SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LACAG
MARAYKANKA MA KASOO BAXDAY LACAG TAARIIKHDEEDU TAHAY 2004
Qore: Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA| Dec 6, 2003

"Waxaa Soomaaliya Soo Gaartey Lacag Ciiro leh oo aan la garanayn" Sidaas waxaa yiri Ganacsade Soomaaliyeed oo ka welwelsan lacagtaas.

Lacag ay ku qoran tahay 2004 oo Maraykan ah ma lasoo saaray? Sidaas waxaa ku bilowday Email la iiga soo diray Soomaaliya. Waxaan ugu jawaabey in ay jirto lacag $20 doolar ah oo soo baxday. Markaas emailka la iisoo diray ma aanan hubin taariikhda lacagta ku qoran, waayo in kasta oo aan lacagtaas cusub arkay haddana markaas ka hor uma fiirsan taariikhda ku qoran. Waxaanse xaqiiqo raadis ka dib emailkii jawaabta ahaa ku daray in $20-ka doolar ay ku qoran tahay 2004. Waxana uu qofkii emailka isoo weydiinayey markale ii soo sheegay in "Dadka Soomaaliya jooga ay aaminsan yihiin in lacagta doolarka Maraykanku ay kusoo hormarto Afrika inta aysan gaarin dadka Maraykanka ah". Waxana uu intaas raaciyey "Waxaa Soomaaliya soo gaartey lacag ciiro leh oo aan la garanayn".


waa dhanka Wajiga ee $20-ka doolar ee cusub, waxaa ku qoran series 2004. (Xusuus: khadda cas oo ay ku qoran tahay SPECIMEN waxay tilmaameysaa in sawirkani uu yahay tusaale]

Waa dhanka gadaal ee $2o-ka doolar, waxaa dusha kaga daadsan qoraal ay ku qoran tahay 20, waxaana ku sawiran aqalka cad ee Maraykanka.
Waxay taasi isoo xusuusisay in maalmihii lacagta $20-ka doolar ah ay soo baxday in aniga oo kujira dukaan uu qof kale oo halkaas wax ka iibsanayey uu ninkii dukaanka gadayey siiyey lacag u badnayd $20-ka doolar ee cusub, isla markiiba ninkii dukaanka gadayey waxa uu yiri "waa maxay lacagtani, ma aha lacag aan hadda ka hor arkay'e". Qofkii lacagta watey ayaa ugu jawaabey "hadda ayaan makiinada bangiga ka soo bixiyey oo waa lacag cusub". Ninkii dukaanka gadayey ayaa aniga iyo dhawr qof oo kale oo dukaanka wax ka iibsananyey nasoo fiiriyey asagoo la yaaban lacagtan cusub, oo malaha jawaab naga sugayay, waxaa loogu jawaabey: "Xayaysiiska ayaan ka aragnay in ay lacag cusub soo baxday".

Ninkii dukaanka gadayay waxa uu kalsooni ku qabey dawladiisa oo uu ogyahay in ay shacabka ka ilaalineyso in aysan ku dhex faafin lacag been-abuur ah, sidii ayuuna lacagtii ku aqbalay.

Haddaba maadaama aysan Soomaaliya ka jirin dawlad si rasmi ah baaritaan ugu samayn karta lacagaha wadan soo gala, isla markaasna ay lacagta doolarka Maraykanku hadda tahay midda ugu badan ee sayladaha Soomaaliya wax looga kala iibsado, ayaan qormadaan usoo diyaariyey si ay shacabka Soomaaliyeed ay ugu baraarugaan xaqiiqada rasmiga ah ee $20-ka doolar ee kasoo baxday U.S.A oo taariikhda ku qorani ay tahay 2004.

Dadka Maraykanka oo Lagu Wargeliyey Lacagta Cusub

Bishii May ee sannadkan 2003 ayaa dadka Maraykanka lagu wargeliyey in bisha October ee 2003 ay soo bixi doonto $20 doolar oo midab cusub lagu naqshadeeyey, warkaas oo lagu faafiyey warbaahinta U.S.A si ay dadka Maraykanku ugu sii baraarugaan lacagtaas cusub.

Markii lasoo gaarey October 2003 ayaa waxaa telefeshinada Maraykanka markasta oo aad furtid waxaa kasoo baxayey xayaysiis tilmaamaya $20 doolar oo cusub. Lacag aad u tiro badan ayaa dawladda Maraykanku ku bixisay in ay dadka Maraykanka u sheegto in lacagtaasi ay soo baxday.

$20-ka doolar waxaa si rasmi ah usoo saaray wasaaradda Kaydka iyo Maaliyadda ee dawladda Maraykanka, waxayna si rasmi ah u hirgashay 9kii Octoobar 2003, sida ku cad war-saxaafadeedka ay wasaaradu faafisay.

"Lacagtii ugu ammaansanayd taariikhda Maraykanka ayaa maanta (9kii Octoobar 2003) kusoo biirtay dhaqaalaha, $20 doolar oo naqshad cusub iyo midab cusub loo sameeyey ayaa waxaa soo saaray dawladda dhexe Qaybta u qaabilsan kaydka" ayaa war-saxaafadeedku ku bilowday.

Waxaa war-saxaafadeedkaasi si cad u sheegay in 9kii Octoobar ee 2003 ay ahayd maalintii ugu horeysey ee lacagtaas $20-ka doolar ah ay gaartey Bangiyada Maraykanka iyo dhammaan dalka oo dhan: gees ka gees. Waxaana warku intaas ku daray in laga yaabaa in lacagtaasi ay ku qaadato dhawr maalmood ama dhawr toddobaad in ay wada gaarto dalka oo dhan. Lacagtan $20-ka doolar ee cusub waxa uu garab socon doonaa $20-kii doolar ee hore ilaa kaas hore uu calal noqdo oo sidaas suuqa uga baxo.

"Lacagta midabka cusub waxa ay suuqa gaari doontaa maanta (October 9, 2003)" sidaas waxaa yiri Tom Ferguson, oo ah ayaagsimaha waaxda qaybta maaliyadda u qaabisal daabacaadda lacagta. "Tani waa baal cusub sababta oo ah waa markii ugu horeysey ee taariikhda cusub ee Maraykanka la sameeyo lacag aan midabkeedu ahayn madow iyo cagaar, waxaana taas kasii muhiimsan in lacagtani ay tahay tii ugu aammaansanayd lacagta Maraykanka weligeed, si looga hortago kuwa lacagta been-abuurka ah sameeya ama macmala"

"$20-kii doolar ee hore waxa uu ahaan doona mid suuqa ku jira oo sax ah oo la adeegsan karo" sidaas waxaa yiri Marsha Reidhill oo ah kalkaaliyaha agaasimaha guddiga dawladda dhexe u qaabilsan kaydka lacagta caddaanka ah. Ha noqoto labaatkii doolar ee hore ee caanka ku ahaa cagaarka iyo madowga, ama ha noqoto labaatanka cusub, labaduba waa lacag sharciyan u jirta, waxaana muhiim ah in markasta la xusuusnaado in labada lacagoodba ay yihiin kuwo weligoodba sharci ahaan u jira.

Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in ganacsatada Maraykanku ay dalbadeen in ka badan 37 million oo ah waxyaabaha dadka lagu tababaro sida waraaqaha waaweyn ee xayaysiiska ah ee derbiyada lagu dhejiyo, fiidiyow iyo CD, si ay ugu tababaraan dadka ka shaqeeya lacagta caddaanka ah, si ay u bartaan siyaabaha lagu garan karo lacagtan cusub.

Waxaa warku intaas ku daray in $20-ka doolar ee cusub loo suuq geynayey adduunka dabayaaqadii Octoobar 2003, gaar ahaan wadamada sida weyn looga adeegsado lacagaha Maraykanka, sida Ruushka iyo wadamada Laatiin Ameerika.

Lacagta Cusub waa Mid Ka Ammaansan Lacagihii hore
(1) Dunta Ammaanka: Si fiican u fiiri dunta ammaanka ee balaastiga ah ee ku dhex jirta lacagta, taas oo laga arki karo labada dhinac ee lacagta. Waxa kale oo halkaas ku dhex jira calan yar iyo kelmedaha "USA TWENTY"
(2) Khad midab keedu is bedelayo: Lacagta u janjeeri kor iyo hoos, waxaad arki doontaa in khadda ka muuqata tirada "20" ee dhanka hoose ee midigta xiga uu midabkeedu iska bedeli doono midabka maarta (copper) oo uu isu bedeli doono midabka cagaarka (blue), kaddibna uu midabkii kusoo noqon doono midabkii maarta (naxaas).
(3) Sawir Lacagta ku dhex samaysan: Lacagta ku eeg iftiin ama dhanka kale kaga soo ifi nal, waxaad arki doontaa sawir ku dhexjira kaas oo la mid ah sawirka weyn ee lacagta ka dhex muuqda, waxaana laga arki karaa labada dhinac ee lacagta.

lacag
Eeg Sawirka oo Weyn: Wajiga Lacagta   | Dhanka Gadaal ee Lacagta

Waxa ugu weyn ee lacagta $20-ka doolar ee cusub ay kaga duwan tahay tii hore waa midabada khafiifka ah ee cagaarka , jaalle guduud xigeenka ah iyo buluugga (green, peach & blue)

Waxaa qorshaha ku jira in $50 doolar oo cusub oo naqshad cusub leh lasoo saari doono sannadka 2004, halka la qorshaynayo in $100-ka doolar oo naqshad cusub leh lasoo saaridoono 2005. Lacag kastana waxaa loo samayn doonaa midab ka duwan tan kale ($50-ka doolar waa ka midab duwanaan doonaa $100-ka doolar) taas oo caawini doonta in ay si fudud u kala garan karaan dadka aan indhaha si fiican wax uga arkin. Waxa kale oo laga fekerayaa sidii naqshad cusub loogu samayn lagaa $5-ta doolar iyo $10-ka doolar, laakiin dib u naqshadayn laguma samayn doono $1-ka doolar iyo $2-da doolar.

In kasta oo aysan ahayn in dadweynuhu ay midabka oo keliya ku xaqiijiyaan in lacagtu ay sax tahay iyo in kale, (eeg qaybta ammaanka ee hoos ku qoran), haddana midabka cusub waxa uu lacagta ka dhigayaa mid aan si fudud loo been-abuuri karayn ama loo macmali karin.

Dawladda Maraykanku waxay naqshad cusub u samaysaa lacteeda 7dii ilaa 10kii sanoba mar.

$20-ka doolar ee cusub waxaa uu guud ahaan u eg yahay lacagtii hore marka laga eego xagga cabirka oo uu la mid yahay $20-kii hore, isku si ayaana loo isticmaali karaa, mana kala qiime liitaan oo waa isku qiime, xagga hore ama Wajiga lacagta waxaa kaga sawiran sawirkii Andrew Jackson oo $20-kii horena ku sawirnaan jirey laakiin waa la casriyeeyey, sawirka cusub kuma dhex jiro goobadii ku wareegsanaan jirtii sawirkii $20-kii hore. Xagga dambe ama Gadaal waxaa kaga sawiran aqalka cad ee Maraykanka, waxaana ku firirsan tirada 20 oo midabkeedu yahay huruud khafiif ah. Lacagta cusub waxaa kujira calaamada xoriyadda - gorgor midabkiisu cagaar yahay oo ku dhex jira lacagta iyo gorgor qalin ah oo midabkiisu cagaar yahay iyo gaashaan dhanka midig ka xiga sawirka Jackson iyo qoraalka "Twenty USA/USA Twenty."

$20-ka cusub waxa uu lacagtii hore ee soo baxday sannadihii 1990-naadkii la wadaagaa saddex arimood oo la xiriira xagga ammaanka, kuwaas oo si fudud lagu tijaabin karo (in lacagtu tahay sax ama faalso), waana:

- Sawir Ku dhex samaysan lacagta: Sawir weyn oo la mid ah sawirka Jackson ayaa ku dhex samaysan lagacta , kaas oo laga arki karo labada dhinac ee lacagta marka iftiin lagu fiiliyo ama dhanka kale lagaga soo ifiyo nal.

- Dunta ammaanka: Dun Balaastig ah oo ku dhex jirta lacagta ayaa sida xarriiqda ugu dhereran gudaha lacagta, waxaana laga arki karaa labada dhinac, waxaana duntaas ku dul qoran "USA TWENTY" iyo calan yar oo xarriiqda la socda, taas oo laga arki karo labada dhinac ee lacagta marka lagu fiiriyo iftiin ama nal.

- Midab is-bedelaya: Halka ay ku qoran tahay "20" ee dhanka hoose ee midigta xiga waxa midabkeedu iska bedelayaa naxaas wuxuuna isu bedelayaa cagaar (copper - green) waa marka lacagta la qalloociyo. Midabkaas oo aad isu bedelaya si cajaa'ib ah.

Hababkaas sare oo aad ugu adag kuwa lacagta macmala awgeed, iskumaba dayaan in ay sameeyaan, ayaa war saxaafadeedku ku dartay, laakiin waxay rajaynayaan kuwaas lacagta macmaala in aan dadweynuhu iska fiirin doonin lacagta.

Kuwa Lacagaha Been-Abuura oo Kordhay Aaladda Casriga ah awgeed

Maalmo yar kadib markii ay soo baxday $20-ka doolar ee cusub, waxaa warbaahinta Maraykanku sheegtay in ay suuqa soo gashay lacag been-abuur ah. Taasi waxay kuu tilmaameysaa in ay tahay markasta in qofka ganacsadaha ahi fejignaan dheeraad ah siiyo lacagta caddaanka ah ee soo geleysa.

Kuwa lacagaha been-abuurka ah sameeya waxay waayadaan dambe aad u adeegsadaan qalabka casriga ah ee loo yaqaan 'Digital", maadaam aaladaasi casriga ah ee horumartay ay kuwa lacagta been abuura u fududayn karto in ay lacgta sameyaan, alaadaas oo weliba riqiis ah. Tusaale ahaan sannadkii 1995 in ka yar boqolkiiba hal lacagaha been abuurka ah ee laga helay US waxaa lagu sameyey aalada Digital-ka. Sannadkii 2002 tiradaasi waxay gartey ilaa boqolkiiba 40, sida ay sheegtay qaybta sirdoon ah oo qaabilsan la dagaalanka lacagaha been-abuurka ah oo Maraykanka laga asaasay 1865.

Sidaas oo ay tahay, oo weliba kuwa lacagaha been-abuurka sameeyaa ay taas isku deyayaan, hadana lacagta Maraykanka ee la macmalo waxaa lagu qiyaasay in ay aad u hooseyso, taas oo lagu qiyaasay inta u dhexaysa boqolkiiba 0.01 ilaa 0.02 ama 10,000 lacag sax ahba 1-2 been abuur ah, ayey war saxaafadeedku kusoo gabagabeysey. Si aad wax badan uga ogatid $20-ka doolar ee cusub soo booqo shabakada dawladda Maraykanku ay u samaysay lacagta ee cinwaankeedu yahay: www.moneyfactory.com/newmoney.

Codbixin la sameeyey ayaa dadkii codka bixiyey boqolkiiba 87% ay sheegeen in fikradda samaynta lacagtan cusubi ay ahayd mid wanaagsan, halka boqolkiiba 13% ay ka yiraahdeen fikradaasi ma wanaagsanayn, tiradaasi waa markii aan qoraalkan qorayey Dec 4, 2003.

Markii ugu dambeysey ee naqshad cusub loo sameeyey lacagta Maraykaanka waxay ahayd sannadkii 1996 markaas oo la sameeyey $100-ka doolar ee marka xagal loo jarjeeriyo ay ka muuqaneyso khad midab madow, marka xagal kale loo janjeeriyona ay ka muuqaneyso khad midabka cagaaran, iyo calaamad gudaha kaga jirta oo la arki karo marka iftiinka lagu eego, iyo calaamada dunta ah ee sida fiilada oo kale ugu dhex jirta oo labada dhinacba ka muuqaneysa - kuwaas oo lacagta cusubna laga heli karo.

Lacagaha kale ee sidaas oo kale ah waxaa kamid ah: $50-ka doolar ee soo baxay sannadkii 1997-kii, $20-ka doolar ee soo baxay 1998, iyo $5-ta doolar iyo $10-ka doolar ee soo baxay sannadkii 2000.

Qiimaha iyo wanaagga ay leedahay lacagta waddanku waxay laf-dhabar u tahay wanaagga dhaqaalaha. Si loo wanaajiyo qiimaha ay leedahay lacagtu waa in aan ogaanaanaa oo qiimayn siinaa lacagta sharciga ah anagoo meesha ka saareyna lacagta la been-abuuri karo, sidaas waxaa yiri Alan Greenspan oo ah guddoomiyaha dawladda dhexe ee Maraykanka u qaabilsan kaydka.

Halkaas waxaa kaaga soo baxay in marka uu wadan leeyahay dawlad ay tahay in dawladaasi ku dadaasho sidii ay lacagteeda uga dhigi lahayd mid dunida oo dhan laga qadarinayo, taas oo fure u noqon karta koboca dhaqaalaha ee dalkaas, korna u qaadeysa miisaanka lacagtaasi ay ku leedahay sayladaha adduunka.

Ugu dambayntii, maadaama aysan Soomaaliya hadda kajirin dawlad u heellan ka hor tagga lacagaha been -abuurka ah, waxaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed la gudboon in ay si dheeraad ah u feejignaadaan, iskana hubiyaan lacagaha ay qaadanayaan.

Eeg Sarifka Lacagaha Adduunka

Qore: Maxamed Cali | Minneapolis, Minnesota, USA
Faafin: SomaliTalk.com | December 6, 2003

ISHA:


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD