WORLD: AP
| AFP | Ruters
| interfax
|
CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| Times.uk
| Time | Guardian | VOA
| WallStreet | NYTimes | WPost
| Fox | Toronto.Star
| ISlamOnline.IOL | Australia.News
| Independent
| Canadian.Press | China.News
| Japan.News
| Whitehouse.News |
Mirror | Turkey.News
MID EAST: IslamToday
| ArabNews | Asharq.al.awsat
| Aljazeera | Al.khaleej
| Al.ayam | alwatan
| Alrai | Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| Middle.east.online
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
| Abu.Dhabi.News | KUNA
VIDEO:
ITV |
Reuters
TV | ABU-DHABI.TV |
CANADA.TV
| SaudiTV
| BBC.TV
| TRANSLATOR
MAP: Khariidada
Ciraaq | TAARIIKHDA
CIRAAQ
CIRAAQ: MAALINTII
14
| 13 | 12
| 11 | 10
|
9 | 8 |
7 | 6
| 5 | 4
| 3 | 2
& 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE
| LA GUERRA IN
IRAQ | Corriere
Della Sera | Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVE: ABU-DHABI.TV | AUSTRALIA.TV
| CANADA.TV
| RADIO.AUSTRALIA
| VOA
WARAR KOOBAN
|
Madaxweynaha
Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri: "Ruushku ma rabo in Maraykanku uu ku guuldaraysto Ciraaq dhaqale ahaan iyo siyaasad
ahaanba. Waxaan rabnaa in arimaha Ciraaq lagu soo celiyo habkii
dublamaasiyada" Interfax 2/4
Wasiirka
arrimaha dibadda ee Belgian, Louis Michel, ayaa talaadadii
waraysi uu siiyey wargeyska La Libre Belgique kusheegay in dagaalkani uu
yahay in maraykanku uu u baahanyahay in uu tusiyo in uu weliawood sare
leeyahay, weerarka Ciraaqna uu tusaale taas u yahay. Ayuu
Yiri... 1/4
Wasiirka arimaha dibada
Sucuudiga, amiir Saud al-Faisal, oo sharaxayey
dagaalka Ciraaq, wuxuu waraysi ugu sheegay Barbara Walters oo katirsan
ABCNews in "dagaalkan uu dhalinayo oo keliya is-afgaranwaa, dhiig-qubta
iyo siyaadin nacayb iyo kordhin walaac gobolka ah". GUJI..
01/04
Mubarak:
Dagaalka Ciraaq waxaa ka soo bixi doona '100 Bin Laden'.
Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarak ayaa ayaa sheegay in dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku
hogaaminayo uu soo saari doono "boqol bin laden cusub" GUJI.... 31/3
TV Maraykan ah oo Casiley Weriyihii
Ciraaq uga soo waramayey
[waxaa markiiba shqo siiyey wargeyska Dialy
Mirror ee kasoo baxa UK]... GUJI
31/3
Wararka
ciraaq ka imanaya ayaa sheegay in ciidanka Maraykanku ay dileen 7 dumar iyo carruur isugu
jira... GUJI..
31/3
|
MAREEKANKA OO DHEXDOODA KHILAAF KA TAAGAN
YAHAY SADDAAM KADIB
ISHA: Guardian
UK | April 2, 2003
Hadday noqon lahayd dagaal saxaafadeed iyo
haddii kaleba, waxaa sida ay shaleey daabacday wargayska ka soo baxa England ee
The Guardian inuu khilaaf cusub ku soo biiray mas’uuliyiinta sarsare ee
maamulka Mareekanka, kaasoo ku saabsan ajandaha iyo qorshe maamuleedka la
cuskan doono markii laga takhalluso maamulka Saddam.
Wargayska ayaa boggiisa internetka ku sheegay
inay 23 wasaaradood oo mareekan ah ay marka hore maamuli doonaan Ciraaq, iyadoo
wasaarad kasta oo ka mid ah wasaaradahaasna ay yeelan doonto 4 la taliyayaal
ciraaqiyiin oo ay soo magacaabi doonaan saraakiisha mareekanka.
Waxa uu wargayska intaas ku daray, in
magaalooyinka ay gacanta ku dhigaan ciidamada isbahaysiga ay toos u maamuli
doonaan maamulka ku meel gaarka ah ee ciidamada Mareekanka, waxaana arrintan
magacaabi doona Jeneraalka Tommy Franks, isagoo kagana amar qaadanaya sidaas
xukuumadda ku meel gaarka ah ee uu hoggaaminayo jananka lagu magacaabo Jay
Garner oo ah janaraal ciidamada mareekanka uga soo ahaan jiray, dhinaca kalena
lagu wado inuu maamuli doono xukunka milateri ee lagu qabsan doono Ciraaq.
Wuxuu wargayska intaas ku daray, in go’aannada
lagaga duulayo maamulka Ciraaq ay si guud ahaan u hoos imaan doonaan maamulka
Mareekanka, gaar ahaan ninka lagu magacaabo Poul Wolfowitiz oo ah wasiir ku
xigeenka gaashaandhiga Mareekanka, arrintan oo ay si daran uga caro gelisay
Garner oo ku qasbanaaday inuu aqbalo shakhsiyaad ciraaqiyiin ah oo dood ka
dhaliyay magacaabiddooda si ay isaga ugu noqdaan la taliyayaal.
Sida uu wargayska Guardian sheegay,
waxyaabihii sii kiciyay khilaafka iyo doodda ayaa ka mid ahaa Wlfowitiz oo soo
rashaxay Ahmed Chalabi oo ah mid ka mid ah axsaabta ka soo horjeeda maamulka
Saddaam iyo qaar ka mid ah ragga isaga u dhowdhow oo uu ku jiro nin ay xigto
dhow yihiin.
Sannadihii ugu danbeeyay wuxuu Ahmed Chalabi
kasbanayay xiriirka uu la lahaa gaashaandhiga Mareekanka ee Pentagon, jeer
ragga sare ee maamulka Bush sida wasiirka gaashaandhiga USA Donald Rumsfeld uu
isaga si weyn u taageero, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee mareekanka iyo
wakaaladda sirdoonka mareekanka ee CIA ay ninkan ku eegaan aragti shaki leh.
Ahmed Chalabi oo sannado badan mucaarad ku
ahaa maamulka Ciraaq ayaa sida uu wargayska tibaaxay ku noolaa dibadda Ciraaq
laga soo billaabo sannadkii 1956-kii, waxaana loo badinayaa sida uu Guardian
sheegay inuusan lahayn shacbiyad sidaas u badan.
“wuxuu filayay Ahmed Chalabi in loo
magacaabi doono ra’iisal wasaaraha cusub ee dowladda ku meelgaarka, hase
ahaatee wuu ka xumaaday Chalabi in ajandaha mareekanka uusan taladaas isaga u
dhiibaynin kadib markii la tuuro Saddam” ayeey qortay Guardian oo sidoo kale
wareysatay nin ay Chalabi isku xisbi yihiin oo sheegay inuusan Chalabi aqbali
doonin inuu la taliye kaliya ka noqdo maamulka cusub ee ay xukuumadda
Washington ka damacsan tahay inay wax kaga beddesho guud ahaan gayiga barriga
dhexe.
Dhinaca kale, wuxuu kaloo wargayska The
Guardian shaaca ka qaaday in samaynta maamulka mareekanka la filayo inuu ku
dhalin doono welwel siyaasadeed oo daran ra’iisal wasaaraha Britain Tony
Blair, kaasoo isaga doonaya inuu xoogga saari doono sidii arrintan iyada ah iyo
dib u dhiska Ciraaq-ba gacanta loogu wareejin lahaa Qaramada Midoobay iyo
Mujtamaca dowliga.
Waxyaabaha khilaafka dhaliyay xittaa waxaa ka
mid ah muddada xukunka milateri lagu maamulayo Ciraaq dagaalka kadib iyo
aragtiyo kala duwan oo ay arrintan ka kala qabaan wasaaradda arrimaha dibadda
mareekanka iyo wasaaradda gaashaandhiga. Sida uu qoray wargayska Washington
Post in xooghayaha arrimaha dibadda mareekanka iyo la taliayaashiisuba inay
qabaan ra’yiga Tony Blair ee oranaysa in maamulka Ciraaq ee Saddaam kadib loo
dhiibi Qaramada Midoobay, iyo sidii dalalka kale ee diiddanaa dagaalka Ciraaq
loogu dari lahaa ka qayb qaadashada dib u dhiska Ciraaq. Hase ahaatee, wasiirka
gaashaandhiga Rumsfeld iyo ku xigeynkiisa oo uu taageerayo madaxweyna ku xigeen
Mareekanka ayaa diiddan aragtidaas, iyagoo ka cabsi qaba inay dadaalkii
mareekanka ee Ciraaq uu meesha si sahlan uga baxo.
Inkastoo uu jiro ajandahaas ay degsadeen
maamulka Mareekanka, haddana waxaa dhici kara inay soo cusboonaadaan wax si
weyn wax uga beddela qorshahay degsadeen.
Dagaalkii ay ciidamada Mareekanka iyo
ingiriiska ku qaadayeen ayaa meeshiisii ugu darneyd weli ka socda Ciraaq. Siday
maanta sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu kongareeska mareekanka
oggolaaday sharci siinaya madaxweynaha mareekanka Bush lacag gaaraysa ilaa 78
bilyan oo USD, lacagtan oo lagu siyaadinayo qarashka ku baxaya dagaalka Ciraaq.
Isha:
http://www.guardian.co.uk/international/story/0,3604,927003,00.html
http://www.reuters.com/newsArticle.jhtml?type=topNews&storyID=2495926
Tarjirmadii Ibraahmi Saalax | SomaliTalk
Denmark
April 2, 3003
WARARKII CIRAAQ: APRIL 2, 2003
- Ruushku wuxuu rabaa in Arinta Ciraaq lagu
soo celiyo UN-ta: Putin
- 21 Shacab ah ayaa dhintay, 75 kalena waa
dhaawacmeen kadib marki la duqeeyey Mosul: IOL
- Wargeys Maraykan ah oo Shaqadii Ka cayriyey
sawiraadihiisii Ciraaq kaddib markuu uu Macmalay Sawir
- CIRAAQ TV: Saddam oo Qabtay kulan ay ka qayb
galeen wiilashiisu
- Arday Soomaaliyeed oo kabaxay Ciraq ayagoo
nabad Qaba
- HOOYO SOOMAALIYEED OO GABAR KU DHASHAY
BAGDAAD INTII GARAACU SOCDAY.
- 60,000 oo diyaar u ah in ay weeraaran Ciidanka Ilaalada Qaranka Ciraaq
- Dagaalka Basra oo Weli socda
- Dagaal ka dhacay aagga Karbala
- 33 Qof oo Duqayn Lagu Diley Ciraaq
- Saddam Xuseen oo Ku Baaqay Jihaad
- kumayaal Qabiilooyin reer Pakistaan ah oo raba
in ay galaan dagaal "jihaadka" ee Ciraaq
- Askariyad Maraykan ah oo Horay Ciraaq loogu Qabtay oo lasoo badbaadiyey
- Hindiya oo uu ka go'ay xiriirkii
telefoonka
ee safaaradeeda Baqdaad
- Turkiga oo Weriye katirsan TV-ga BBC kasoo
eryey Xadka Turkiga iyo Ciraaq
- Talyaaniga oo laga bilaabay kanaal Satellite
ah oo kasoo Horjeeda Dagaalka
- Heer-kulka Ciraaq oo Kor U kici doona Sabtida
iyo Axada Soo socoda
- GUJI HALKAN............
WARARKII
HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...
<> TAARIIKHDA
CIRAAQ ... HALKAN GUJI
<>
|