Muslimiinta Burma oo Sadex Sano Loo
Diiday Guurka!!!

Muslimiinta Lagu
Dhibaateeyey Burma... |
Hordhac:::
- "Dhibaatada lagu hayo
dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Burma oo waxaa
kamid ah in loo diido waraaqaha dhalashada, lagu
cadaadiyo in aysan safri karin iyo in laga xanibo guurka
waxay ku mutaysteen Diinta Islaamka oo ay haystaan"
Sidaas waxaa qoray ururka
Zakat Foundation.
- Burma waa dal ku yaal
Koonfur-Bari Aasiya, waxana dhinac kaga xeeran badda loo
yaqaan Andaman iyo khooriga Bengal. Waxaana xad
wadaagaan dalalka Bangladesh, China, India, Laos, iyo
Thailand.
- Gobolka Arakan (ee
Burma) waa gobol taariikh dheer ku leh Islaamka, waxaa
la weriyey in saxaabigii Abuu Waqaas (RC) uu tegey
gobolkaas sannadkii 618 A.D. Kaddibna ay tageen
Muslimiin badan. Ugu dambayntiina markey taariikhdu
ahayd 1430 waxa gobolkaasi noqday gobolka Islaamku xoog
ku leeyahay kaddib markii uu qabsaday
Sultan
Caladdin Muhammad (Banga), kaddib markii uu jebiyey
Buddhista-yaashii Burma. Waxaana gobolkaas isaga
dambeeyey xukunka 48 Sultaan oo Muslimiin ah.
-
Sannadkii 1982 ayaa xukunka Militariga Burma ee uu
madaxda ka yahay Ne Win waxa uu dhalashadii Burma ka
xayuubiyey dadka Muslimiinta ah ee deggan gobolka
Arakan. Waxaana lagu
dhawaaqay in Muslimiinta Arakan ay yihiin dad aan dal
lahayn. Arrintaas oo noqotay meesha ay ka bilabatay
ciqaabta ugu daran ee lagu hayo Muslimiinta Burma.
- March 15, 1997
ayaa Buddhistayaal qamaamsani waxa ay burburiyeen 12
Masaajid oo ku yaal magaalada Mandalay, waxaana la
dhaawacay Muslimiin farabadan, kaddib markii suuqa lagu
faafiyey sheeko kutiri kuteen ah oo ah in Muslim uu
kufsaday gabar Buddhist ah oo dhawr iyo toban-jir ah.
Shan maalmood ka dib isla madaxweyntii Budiistaha ayaa
burburriyey afar Masaajid oo ku yaal magaalo ku dhow
magaaladii masaajida badan laga burburiyey, waxayna isku
dayeenin ay galaan Masjidka Jaamaca iyo 12 masaajid oo
kale iyadoo salaad Jimce lagu tukanayo, laakiin baqdin
ay ka baqeen Allahu Akbar kasoo yeereysey ayey iskaga
laabteen.
- Magaalooyin badan ayaa
laga mamnuucay in aan Muslimiintu geli karin, waxaana
laga dhacay maalkoodii, guryohoodiina looga saaray dad
Buddhiste ah.
Warbixin:::
Haddaad Daawato ama
daalacato ama aad dhagaysato Saxaafada aduunka ee kala duwan,
malayaabi lahayd hadii aad maqasho in guurka loo diiday
casrigaan aan joogno dad inaga oo kale ah, waxaa lagu soo
daabacay website-ka Islamtoday.net in dad islaama guurka loo
diiday laguna hayo dhibaato kale taasoo sababi karta inay
sinadu ku faafto, cawaaqib xumadeedana ay la kulmaan, inay
dhamaadaan ama ay ka diciifaan diintooda dhibaatada soo
gaaraysa daraadeed amaba ay mudo dheer kusoo jireen iyadoo
Aduunku iyo Muslimiintuba ka dhaga la yihiin.
Sidaan ayuu qoraalkii uu
daabacay islamtoday.net isagoo turjuman waa kan::
Muslimiinta Burma oo
sadex sano loo diiday Guurka!
Waxay sii waddaa Xukuumadda
Buudistaha ah ee Burma ciriiri galinteeda daran ee ay
Muslimiinta kuhayso.
Magaalada Arakan waxay soo
saartay xukuumadda Buudistaha go'aan guurka loogu diidayo
sadex sano Muslimiinta, ilaa uu kayaraado taranku sinaduna
dhexdooda ku faafto, Xukuumadu waxay u dajisay shuruud adag
Muslimiinta guurkooda mudo toban sanadood ah, ilaa ay
gaartay inay Laaluush badan bixiyaan si guurka loogu ogolaado..!!
Sida ay horay u go'aamisay
xukuumada Buudistuhu diidmada Muslimiinta inay dhamays
tirtaan waxbarashada, iyagoo aan loo ogolayn inay galaan
Jaamacaadka, Macaahida Sare, sida aan loogu ogolayn inay
dibada wax kusoo bartaan.
Waxay uga dan leedahay
xukuumada Burma arintaan inay faafto jaahilnimada iyo indha
la'aanta Muslimiinta laqasbay dhexdooda, ilaa ay ka noqdeen
kuwa ka danbeeya dhinac kasta, kaas oo sahli kara inay ka dabar go'aan wadanka.
waxay sii wadaa Xukuumada
Buudistaha ciriirigalinta dhaqaalaha ee Muslimiinta, iyadoo
kor loo qaaday qiimaha waxyaabaha nolol maalmeedka ah ee
aan laga maarmi karin si aan caadi ahayn magaalooyinka
Muslimiinta, arintaasina waxay keentay xaalad adag oo sababi
karta Macaluul.
Dhinaca kale xukuumadu
waxay hirgalisay Mashruuc dadka Muslimiinta ah xoog loogala
wareegayo dhulkooda iyo inay u cayrisay cadad badan oo
Mulimiinta ah wadanka dibadiisa, sida' Bangaladhaysh, Tayland,
Malaysiya, Pakistaan iyo Sucuudiga, dadkaas oo lagu qadaray
tiradooda 2,000,000 (laba millyan) oo muslim ah.
Waxaa lagu qiyaasaa dadka
Muslimiinta ah oo kunool Arakan iyo Burma 10,000,000 (toban
Millyan). Guud ahaan tirada dadka ah ee ku dhaqan Burma
waxaa lagu qiyaasay 42 millyan.
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Sept 19, 2005
|