WORLD: AP
| AFP | Ruters
| interfax
|
CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| Times.uk
| Time | Guardian | VOA
| WallStreet | NYTimes | WPost
| Fox | Toronto.Star
| ISlamOnline.IOL | Australia.News
| Independent
| Canadian.Press | China.News
| Japan.News
| Whitehouse.News |
Mirror | Turkey.News |
IRAN.irna
MID EAST: IslamToday
| ArabNews | Asharq.al.awsat
| Aljazeera | Al.khaleej
| Al.ayam | alwatan
| Alrai | Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| Middle.east.online
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
| Abu.Dhabi.News |
Albawaba | KUNA
| IRAQ/QUESTIONS
VIDEO: AP.TV |
ITV |
Reuters
TV | ABU-DHABI.TV
|
CANADA.TV
| SaudiTV
| BBC.TV
| TRANSLATOR
MAP: Khariidada
Ciraaq | TAARIIKHDA
CIRAAQ
CIRAAQ: MAALINTII
14
| 13 | 12
| 11 | 10
|
9 | 8 |
7 | 6
| 5 | 4
| 3 | 2
& 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE
| LA GUERRA IN
IRAQ | Corriere
Della Sera | video
| Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVE: ABU-DHABI.TV
| AUSTRALIA.TV
| CANADA.TV
| RADIO.AUSTRALIA
| VOA
WARARKA CIRAAQ: APRIL 9, 2003
- Maanta iyo Baqdaad
- Saddaam oo lagayaabo in uu kabadbaaday
Duqayntii Shalay
- Bililiqo Ka Dilaacday Ciraaq
- Dilkii Weriyayaasha oo
adduunka ka abuuray caro
- 12jir waayey eheladiisii iyo gacmihiisii
- Diyaarad F-15E oo ka dhacday Maraykanka
- Shirkadaaha Austalia oo Tartan ugu jira Saliida
Ciraaq
- MAXAA
SOO KORDHAY MAANTA... GUJI.. IOL
Ra'iisul wasaaraha Canada oo Ka Hadlay
Arimaha Ciraaq
Jean Chrétien
|
Ra'iisul wasaaraha Canada, Jean Chrétien,
ayaa ku adkaystay go'aankiisii ahaa in uusan ciidamada Canada u dirin dalka
Ciraaq, waxana uu sheegay in Canada ay ka qayb qaadankarto dib u dhiska Ciraaq.
Ra'iisul wasaaraha oo saxaafada la hadlayey galabnimadii Arbacada asagoo jooga
caasimada Canada ee Ottawa waxa uu yiri Canadianku waxay awoodaan in ay
taageeraan Ciraaqiyiinta si ay u dhistaan dawladooda iyo hadii ay taageero u
baahdaan in laga taakuleeyo dhisida nidaam-sharci. "habka dib u dhiska loo
qaabilayaa waa in uu ahaadaa in la dejiyo yool macquul ah" ayuu yiri Jean
Chrétien, waxan auu ku daray "dawlad ku meel gaar ah waa wanaag haddii
aysan halkaas joogeyn jiilal ayadoo aan doorasho la qaban"
Xiriirka Canada iyo Maraykanka waxa uu Jean
Chrétien ka yiri khadka wad xiriirku waa iska cadyahay, wuxuuna si buuxda uga
filayaa Madaxweynaha Maraykanku George Bush in uu Canada soo booqdo bisha May.
Arinta hubka halmar wax burburya ee ciraaq
asagoo ka hadlaayana waxa uu sheegay in ay weli tahay waqti hore oo aan wax
laga sheegikarin arintaas waxan auu yiri "ma ogi waxa xaqiiqada dhabta ah
tahay, waxaan aogaan doonaa bilaha soo socda".
Maanta iyo Baqdaad
Wararka maanta ka imanaya caasimada dalka Ciraaq ayaa sheegay in Ciidamada
Maraykanku ay maanta galeen qayb kamid ah magaalada, inkasta oo meelo magaalada
ah ay ka imayeen iska caabin. Waxaa warku sheegay in
maanta la burburiyey mid kamid ah taalooyinka laga sameeyey sawirka Saddam.
Wararku waxa ay ku dareen in sawirka Saddam madixiisa uu askari Maraykan
ah ku xiray calanka Maraykankan laakiin markiiba laga furay markii ay
dadwene arintaas caro ka muujiyeen ayagoo dhehaya taasi waa tusaale hor dhac u
ah qabsi la qabsado Ciraaq, sidaas ayaa markiiba Maraykanku calankii halkaas
uga fureen. [Sawirka
oo calanka wajiga loogu xiray eeg halkan]. Markii taaladaas sawirka ah
lasoo ridey oo dadkii agtubnaa ay farxad ka muujiyeen soo ridias ayaa wadada
lagu jiidey madaxii sanamka.
Waxaa wararku sheegeen in Ciraaqiyiintu insku
dayeen in ay soo ridaan talada sawirka sadaam, laakiin markiiba ciidamada
Maraykanka ayaa gacan siiyey si loo soo rido.
Meesha uu Saddam ku dambeeyey ayaan ilaa hadda
si sugan loo ogeyn, waxaana wararka qaarkood tibaaxeen in laga yaabo in uu ku
jiro safaarada Ruushku ku leeyahay Baqdaad, laakiin taas Ruushku waa beeniyey.
Warar kale oo xoog badan ayaa sheegaya in laga yaabo in uu dhawr maalmood ka
hor u baxay magaalada dhanka woqooyi kutaal ee Tikrit.
Warar ay faafisay ABC
Australia ayaa sheegay in Maraykanku uu sheeganayo in uu qabsaday
Baqdaad inkasta oo dagaalku weli socdo, waa sida warku u dhigaye. Waxaase
walaac weyn wararka Australia ka muujiyeen bililiqada ka dilaacday Ciraaq [Daawo
halkan].
Donald Rumsfeld,
xoghayaha difaaca Maraykanka, ayaa maanta sheegay in dagaalkii uusan dhammaan.
VIDEO: Donald Rumsfeld iyo Gen. Richard Myers oo ka hadlaya arimaah Ciraaq
Biliqiqada Magaalada Basra: Sawirka the Times |
Bililiqo Ka Dilaacday Ciraaq
BASRA: Magaalada Basra ayaa waxaa ka
dilaacay bililiqo aan loo aabayeelayn waxkasta oo ay dadku gacanta la helaan,
waa boob iyo dhac loo geysanayo dhismayasha dawlada, meelaha ganacsiga iyo
goobaha muhiimka ah ee magaalada iyo goobaha hay'adaha caalamiga ah iwm. Waa
arin lagu tilmaamay nidaam darro soo fool saartay Ciraaq.
Qof dumar ah oo gurigeedu kuyaal meel 50 mitir
(yars) ujirta halka ay xarunta ciidan ka samaysteen Ingiriisku ayaa ku qaylisay
"Britishku waxay yiraahdeen waxaan u nimid in aan idin xorayno, laakiin
hadda si nabad ah uma seexankaro sariirtayda waayo kuwaan bililiqa doonka ah
waxay yiraahdeen waan idin dileynaa waxaana qaadanaynaa dhammaan waxa guriga
idiin yaal" Waxayna farta ku fiiqday guri kuyaal wadada dhinaceeda kale oo
ay fiiqanayaan bililiqa-doonku waxayna tiri "Xukunkii Saddaam si nabad ah
ayaan sariirtayda ugu seexan jirey, laakiin hadda taasi waa dhamaatay"
sidaas waxaa qoray wargeyska The Times waxaana warkaas soo xigtey IOL.
Mulkiilaha Sheraton Hotel ee Basra ayaa asaguna
aad ugu carooday Ingiriiska magaaladaas jooga maadaama ay waxba ka qabanwaayeen
in ganacsigiisii la baabi'yo.
Dhanka kale waxaa wararku sheegayaan in
Ingiriisku ay Basra u magcaabeen Shiikh aan la magcaabin in uu magaalada xakumo.
eeg.
IOL.
BAQDAAD: Dhanka kale waxaa wararku
sheegayaan in maanta ay Baqdaad ka bilaabatay bililiqo ay dadku fiiqanayaan
wixii gacantoodu haleesho.
Dhibaatadii
soo gaartey Cali Ismaaciil Cabbaas
CIRAAQ: Waxaa wiilkaan oo 12jir oo magaciisa
layiraahdo Cali Ismaaciil Cabbaas ah dagaalka kasoo
gaarey dhibaato aad u daran taas oo uu ku waayey badanaa qoyskiisii asagana ay
kaga go'een labadiisii gacmood daawo
qisadan naxdinta leh [ITV]
Burburkii goobtii la duqeeyey ee Baqdaad: Daawo
Halkan [ITV]
Duqayntii Baqdaad: Daawo Halkan [CBCTV]
Saddaam oo lagayaabo in uu kabadbaaday
Duqayntii Shalay
Sida ay werisey warbaahinta Australia
oo soo xiganeysey wargeysyo kasoo baxa dalka Ingiriiska, waxaa laga yaabaa in
Saddaam xuseen uu ka badbaadey isku daygii ay Maraykanku shalay isku dayeen in
ay ku dilaan duqaynta. Waxaa warku intaas ku daray in lagayaabo in Saddaam uu
dhismahaas ka baxay intii aan la duqayn.
Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegay in ay u
malaynayaan in Saddaam uu duqayntaas ka badbaadey.
"waxaan u malayneynaa in uu (Saddaam) dhismahaas uga baxay sidii uu ku yimid, oo noqonkarta
dhulka hoostiisa
wadooyinka mara ama gaari, ma hubno" sidaas waxaa qoray The Times
oo kasoo baxa London, UK oo soo xiganey sirdoonka Ingiriiska.
"Waxaa laga yaabaa in uusan (Sadaam)
kujirin dhismaha markii la duqeeyey" Sidaas waxaa qoray The
Guardian oo kasoo baxa Ingiriiska oo soo xiganeysey ilo.
TV-ga ABC ee Maraykanku waxa uu sheegay in
sirdoonka Maraykanku rumaysan yihiin in Saddam ku dhintay duqayntaas.
Shalay ayey ahayd markii dhisme kuyaall Baqdaad
oo loo malaynayey in uu Saddam kujiro lala beegsaday bomb nooceedu yahay B-1. Waxaa warku sheegay in dhismahaas lagu tuuray afar bomb oo culayskoodu
midkiiba yahay 2,000-rodol.
CIRAAQ: Dilkii Weriyayaasha oo
adduunka ka abuuray caro
Daawo
halkan...ENGLISH.. | Daawo halkan --- ARABIC
Sida ay werisey IOL ,
dilkii saddexda weriye ee shalay ay magaalada Baqdaad duqaynta ciidamada Maraykanku ku dileen ayaa
dunida dacaladeeda ka dhalisay caro. Waxaa ugu horayntii warqad
Cabasho ah diray guddiga saxaafadda ee loo yaqaan CPJ [Committee
to Protect Journalists] oo ay u direen xoghaya difaaca Maraykanka
Rumsfeld, warqadaas
oo ay ku muujinaya walaaca ay ka qabaan weerarka Maraykanka ee ku aadanaa
weriyayaasha. Dhanka kale waxaa caro aad u weyn muujiyey warbaahinta dalalka
Carabta taas oo ay ku tilmaameen weerarka weriyayaasha in lagu qarinayo runta,
waxaana carabta inbadan ka caraysiiyey weerarkii loo geystey xafiiska Aljazeera
ee baqdaad kaas oo lagu diley weriyihii halkaas uga soo waramayey Aljazeera iyo
go'ddomintii la sheegay in loo geystey xarunta ay ku taal halka uu wararka ka
soo tebiyo Abudhabi TV, waa sida tvgaasi sheegayey. Waxaana arintaas qoraal dheer ka qoray IOL.
Sidoo kale, jariidada Times ee kasoo baxda UK ayaa
cadadkeedii maanta qortay warbixin dheer oo ku saabsan carada ay dhalisay
dilkii weriyihii Tariq
Ayoub.
Diyaarad F-15E oo ka dhacday Maraykanka
Wararka ka imanaya Ciraaq ayaa sheegaya in
diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-15E [oo loo yaqaan Strike Eagle] ay
shalay ku dhacday Ciraaq taas oo labadii duuliye e saaraa la la'yahay. Tani waa
diyaaradii labaad oo shalay ku dhacday Ciraaq taas oo ay ka horeysey diyaardaii
nooceedu ahaa A-10 Warthog.
Shirkadaaha Austalia oo Tartan ugu jira Saliida
Ciraaq
Sida ay werisey ABC
Australia khubarada saliida ceysriin iyo gaaska ayaa noqondoona kuwa
ugu horeeya ee ka faa'ida xagga ganacsida dagaalka Ciraaq kaddib. Waxaa
warku intaas ku daray in ilaa hadda 90 shirkadood oo Australia ah ay isu
diiwaan gelineyeen in ay xiisaynayaan Ciraaq.
MAALINTII 20aad EE DAGAALKA CIRAAQ!!!
: APRIL 9, 2003
Waxaa isku soo dubaridey XagarYare
-ISBAHAYSIGA KA DHANKA AH CIRAAQ OO BAADI
GOOBAYA SADDAM:Geeri iyo nolol
Daawo Halkan
Saddaam xuseen miyuu ku dhintay banbaanadii
lala beegsaday makhaayada ku taala Galbeedka magaalada Baqdaad Mise Wali Wuu
Noolyahay?.
Su,aashani waxaa ay talaadadii dhex
mushaaxaysay magaalada baqdaad,iyadoo goobo kala duwan oo magaalada rasaas
darandoori ah layswaydaarsanaayay.
ugu yaraan Sadex goobood oo saddam muhiim u
ahaa ayaa lagu tuuray laguna baabi,iyay galabnimadii isniinta B-1-BOMBER oo ka
dhaca mid kamida nooca diyaaradaha dagaalka ee maraykanka.
waxaa marka bomkaas la tuuraayay ay diiraddu
si gaar ah u saarayd makhaayadda ay ciidamada sirta maraykanku u soo sheegeen
militariga in ay saacadaas soo galeen Saddam Xuseen iyo labadiisa wiil ee Udaay
iyo kusaay,, oo ay waliba weheliyaan saraakiil cul culus oo golaha sare ee
ciraaq kamida.
Banbaanadaas oo aad u xoog waynayd laguna
tuuray xaafad ka mida baqdaad oo layiraa Mansuur,waxaa ay dhulka la goysay
illaa 300 mitir oo isku wareeg ah iyadoo hoos u galaysa korra u soo rujinaysa
marka ay qaraxdo illaa 18mitir oo hoos ah.
Waxaa halkaas laga heley laba qof oo mayd
ah,balse waxaa la aaminsanyahay in ay 14 qof ku dhinteen iyadoo wax yar uun
kadib qaraxaas ay goobta oo sigaara diiradu u saarayd ay yimaadeen saraakiil
maraykan ah"nin ciidamada sirta ah ayaa sheegay in ay dad badani meesha ku
aasmeen oo sida ugu dhaqsaha badan looga soo saaraayo,iyadoo ujeedadu tahay in
la baaro dhiigga,iyadoo la adeegsanayo qaabka looyaqaan DNA ama hiddo raacida
dhiiga,bal si loo hubiyo in saddaam meesha tiisii ku dhamaatay.
LABA QOF OO KALIYA AYAA OG MEELAHA SADDAAM
JOOGO-
DADka Saddam xuseen aadka u yaqaan ayaa ku
tilmaama in uu yahay nin markiisii horeba u dhashay Feejignaan gaar ah,taas oo
jirta ayuu tobaneeyadii sano ee danbe si gaara isu ilaaliyaa ama loo
ilaaliyaa,waxaa ogaankara oo kaliya laba qof hadba meesha uu ku suganyahay.
waxaa ogaan kara oo kaliya Wiilkamida
labadiisa wiil Kusaay oo ah taliyaha ciidamada nabad galyada madaxweynaha,iyo
xoghayntiisa gaarka ah Caabid Xamiid Maxamuud, waxaana warka sidaas oranaaya
laga soo xigtay nin maamulka ciraaq kamid ahaa oo haatan magangalyo siyaasadeed
dalka dibadda uga maqan.
Diiraddan lasaaraayo iyo weeraraka kali
ahaantiisa lala beegsanaayo saddaam waxaa ay socotay intuu dagaalku socday oo
dhan, 20kii march ayaa weerar ku dulwaabariistay baqdaad waxaa sigaara loogu
bilaabay meelo gaar ah oo ay ciidamada sirta soo siisay militeriga, oo ay
filayeen in Saddam xuseen lagu dilikaro.
WARARKA CIRAAQ: APRIL 8, 2003
- Hotelka ay warfidiyeenadu ka deganyihiin
Baqdaad oo la duqeeyey
- Suxufiyiin lagu diley Baqdaad
- Ruushka oo sheegay in Maraykanku weeraray Safiirkoodii Ciraaq
Hotelka ay warfidiyeenadu ka deganyihiin
Baqdaad oo la duqeeyey
[weriye katirsan Aljazeera oo la diley]
: Daawo Wararka
Dagaalka
[ENGLISH] | AMA DAAWO
ABU-DHABI.TV [ARABIC]
Wararka ka imanaya Caasimada Ciraaq ee Baqdaad oo
maanat ay ka dhaceen dagaalo iyo duqayn
aad u daran ayaa sheegay in taangi uu leeyahay maraykanku duqeeyey hotel ay deganaayeen
suxufiyiin ka yimid dacalada dunida oo halkaas wararka kasoo tebinayey.
Hotelkan oo lagu magcaabo Palestine hotel waxaa lagu soo waramay in uu
hal qof ku dhintay.
Dhanka kale ee magaalada Baqdaad waxaa lagu
soo waramay in duqayn lagu diley weriye Tareq Ayub oo AlJazeera uga soo
waramayey magaalada Baqdaad. Markiiba TV-ga aljazeera waxa uu arintaas ku
eedeeyey in Maraykanku uu si ula kac ah u weeraray xarunta Al-Jazeera
ee Baqdaad, waxana ay ku dareenin Maraykanku ay yaqaaneen meesha aljazeera ku
taal.
Ruushka oo sheegay in Maraykanku weeraray Safiirkoodii Ciraaq
Warar ay faafisay warbaahinta ruushku waxa uu sheegay in safiirkii Ruushka u
fadhiyey uu sheegay in Maraykanku uu si bareer ah u weeraray. Sida ay shalay
werisey RIA Novosti waxaa safiirku, Vladimir Titorenko, waxaa weerarkaas kusoo
gaary dhaawac
yar. Waxaa wararku intaas ku dareen in safaarada Ruushka ee Ciraaq oo ay ka
shaqaynayeen 26 qof lagu soo koobay 12 dagaalada halkaas ka socda awgood.
Daawo shalaygalab iyo Baqdaad GUJI
HALKAN....
WARARKII
HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...
Tixraac iyo sawirada:
AP, Reuters, interfax, AFP, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google,
|