Madaxa gudiga doorashooyinka Mr Samuel Kivitu ayaa ugu baaqay dhamaan
dadwaynaha codkooda dhiibanaya in ay xaqiijiyaan sidii bari ay ugu dareeri
lahaayeen goobaha sanduuqyada codbixita iyo in loo fudaydiyo
waayeelka,bukaanka iyo curyaanka ee codaynaya mar uu noogu warmayay Count
Hollka Nairobi.
Gudiga doorashooyinka kenya waxaa uu kala socon doonaa arimaha
doorashooyinka 17 barood ,waxaana lagu codayn karaa kibaandhayaashii hore
iyo kuwa cusubba.
jagada madaxwaynanimada waxaa u sharaxan 5ta hogaamiye ee kala ah musharaxa
Narc Mwai Kibaki, Musharaxa KANU Uhuru kenyatta ,musharaxa Ford People Simon
Nyajae,musharaxa SDP jemis Orengo iyo musharaxa Jama ja'uma Waweru Ngethe.
waxaa kaloo axsaabtaas ay isku herdinayaan golaha baarlamaanka oo 210 kursi
ka kooban iyo 2103 oo ah dawladaha hoose oo dhamaan goboladda ka dhici doona.
lama saadaalin karo cidda ku guulaysanaysa doorashadan maadaama nooceeda
horay dalku uuna usoo marin tan iyo markii kenya ay xonimada qaadatay 1963
laakiinse waxaa ugu xooga wayn labada xisbi ee NARC iyo KANU.
Dhanka kale waxaa dalka soo gaaray ilaaliyayaal caalami ah oo la socondoona
doorashooyinka kuwaasi oo kala ah ururka barwaaqa sooranka,midawga reer
yurub ,maraykanka iyo xarunta madaxwaynihii hore ee dalka oo lagu magacaabo
Jimmy Carter Foundation.
waxaa kaloo doorashooyinka la soconaya ilaa 5000 oo suxufiyiinka ka socda
warbaahinta dalka iyo kuwa caalamiga ah oo iyana haatan lasiyay karar ay si
xor ah ugala soconayaan goobaha codbixinta ee sanduuqyadu ay yaalaan.
waxaa haatan socda munaasabado loogu diyaar garoobayo sidii xilka loogu
wareejin lahaa madaxwaynaha cusub ee badali doona madaxwayne Danial Arab Moi
oo in ku dhow rubcul qarni soo xukumayay dalka
-dhammaad-
Codbixinta
Nairobi iyo Kaalinta Soomaalida
waxaa soomaalida ku dhaqan xaafadda islii,
Nairobi, la hadlay Mr Uhuru Kenyatta oo ah musharaxa doorashada
madaxwaynanimada xisbiga KANU ... GUJI...
24/12
.... HALKAN
KA BAAR WARARKII IQRA
ELDORET:
Taxanaha Wararka
FAAFIN: SOMALITALK.COM
KAYDKA WARARKA
EE IQRA - News Archive -
GUJI/CLICK
|