Yurub iyo Kenya oo kala
saxiixday Heshiis ku saabsan Maal galinta Shirka Soomaalida ee Eldoret.
Guddiga
Yurub ee lagu soo gaabiyo (EU) Iyo Dawladda Dalkan Kenya Waxay Kala Saxiixdeen
Dhowaan Heshiis Ku Saabsan Taageero Maalgelineed oo loogu tala galay Shirka dib
u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Soo Socda.
Heshiiskaani Waxaa Uu Qayb Ka Yahay Kaalmada
Yurub Ku Gacan Siinayso Hanaanka urur goboleedka IGAD ay Isku Soo Dubariday Ee
Ay Wadajirka Uga Shaqaynayaan Dalalka Kenya , Djibouti Iyo Ethiopia Iyo
Xoghaynta IGAD Ee Nabadda Dalka Somalia.
Guddiga Yurub Waxa Uu Dhiirigelinayaa Dadaalka
Dalalka IGAD Ee Safka Hore Arimaha Somalia Ee Horumarinta Dib U Heshiinta Oo
Gaar Ahaan Yurub U Soo Dhoweynaysaa Shirka soomaalida Talaabadii Labaad Ee
Fududaynta Hanaanka Loogu Tala Galay Samaynta Qaabka Dawlad Sal Adag Oo Somalida
Dhexdeeda Kaga Heshiin Karto.
ridwanhaji@journalist.com
iqrafm@bidii.com
Oct 1, 2002
FAAFIN: SOMALITALK.COM
KAYDKA WARARKA
EE IQRA - News Archive -
GUJI/CLICK
|