Warkan waxaa isku soo dubaridey: Abdi Qadir Maxamed
Mursal [Bahda IQRA]
waa waraysi aanu la yeelanay waraysi gudoomiyaha USC/SNA kana tirsan golaha SRRC
Mr xuseen maxamed caydiid oo haatan ku sugan amagaalada Eldoret ee dalka kenya.
waraysigaas oo uu la yeeshay wariyaha IQRA Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa waxaa uu
udhacay sidatan:
Ridwan: waxaa jira fikrado akala gadisan oo dadwaynuhu ay ka muujinayaan shirka
soomaalida oo qaarkood ay rajo ka qabaan halka kuwo kalana ay quud daraynayaan
markaa adiga xuseen ah sideed u aragtaa shirka dib u heshiisiinta soomaalida?
maxaadse ka rajaynaysaa?
Caydiid: waxaan u arkaa in shirkan uu yahay mid wayn oo caalamka ay lasocdaan
kana gadisan yahay shirarkii horay soomaalida loogu qabtay waxaan aniga ka qayb
qaatay labo shir oo kala ah midkii Hawasa iyo kii Qahira tan iyo markii aan
qabtay xilkayga 1996 waxaana rabnaa in soomaalida dhibaatada haysata lagu xaliyo
wada hadal oo aan xabad lagu xalinin waxaana shirakan aanu ka qabnaa raja wayn.
waxaan doonaynaa 3 arimood oo kala ah:
1- in soomaaliya dawlad loo dhiso
2- in soomaaliya aysan hoy u noqonin argagixisada lagana sifeeyo ururada
islaamka sida Al-Itixaad iyo Al-islaax
3- in soomaaliya ay noqoto dal xasiloon si dalalka dariska nala ah aan u yeelano
xiriir dhinacyda dhaqaalaha ,tacliinta iyo siyaasada oo aan nabad ku wada
noolaano
Ridwan: marka aad eegto shirkii nabadaynta soomaalida ee magaalada carta oo
jabuuti ay marti galisay iyo midka haatan ka dhacaya magaaladan Eldoret ee Kenya
maxay ku kala duwanyihiin ama farqiga u dhexeeya muxuu yahay?
Caydiid: Marka hore Jabuuti waa dawlad ka tirsan IGAD laakiinse kaligeed ayaa ku
tagri fashay shirkii kulamana jirin dawladaha kale ee dariska sida Kenya iyo
Itoobiya, umana dhanayn dadka soomaaliyeed laakiin midka ka dhacaya Eldoret
waxaa uu yahay mid ay udhanyihiin 3da dal ee wadamada safka hore nabadaynta
soomaaliya ay u xilsaartay IGAD oo kala ah Jabuuti,Kenya iyo Itobiya waxaa kaloo
ku jira lixda dal ee urur goboleedka IGAD marka laga reebo soomaaliya oo dawlad
la'aan ah.
dhanka kale waxaa shirkan taageera buuxda uu ka haystaa beesha caalamka Qaramada
Midoobay, Maraykanka, Ingiriiska, jarmalka, Talyaaniga, midawga Yurub,AU , uruka
Carabta waxayna dhamaantood taageera dhaqaale ay ka gaysteen shirkan soomaalida.
Ridwan: IGAD markii aad la kulanteen maxay idin kala hadleen oo ay idiin soo
gudbiyeen?
Caydiid: waxay nagala hadleen arimaha shirka oo ay kamid yihiin in shirkan uu
socondoono 8 bilood waxaa marka hore lagu ansixin doonaa goobta 75 qof gudi ka
kooban oo arimaha shirka ka hadli doona lana xiri doono 15ka November waxaana
shirka wajigiisa 1aad uu yahay dib u heshiisiin halka qaybta ugu danbaysana ay
noqon doonto awood qaybsi iyo dawlad loo dhanyahay in la dhiso waxaa kaloo laga
hadlayaa shirka in la'eego 13kii shir ee horay loo qabtay iyo sababaha loo gaari
waayay natiijo.
Madaxwaynaha Kenya Moi iyo ergayga kenya ee gudiga farsamada u wayn Elijah
Mwangale waxay sheegeen in dawlad aysan ka jirin soomaaliya oo lawada simanyahay
iyadoo ladhisayo dawlad loo wada dhanyahay.
Ridwan: Beesha caalamka maxay idiin sheegeen?
Caydiid: beesha caalamka waxay noo sheegeen in shirkan ay diyaar uyihiin meel
marinta waxyaabaha kasoo baxa ee soomaalidu ay ku heshiiso go'aankana waxaa iska
leh ergada 350 ee lagu casuumay shirka nabadaynta shir aan wada yeelanay ururada
bulshada iyo ergooyinka shalay waxaan isku waafaqnay in aan danteena ka
anbaqaadno 350 ergo oo aan ka wada shaqayno danta umadeena.
Ridwan: 100ka ergo ee ururada bulshada maxaad ka qabtaan?
caydiid: waxba kama qabno aad ayaana usoo dhowaynaynaa waxaanu rabnaa wax isku
dheeli tirnaan keeni kara ,ururada bulshada waa muhim waxaadna la socotaa in 200
la siiyay kooxaha hubaysan iyo carta oo lasiiyay 65 xubnood.
Ridwan: waxaa jirta in haatan tiro xad dhaaf ah ay ku suganyihiin magaalada oo
aan la casuumin arintaas makala hadasheen gudiga shirka idiin wada?
Caydiid: arintaas wax micna leh ma'ahan shirka waxaa ku wada hadlaya 4 qabiil ee
waawayn iyo waaxda shanta , dadkana waxaa ay yihiin taageerayaasheena iyo dadka
latalinya ergooyinka oo ay ku joogaan kaar qarashkana iska bixiyaan ayaan u
sheegnay maadaama aan la awoodin qarashkooda.
.