SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | Times.ukTimeGuardianVOA | WallStreet | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnline.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror | Turkey.News | IRAN.irna 
 MID EAST: IslamTodayArabNews  | Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | Middle.east.online | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Abu.Dhabi.News |  
KUNA
WAQTIGA BAQDAAD
VIDEO: AP.TV | ITV | Reuters TV  |  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII 15 |
14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | video | Televideo.rai

HADDA.SOCDA:LIVEABU-DHABI.TV  | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA

WARARKA CIRAAQ: APRIL 5, 2003

  • UN waxay Lumisay awoodeedii ilaa intii weererka US bilaabmay: North Korean
  • DIYAARAD DAGAAL OO KASOO DHACDAY MARAYKANKA
  • MIRROR: SHEEKADII UGU MURUGA BADNAYD DHAMMAAN SHEEKOOYINKA
  • France, Germany iyo Russia oo Kubaaqay in La joojiyo Dagaalka Ciraaq
  • Afrika oo iibsiga Suxuunta Satellite-ku kor u kacay  Dagaalka Ciraaq kaddib

Baqdaad iyo Maanta:

Sida ay daabacday IOL, wakaalada wararka ee faransiiska oo loo yaqaan AFP waxay werisey in aan maanta wax ciidamada Maraykanka ah lagu arag Baqdaad, taas oo ahaa midii ay Maraykanku sheegteen in ay galeen  magaalada. 

Waxaana maanta oo sabti ah magaalada Baqdaad lagu arkayey askarta Saddam ee gaarka ee loo yaqaan Fedayeen oo lebisan dharkooda lagu yaqaan sida ay werisey AP. Waxaa kale oo wararka Ciraaq ee maanta tibaaxayaan in dagaalo ay ka dheceen meelo kale oo dalk aah sida Masoul, Basra iyo Karbala. Wa

UN waxay Lumisay awoodeedii ilaa intii weererka US bilaabmay: North Korean

North Korea ayaa sheegtay in Qaramada Midoobey ay lumiyeen awoodeedii sababta oo ah weerarka Maraykanku ku qaaday Ciraaq, sidaas darteedna aysan weligeed aqoonsan doonin qaraar qaramada midoobey oo kusaabsan barnaamijka hubka Nukliyeerka [nuclear].  Arintani waxay kusoo beegantay ayadoo toddobaadkan ay golaha ammaanka ee qaramada midoobey kawada hadlidoonaan hubka nukliyeerka ee  North Korean . 

Sarkaal u hadlayey woqooyiga kuuriya waxa uu sheegay in "North Korea ay ku dhawaaqi doonto in qaraarka UN-kauu yaha mid wax kama jiraan ah". Waxana ay woqooyiga Kooriya ku celisey in ay diyaar u yihiin wadahadal toos ah oo dhexmara ayaga iyo xukuumada Bush, sida ay werisey ABC Autralia.

France, Germany iyo Russia oo Kubaaqay in La joojiyo Dagaalka Ciraaq

Wasiirada arimaha dibada ee dalalka France, Germany  iyo Russia ayaa Jimcadii ayagoo ka hadlaya magaalada Paris kubaaqay in dagaalka ciraaq degdeg loo joojiyo. Sidaas waxaa werisey warbaahinta Shiinaha.

Qalabka satellite-ka oo ku safan saqafka sare ee guri kuyaal Africa: Casablanca. eeg Sawirka oo weyn 

Afrika oo iibsiga Suxuunta Satellite-ku kor u kacay  Dagaalka Ciraaq kaddib

Qalabka lagu daawado Telefishanada ee loo yaqaan Satellite-ka iyo anteenooyinka laliya waraka raadiyaha ayaa iibsigoodu aad kor ugu kacay guud ahaan qaarada Afrika ilaa intii uu bilowday dagaalka Ciraaq. Sidaas waxaa qoray shaashadda Middle East Online oo soo bandhigatay faalo dheer oo kusaabsan magaalooyink badan oo Afrika ah iyo sida loogala socdo wararka dagaalka Ciraaq oo xataa aysan wax xiisa ah u hayn wararka dalalkooda. Qoraalkaasi magaalooyinkii uu xusay waxaa ka mid ah ahaa Muqdisho-Soomaaliya, waxana uu ka yiri Muqdisho waa magaalo ay dadku habeenkii guryohooda joogaan maadaama aysan ammaan ahayn oo ay tahay meel aan wax dawlad dhexe ah ka jirin ilaa 1991 oo uu hareeyey dagaalka qabiilku, hadaba ayaa warku ku daray, dadka haysta qalabkaas satellite-ka ayaa saaxibadood telefoon ugu gudbiya wararka ay daawadeen.

DIYAARAD DAGAAL OO KASOO DHACDAY MARAYKANKA

Sida ay werisey hay'dda AP, waxaa maanta oo Sabti ah bartamaha Ciraaq kusoo dhacday diyaarad uu leeyahay Maraykanku oo ah nooca loo yaqaan Cobra Helicopter [AH-1W]. Waxaa warkuintaas ku daray in labadii duuliye ay diyaaradaas ku dhinteen. Waxaa warku intaas kudaray in halkii diyaarad ee noocaan ah [AH-1W] ay dhismeheeda ku baxdo  $10.7 million. Warka AP wuxuu intaas ku daray in diyaaradahan ah Cobra  ay ka dagaalameen dagalkii hore ee khaliijka, waxayna xiligaas burburiyeen 97 qaangi oo ciraaq leedahay iyo 104 gaari oo kuwa miliraiga qaada ah, laakiin hal diyaaradna waagaas kaam soo dhicin ama lagama toogan.

Dhanka kale sida sida ay werisey IOL waxaa saraakiil Maraykan ah  sheegeen in maanta la diley hogaamiye taangi oo Maraykan ah, waxaana la dhaawacay ugu yaraan afar askari. Waxaa warkuintaas ku daray in Maraykanku uu sheegay in ay askarta Ciraaq ka dileen 1000. 

MIRROR: SHEEKADII UGU MURUGA BADNAYD DHAMMAAN SHEEKOOYINKA

BAQDAAD: Wargeyska Mirror ee kasoo baxa dalka Ingiriiska caddadkiisii maanta (April 5, 2003) ayaa qoray sheeko aad u naxdin badan iyo sawir, taas oo kusaabsan sida uu weriye kamid ah wargeyskaas ula kulmay qoys reer Ciraaq ah oo gabadhoodii oo hadda dhamaysay Jaamacad kana qaadatay shahaadada ugu saraysa ee loo yaqaan PHD uu gantaal gurigooda ugu soo galay wadnaha bannanka soo dhigay.

Weriyaha Mirror waxa uu sheegay in uu shalay booqday Cisbitaal kuyaal Baqdaad oo lagu magcaabo Al Kindhi Hospital  halkaasna uu kula kulmay oday barooranaya oo gabadhiisii oo magaceeda la oranjirey Nadia Khalaf oo 33 jir ahayd ay taaley meesha meydka la dhigo ee Cisbitaalka ayadoo uu wadneheedii dul saaranyahay xabadkeeda, kaddib markii uu gantaal uga soo dusey daaqada qolka hurdada ee gurigooda oo kuyaala wadada Palestine Street, Baqdaad. Aabihii gabadha oo magaciisa la yiraahdo Najem Khalaf waxa uu dhinac taagnaa meydka gabadhiisa, xaaskiisa iyo gabar kale oo uu dhalayna waxay fadhiyeen meel ciid ah oo bannaanka ka ah qolka uu yaal meydku.

Najem Khalaf waxa uu sheegay in gabadhiisa geeriyootey ay hadda qaadatay shahaadaha PhD ee maadada cilmi-nafsiga [ Psychology], waxayna sugeysey shaqadeedii u horeysey, waxana uu sheegay in ay ahayd gabar aad u dadaal badan. Gabadhayda kale waxa ay haysataa shahaadada Master's degree ee luqada Ingriisiga waxayna macalimad ka tahay Jaamacadda, aniguna waxaan ahayd dareewal gawaarida waaweyn [lorry] ayuu aabuhu intaas ku daray. 

Weriyaha oo  Mirror kumuujiyey sawiro ku saabsan qoyskaas iyo gabadhii geeriyootey, waxa uu yiri saddexdii qof [aabihii, hooyadii iyo gabadhoodii yarayd] waxaa gaari ku kaxeeyey qof deriskooda ah ayagoo gabadhoodii Meydka ahayd kujirto naxash korka ka saaran gaarigaas. Waxana uu weriyuhu sheegay in tani ahayd sheekadii  ugu naxdinta badnayd  muddadii 26-ka sano ahayd ee uu weriyuhu wargeyska wararka u qorayey, waa sida ku cad Mirror.

WARAR KOOBAN

bushMadaxweynaha Maraykanka, George W. Bush, ayaa yiri Socdal boqolaal mile kaddib, waxaan hadda kusoconaa boqolaalkii yard oo u dambeeyey, mana aqbaleyno wax ka yar in aan dhamayno iyo dhamaadka guusha. wpost 3/4/3

khatamiMadaxweynaha Iraan, Mohammad Khatami, ayaa sheegay in weerarka Ciraaq lagu qaaday ee uu Maraykanku hogaaminayo uu dunida kusoo kordhindoono rabsho iyo xagjirid. Reuters, 3/4/2003  

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri: "Ruushku ma rabo in Maraykanku uu ku guuldaraysto Ciraaq dhaqale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Waxaan rabnaa in arimaha Ciraaq lagu soo celiyo habkii dublamaasiyada"  Interfax 2/4  

 

awar2.jpg (8173 bytes)Wasiirka arrimaha dibadda ee  Belgian, Louis Michel, ayaa talaadadii waraysi uu siiyey wargeyska La Libre Belgique kusheegay in dagaalkani uu yahay in maraykanku uu u baahanyahay in uu tusiyo in uu weliawood sare leeyahay, weerarka Ciraaqna uu tusaale taas u yahay. Ayuu Yiri... 1/4 

 

saudWasiirka arimaha dibada Sucuudiga, amiir Saud al-Faisal, oo sharaxayey dagaalka Ciraaq, wuxuu waraysi ugu sheegay  Barbara Walters oo katirsan ABCNews in "dagaalkan uu dhalinayo oo keliya is-afgaranwaa, dhiig-qubta iyo siyaadin nacayb iyo kordhin walaac gobolka ah". GUJI.. 01/04

 

Mubarak: Dagaalka Ciraaq waxaa ka soo bixi doona '100 Bin Laden'.
Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarak ayaa ayaa sheegay in dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku hogaaminayo uu soo saari doono "boqol bin laden cusub"  GUJI.... 31/3 
 

WARARKA CIRAAQ: APRIL 4, 2003

  • SADDAM XUSEEN OO KA HADLAY TV-GA CIRAAQ
  • MARAYKANKA OO AWOODI WAAYEY IN UU JOOJIYO TV-GA CIRAAQ: AP
  • SADDAM OO BOOQASHO KUMARAY MEELO KATIRSAN BAQDAAD
  • WASIIRKA SAXAAFADA OO KU DHAARTAY IN UU WEERARYO CIIDANKA US
  • DAGAALKA GAROONKA BAQDAAD
  • NAJAF IYO KARBALA IYO MUHIIMADOODA TAARIIKHEED
  • HUB CULUS OO CAAWA FIIDKII LAGA MAQLAYEY KOONFURTA BAQDAAD
  • AL JAZEERA OO SHAQADEEDII DIB UGA BILOWDAY CIRAAQ

DAAWO: Saddam oo lagusoo dhoweynayo wadooyinka Baqdaad :IRAQ TV 

VIDEO SADDAM: Daawo CBC CANADA

SADDAM XUSEEN OO KA HADLAY TV-GA CIRAAQ

Jimce April 4 2003: Madaxweynaha Ciraaq Saddam xuseen oo maanta ka hadlay TV-ga Ciraaq ayaa xusay diyaaradii Maraykanka ee ahayd Apache helicopter ee March 24 uu soo ridey ninka beeralayda ah taas oo ka dambeysey March 20, taasi waxay u muuqataa mid shakiga ka saareysaa in uu Saddam dhaawacmay ama dhintay ayaa wararku ku dareen. "Waxaa laga yaabaa in aad xusuusataan ninkii Beeraleyda ahaa kaas oo soo ridey Apache helicopter asagoo isticmaalaya qori gaboobey" ayuu yiri Saddam

Saddam oo dharka militariga xiran waxa uu reer Ciraaq u sheegay in ay iska caabiyaan ciidanka uu hogaaminayo Maraykanku, waxana uu sheegay in ciidankaasi ay soo garab mareen difaacii. Saddam oo toos ula  hadlayey reer Baqdaad waxa uu yiri "Markasta oo ay magaaladiina aad jeceshihiin kusoo dhowaadaan iska caabiya, Reer Baqdaadoow"... "Allah ku kalsoonaada" ayuu yiri Saddam. Saddam Hussein oo ka hadlaya TV-ga Daawo [ISHA:bbctv] sidoo kale halkan daawo: Saddam khudbadiisii: Reauters.

SADDAM OO BOOQDAY QAYBO KAMID AH BAQDAAD

DAAWO: Saddam oo lasoo dhoweynayo wadooyinka Baqdaad AbudhabiTV   

Reuters: Saddam Hussein oo Booqanaya Wadooyinka Baqdaad

iraq Sawirkan oo laga qaaday TV-ga Ciraaq wuxuu muujinayaa Saddam Xuseen oo kor u qaaday ilmo yar markaas oo uu booqanayey xaafadda Al-Mansour ee Baqdaad, waana markii u horeysey ee meel fagaare ah lagu arkay saddam intii dagaalka Ciraaq bilowday. 
DAAWO: Saddam oo lasoo dhoweynayo

 
eeg: (Sawirka oo weyn: AFP-Iraqi TV)
 


IRAQ TV ayaa maanta oo Jimce ah la iska tusiyey Saddam Xuseen oo booqasho ku maraya meelo ka mid ah Baqdaad, meelahaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin goobo la duqeeyey, waxaana TV-ga ciraaq tusiyey in Saddam aad loogu soo dhoweeyey goobahaas oo damaashaaday, qayb dadka ah ay gacmaha iyo dhabanada ka dhunkanayeen, oo uu Saddam ilmo yar kor u qaaday, waxana uu ku lebeisnaa dharka militariga sida ay werisey  ABC Australia. [Ka.DAAWO.ABUDHABI.TV]

Filimka muujinayey Saddam oo xilli maalin ah la duubay waxaa TV-ga Ciraaq laga soo daayey 9:20 pm waqtiga baqdaad, sida ay werisey hay'adda AFP
IOL: Sawiro kale oo kusaabsan Warkan 

MARAYKANKA OO AWOODI WAAYEY IN UU JOOJIYO TV-GA CIRAAQ: AP

Sida ay werisey hay'adda wararka ee AP , Ilaa hadda Ciidanka Maraykanku waxay awoodi kari waayeen in ay gebi ahaanba xiraan awooda ay dawladda Ciraaq u leedahay in ay adeegsato Teleishankeeda,sidaas waxaa yiri maanta oo Jimce ah yiri geraal Maraykan. 

Xukuumada Ciraaq waxay sii wadaa in ay la xiriirto dadweynaha Ciraaq ayadoo adeegsaneysa Telefishanka inkasta Maraykanku uu weeraray warlaliska ciraaq ayuu yiri Maj. Gen. Stanley McChrystal. Waa sida ku cad warka ay maanta faafisay AP. Waxana uu Genaraalku sheegay in Ciraaq adeegsadaan meelo cayiman iyo qalab wareega [ mobile vans]. Sida ay wakaaladu werisey waxa uu generaalku warkaas ka sheegay warsaxaafadeed uu ka jeediyey Pentagon-ka, tan waxay kusoo beegantahay mar uu Saddam kasoo baxay TV-ga Ciraaq oo uu dadka reer Ciraaq la ahdlay. 

WASIIRKA SAXAAFADA OO KU DHAARTAY IN UU WEERARYO CIIDANKA US

VIDEO: Daawo Sahhaf oo hadlaya

Mohamed Said Sahhaf, Wasiirka saxaafada Ciraaq, oo Maanta oo Jimce qabtay warsaxaafadeed ayaa sheegay in ay caawa tusaale adag tusi doonaan Ciidanka uu horkacayo Maraykanku, waxana uu yiri "Caawa waxaan qaadi doonaa arin aan caadi ahayn xagooda, waxayna u noqondoontaa tusaale weyn". Waxa uu Sahhaf xusay dagaalkii Dien Bien Phu ee sannadkii 1954, kaas oo ciidankii faransiiska la go'doomiyey  kaddibna ay isu dhiiben xoogagii Vietnam, taas oo waagaas soo afjartay xukunkii Faransiiska ee Indochina. Waxana uu sheegay in ciidanka Maraykanka ah ee kujira garoonka lagu hareeraysan yahay "in ay degdeg isu dhiibaan maahaane u malayn maayo in ay haystaan fursad ay ku badbaadayaan" ayuu yiri  Sahhaf asagoo hanjabadaas ula jeedey ciidanka Maraykanka, sida ay werisey IOL

AL JAZEERA OO SHAQADEEDII DIB UGA BILOWDAY CIRAAQ

TV-ga Aljazeera ayaa dib u bilaabay warbaahintii uu wararka kasoo tebinayey Ciraaq kaddib markii Ciraaq ka qaaday xayiraadii. "Aljazeera waxay soo dhoweyneysaa go'aanka wasaarada warfaafinta Ciraaq, waxaana degdeg u bilaabaynaa in aan wararka kasoo tebino Baghdad, Basra and Mosul" ayuu yiri kanaalka afka carabiga ku hadla ee Aljazeera sida ay soo xigatey warbaahinata Australia. Aljazeera waa warbaahinta caalamiga oo keligeed oo weriyayaal u joogaan magaalooyinka Mosul [woqooyiga ciraaq] iyo Basra [koonfurta Ciraaq]. 

HUB CULUS OO CAAWA FIIDKII LAGA MAQLAYEY KOONFURTA BAQDAAD

Sida ay werisey hay'adda wararka ee reuters  waxaa caawa fiidkii magaalada Baqdaad dhankeeda koonfureed ee ku aadan Garoonka diyaaradaha caalamig ah laga maqlayey hubka culus oo ka dhacaya qoryaha loo yaqaan artillery. Wakaaladu waxa ay sheegtay in aan la garanayn in hubkaas ay soo ridayeen Ciidanka uu horkacayo Maraykanku iyo in ay soo ridayeen Ciraaqiyiintu. 

Dhanka kale waxay isla hayaddasi werisey in ciraaq sheegatay in ay taangiyo ka burburisey Maraykanka. EEg halkan

DAGAALKA DAAFAHA BAQDAAD

ABUDHABI TV: VIDEO.1  | VIDEO.2 

Warar ay uu weriyey CBC.TV ayaa sheegay in Maraykanku uu sheegay in ay qabsadeen garoon u dhow Baqdaad, garoonkaas oo lagu magcaabo garoonka caalamiga ah ee saddam, waxaana sida warku sheegay garoonkaas markiiba laga bedeley magacii oo loo bixiyey "Garoonka Caalamiga ah ee Baqdaad".

Weriye BBC-TV uga soo waramayey Baqdaad oo lagu magcaao Paul Wood ayaa sheegay in dagaalka garoonku uusan dhamaan , basas ciidanka ciraaqna ay subaxnimadii Jimcada kusii jeedeen halkaas.

Garoonku wuxuu 20km koonfur ka xigaa bartamaha Baqdaad.

Waxaa warar kale ee ka imanaya Ciraaq ayaa sheegaya in ay dhinteen saddex askari oo ka tirsan ciidanka uu hogaaminayo Maraykanku, qof dumar ah oo uur leh iyo dareewalkii gaari. Waxaana wararku tibaaxeen in dilkaas uu ahaa mid isbiimayn ah.

Dhanka kale warar ay IOL ayaa sheegay in maanta oo Jimce ah uu Saddam Xuseen ku baaqay in "la iska caabiyo xoogaga suulaanka ah" sida uu TV-ga Ciraaq ka sheegay wasiirka warfaafinta Ciraaq Mohammad Said al-Sahhaf.

Wararka kale ee Baqdaad waxaa kamid ah in magaalada ay qayb kamid ah korontadii loo shiday [ama korontadii usoo laabatay] maalin kaddib markii ay magaaladu koronto la'aan ahayd.

QARAXYADA BAQDAAD: 

Wararka kale ee Ciraaq ayaa sheegay in dadweynaha reer Baqdaad u ahayd habeen aad u daran maadaama la arkayey qaraxyo aad u waaweyn [Daawo.Qaraxyada.Baqdaad].

DHIMASHADA GAROONKA SADDAAM:

Telefishanada qaarkood ayaa weriyey in 320 askarta Ciraaq lagu diley garoonka caalamig ah ee Saddam [Daawo.wararka.garoonka] .

BASRA: 

Sida uu weriyey ITV, magaalada Basra weli waxaa ka socdaa dagaalkii Ciidanka Ingiriisku ay halkaas kula jireen Ciraaq [Daawo.Dagaalka.Basra]. 

NAJAF IYO KARBALA IYO MUHIIMADOODA TAARIIKHEED

  • Najaf waxaa ku aasan Cali Bin Abii Daalib oo ka mid ahaa khualfdii Islaamka isla mar ahantaana ay Nebi Muxamaed (SCW) ila adeer ahaayeen
  • Karbala waxaa ku aasan Hussein oo Nebi Muxamed (SCW) awoowe u ahaa iyo Saxaabigii Cabbaas. Dhumashadii Xuseen waxay xiligaas Karbala ka dhalisay dagaal lagu tilmaamo kii dhaliyey tafaraaruqa muslimiinta ee u kala saaray Sunni iyo Shiico. 
  • Ilbaxnimadii Mesopotamia dhulka loo aqoonjirey waa inta u dhexaysa labada webi ee afka carabig lagu yiraahdo Dijla iyo furaat [Tigris & Euphrates], waana dhulka hadda loo yaqaan Ciraaq. 
  • Beerihii lushey: webiga Furaat [Euphrates] dhankiisa bari qiyaastii meel Baqdaad u jirta 50km [gobolka Babylon] waa halkii ay kuyaaleen beerihii lushey oo kamid ah toddoba cajaa'ib ee dunida [Seven Wonders of the World].

Dhegeyso Anna Maria Tremonti oo katirsan CBC Canada ayaa su'aalo weydiisey Ali Ansari oo katirsan Jaamacadda University of Durham, su'aalahaas oo kusaabsan muhiimada ay shiicada u leeyihiin Masaajidyada Karbala iyo Najaf. [Najaf waa magaalada uu ku aasan yahay Cali Bin Abii Daalib, Karbala waxaa ku aasan Xuseen]. halkan ka Dhegeyso.

Sid ay werisey IOL, Ayatollah Sayyid Ali al-Sistani ayaa beeniyey in uu soo saaray fatwo sheegeysey in aaan la iska caabin weerarada Maraykanka iyo Ingiriiska. 

Waxaa kale oo Telefishanada la iska tusay dad kusoo isugu soo baxay Masjidka Cali hortiisa kuwaas oo diidey in askarta uu hogaaminayo Maraykanku ay galaan masjidkaas, halkaasna ay askartii dib uga istaageen dadkaas ku dhowaa in ay soo qamaamaan.

Dhanka kale sida ay werisey hay'adda reuters , shiicada lubnaan ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga digtey in aysan faragashan goobaha Muqadaska ah ee Islaamka. Mohammed Hussein Fadlallah oo ah Hizbollah hogaaminayey sanadihii 1975-1990 ayaa maanata Jimcadii digniin u jeediyey Maraykanka taas oo ah in aysan weerarin goobaha muqadaska ah.

DAGAALKA CIRAAQ MAALINTII: 16 | 15  | 14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1

WARARKA CIRAAQ: APRIL 3, 2003

  • Qayb kamid ah Baqdaad oo Kororntadii kago'day Duqayn kabacdi
  • Wasiirka Saxaafada Ciraaq oo Sheegay Shacab lagu diley Baqdaad
  • Madaxweynaha Iiraan oo Kadigey in Dagaalka Ciraaq uu sii hurindoono rabshadaha iyo Xagjirenimada
  • Muslimiinta Ruushka oo kubaaqay Jihaad: interfax
  • 8 Qof oo kudhintay Suuq kuyaal Baqdaad
  • Diyaarado Maraykanka Lagaga Soo Ridey Ciraaq
  • MARAYKANKA OO ISKU KHILAAFSAN SADDAAM KADDIB
  • Dhammaan ka akhri halkan.... April 3, 2003

WARARKA CIRAAQ: APRIL 2, 2003

  • Ruushku wuxuu rabaa in Arinta Ciraaq lagu soo celiyo UN-ta: Putin
  • 21 Shacab ah ayaa dhintay, 75 kalena waa dhaawacmeen kadib marki la duqeeyey Mosul: IOL
  • Wargeys Maraykan ah oo Shaqadii Ka cayriyey sawiraadihiisii Ciraaq kaddib markuu uu Macmalay Sawir
  • CIRAAQ TV: Saddam oo Qabtay kulan ay ka qayb galeen wiilashiisu
  • Arday Soomaaliyeed oo kabaxay Ciraq ayagoo nabad Qaba
  • HOOYO SOOMAALIYEED OO GABAR KU DHASHAY BAGDAAD INTII GARAACU SOCDAY.
  • 60,000 oo diyaar u ah in ay weeraaran Ciidanka Ilaalada Qaranka Ciraaq
  • Dagaalka Basra oo Weli socda
  • Dagaal ka dhacay aagga Karbala
  • 33 Qof oo Duqayn Lagu Diley Ciraaq
  • Saddam Xuseen oo Ku Baaqay Jihaad
  • kumayaal Qabiilooyin reer Pakistaan ah oo raba in ay galaan dagaal "jihaadka" ee Ciraaq
  • Askariyad Maraykan ah oo Horay Ciraaq loogu Qabtay oo lasoo badbaadiyey
  • Hindiya oo uu ka go'ay xiriirkii telefoonka ee safaaradeeda Baqdaad
  • Turkiga oo Weriye katirsan TV-ga BBC kasoo eryey Xadka Turkiga iyo Ciraaq
  • Talyaaniga oo laga bilaabay kanaal Satellite ah oo kasoo Horjeeda Dagaalka
  • Heer-kulka Ciraaq oo Kor U kici doona Sabtida iyo Axada Soo socoda
  • Dhammaan ka akhri halkan...  April 2, 2003

WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...  

I  I  D  H  E  H

 <> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <>  

 Tixraac iyo sawirada: AP, Reuters, interfax, AFP, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google,

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SOO BOOQO
xayaysiis

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD