WORLD: AP
| AFP | Ruters
| interfax
|
CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| Times.uk
| Time | Guardian | VOA
| WallStreet | NYTimes | WPost
| Fox | Toronto.Star
| ISlamOnline.IOL | Australia.News
| Independent
| Canadian.Press | China.News
| Japan.News
| Whitehouse.News |
Mirror | Turkey.News |
IRAN.irna
MID EAST: IslamToday
| ArabNews | Asharq.al.awsat
| Aljazeera | Al.khaleej
| Al.ayam | alwatan
| Alrai | Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| Middle.east.online
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
| Abu.Dhabi.News | KUNA
VIDEO: AP.TV |
ITV |
Reuters
TV | ABU-DHABI.TV
|
CANADA.TV
| SaudiTV
| BBC.TV
| TRANSLATOR
MAP: Khariidada
Ciraaq | TAARIIKHDA
CIRAAQ
CIRAAQ: MAALINTII 15 |
14
| 13 | 12
| 11 | 10
|
9 | 8 |
7 | 6
| 5 | 4
| 3 | 2
& 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE
| LA GUERRA IN
IRAQ | Corriere
Della Sera | video
| Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVE: ABU-DHABI.TV
| AUSTRALIA.TV
| CANADA.TV
| RADIO.AUSTRALIA
| VOA
WARARKA CIRAAQ: APRIL 7, 2003
- Wasiirada
Arimaha dibada Suuriya iyo Joordan oo Ka hadlay Dagaalka Ciraaq
- Baqdaad oo laduqeeyey waaberigii saakay
- Hogaamiyaal Muslim ah oo Bush iyo Blair ka
mamnuucay dhulka Muqadaska ah
- MAXAA
SOO KORDHAY MAANTA..... IOL
Wasiirada
Arimaha dibada Suuriya iyo Joordan oo Ka hadlay Dagaalka Ciraaq
SUURIYA: Wasiirka arimaha dibadda Suuriya, Faruq al-Shara, oo waraysi maanta
oo isniin ah siiyey wargeyska talyaaniga ee loo yaqaan Corriere
Della Sera ayaa sheegay in "Maraykanku uu dhibaato weyn kasoo
foodsaartay Ciraaq, iyo in nidaam-darro ka dhici doonto gebi ahaanba gobolka"
waxana warkaan oo ay soo xigatey IOL uu
ku daray "in aan maamul militari oo maraykan ah cidna ka rabin Ciraaq"
waxan auu ku daray in "aan maraykanku aqoon u lahayn bariga dhexe oo
xataa aysan aqoon sida ay u shaqeeyaan ceelasha saliida ceysriin, waxay u
malaynayaan ciraaq sida Texas oo kale" ayuu yiri wasiirku sida ku cad
qoraalka IOL.
JOORDAN: Wasiirka arimaha dibada ee
Joordan, Marwan Moasher, oo waraysi siiyey wargeyska Al Hadath ayaa
sheegay in dagaalka ciraaq ka dib dawlad kasta oo ka dhalata Ciraaq ay ahaato
mid metsha gebi ahaan ciraaq oo aan inaba la kala qaybin dalka, waan ain aysan
dawladaasi noqon mi day soo dhiseen US iyo Briton ayuu yiri sida ay soo xigatey
IOL.
Wararka Caasimada Ciraaq ee Baqdaad
Wararka Ciraaq ayaa sheegay in Maraykanku uu weeraray meelo ka mid ah gudaha magaalada Baqdaad
SAAKAY: Wararka kasoo baxaya caasimada dalka Ciraaq
ayaa sheegay in waaberigii Isniinta magaalaada laga maqlayey qaraxyo. Waxaa
warku sheegay in laba bomb
ay kusoo dhaceen bartamaha magaalada waaberigii saakay, dhawr kalena ay ku
dheceen duleedka magaalada.
Hogaamiyaal Muslim ah oo Bush iyo Blair ka
mamnuucay dhulka Muqadaska ah
Culimada Islaamka ugu saraysa ee Falastiin
ayaa Muslimaanta adduunka oo dhan ugu baaqay in ay ka horyimaadaan dagaalka uu
Maraykanku hogaaminayo ee Ciraaq iyo in labada hogaamiye ee reer galbeedka
(Bush iyo Blair) ay ka mamnuucaan dhulka muqadaska ah, sidaas waxaa
weriyey telefishanka loogu daawashada badanyahay dalka canada ee loo yaqaan CBC TV.
"Dhammaan culimada islaamka ee Falastiin
waxay ku dhawaaqeen fatwa ka mamnuuceysa qofkasta oo Muslim ah in uusan kaqayb
qaadan dagaalkaas hujuumka ah ama aysan gacan siin kuwa duulaanka ba'an soo
qaaday" sidaas waxaa yiri isutaga culimada West Bank iyo Gaza.
Waxaana warku intaas ku daray in madaxweynaha Maraykanka George W. Bush
iyo ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Tony Blair laga mamnuucay in aysan weligood u
safrin dhulka muqadaska ah ee Bariga dhere sida uu sheegay madaxa
fatwada oo lagu magcaabo Mufti Ikrima Sabri. [warkaan
ka daawo halkan...CBC TV]
Bush iyo Blair waxay Isniinta ku kulmi doonaa Northern Ireland.
CUDURKA SARS: Qofkii 9aad oo kudhinta
Canada Cudurka SARS .. DAAWO.
[Waa maxay SARS.......
GUJI... ]
MAXAA
SOO KORDHAY MAANTA..... IOL
XUSUUSIN: KALABEDELKA
WAQTIGA..... GUJI
WARARKA CIRAAQ: APRIL 6, 2003
- Ciraaq: Dhimashada Askarta labada dhinac
- Safiirka Ruushka u Fadhiyey Ciraaq oo la
weeraray
- 12 Kurdish ah oo ku dhintay
Duqayn woqooyiga Ciraaq
- Duqayntii Hawada ee Baqdaad oo Weli sii
socota
- UK oo Dhalashadii ka xayuubisay Sheekh
Muslim ah
- Mudaharaadyo Ka dhacay UK
- Wadaadka ugu sareeya Culimada Masar oo ka
hadlay Dagaalka Ciraaq
CIRAAQ: Tirooyin iskhilaafsan oo kusaabsan dhimashada askarta labada dhinac
Sida ay werisey IOL,
Ciraaq waxay sheegatay in ay Maraykanka ka dishey 50 askari [waa dagaalkii
shalay], halka uu
Maraykanku sheegtay in ay Ciraaq ka dileen 2000 oo askari. Ciraaq waxa
kale oo ay sheegteen in ay Maraykanka ka gubeen lix
taangi, sawirada ay soo daabacday IOL ayaa muujinaya carruur reer ciraaq oo
ku dul cayaaraya taangi lagu sheegay in laga gubey Maraykanka [Eeg.IOL],. Dhanka kale hay'adda reuters
ayaa werisey duqayn loo geystey magaalada Baqdaad iyo in la xiray wadooyinka
magaalada kabaxa ama soo gala. Sawirada reuters ayaa muujinaya meelo kamid ah
Baqdaad oo gubanaya [eeg reuters].
NBC: TV-ga NBC ee maraykanka waxa uu
maanta sheegay in weriye ula socdey Ciidanka Maraykanka ee TV-gaas wararka usoo
diri jirey uu dhintay, waxana TV-gu intaas kudaray in uu weriyahaasi u dhintay
xanuun sanbabka ah- pulmonary
embolism. Weriyahan dhintay oo magaciisu yahay David Bloom da'diisuna
ahayd 39jir waxa uu NBC uga soo waramayey jiida hore ee dagaalka Ciraaq.
BASRA: Dagaalkii Basra oo sii socda iyo
Ingiriiska oo burburinaya taalooyinkii
Saddam ka
daawo halkan ITV.
Mudaharaadyo Ka dhacay UK
Mudaharaadyo looga soo horjeedo dagaalka
Ciraaq ayaa maanta ka dhacay dalka Ingiriiska, Japaanka iyo meelo kale oo
dunida ka mid ah sida auu kusoo waramay ITV, Tv-gu waxa uu sheegay in badanaa
dadka Ingiriiska ay hadda kasoo horjeedaan dagaalka Ciraaq. Mudaharaadka
ka daawo halkan.
12 Kurdish ah oo ku dhintay
Duqayn woqooyiga Ciraaq
VIDEO: Warkaan halkan ka daawo
Ugu yaraan 12 katirsan ciidaka Kurdish-ka
ayaa dhintay, 45 kalena waa dhaawacmeen kaddib markii kolonyo ciidamada Kurdish
ah ay duqeeyeen diyaaradaha
dagaalka ee Maraykanku, tan oo ka dhacday woqooyiga Ciraaq, sidaas waxaa
weriyey cbc [ka Dhegeyso.Halkan].
Waxaa wararku sheegayaan in kolonyada gawaarida ah ee laduqeeyey ay lasocdeen
ciidanka gaarka ee Maraykanka. Wararka ugu horeeyay ee kasoo baxaya halkaas
ayaa sheegay in uu duqayntaas kudhintay nin kamid ah madaxda mucaaradka Kurdishka.
Hay'adda wararka ee AP
ayaa werisey in weerarkaas ku dhintay nin ay walaalo yihiin
hogaamiyaha qayb ka mid ah ciidanka Kurdishka. Dadka dhaawaca aadka u darana
waxaa ka mid ah Wajy Barzani oo ay walaalo yihiin Massoud Barzani oo ah
hogaamiyaha xisbiga kurdishka ee loo yaqaan Kurdistan Democratic Party.
Kurdishku waxay dhanka woqooyi dagaal kagala jiraan Ciraaq. Sida ay werisey IOL
oo soo xiganeysey faransiiska wararka u faafisa ee loo yaqaan AFP, waxay
sheegeen in duqayntaas ay ku dhinteen askar ka mid ciidanka gaarka ah
maraykanka. War uu faafiyey TV-ga Canada ee CBC ayaa tirada dhimashada
Kurdishka halkaas ku dhintay ka dhigtay 17, waxana CBC sheegtay in gawaarida la
weeraray la socdey weriye ka tirsan CBC canada iyo weriye katirsan BBC-da.
Waxana uu TV-ga sheegay in markii hore maraykanku sheegay in ay kaga dhinteen 3
askarta gaarka ah laakiin markii dambe ay taas maraykanku ka noqdeen. Waxaa TV-ga
canada shabakadiisa internetka uu kusoo sawiray gawaari
gubtey.
Duqayntii Hawada ee Baqdaad oo Weli sii
socota
Wararka Baqdaad kasoo baxaya ayaa sheegaya in gelinkii hore ee Axada ay sii
socotey duqayntii ay Ciidamada Maraykanku horkacayo ku wadeen magaaladaas.
Waxaa warku sheegay in Sabtidii madfac ku dhacay meel 100 mitir u jirta
Hoteelka lagu magcaabo Palestine Hotel oo ah meesha ay degganyihiin badanaa
weriyayaasha caalamig ah ee dagaalada uga soo warama Baqdaad. [Daawo.Halkan]
Wararka soo kala horjeeda ee Baqdaad: Daawo.Halkan.
Safiirka Ruushka u Fadhiyey Ciraaq oo la
weeraray
Kolonyo gawaari ah oo wadey safiirka Ruushka u
fadhiya Ciraaq oo u sii jeeday Suuriya ayaa la weeraray, waxaana warku sheegay
in weerarkaas ay ku dhaawacmeen dublomaasiyiin la socotey safiirka, lamana
cadayn cidda ka dambeysa weerarkaas, sida ay werisey warbaahinta Australia.
Dhanka kale wakaaladda Ruushka wararka u faafisa ee loo yaqaan interfax
waxay sheegtay in waftiga safiirka Ruushka ay gaareen magaalada Feluja oo ka
tirsan Ciraaq, waxaana u haray 800 ilaa 900km ilaa ay gaarayaan magaalada
dimishiq [Damascus] ee caasimada Suuriya, waxayna halkaas ku beeganyihiin
habeenimada Isniinta. Ruuska ayaa lagu soo waramay in uu degdeg ugu yeeray
safiirada US iyo Ciraaq u fadhiya dalka ruushka uuna weydeystey in la nabad
geliyo dadka u dhashay Ruushka ee jooga Ciraaq sid ay werisey IOL.
Wadaadka ugu sareeya Culimada Masar oo ka
hadlay Dagaalka Ciraaq
"Qofkasta oo weeraraa dadka kale, dhiig quba, dhaawac gaarsiiya sharafta dadka iyo dulka waa argagixiso"
sidaas waxaa yiri Mohamed
Sayyed Tantawi oo kamid ah culimada ugu sareeya Masar. Sheekha oo
Sabtidii la hadlayhey warbaahinta wuxuu yiri qofkasta oo aadaya Ciraaq
albaabadu waa u furanyihiin, sida ay werisey IOL.
UK oo Dhalashadii ka xayuubisay Sheekh
Muslim ah
Sida uu weriyey TV-ga Canada ee CBC, waxaa dhalashadii
[citizenship] dalka Ingiriiska laga
xayuubiyey Abu Hamza al-Masri oo ah shiikh ka wacdin jirey masjid kuyaal
dalkaas. Waxaa warku
intaas ku daray in al-Masri uu ka wacdinjirey masjid kuyaal UK bannaankiisa
kaas oo sida warku sheegay uu dhiiri gelinayey Jihaad iyo in lala dagaalamo
Ingiriiska jooga Ciraaq. Dhalashada laga qaaday al-Masri waxay suurtagal ka dhigeysaa in
loo tarxiilo Yemen si loogu soo oogo dacwadda dhanka ka ah oo halkaas loog
ahaysto, taas oo ah in lagu eedeeyeymarkabkii maraykanka USS Cole ee
October 2000 la duqeeyey, kaas oo ay ku dhinteen 17 maraykan ah. Waxa
kale oo al-Masri lagu eedeyey afduub
iyo dil afar joornaaliste oo reer galbeed ah tan oo dhacday sannadkii 1998.
Abu Hamza al-Masri waxaa la sheegay in dagaalkii Afganistaan kaga
horyimaadeen Ruushka ay kaga go'een
labada gacmood, isla mar ahaantaana ay il kaga dhacday. Qareenka u
doodayey al-Masri waxa uu sheegay in aan UK awood u lahayn in ay dhalasha ka
xayuubiyaan al-Masri kuna celiyaan wadan dadka ciqaaba. Dawladda Ingiriiskuna
waxay sheegay in al-Masri loo cuskaday xeer gaar ah oo ogolaanaya in qofkii
laaji ah [immigrants] oo halis-daran ku noqda kahor imaadka danaha dalka laga
xayuubiyo dhalashada.
WARARKA CIRAAQ: APRIL 5, 2003
- UN waxay Lumisay awoodeedii ilaa intii weererka US
bilaabmay: North Korean
- DIYAARAD DAGAAL OO KASOO
DHACDAY MARAYKANKA
- MIRROR:
SHEEKADII UGU MURUGA
BADNAYD DHAMMAAN SHEEKOOYINKA
- France, Germany iyo Russia oo Kubaaqay in La joojiyo Dagaalka Ciraaq
- Afrika oo iibsiga Suxuunta Satellite-ku
kor u kacay Dagaalka Ciraaq kaddib
Baqdaad iyo Maanta:
Sida ay daabacday IOL, wakaalada wararka ee
faransiiska oo loo yaqaan AFP waxay
werisey in aan maanta wax ciidamada Maraykanka ah lagu arag Baqdaad, taas oo
ahaa midii ay Maraykanku sheegteen in ay galeen
magaalada.
Waxaana maanta oo sabti ah magaalada Baqdaad
lagu arkayey askarta Saddam ee gaarka ee loo yaqaan Fedayeen oo lebisan
dharkooda lagu yaqaan sida ay werisey AP.
Waxaa kale oo wararka Ciraaq ee maanta tibaaxayaan in dagaalo ay ka dheceen
meelo kale oo dalk aah sida Masoul, Basra iyo Karbala. Wa
UN waxay Lumisay awoodeedii ilaa intii weererka US bilaabmay: North Korean
North Korea ayaa sheegtay
in Qaramada Midoobey ay lumiyeen awoodeedii sababta oo ah weerarka Maraykanku
ku qaaday Ciraaq, sidaas darteedna aysan weligeed aqoonsan doonin qaraar
qaramada midoobey oo kusaabsan barnaamijka hubka Nukliyeerka [nuclear].
Arintani waxay kusoo beegantay ayadoo toddobaadkan ay golaha ammaanka ee
qaramada midoobey kawada hadlidoonaan hubka nukliyeerka ee North Korean .
Sarkaal u hadlayey
woqooyiga kuuriya waxa uu sheegay in "North Korea ay ku dhawaaqi doonto in
qaraarka UN-kauu yaha mid wax kama jiraan ah". Waxana ay woqooyiga Kooriya
ku celisey in ay diyaar u yihiin wadahadal toos ah oo dhexmara ayaga iyo
xukuumada Bush, sida ay werisey ABC
Autralia.
France, Germany iyo Russia oo Kubaaqay in La joojiyo Dagaalka Ciraaq
Wasiirada arimaha dibada ee dalalka France,
Germany iyo Russia ayaa Jimcadii ayagoo ka hadlaya magaalada Paris
kubaaqay in dagaalka ciraaq degdeg loo joojiyo. Sidaas waxaa werisey
warbaahinta Shiinaha.
Qalabka satellite-ka oo ku safan saqafka
sare ee guri kuyaal Africa: Casablanca. eeg Sawirka oo weyn |
Afrika oo iibsiga Suxuunta Satellite-ku
kor u kacay Dagaalka Ciraaq kaddib
Qalabka lagu daawado Telefishanada ee loo
yaqaan Satellite-ka iyo anteenooyinka laliya waraka raadiyaha ayaa iibsigoodu
aad kor ugu kacay guud ahaan qaarada Afrika
ilaa intii uu bilowday dagaalka Ciraaq. Sidaas waxaa qoray shaashadda Middle
East Online oo soo bandhigatay faalo dheer oo kusaabsan magaalooyink badan
oo Afrika ah iyo sida loogala socdo wararka dagaalka Ciraaq oo xataa aysan wax
xiisa ah u hayn wararka dalalkooda. Qoraalkaasi magaalooyinkii uu xusay waxaa
ka mid ah ahaa Muqdisho-Soomaaliya, waxana uu ka yiri Muqdisho waa magaalo ay
dadku habeenkii guryohooda joogaan maadaama aysan ammaan ahayn oo ay tahay meel
aan wax dawlad dhexe ah ka jirin ilaa 1991 oo uu hareeyey dagaalka qabiilku,
hadaba ayaa warku ku daray, dadka haysta qalabkaas satellite-ka ayaa saaxibadood
telefoon ugu gudbiya wararka ay daawadeen.
DIYAARAD DAGAAL OO KASOO
DHACDAY MARAYKANKA
Sida ay werisey hay'dda AP,
waxaa maanta oo Sabti ah bartamaha Ciraaq kusoo dhacday diyaarad uu leeyahay
Maraykanku oo ah nooca loo yaqaan Cobra Helicopter [AH-1W]. Waxaa
warkuintaas ku daray in labadii duuliye ay diyaaradaas ku dhinteen. Waxaa warku
intaas kudaray in halkii diyaarad ee noocaan ah [AH-1W] ay dhismeheeda ku baxdo
$10.7 million. Warka AP
wuxuu intaas ku daray in diyaaradahan ah Cobra ay ka dagaalameen dagalkii
hore ee khaliijka, waxayna xiligaas burburiyeen 97 qaangi oo ciraaq leedahay
iyo 104 gaari oo kuwa miliraiga qaada ah, laakiin hal diyaaradna waagaas kaam
soo dhicin ama lagama toogan.
Dhanka kale sida sida ay werisey IOL
waxaa saraakiil Maraykan ah sheegeen in maanta la diley hogaamiye taangi
oo Maraykan ah, waxaana la dhaawacay ugu yaraan afar askari. Waxaa warkuintaas
ku daray in Maraykanku uu sheegay in ay askarta Ciraaq ka dileen 1000.
MIRROR:
SHEEKADII UGU MURUGA
BADNAYD DHAMMAAN SHEEKOOYINKA
BAQDAAD: Wargeyska Mirror
ee kasoo baxa dalka Ingiriiska caddadkiisii maanta (April 5, 2003) ayaa qoray
sheeko aad u naxdin badan iyo sawir, taas oo kusaabsan sida uu weriye kamid ah
wargeyskaas ula kulmay qoys reer Ciraaq ah oo gabadhoodii oo hadda dhamaysay
Jaamacad kana qaadatay shahaadada ugu saraysa ee loo yaqaan PHD uu gantaal
gurigooda ugu soo galay wadnaha bannanka soo dhigay.
Weriyaha Mirror
waxa uu sheegay in uu shalay booqday Cisbitaal kuyaal Baqdaad oo lagu
magcaabo Al Kindhi Hospital halkaasna uu kula kulmay oday
barooranaya oo gabadhiisii oo magaceeda la oranjirey Nadia Khalaf oo 33 jir
ahayd ay taaley meesha meydka la dhigo ee Cisbitaalka ayadoo uu wadneheedii dul
saaranyahay xabadkeeda, kaddib markii uu gantaal uga soo dusey daaqada qolka
hurdada ee gurigooda oo kuyaala wadada Palestine Street, Baqdaad.
Aabihii gabadha oo magaciisa la yiraahdo Najem Khalaf waxa uu dhinac taagnaa
meydka gabadhiisa, xaaskiisa iyo gabar kale oo uu dhalayna waxay fadhiyeen meel
ciid ah oo bannaanka ka ah qolka uu yaal meydku.
Najem Khalaf waxa uu sheegay in gabadhiisa
geeriyootey ay hadda qaadatay shahaadaha PhD ee maadada cilmi-nafsiga [
Psychology], waxayna sugeysey shaqadeedii u horeysey, waxana uu sheegay in
ay ahayd gabar aad u dadaal badan. Gabadhayda kale waxa ay haysataa shahaadada Master's
degree ee luqada Ingriisiga waxayna macalimad ka tahay Jaamacadda, aniguna
waxaan ahayd dareewal gawaarida waaweyn [lorry] ayuu aabuhu intaas ku daray.
Weriyaha oo Mirror
kumuujiyey sawiro ku saabsan qoyskaas iyo gabadhii geeriyootey,
waxa uu yiri saddexdii qof [aabihii, hooyadii iyo gabadhoodii yarayd] waxaa
gaari ku kaxeeyey qof deriskooda ah ayagoo gabadhoodii Meydka ahayd kujirto
naxash korka ka saaran gaarigaas. Waxana uu weriyuhu sheegay in tani ahayd
sheekadii ugu naxdinta badnayd muddadii 26-ka sano ahayd ee uu
weriyuhu wargeyska wararka u qorayey, waa sida ku cad Mirror.
WARAR KOOBAN
|
Madaxweynaha
Maraykanka, George W. Bush, ayaa yiri Socdal boqolaal mile kaddib, waxaan
hadda kusoconaa boqolaalkii yard oo u dambeeyey, mana aqbaleyno wax ka yar
in aan dhamayno iyo dhamaadka guusha. wpost
3/4/3
Madaxweynaha
Iraan, Mohammad Khatami, ayaa sheegay in weerarka Ciraaq lagu qaaday
ee uu Maraykanku hogaaminayo uu dunida kusoo kordhindoono rabsho iyo
xagjirid. Reuters, 3/4/2003
Madaxweynaha
Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri: "Ruushku ma rabo in Maraykanku uu ku guuldaraysto Ciraaq dhaqale ahaan iyo siyaasad
ahaanba. Waxaan rabnaa in arimaha Ciraaq lagu soo celiyo habkii
dublamaasiyada" Interfax 2/4
Wasiirka
arrimaha dibadda ee Belgian, Louis Michel, ayaa talaadadii
waraysi uu siiyey wargeyska La Libre Belgique kusheegay in dagaalkani uu
yahay in maraykanku uu u baahanyahay in uu tusiyo in uu weliawood sare
leeyahay, weerarka Ciraaqna uu tusaale taas u yahay. Ayuu
Yiri... 1/4
Wasiirka arimaha dibada
Sucuudiga, amiir Saud al-Faisal, oo sharaxayey
dagaalka Ciraaq, wuxuu waraysi ugu sheegay Barbara Walters oo katirsan
ABCNews in "dagaalkan uu dhalinayo oo keliya is-afgaranwaa, dhiig-qubta
iyo siyaadin nacayb iyo kordhin walaac gobolka ah". GUJI..
01/04
Mubarak:
Dagaalka Ciraaq waxaa ka soo bixi doona '100 Bin Laden'.
Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarak ayaa ayaa sheegay in dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku
hogaaminayo uu soo saari doono "boqol bin laden cusub" GUJI.... 31/3
|
WARARKA CIRAAQ: APRIL 4, 2003
- SADDAM XUSEEN OO KA HADLAY TV-GA CIRAAQ
- MARAYKANKA OO AWOODI WAAYEY IN UU JOOJIYO
TV-GA CIRAAQ: AP
- SADDAM OO BOOQASHO KUMARAY MEELO KATIRSAN
BAQDAAD
- WASIIRKA SAXAAFADA OO KU DHAARTAY IN UU
WEERARYO CIIDANKA US
- DAGAALKA GAROONKA BAQDAAD
- NAJAF IYO KARBALA IYO MUHIIMADOODA
TAARIIKHEED
- HUB CULUS OO CAAWA FIIDKII LAGA MAQLAYEY KOONFURTA BAQDAAD
- AL JAZEERA OO SHAQADEEDII DIB UGA
BILOWDAY CIRAAQ
DAAWO: Saddam
oo lagusoo dhoweynayo wadooyinka Baqdaad :IRAQ TV
VIDEO SADDAM: Daawo CBC
CANADA
SADDAM XUSEEN OO KA HADLAY TV-GA CIRAAQ
Jimce April 4 2003: Madaxweynaha Ciraaq Saddam
xuseen oo maanta ka hadlay TV-ga Ciraaq ayaa xusay diyaaradii Maraykanka ee
ahayd Apache helicopter ee March 24 uu soo ridey ninka beeralayda ah taas oo ka
dambeysey March 20, taasi waxay u muuqataa mid shakiga ka saareysaa in uu
Saddam dhaawacmay ama dhintay ayaa wararku ku dareen. "Waxaa laga yaabaa
in aad xusuusataan ninkii Beeraleyda ahaa kaas oo soo ridey Apache helicopter
asagoo isticmaalaya qori gaboobey" ayuu yiri Saddam.
Saddam oo dharka militariga xiran waxa uu reer
Ciraaq u sheegay in ay iska caabiyaan ciidanka uu hogaaminayo Maraykanku,
waxana uu sheegay in ciidankaasi ay soo garab mareen difaacii. Saddam oo toos
ula hadlayey reer Baqdaad waxa uu yiri "Markasta oo ay magaaladiina aad jeceshihiin kusoo dhowaadaan iska caabiya, Reer Baqdaadoow"...
"Allah ku kalsoonaada" ayuu yiri Saddam.
Saddam
Hussein oo ka hadlaya TV-ga Daawo [ISHA:bbctv] sidoo kale halkan daawo: Saddam
khudbadiisii: Reauters.
SADDAM OO BOOQDAY QAYBO KAMID AH BAQDAAD
DAAWO: Saddam
oo lasoo dhoweynayo wadooyinka Baqdaad AbudhabiTV
Reuters: Saddam
Hussein oo Booqanaya Wadooyinka Baqdaad
Sawirkan oo laga qaaday TV-ga Ciraaq wuxuu muujinayaa Saddam Xuseen oo kor u qaaday ilmo yar markaas oo uu booqanayey xaafadda Al-Mansour ee Baqdaad, waana markii u horeysey ee meel fagaare ah lagu arkay saddam intii dagaalka Ciraaq bilowday.
DAAWO: Saddam
oo lasoo dhoweynayo
eeg: (Sawirka
oo weyn: AFP-Iraqi
TV)
|
IRAQ TV ayaa
maanta oo Jimce ah la iska tusiyey Saddam Xuseen oo booqasho
ku maraya meelo ka mid ah Baqdaad, meelahaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin
goobo la duqeeyey, waxaana TV-ga ciraaq tusiyey in Saddam aad loogu soo
dhoweeyey goobahaas oo damaashaaday, qayb dadka ah ay
gacmaha iyo dhabanada ka dhunkanayeen, oo uu Saddam ilmo yar kor u qaaday,
waxana uu ku lebeisnaa dharka militariga sida ay werisey ABC
Australia. [Ka.DAAWO.ABUDHABI.TV]
Filimka muujinayey Saddam oo xilli maalin ah
la duubay waxaa TV-ga Ciraaq laga soo daayey 9:20 pm waqtiga baqdaad, sida ay
werisey hay'adda AFP.
IOL: Sawiro
kale oo kusaabsan Warkan
NAJAF IYO KARBALA IYO MUHIIMADOODA
TAARIIKHEED
- Najaf waxaa ku aasan Cali Bin Abii Daalib oo
ka mid ahaa khualfdii Islaamka isla mar ahantaana ay Nebi Muxamaed (SCW) ila
adeer ahaayeen
- Karbala waxaa ku aasan Hussein oo Nebi
Muxamed (SCW) awoowe u ahaa iyo Saxaabigii Cabbaas. Dhumashadii Xuseen waxay
xiligaas Karbala ka dhalisay dagaal lagu tilmaamo kii dhaliyey tafaraaruqa
muslimiinta ee u kala saaray Sunni iyo Shiico.
- Ilbaxnimadii Mesopotamia
dhulka loo aqoonjirey waa inta u dhexaysa labada webi ee afka carabig lagu
yiraahdo Dijla iyo furaat [Tigris & Euphrates], waana dhulka hadda loo
yaqaan Ciraaq.
- Beerihii lushey: webiga Furaat [Euphrates] dhankiisa bari qiyaastii meel
Baqdaad u jirta 50km [gobolka Babylon] waa halkii ay kuyaaleen beerihii
lushey oo kamid ah toddoba cajaa'ib ee dunida [Seven Wonders of the World].
Dhegeyso Anna Maria Tremonti
oo katirsan CBC Canada ayaa su'aalo weydiisey Ali Ansari oo katirsan Jaamacadda
University
of Durham, su'aalahaas oo kusaabsan muhiimada ay shiicada u leeyihiin
Masaajidyada Karbala iyo Najaf. [Najaf waa magaalada uu ku aasan yahay Cali Bin
Abii Daalib, Karbala waxaa ku aasan Xuseen]. halkan ka Dhegeyso.
Sid ay werisey IOL,
Ayatollah Sayyid Ali al-Sistani ayaa beeniyey in uu soo saaray fatwo sheegeysey
in aaan la iska caabin weerarada Maraykanka iyo Ingiriiska.
Waxaa kale oo Telefishanada la iska tusay dad
kusoo isugu soo baxay Masjidka Cali hortiisa kuwaas oo diidey in askarta uu
hogaaminayo Maraykanku ay galaan masjidkaas, halkaasna ay askartii dib uga
istaageen dadkaas ku dhowaa in ay soo qamaamaan.
Dhanka kale sida ay werisey hay'adda reuters
, shiicada lubnaan ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga digtey in aysan
faragashan goobaha Muqadaska ah ee Islaamka. Mohammed Hussein Fadlallah oo ah
Hizbollah hogaaminayey sanadihii 1975-1990 ayaa maanata Jimcadii digniin u
jeediyey Maraykanka taas oo ah in aysan weerarin goobaha muqadaska ah.
DAGAALKA CIRAAQ MAALINTII: 16
|
15
|
14
| 13 | 12
| 11 | 10
|
9 | 8 |
7 | 6
| 5 | 4
| 3 | 2
& 1
WARARKA CIRAAQ: APRIL 3, 2003
- Qayb kamid ah Baqdaad oo Kororntadii
kago'day Duqayn kabacdi
- Wasiirka Saxaafada Ciraaq oo Sheegay Shacab
lagu diley Baqdaad
- Madaxweynaha Iiraan oo Kadigey in Dagaalka
Ciraaq uu sii hurindoono rabshadaha iyo Xagjirenimada
- Muslimiinta Ruushka oo kubaaqay Jihaad:
interfax
- 8 Qof oo kudhintay Suuq kuyaal Baqdaad
- Diyaarado Maraykanka Lagaga Soo Ridey Ciraaq
- MARAYKANKA
OO ISKU KHILAAFSAN SADDAAM KADDIB
- Dhammaan
ka akhri halkan.... April 3, 2003
WARARKA CIRAAQ: APRIL 2,
2003
- Ruushku wuxuu rabaa in Arinta Ciraaq lagu
soo celiyo UN-ta: Putin
- 21 Shacab ah ayaa dhintay, 75 kalena waa
dhaawacmeen kadib marki la duqeeyey Mosul: IOL
- Wargeys Maraykan ah oo Shaqadii Ka
cayriyey sawiraadihiisii Ciraaq kaddib markuu uu Macmalay Sawir
- CIRAAQ TV: Saddam oo Qabtay kulan ay ka
qayb galeen wiilashiisu
- Arday Soomaaliyeed oo kabaxay Ciraq
ayagoo nabad Qaba
- HOOYO SOOMAALIYEED OO GABAR KU DHASHAY
BAGDAAD INTII GARAACU SOCDAY.
- 60,000 oo diyaar u ah in ay weeraaran
Ciidanka Ilaalada Qaranka Ciraaq
- Dagaalka Basra oo Weli socda
- Dagaal ka dhacay aagga Karbala
- 33 Qof oo Duqayn Lagu Diley Ciraaq
- Saddam Xuseen oo Ku Baaqay Jihaad
- kumayaal Qabiilooyin reer Pakistaan ah oo
raba in ay galaan dagaal "jihaadka" ee Ciraaq
- Askariyad Maraykan ah oo Horay Ciraaq
loogu Qabtay oo lasoo badbaadiyey
- Hindiya oo uu ka go'ay xiriirkii
telefoonka ee safaaradeeda Baqdaad
- Turkiga oo Weriye katirsan TV-ga BBC
kasoo eryey Xadka Turkiga iyo Ciraaq
- Talyaaniga oo laga bilaabay kanaal
Satellite ah oo kasoo Horjeeda Dagaalka
- Heer-kulka Ciraaq oo Kor U kici doona
Sabtida iyo Axada Soo socoda
- Dhammaan ka akhri halkan...
April 2, 2003
WARARKII
HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...
<> TAARIIKHDA
CIRAAQ ... HALKAN GUJI
<>
Tixraac iyo sawirada:
AP, Reuters, interfax, AFP, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google,
|