WORLD: AP
| AFP | Ruters
| interfax
|
CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| Times.uk
| Time | Guardian | VOA
| WallStreet | NYTimes | WPost
| Fox | Toronto.Star
| ISlamOnline.IOL | Australia.News
| Independent
| Canadian.Press | China.News
| Japan.News
| Whitehouse.News |
Mirror | Turkey.News |
IRAN.irna
MID EAST: IslamToday
| ArabNews | Asharq.al.awsat
| Aljazeera | Al.khaleej
| Al.ayam | alwatan
| Alrai | Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| Middle.east.online
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
| Abu.Dhabi.News | KUNA
VIDEO: AP.TV |
ITV |
Reuters
TV | ABU-DHABI.TV
|
CANADA.TV
| SaudiTV
| BBC.TV
| TRANSLATOR
MAP: Khariidada
Ciraaq | TAARIIKHDA
CIRAAQ
CIRAAQ: MAALINTII 15 |
14
| 13 | 12
| 11 | 10
|
9 | 8 |
7 | 6
| 5 | 4
| 3 | 2
& 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE
| LA GUERRA IN
IRAQ | Corriere
Della Sera | video
| Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVE: ABU-DHABI.TV
| AUSTRALIA.TV
| CANADA.TV
| RADIO.AUSTRALIA
| VOA
WARARKA CIRAAQ: APRIL 4, 2003
- SADDAM XUSEEN OO KA HADLAY TV-GA CIRAAQ
- MARAYKANKA OO AWOODI WAAYEY IN UU JOOJIYO
TV-GA CIRAAQ: AP
- SADDAM OO BOOQASHO KUMARAY MEELO KATIRSAN
BAQDAAD
- WASIIRKA SAXAAFADA OO KU DHAARTAY IN UU
WEERARYO CIIDANKA US
- DAGAALKA DAAFAHA BAQDAAD
- NAJAF IYO KARBALA IYO MUHIIMADOODA
TAARIIKHEED
- HUB CULUS OO CAAWA FIIDKII LAGA MAQLAYEY KOONFURTA BAQDAAD
- AL JAZEERA OO SHAQADEEDII DIB UGA
BILOWDAY CIRAAQ
DAAWO: Saddam
oo lagusoo dhoweynayo wadooyinka Baqdaad :IRAQ TV
SADDAM XUSEEN OO KA HADLAY TV-GA CIRAAQ
WARAR KOOBAN
|
Madaxweynaha
Maraykanka, George W. Bush, ayaa yiri Socdal boqolaal mile kaddib, waxaan
hadda kusoconaa boqolaalkii yard oo u dambeeyey, mana aqbaleyno wax ka yar
in aan dhamayno iyo dhamaadka guusha. wpost
3/4/3
Madaxweynaha
Iraan, Mohammad Khatami, ayaa sheegay in weerarka Ciraaq lagu qaaday
ee uu Maraykanku hogaaminayo uu dunida kusoo kordhindoono rabsho iyo
xagjirid. Reuters, 3/4/2003
Madaxweynaha
Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri: "Ruushku ma rabo in Maraykanku uu ku guuldaraysto Ciraaq dhaqale ahaan iyo siyaasad
ahaanba. Waxaan rabnaa in arimaha Ciraaq lagu soo celiyo habkii
dublamaasiyada" Interfax 2/4
Wasiirka
arrimaha dibadda ee Belgian, Louis Michel, ayaa talaadadii
waraysi uu siiyey wargeyska La Libre Belgique kusheegay in dagaalkani uu
yahay in maraykanku uu u baahanyahay in uu tusiyo in uu weliawood sare
leeyahay, weerarka Ciraaqna uu tusaale taas u yahay. Ayuu
Yiri... 1/4
Wasiirka arimaha dibada
Sucuudiga, amiir Saud al-Faisal, oo sharaxayey
dagaalka Ciraaq, wuxuu waraysi ugu sheegay Barbara Walters oo katirsan
ABCNews in "dagaalkan uu dhalinayo oo keliya is-afgaranwaa, dhiig-qubta
iyo siyaadin nacayb iyo kordhin walaac gobolka ah". GUJI..
01/04
Mubarak:
Dagaalka Ciraaq waxaa ka soo bixi doona '100 Bin Laden'.
Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarak ayaa ayaa sheegay in dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku
hogaaminayo uu soo saari doono "boqol bin laden cusub" GUJI.... 31/3
|
Jimce April 4 2003: Madaxweynaha Ciraaq Saddam
xuseen oo maanta ka hadlay TV-ga Ciraaq ayaa xusay diyaaradii Maraykanka ee
ahayd Apache helicopter ee March 24 uu soo ridey ninka beeralayda ah taas oo ka
dambeysey March 20, taasi waxay u muuqataa mid shakiga ka saareysaa in uu
Saddam dhaawacmay ama dhintay ayaa wararku ku dareen. "Waxaa laga yaabaa
in aad xusuusataan ninkii Beeraleyda ahaa kaas oo soo ridey Apache helicopter
asagoo isticmaalaya qori gaboobey" ayuu yiri Saddam.
Saddam oo dharka militariga xiran waxa uu reer
Ciraaq u sheegay in ay iska caabiyaan ciidanka uu hogaaminayo Maraykanku,
waxana uu sheegay in ciidankaasi ay soo garab mareen difaacii. Saddam oo toos
ula hadlayey reer Baqdaad waxa uu yiri "Markasta oo ay magaaladiina aad jeceshihiin kusoo dhowaadaan iska caabiya, Reer Baqdaadoow"...
"Allah ku kalsoonaada" ayuu yiri Saddam.
Saddam
Hussein oo ka hadlaya TV-ga Daawo [ISHA:bbctv] sidoo kale halkan daawo: Saddam
khudbadiisii: Reauters.
SADDAM OO BOOQDAY QAYBO KAMID AH BAQDAAD
DAAWO: Saddam
oo lasoo dhoweynayo wadooyinka Baqdaad AbudhabiTV
Reuters: Saddam
Hussein oo Booqanaya Wadooyinka Baqdaad
Sawirkan oo laga qaaday TV-ga Ciraaq wuxuu muujinayaa Saddam Xuseen oo kor u qaaday ilmo yar markaas oo uu booqanayey xaafadda Al-Mansour ee Baqdaad, waana markii u horeysey ee meel fagaare ah lagu arkay saddam intii dagaalka Ciraaq bilowday.
DAAWO: Saddam
oo lasoo dhoweynayo
eeg: (Sawirka
oo weyn: AFP-Iraqi
TV)
|
IRAQ TV ayaa
maanta oo Jimce ah la iska tusiyey Saddam Xuseen oo booqasho
ku maraya meelo ka mid ah Baqdaad, meelahaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin
goobo la duqeeyey, waxaana TV-ga ciraaq tusiyey in Saddam aad loogu soo
dhoweeyey goobahaas oo damaashaaday, qayb dadka ah ay
gacmaha iyo dhabanada ka dhunkanayeen, oo uu Saddam ilmo yar kor u qaaday,
waxana uu ku lebeisnaa dharka militariga sida ay werisey ABC
Australia. [Ka.DAAWO.ABUDHABI.TV]
Filimka muujinayey Saddam oo xilli maalin ah
la duubay waxaa TV-ga Ciraaq laga soo daayey 9:20 pm waqtiga baqdaad, sida ay
werisey hay'adda AFP.
IOL: Sawiro
kale oo kusaabsan Warkan
MARAYKANKA OO AWOODI WAAYEY IN UU JOOJIYO
TV-GA CIRAAQ: AP
Sida ay werisey hay'adda wararka ee AP ,
Ilaa hadda Ciidanka Maraykanku waxay awoodi kari waayeen in ay gebi ahaanba
xiraan awooda ay dawladda Ciraaq u leedahay in ay adeegsato
Teleishankeeda,sidaas waxaa yiri maanta oo Jimce ah yiri geraal Maraykan.
Xukuumada Ciraaq waxay sii wadaa in ay la
xiriirto dadweynaha Ciraaq ayadoo adeegsaneysa Telefishanka inkasta Maraykanku
uu weeraray warlaliska ciraaq ayuu yiri Maj. Gen. Stanley McChrystal. Waa sida
ku cad warka ay maanta faafisay AP.
Waxana uu Genaraalku sheegay in Ciraaq adeegsadaan meelo cayiman iyo qalab
wareega [ mobile vans]. Sida ay wakaaladu werisey waxa uu generaalku warkaas ka
sheegay warsaxaafadeed uu ka jeediyey Pentagon-ka, tan waxay kusoo beegantahay
mar uu Saddam kasoo baxay TV-ga Ciraaq oo uu dadka reer Ciraaq la ahdlay.
WASIIRKA SAXAAFADA OO KU DHAARTAY IN UU
WEERARYO CIIDANKA US
VIDEO: Daawo
Sahhaf oo hadlaya
Mohamed
Said Sahhaf, Wasiirka saxaafada Ciraaq, oo Maanta oo Jimce qabtay
warsaxaafadeed ayaa sheegay in ay caawa tusaale adag tusi doonaan Ciidanka uu
horkacayo Maraykanku, waxana uu yiri "Caawa waxaan qaadi doonaa arin aan
caadi ahayn xagooda, waxayna u noqondoontaa tusaale weyn". Waxa uu Sahhaf
xusay dagaalkii Dien Bien Phu ee sannadkii 1954, kaas oo ciidankii faransiiska
la go'doomiyey kaddibna ay isu dhiiben xoogagii Vietnam, taas oo waagaas
soo afjartay xukunkii Faransiiska ee Indochina. Waxana uu sheegay in ciidanka
Maraykanka ah ee kujira garoonka lagu hareeraysan yahay "in ay degdeg isu
dhiibaan maahaane u malayn maayo in ay haystaan fursad ay ku badbaadayaan"
ayuu yiri Sahhaf asagoo hanjabadaas ula jeedey ciidanka Maraykanka, sida
ay werisey
IOL .
AL JAZEERA OO SHAQADEEDII DIB UGA BILOWDAY
CIRAAQ
TV-ga Aljazeera ayaa dib u bilaabay
warbaahintii uu wararka kasoo tebinayey Ciraaq kaddib markii Ciraaq ka qaaday
xayiraadii. "Aljazeera waxay soo dhoweyneysaa go'aanka wasaarada
warfaafinta Ciraaq, waxaana degdeg u bilaabaynaa in aan wararka kasoo tebino
Baghdad, Basra and Mosul" ayuu yiri kanaalka afka carabiga ku hadla ee
Aljazeera sida ay soo xigatey warbaahinata Australia.
Aljazeera waa warbaahinta caalamiga oo keligeed oo weriyayaal u joogaan
magaalooyinka Mosul [woqooyiga ciraaq] iyo Basra [koonfurta Ciraaq].
HUB CULUS OO CAAWA FIIDKII LAGA MAQLAYEY KOONFURTA BAQDAAD
Sida ay werisey hay'adda wararka ee reuters
waxaa caawa fiidkii magaalada Baqdaad dhankeeda koonfureed ee ku aadan Garoonka
diyaaradaha caalamig ah laga maqlayey hubka culus oo ka dhacaya qoryaha loo
yaqaan artillery. Wakaaladu waxa ay sheegtay in aan la garanayn in hubkaas ay
soo ridayeen Ciidanka uu horkacayo Maraykanku iyo in ay soo ridayeen
Ciraaqiyiintu.
Dhanka kale waxay isla hayaddasi werisey in
ciraaq sheegatay in ay taangiyo ka burburisey Maraykanka. EEg
halkan.
DAGAALKA DAAFAHA BAQDAAD
ABUDHABI TV: VIDEO.1
| VIDEO.2
Warar ay uu weriyey CBC.TV ayaa
sheegay in Maraykanku uu sheegay in ay qabsadeen garoon u dhow Baqdaad,
garoonkaas oo lagu magcaabo garoonka caalamiga ah ee saddam, waxaana sida
warku sheegay garoonkaas markiiba laga bedeley magacii oo loo bixiyey "Garoonka
Caalamiga ah ee Baqdaad".
Weriye BBC-TV
uga soo waramayey Baqdaad oo lagu magcaao Paul Wood ayaa sheegay in dagaalka
garoonku uusan dhamaan , basas ciidanka ciraaqna ay subaxnimadii Jimcada kusii
jeedeen halkaas.
Garoonku wuxuu 20km
koonfur ka xigaa bartamaha Baqdaad.
Waxaa warar kale ee ka imanaya Ciraaq ayaa
sheegaya in ay dhinteen saddex askari oo ka tirsan ciidanka uu hogaaminayo
Maraykanku, qof dumar ah oo uur leh iyo dareewalkii gaari. Waxaana wararku
tibaaxeen in dilkaas uu ahaa mid isbiimayn ah.
Dhanka kale warar ay IOL
ayaa sheegay in maanta oo Jimce ah uu Saddam Xuseen ku baaqay in "la iska
caabiyo xoogaga suulaanka ah" sida uu TV-ga Ciraaq ka sheegay wasiirka
warfaafinta Ciraaq Mohammad Said al-Sahhaf.
Wararka kale ee Baqdaad waxaa kamid ah in
magaalada ay qayb kamid ah korontadii loo shiday [ama korontadii
usoo laabatay] maalin kaddib markii ay magaaladu koronto la'aan ahayd.
QARAXYADA BAQDAAD:
Wararka kale ee Ciraaq ayaa sheegay in
dadweynaha reer Baqdaad u ahayd habeen aad u daran maadaama la arkayey qaraxyo
aad u waaweyn [Daawo.Qaraxyada.Baqdaad].
DHIMASHADA GAROONKA SADDAAM:
Telefishanada qaarkood ayaa weriyey in 320
askarta Ciraaq lagu diley garoonka caalamig ah ee Saddam [Daawo.wararka.garoonka]
.
BASRA:
Sida uu weriyey ITV, magaalada Basra weli waxaa ka socdaa dagaalkii Ciidanka Ingiriisku ay
halkaas kula jireen Ciraaq [Daawo.Dagaalka.Basra].
NAJAF IYO KARBALA IYO MUHIIMADOODA
TAARIIKHEED
- Najaf waxaa ku aasan Cali Bin Abii Daalib oo
ka mid ahaa khualfdii Islaamka isla mar ahantaana ay Nebi Muxamaed (SCW) ila
adeer ahaayeen
- Karbala waxaa ku aasan Hussein oo Nebi
Muxamed (SCW) awoowe u ahaa iyo Saxaabigii Cabbaas. Dhumashadii Xuseen waxay
xiligaas Karbala ka dhalisay dagaal lagu tilmaamo kii dhaliyey tafaraaruqa
muslimiinta ee u kala saaray Sunni iyo Shiico.
- Ilbaxnimadii Mesopotamia
dhulka loo aqoonjirey waa inta u dhexaysa labada webi ee afka carabig lagu
yiraahdo Dijla iyo furaat [Tigris & Euphrates], waana dhulka hadda loo
yaqaan Ciraaq.
- Beerihii lushey: webiga Furaat [Euphrates] dhankiisa bari qiyaastii meel
Baqdaad u jirta 50km [gobolka Babylon] waa halkii ay kuyaaleen beerihii
lushey oo kamid ah toddoba cajaa'ib ee dunida [Seven Wonders of the World].
Dhegeyso Anna Maria Tremonti
oo katirsan CBC Canada ayaa su'aalo weydiisey Ali Ansari oo katirsan Jaamacadda
University
of Durham, su'aalahaas oo kusaabsan muhiimada ay shiicada u leeyihiin
Masaajidyada Karbala iyo Najaf. [Najaf waa magaalada uu ku aasan yahay Cali Bin
Abii Daalib, Karbala waxaa ku aasan Xuseen]. halkan ka Dhegeyso.
Sid ay werisey IOL,
Ayatollah Sayyid Ali al-Sistani ayaa beeniyey in uu soo saaray fatwo sheegeysey
in aaan la iska caabin weerarada Maraykanka iyo Ingiriiska.
Waxaa kale oo Telefishanada la iska tusay dad
kusoo isugu soo baxay Masjidka Cali hortiisa kuwaas oo diidey in askarta uu
hogaaminayo Maraykanku ay galaan masjidkaas, halkaasna ay askartii dib uga
istaageen dadkaas ku dhowaa in ay soo qamaamaan.
Dhanka kale sida ay werisey hay'adda reuters
, shiicada lubnaan ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga digtey in aysan
faragashan goobaha Muqadaska ah ee Islaamka. Mohammed Hussein Fadlallah oo ah
Hizbollah hogaaminayey sanadihii 1975-1990 ayaa maanata Jimcadii digniin u
jeediyey Maraykanka taas oo ah in aysan weerarin goobaha muqadaska ah.
DAGAALKA CIRAAQ MAALINTII: 16
|
15
|
14
| 13 | 12
| 11 | 10
|
9 | 8 |
7 | 6
| 5 | 4
| 3 | 2
& 1
WARARKA CIRAAQ: APRIL 3, 2003
- Qayb kamid ah Baqdaad oo Kororntadii
kago'day Duqayn kabacdi
- Wasiirka Saxaafada Ciraaq oo Sheegay Shacab
lagu diley Baqdaad
- Madaxweynaha Iiraan oo Kadigey in Dagaalka
Ciraaq uu sii hurindoono rabshadaha iyo Xagjirenimada
- Muslimiinta Ruushka oo kubaaqay Jihaad:
interfax
- 8 Qof oo kudhintay Suuq kuyaal Baqdaad
- Diyaarado Maraykanka Lagaga Soo Ridey Ciraaq
- MARAYKANKA
OO ISKU KHILAAFSAN SADDAAM KADDIB
- Dhammaan
ka akhri halkan.... April 3, 2003
WARARKA CIRAAQ: APRIL 2,
2003
- Ruushku wuxuu rabaa in Arinta Ciraaq lagu
soo celiyo UN-ta: Putin
- 21 Shacab ah ayaa dhintay, 75 kalena waa
dhaawacmeen kadib marki la duqeeyey Mosul: IOL
- Wargeys Maraykan ah oo Shaqadii Ka
cayriyey sawiraadihiisii Ciraaq kaddib markuu uu Macmalay Sawir
- CIRAAQ TV: Saddam oo Qabtay kulan ay ka
qayb galeen wiilashiisu
- Arday Soomaaliyeed oo kabaxay Ciraq
ayagoo nabad Qaba
- HOOYO SOOMAALIYEED OO GABAR KU DHASHAY
BAGDAAD INTII GARAACU SOCDAY.
- 60,000 oo diyaar u ah in ay weeraaran
Ciidanka Ilaalada Qaranka Ciraaq
- Dagaalka Basra oo Weli socda
- Dagaal ka dhacay aagga Karbala
- 33 Qof oo Duqayn Lagu Diley Ciraaq
- Saddam Xuseen oo Ku Baaqay Jihaad
- kumayaal Qabiilooyin reer Pakistaan ah oo
raba in ay galaan dagaal "jihaadka" ee Ciraaq
- Askariyad Maraykan ah oo Horay Ciraaq
loogu Qabtay oo lasoo badbaadiyey
- Hindiya oo uu ka go'ay xiriirkii
telefoonka ee safaaradeeda Baqdaad
- Turkiga oo Weriye katirsan TV-ga BBC
kasoo eryey Xadka Turkiga iyo Ciraaq
- Talyaaniga oo laga bilaabay kanaal
Satellite ah oo kasoo Horjeeda Dagaalka
- Heer-kulka Ciraaq oo Kor U kici doona
Sabtida iyo Axada Soo socoda
- Dhammaan ka akhri halkan...
April 2, 2003
WARARKII
HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...
<> TAARIIKHDA
CIRAAQ ... HALKAN GUJI
<>
Tixraac iyo sawirada:
AP, Reuters, interfax, AFP, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google,
|