SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

 

 Heshiis dhex maray Suxufiyiintii IQRA iyo ganacsadihii.

Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | Nov 3, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

waxaa haatan lasoo afjaray murankii iyo khilaafkii dhex maray ganacsadaha MURSAL iyo labo suxufi oo ka tirsan IQRA oo talaadadii aynu soo dhaafnay ganacsadahaasi ula soo baxay bastoolad markii ay murmeen iyaga oo doonaya in ay waraysi ka qaadaan mas'uul daganaa dhismaha uu leeyahay ganacsaduhu.

khilaafka oo ay soo dhex galeen odayaal samadoon ah oo sheegay in wariyayaashu ay ka raali noqdaan falkaas dhacay halka qaar ka tirsan maamulka sare ee iqra ay sidoo kale sheegeen in ay ka xunyihiin dhacdadaas, waxaa la'iskaga cudur daaraty wixii halkaas ka dhacay iyo dacwooyinka la iska fidayay, sababta arintaas keentay ayaa lagu sheegay is afgaran waa iyo is fahan xumo labada dhan soo kala dhex gashay, suxufiyiintu waxay ku andacoodeen in bastooladda uu ula soo baxay ugu hanjabay ,halkaasna ay cagaha wax ka dayeen oo ay saldhiga booliska aadeen, halka ganacsaduhuna uu arintiis u gudbiyay qareenka udooda oo uu sheegay in laga been abuurtay oo uusan toogasho ku hanjabin.

si kastaba ha ahaateen shariif xuseen oo ah maamulka sare ee ururka muslimiinta Kenya SUPKEM iyo IQRA ayaa sheegay in xiligan oo bisha barakaysan nagu soo food leedahay loo baahanyahay in la is cafiyo wixii dhacay labada dhanba isla markaana waxaa uu sheegay in shirka soomaalida Eldoret uu ilaahay uga baryayo in guul uu ku dhamaado

Warkii hore:

Weerar Lagu Qaaday Suxufiyiinta IQRA 

 2002 30 Oct, 2002

labo wariye oo ka tirsan idaacada iqra ayaa shalay galinkii danbe waxaa ku weeraray xaafada islii ganacsade waali lagu sifeeyay ficilka uu ku dhaqaaqay awgeed iyadoo ay saxafiyiintu waraysi ka qaadi lahaayeen mas'uul ka hay'ada AIDSOM ee aan dawliga ahayn fadhigeeduna yahay magaalada Muqdisho .

maamulaha IQRA mr cali aden maxamed oo uu weheliyo wariyaha laanta afka soomaaliga ee idaacada Yaasiin Ciise wardhere ayaa waxaa ku soo weeraray afaafka Hotelka ILSAN ee xaafada islii milkiilaha hoteelkaasi M.C.M.  isagoo adeegsanaya Bastoolad Automatic ah oo uu ku handaday in uu ku toogto wariyayaasha.

labadaas wariye waxay hotelka u tageen in ay waraysi ka soo qaadaan maamulaha hay'ada AIDSOM ee ka hortaga iyo ladagaalanka HIV AIDSka

waxaa ninkaas ganacsadaha ah uu sheegay in uuna u ogolaanaynin suxufiyiintaas in ay galaan dhismihiisa.

ganacsaduhu waxaa uu ahaa nin fitnoole ah kadib markii uu muran dhexmaray kadibna waxaa uu guntiga ka doontay bastooladaas oo uu ku handaday in uu tooganayo maamulaha IQRA Ali Aden Mohamed balse waxaa arinta soo dhex galay qaar kamid ah dadwaynaha goobtaasi joogay oo arinta ku hagoogtay.

maamulaha IQRA waxaa soo gaaray Dhaawac fudud markii uu ganacsaduhu u gacan qaaday isla markaana waxaa uu dhib u gaystay qalabkii idaacada ee wax lagu duubi lahaa.

warku wuxuu intaas raacinayaa wariyayaashu ay aadeen saldhiga Bangaani kana diiwaan galiyeen dhacdadaas, waxay kaloo sheegeen in ay arintaas u gudbiyeen afhayeenka Booliska dalka Kenya iyo ururka suxufiyiinta dalkan ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (KUJ).

ururka ganacsatada xaafada Islii ayaa durbaba dhaleeceeyay weerarka qaawan ee lagu qaaday suxufiyiinta aan hubaysnayn iyagoo sheegay in aanay udul qaadanaynin arintaas.

waxaa kaloo ay sheegeen in falkaas uu yahay mid badaw nimo ah oo uu gaystay nin horay u ahaan jiray xoghayaha ganacsatada.

Mr M.C.M waxaa horay looga qaaday xilka ganacsatada isagoo aan caadi ahayn marka uu dadka la macaamiltamayo khatarna uu ku noqday hawlaha ganacsatada.

Gudoomiyaha AIDSOM Mr C.J.X. aad ayuu ula fajacay weerarka lagu qaaday martidiisa kadibna waxaa uu halkaas ka gurtay shadaaftiisii oo waa uu ka guuray.

Xasan waxaa uu sheegay in uu dacwad ka dhan ah arintaas diiwaan galiyay maanta oo booliska kenya uga waramayo sida guracan ee loola dhaqmay wariyayaasha.

ridwanhaji@journalist.com 

iqrafm@bidii.com 

AFEEF: Magacyada waxaan u soo koobnay arimo la xiriira xaga qawaaniinta, waxaana magacyada oo buuxa laga helikaraa xafiiska idaacada IQRA cinwaanka sare.

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

 

Shirkii Eldoret oo Furmay
Labawarbixinood oo kusaabsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. 
»» Warbixintii Radio IQRA fm 
»» Warbixintii Maxamed Xaaji Ingiriis
»» Eldoret Oct 15 & Aragtida Shacabka[DoodFuran]


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD