SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Puntland oo ka cabanaysa kordhinta ergooyinka
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | 16 Oct, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M

 Sida ay nasoo gaarsiinayaan wariyayaasha Idaacada IQRA ee ku sugan magaalada Eldoret oo shirka soomaalida uu ka socdo ayaa Ergooyinka ka socda maamulka Puntland ee uu hogaaminayo col. Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa ku hanjabay maanta in ay ka baxayaan shirka hadii lakordhiyo tirada ergooyinka ee 300 horay loogu heshiiyay, iyadoo cabashadaas ay u bandhigeen IGAD oo haatan shir kaleh umuurtaas.

Iyadoo ay jiraan maalmahan in la kordhiyay Ergooyinka ka dib markii cabashooyinka ay soo kordheen oo koox walba ay saluugeen.

Shirka Eldoret oo maalintiisii labaad galay manta waxaa ergooyinka ay soo jeediyeen 3 arimood

1- in dib loo eego 14kii heshiis nabadeed ee horay loo qabtay ilaa iyo 1991

2- 2-in laga baaraandago khilaafaadka dadka soomaaliyeed ku dhex jira si xal waara loogu helo

3- in lasoo gudbiyo ajandada Shirka wajigiisa 1aad looga hadlayo.

Ergooyinka manta waxaa kusoo biiray Janaraal Adan Cabdulaahi Nuur Gabyoow iyo Xuseen Caydiid oo ka tirasan SRRC iyo cali mahdi maxamed iyadoo lafilayo Ergooyin ka imanaya Dawxada Juba,RRA iyo Hogaamiyo kooxeedyo kale oo ilaa iyo haatan aan soo gaarin shirka.

Shirka soomaalida oo ay shalay ka hadleen madaxwaynayaasha Sudan Cumar Xasan Al bashiirMadaxwaynaha Ugandha Yoweri Museveni, Raisu wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Maxamed Saxnuun waxay ugu baaqeen soomaalida in ay gaaraan dhexdooda heshiis mira dhal ah oo looga gudbo dawlad la’aanta iyo kala danbayn la’aanta ka taagan Somaliya

ridwanhaji@journalist.com 

iqrafm@bidii.com 

Oct 16, 2002

»» DOODFURAN: Eldoret Oct 16 & Aragtida Shacabka

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

 

Shirkii Eldoret oo Furmay
Labawarbixinood oo kusaabsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. 
»» Warbixintii Radio IQRA fm 
»» Warbixintii Maxamed Xaaji Ingiriis
»» Eldoret Oct 15 & Aragtida Shacabka[DoodFuran]


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD