Aden madoobe iyo Cali Marguus oo shirka Eldoret ku soo
biiray.
goor hore oo saaka ah ayaa wararka naga soo gaaraya magaalada Eldoret ay
sheegayaan in shalay galinkii danbe ay soo gaareen magaalada Eldoret wafdi uu
hogaaminayo sheekh aden madoobe oo uu kamid yahay Cali Marguus oo labaduba
kamid ah maamulka RRA ee gobolada Bay iyo Bakool sida uu ku soo waramayo
wariyaha IQRA Terra oo ku sugan Eldoret.
waxaana wafdigaas ay ka qayb galayaan wajiga labaad ee shirka oo maalinta
isniinta ah ka furmaya Eldoret si horay loogu sii wado labada qayb ee kale ee ka
dhiman shirka nabadaynta soomaalida.
hanka kale maanta waxaa shir yeeshay gudiga farsamada IGAD waxaana ugu muhiimsan
waxyaabaha ay kaga hadlayaan kulankaas sidii Ergooyinka shirkaas loogu soo koobi
lahaa 350 loo fidiyay casuumadda.
ridwanhaji@journalist.com
iqrafm@bidii.com
ELDORET:
Taxanaha Wararka
FAAFIN: SOMALITALK.COM
KAYDKA WARARKA
EE IQRA - News Archive -
GUJI/CLICK
|