Waraysi ay idaacada iqra shalay kula yeelatay magaalada Eldoret Madaxwaynaha
maamulka Koonfur galbeed Col. Xasan Maxamed Nuur Shaar gaduud ayaa waxaa uu ku
sheegay in heshiis uu la saxiixday gudoomiyaha baarlamaanka TNG Cabdalla Deeroow
Isaaq.
Heshiiska ay kala saxiixdeen ayaa waxaa uu dhigayaa sidii ay uga shaqayn
lahaayeen midnimada Beelaha Digil iyo mirif ee gobolada soomaaliya gaar ahaan
maamulka koonfur galbeed ee uu isaga madaxwaynaha ka yahay.
Heshiiskaasi si aan u xaqiijino ayaa hadana waxaanu arintaas waraysi kala
yeelanay Cabdalla Deeroow isaaq oo uu wariyaha IQRA Maxamed Aden Terra kula
kulmay hoteelka uu daganyahay waxaana uu sheegay Deeroow in arintaasi ay sax
tahay heshiiska ay kala saxiixdeena uu muhimadiisa yahay wada noolaanshaha nabad
iyo midnimada umada Digil iyo Mirif.
Col shaar gaduud mar aanu wax ka waydiinay colaada u dhexaysa isaga iyo ku
xigeenadiisii waxaa uu carabka ku dhuftay in uu doonayo wada hadal sidii loo soo
afjari lahaa xiisadaas isla markaana uu diyaar u yahay.
Ergayga Kenya u qaabilsan arimaha soomaaliya Elijah Mwangale ayaa waxaa uu yiri
hadii lacag ay wax tarayso way haystaan soomaalida waxayna garaacaysaa al
baabada xataa waxay ku sigatay in ay soo garaacdo al baabkayga.