CIRAAQ &
DAGAALKA MAREYKANKU LA DAMACSAN YAHAY
Waxa diyaariyay: Shariif
Macallin Maxamed
shariif55@yahoo.com
Muqdisho---Somalia
Qoraalkaan waxaa la
diyaariyey Isniin 16 Sep 2002
Waxaana la faafiyey March 18 March 2003
 |
 |
Bush |
Sadam |
Waxaa maalinba maalinta ka
danbeysa isa soo taraya goodiga iyo hanjabaada Mareykanka ee ku aadan Ciraaq,
mana qarsan xukuumada ka arimisa Aqalka Cad ee Mareykanka xiligan sida ay
uga go’an tahay inay ku duusho Ciraaq oo xukunka ka tuurto madaxweynaha
dalkaas Saddaam Xuseen, waxaana socda diyaargarowga Mareykanka ugu jiro
duulaankaas, haddana Qormadan waxaan uga hadli doonaa xaalada Ciraaq oo aynu
ka eegi doono dhinacyo kala duwan, si qof kastaa macluumaad buuxa uga helo
sida uu yahay waaqica dalkaas Carbeed ee loo bur tumanayo, qormadan oo ah
baaritaan ka soo baxay dhinacyada Siyaasadda, Degaanka, Qowmiyaaaha,
Taariikhda iyo waxyaabaha ka dhalan kara hadiiba dagaalka la damacsan yahay
dhaco qodobada waaweyn ee aanu ka hadleyno waxay kala yihiin:
MAAMULKA CIRAAQ EE XILLIGAN IYO SADAAM XUSEEN
BURBURINTII KACDOONADII SHIICADA IYO KURDIYIINTA
WARBIXIN KU SAABSAN MAREYKANKA
MAXAA XILIGAN LOOGU SOO BEEGAY HOWLGALKA DAGAAL EE CIRAAQ?
DIYAAR GAROWGA DHINACA HUBKA EE MAREYKANKA
MUCAARADKA CIRAAQ
Xaalada AY KU SUGAN YIHIIN MUCAARADKA CIRAAQ
YEY MASLAXAD UGU JIRTAA RIDISTA SADAAM XUSEEN?!!
TIJAABADII HORE EE MAREYKANKU KA QAADAY DOWLADAHA GOBOLKA BARIGA DHEXE
DIYAAR GAROWGA DHINACA HUBKA EE MAREYKANKA
Kala qeybsanaanta fikradaHA diiMeed
BOQORTOOYO MISE MILATERI
BURBURINTII KACDOONADII SHIICADA IYO KURDIYIINTA
BoqortooyadII HAASHIMIYADA CiraaQ
YEY MASLAXAD UGU JIRTAA RIDISTA SADAAM XUSEEN?!!
XISBIGA BACATH EE CIRAAQ
QOWMIYADAHA CIRAAQ
KURDIYIINTA CIRAAQ
KURDIYIINTA IYO DAGAALKA MAREYKANKU DAMACSAN YAHAY
SHIICADA CIRAAQ
Xarunta Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon
ayaa daraasad ku heysa qaabkii ay u weerari lahayd dalka Ciraaq, iyadoo ay
ku soo foo leedahay howlgalkii ugu weynaa uguna qatarsanaa intii ka
dambeysay dagaalkii labaad ee Dunida, kaasoo ah arrin aan horay uga dhicin
Dunida casriga ah in Dowlad weyn oo awood leh ay u soo qalab qaadato inay
Xukunka ka rido oo nidaam ka talinaya Dowlad kale oo ka mida kuwa soo koraya,
iyadoo xoog la adeegsanayo, waxaana Pentagon-ka laga rabaa dejinta qorshaha
dagaal ee lidka ku ah Ciraaq ee diyaarinta Ciidamada iyo agabkoodaba iyadoo
ugu dambeyntana qorshahaasi la hor dhigayo Madaxweynaha Mareykanka Bush si
uu u saxiixo.
Qorshaha Mareykanka ka
leeyahay Ciraaq iyo dagaalka la filayo inuu ku qaado waxaa lagu wadaa inuu
ku xirnaado hadba sida ay tahay xaalada Bariga Dhexe loona fiirsado waqti
saacidaya Mareykanka si ay uga takhalusaan Sadaam Xuseen iyo kooxdiisa oo ah
cadowga ugu weyn ee maanta Mareykanku leeyahay kaddib markii kooxdii Al-Qaacida
ee uu hoggaaminayay Usaama Bin Laaden ay noqotay mid la baacsado oo qaab
qarsoodi ah u howlgasha.
Qorshaha dagaal ee
Mareykanka ayaa warar horay u soo baxay lagana helay Sirdoonka iyo ilo ku
dhow dhow Saraakiisha hoggaanka dalkaasi heysa sheegeen in loogu tala galay
inuu socdo 3 ilaa 4 toddobaad, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo ay
tiradoodu gaareyso 200,000 Askari, waxaana marka hore qorshuhu yahay in
afartaas toddobaad dhinaca Cirka duqeyn is daba joog ah loogu geysto goobaha
muhiimka ah ee uu ku tiirsan yahay nidaamka Ciraaq kaddibna saddex ama afar
gees oo dhinaca Dhulka ah iyadoo la adeegsanayo dalalka deriska la ah Ciraaq
ay si isku mid ah Ciidamada Mareykanka iyo kuwa taageeri doona uga galaan
Ciraaq, waana qorshe aan wax badan dhaamin kii Mareykanku ku qaaday
Afghanistan.
Howlgalka Mareykanku ku
doonayo Ciraaq inuu uga taqaluso Maamulka Sadaam Xuseen waa mid wejiyo badan
leh, waxaana ku jirta in inqilaab ka dhaca gudaha dalkaasi ay Mareykanku
diyaariyaan, iyadoo Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay ka
howlgelayaan goobaha aadka xasaasiga u ah sida: xarumaha hoggaaminta,
Isgaarsiinta iyo Sirdoonka Ciraaq, taasoo u baahan 70,000 ilaa 80,000 Askari,
kaddibna ay howlgalku la wareegayaan kooxaha Sirdoonada ah oo gudaha Ciraaq
ka howlgelaya si ay meesha uga saaraan Sadaam Xuseen, Xisbigiisa Al-Bacath
iyo kooxaha taageera.
Mareykanku waxa uu la
kaashanayaa howlgalkiisa dagaal kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan Sadaam
Xuseen iyo Dowladiisa sida maleeshiyada Kurdiyiinta, kooxaha mucaaradka ah
ee reer Ciraaq, waxaa kaloo jira qorshe uu door bidayo Xoghayaha
Gaashaandhigga Mareykanka Doland Rumsfield kaasoo ah inay toos arrinta oo
dhan u galaan Ciidamada Mareykanka ee hada ku sugan Khaliijka.
Xilliga lagu soo beegay
ololaha Mareykanku ku doonayo inuu ku weeraro Ciraaq ayaa ah mid aad xasaasi
u ah iyo isagoo caddeystay inuu ka taqalusayo Maamulka Sadaam Xuseen,
wuxuuna doortay kooxo reer Ciraaq ah oo taageera Mareykanka si marka la rido
Sadaam Xuseen ay ula wareegaan Maamulka Ciraaq loogana hortago inay fowdo
iyo isuma taliso ka dhacdo dalkaasi xilliga kala guurka ah, taasoo ay ka
imaan karto in lagu xadgudbo aqlabiyadaha yar ee reer Ciraaq sida Shiicada
reer Ciraaq iyo Turkumaanka oo dega Waqooyiga iyo bartamaha Ciraaq, waana
sababta keentay inuu Mareykanku u yeero si uu kulan ula yeesho xubnaha
hoggaamiya labada Xisbi ee Kurdiyiinta ah.
Dagaalka Mareykanku la
damacsan yahay Ciraaq xilliga uu ku soo beegmayo ma foga balse mas’uuliyiinta
Maamulka Mareykanka waxay had iyo jeer sheegaan inaan weli wax go’aan ah
Madaxweyne Bush ka qaadanin arrintaasi, haddii la eegana waaqica ka jira
goobaha Mareykanku joogo ee ku wareegsan Ciraaq ilaa iyo hada dhaqdhaqaaq
weyn lagama dareemin marka laga reebo diyaarin dhinaca Qalabka iyo qaar yar
oo Ciidamada ah gaar ahaan kuwa Makaanikada iyo Farsamayaqaanada ah ee
qaabilsan dhinacyada kala duwan ee Ciidamada Mareykanka iyo waliba Markabkii
Shanaad ee Diyaaradaha xambaara oo Mareykanku leeyahay oo Gobolka jooga,
sidoo kalena Ciidamo kala duwan oo Mareykan ah ayaa ku sugan Badda Carbeed,
tan Khaliijka, Badda cas halkaasoo ay si degdeg ah haddii loo baahdo saacado
kooban gudahood ku tiigsan karaan goobo aan u dheereyn Ciraaq.
Mareykanku waxa uu sugayaa
inta uu ka soo kabayo keydkiisa Rasaasta iyo Hubka ah iyadoo in badan oo ka
mid ahaa loo adeegsaday dagaalkii Afghanistan gaar ahaan Gantaalada iyo
Sawaariiqda Bambooyinka tuura ee shucaaca Leysarka ahi hago, howsha ugu
ballaaran ee ugu horeysa ayaa ah inay baabi’iyaan nidaamka difaaca Cirka
ee Ciraaq iyo xarumaha hoggaaminta Ciidamada Ciraaq si ay awooda Ciraaq u
kala dhantaalaan, loogana hortago inay Ciraaq awood u yeelato weerar dhinaca
Gantaalaha ah oo ay la beegsato Israa’iil.
Waxaa laga cabsi qabaa in
weerarkaasi kiciyo diidmo xoog leh iyo caro weyn oo ka timaada bulsha weynta
Carbeed iyo mas’uuliyiinta dalalka Carabta, iyadoo laga cabsi qabo in
howlgalka Mareykanku keeno burbur iyo kala qeybsan ku yimaada Ciraaq
kaddibna ay tallaabadaasi hordhac u noqoto dagaalo kale oo Mareykanka iyo
Israa’iil ka qaadaan dalal kale oo Carbeed sida Suuriya iyo Lubnaan,
taasoo halis weyn oo aan horay loo arag ku keeni karta dalalka Carbeed
iyadoo horayba ay u jirtay shaki ah inuu Mareykanku taageerayo Suudaan oo
kala go’da.
Akhri
Qaybta 2aad..... GUJI...
Waxa diyaariyay: Shariif
Macallin Maxamed
shariif55@yahoo.com
Muqdisho---Somalia
AFEEF: Aragtida qoraalkan wa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com.
SAWIRADA: AP, CBC, ENCYCLOPEDIA OF THE
ORIENT
|