SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Al itixaad oo lagu eedeeyay weerarkii mombasa
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | Nov 30, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

 

mas'uul sare oo u hadlay dalka maraykanka ayaa sheegay in qarixii loo gaystay hotelka paradise ay ku lug leeyihiin Ururka islaamiga ah ee lagu magacaabo Al-Itixaad Al- Islaamiyah oo tuhun wayn laga qabo in ay xiriir la wadaagto ururka al qaacidah ee usaama bin laden, ninkaas oo aan carabaabin magiciisa ayaa tibaaxay in kooxdaasi ay ku noolyihiin dalkan kenya.

ururka al itixaad waxaa uu kamid ahaa urardii maraykanka uu kusoo daray liiska ururada uu ku tuhmay in ay xiriir la leeyihiin al qaacidah kadib weeraradii lagu qaaday 11 sep magaalooyinka new york iyo washinton.

waxaa kaloo mas'uulkaasi uu sheegay in kooxdaasi ay ka danbeeyeen qaraxyadii lagu qaaday adis ababa sanadihii 1996 iyo 1997 kuwaasi oo la sheegay in ay tababar kusoo qaateen dalka afqaanistaan.

dhanka kale waxaa ilaa iyo haatn ciidamada dalka kenya iyo kuwa israaiil ay gacanta ku dhigeen 21 ruux oo 4 kamid ah ay soomaali yihiin halka 6na ay tahay baakistaaniyiin waxaana ay baarayaan in falkan ay dadkaasi kulug leeyihiin. iyadoo ay nasoo gaarayaan warar sheegaya in lasii daayay naag maraykan ah iyo ninkeeda oo isbaanish ah markii wax lagu waayay.

booliska dalka kenya waxay sheegeen in dadka soomaalida ah iyo kuwa baakistaaniyiinta ah ay si sharci dara ah kusoo galeen wadanka sidaas daraadeedna ay xaqiijinyanaa waxa ay ahaayeen iyo in ay lug kuyeelan karaan weerarka lagu qaaday hotelka iyo dayuurada israa'iil.

dhamaan arimahan waxay ka danbeeyeen markii khamiistii qarax wayn uu ka dhacay hotelka paradise oo 15 ruux ay ku dhinteen halka 80 kalana ay kun dhaawacmeen ,iyo dhanka kale gantaalo lala gafay dayuurad ay israa'iil leedahay oo 260 rakaab ah u siday israa'iil markii ay ka kacday garoonka dayuuradaha ee garoonka Moi ee ku yaala magaalada mombasa.

warrkii ugu dambeeyey ee Kenya iyo qaraxii mombasa ka eeg halka ama halkan. 

ridwanhaji@journalist.com 

iqrafm@bidii.com 

 Hotel lagu Qarxiyey Mombasa iyo Diyaarad Gantaal lagaga Gamey Mombasa
Hotelka iyo diyaaradaba waxaa leh Israel, diyaaradu wey ka badbaadey gantaalkaas, hotelka waxaa ku dhintay 11qof kaddib markii gaari ay saaraayeen sadex.. GUJI...

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

 

Shirkii Eldoret oo Furmay
Labawarbixinood oo kusaabsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. 
»» Warbixintii Radio IQRA fm 
»» Warbixintii Maxamed Xaaji Ingiriis
»» Eldoret Oct 15 & Aragtida Shacabka[DoodFuran]


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD