SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Puntland iyo SRRC oo ka Baaqday Shirkii Saaka  
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | 17 Oct, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

Iyadoo maalintii 3aad uu guda galay shirka dib u heshiisiinta soomaalida ayaa ergooyinka ka socday maamulka Puntland oo uu hogaaminayo Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed aysan maanta soo xaadirin hoolkii uu shirka dib u heshiisiinta soomaalidu ka socday.

Ergooyinkaas waxay sheegeen inn ay uga maqnaayeen Kordhinta tiradii Ergooyinka Shirka Eldoret iyo ka qaybgalayaasha aan la casuumin , waxayna arintaani ka danbaysay markii shalay ay ku hanjabeen in aysan kasoo qayb galeenin ilaa laga xaliyo tirada sii kordhaysa ee ka qaybgalayaasha.

Wariyaha IQRA Kadija Mayoow iyo Qoraaga lagu magacaabo Maxameed Deeq oo nala soo xiriiray waxay kaloo sheegeen in iyana aan golaha wada hadalka cag soo dhigin Wufuudii ka kala socday SSRC, Waxaa kaloo aan ka soo qayb gelin shirkii saaka hogaamiye kooxeedka Maxamed Dheere, Dhinaca kale Muuse Suudi iyo Shaati Guduud oo ku sugan Eldoret.

Dhanka kale IGAD ayaa khatyaan ka taagan dad iskood isku Casuumay ama ay ugacan haadiyeen kuwo markii hore ismaqiiqay oo casuumad aysan hubsanin ugu yeeray ,kuwaasoo la sheegay inay hoganayaan duleedka goobta shirka uu ka dhacayo waxaana ay ubadantahay in goobohoodii lagu soo celiyo.

Ergayga Kenya u qaabilsan Soomaaliya Mwangale oo saaka ka hadlayay shirka ayaa yiri:

Somaliland waan ku casuunay shirka isla markaana ay sugayaan wali waxaana wanaagsan hadii ay doonayaan in ay go’aan in ay sheegtaan oo ay yimaadaan.

ridwanhaji@journalist.com 

iqrafm@bidii.com 

Oct 16, 2002

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

 

Shirkii Eldoret oo Furmay
Labawarbixinood oo kusaabsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. 
»» Warbixintii Radio IQRA fm 
»» Warbixintii Maxamed Xaaji Ingiriis
»» Eldoret Oct 15 & Aragtida Shacabka[DoodFuran]


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD