SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

IGAD oo shir jaraa'id ku qabatay Magaalada Nairobi.

 
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | 12 sept. 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M

urur goboleedka IGAD ayaa shalay waxay magaalada Nairobi ku qabteen Shir jaraa,id oo ay kaga hadlayeen arimaha ururka IGAD iyo arimaha dib u heshiisiinta soomaaliya iyadoo dhanka kalana ay goobjoog ka ahaayeen dalalka deeqda bixiya wakiiladooda fadhiya magaalada Nairobi.

igadpre.jpg (18238 bytes)
I G A D

shirkaas oo uu kahadlay Ergayga Kenya u qaabilsan arimaha soomaaliya Elijah Mwangale waxaa uu ka sheegay in madaxwaynaha dalkan Danial arab Moi uu Shir gudoomiye ka yahay Shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee Eldoret.

shirkaas jaraa'id waxay IGAD ku sheegatay in shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee lagu qaban doono magaalada Eldoret ee dalka Kenya uu yahay mid lagu dhamaynayo khilaafka ka jira dalka soomaaliya.

waxaa kaloo igad ay sheegeen shirkaas soomaalida loo qaban doono ay kasoo qayb galayaan madaxwaynayaasha dalaka ku jira urur goboleedka IGAD iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

waxay ku baaqeen in shirka ay kasoo qayb galaan dhamaan dhinacyada siyaasada soomaaliya isku haya oo mudo 12 sano colaad sokeeye ay ka jirto.

IGAD waxay sheegtay in shirka magaalada Eldoret uu noqon doono mid ay isku raaceen in uu dhaco bartamaha Bisha October ee sanadkan iyadoo inta kahoraysana lasii dhamaystiri doonofanka iyo waxyaabaha shirka dib u heshiisiinta looga baahanyahay.

ridwanhaji@journalist.com ama iqrafm@bidii.com

Sept 12, 2002

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA.. 26/8
Nin Soomaaliyeed oo u Baahan in Degdeg Kelyaha Looga Bedelo
 
AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02
 
 
Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD