafaashay lagu diley Soomaaliya. Waxa kale oo uu ka hadlay habka loo yaqaan "Profile" kaas oo ah in dadka loo diiwaangeliyo si gooni ah. Waxa kale oo uu xusay wiil booqaney hooyadiis oo joogta Ingiriiska markii uu kusoo laabtay Maraykankana la xiray. Waxa uu arimahaas toos ugu sheegayey musharaxa Paul Wellstone oo markas hortiis fadhiyey. Taas oo weliba uu ku daray hadal uu ku sheegayo sida ay soomaalidu ganacsiga magaalada qayb dhan ugu soo kordhiyeen, waxana uu yiri bal eeg Lake iyo Cedar (waa laba wado oo ganacsida Soomaalidu ku badanyihiin)

 
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967

Soomaalidii kale ee kulanka ka hadlay waxaa kamid ahaa Ra'iisul wasaarihii hore Soomaaliya (14 Jun 1964 - 15 Jul 1967) , Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, isagoo Soomaalida dhiirigelinayana waxa uu yiri "Soomaalidu ha u codeyaan cida ay u arkaan in ay dantooda waddo". isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu siweyn ugu guubaabiyey Soomaalida in ay codkooda mideeyaan siiyaana meesha danooda ah.

 Cabdirisaaq waxa uu xusay in "xisbiga Dimoqraadiga lagu tilmaamo in uu ka hadlo u danaynta dadka dan yarta ah halka xisbiga Republicanka lagu tilmaamo dadka qaniga ah".

Cabdirisaaq oo siweyn u muujinaya kalsoonida uu ku qabo Soomaalida Minnesota ayaa ku adkeeyey muhiimadacodka oo la mideeyo. 

Waxaa hadda ballantu tahay November 5, 2002 oo sida aan kor ku xusnay ay doorshadu dhici doonto, taas oo la filayo in Soomaalida Minnesota ay wacdaro ka muujinayaan. Hadaba  haddii aad tahay ama haysatid dhalasha Maraykanka ha moogaan maalintaas halkana ka akhri qaabka cod bixinta.

In badan oo Soomaali ah ayaa goobta ka hadlay gunta hadalkooduna wuxuu ahaa sidii hal cod ay Soomaalidu u yeelanlahaayeen, taas oo sida qoraalkan ka muuqata marar badan lagu soo celceliyey. Warbaahinta magaaladuna aad ayey uga hadleen kulankaas Soomaalidu la yeesheen musharaxiinta aqalka sare ee Maraykanka. Waxaana warbaahintu qireen in Soomaalidu gacan siin doonaan kii ku guulaysta jagadaas.

 
somalia Maxamuud Shafi iyo Xuseen Samatar

Shaafi waxaa lagala xiriiri karaa:
Email: shaafka@yahoo.com  
Tel: 952.220.2246


Gabagabadii shirka, waxaan kulan gaar ah la yeeshay Maxamuud Shaafi iyo Xuseen Samatar oo  kamida qabanqaabiyaasha shirkan si ay iigaga waramaan qaabka ay u soo agaasimeen shirkan. Maxamuud oo warbixin arintaas iga siinayana waxa uu yiri bishii May 2002 ayey firkrada shirkani soo bilaabatay, taas oo asal u ahayd sidii lo heli lahaa cod midaysan oo ay leeyihiin Soomaalidu. Muddo kabacdi cilmi baarisyo dheeraad ah oo la sameeyeey, arimo badan oo dhinacyo badan laga eegay kaddib ayaa la qoondeeyey in kulan lal ayeesho labada musharax, kaddib waxaa loo diray casumaad, waxaana markii hor aqbalay Paul Wellstone, kaddibna Norm Coleman. 

Waxa uu Maxamuud ii sheegay in arintaan qabanqaabada oo socotey muddo lix bilood ah ay ka qayb qaateen  culimaa'u diinka iyo aqoon yahanada Soomaaliyeed ee deggan gobolka Minnesota, kaas oo guusha galabta ka muuqata ay ahayd natiijadii kasoo baxday. Warbixintii Maxamuud Shafi oo faahfaahsan  ka akhri halkan.

Shaafi waxa kale oo uu SomaliTalk u sheegay in qorshahan midaynta codka Soomaaliyeed uusan ku koobnayn shirka maanta balse uu noqon doono mid joogta inta ay dad Soomaali ah ku nool yihiin cariga Maraykanka.

Talo, tusaale iyo ka qayb qaadashada qorshahan codaynta waxa lagu hagaajinkaraa Maxamuud Shaafi oo laga xiriiri karo  Email: shaafka@yahoo.com Tel: 952.220.2246.

Waxa kale oo jira kulan dhexmaraya Soomaalida iyo musharaxa governor-ka  oo lagu magcaabo Tim Penny oo kasocda xisbiga Independent Part, kulankaas oo October 21, 2002 ka dhici doono Brain Coyle Center, sida uu uu sheegay Shaafi. [halkaas dib ayaan u saxay].

Maxamuud Nuur Wardheere

Ugu dambayntii waxaan lakulmay Maxamuud Nuur Wardheere oo kamid ahaa agaasimayaasha shirka, waxana uu ii sheegay in shirkani uu ku dhamaaday guul, isla mar ahaantaan ay labada musharaxba aa ula cajaa'ibeen qaabka loo soo habeeyey shirka, iyagoo sida uu Wardheere ii sheegay aysan filaneyn shir noocaan oo kale ah.

Maxamuud Wardheere waa musharaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis, taas oo mar sii horeysey uu Duqa magaalada Minneapolis ee hadda uu kula kaftamay erayadan "Iska Sabir Sanadka soo socda ayaad heli doontaa mayor-nimo" . Waxaa dhici karta in ay maalin rumowdo in Soomaalidu ay noqdaan duqa magaalada, kubiiraan aqalka sare ee odayaasha, ama derejo ka saraysa haddii ay sii wadaan midnimda ay maanta halkan ka muujiyeen, Allahna u tala saartaan ficil kasta.

Maxamuud wardheere warbixin uu ka diyaariyey  shirka  ka akhri halkan

Doorashadan hadda taagan ee labada musharax, codbixin ay bishan 19keedii qaaday jariidad kasoo baxda Minneapolis, oo lagu magcaabo Star Tribune , oo weydiisey 1,048 qof oo lagayaabo in ay cod bixiyaan ayaa waxa uga soo baxay in 47% ay dheheen waxaan taageersanahay Wellstone, halka ay 41% ka dheheen waxaan taagersan nahay Coleman. Sida ka muuqata cod bixintaas aad ayey isugu dhow yihiin, halkaas waxaa kaaga soo baxaya sida codka Soomaalidu ku yeelankaro muhiimda weyn oo wax bedelikara, waa hadii uu yahay HAL COD.

Gabagabadii ha u dayma la'aan doorashadan iyo November 5, 2002 - eeg qaabka iyo shuruudaha codbixinta soomaali.

Agaasinkii shirka | Qaabka codbixinta | Ololaha cod bixinta

_______________________
Waxaa isku soo dubaridey
Maxamed Cali
webmaster@somalitalk.com 

SomaliTalk.com | Oct 20, 2002

Soomaalida Minnesota oo horumar wayn oo xagga siyaasadda ku talaabsatay
Waxayna isku Ballansadeen midayn codkooda ee doorashada November 5, 2002 kadhacaya USA... GUJI

ELDORET: Taxanaha Wararka   om

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD